SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Ardayda wax ku barata Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho ... AKHRI...


WARBIXINTA QARAMADA MIDOOBEY

Warbixin dheer oo Qaramada Midoobey ka qortay Soomaaliya... Ka akhri halkan (PDF)
[Waa fayl culus oo dhan 1.97MB]
Faylka PDF waxa uu u baahan yahay in lagu akhriyo adobe (kasoo rogo halkan)


Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya


Maanta iyo wararka Caalamka

Nov 29, 2006

Diyaaradaha British Airways oo laga helay sunta Radioactive

Dowlada Ingiriiska oo dabagal aad u weyn ku heysa sababtii keentay in basaasihii ruushanaka ahaa lugu sumeeyo sunta loo yaqaano radio active ayaa ka warheshay in qaar kamid ah diyaaradaha rakaaba qaada ee British Airways lugu arkay raadka suntaasi. Kasokow geeridii ninkaasi booliska ayaa bilaabay baaritaan la xirriirta sida ay suntaasi ku timid gudaha diyaaradahaaso.
Sadex kamid ah diyaaradahaasi ayaa labo kamid ah ayaa si weyn baaritaan loogu sameeyey iyagoo dhamaantood laga joojiyey adeegsigii xaga duulimaadyada. Dhinaca kale dowlada Sweden ayaa walaac ka muujisay diyaaradhaasi qaar kamid ah oo horey garoomadeed u yimid, balse u qeybsanaha xaga saxaafada ee shirkaadaasi British Airways ayaa u shegay dadka reer Sweden ineysan jirin halis ay ka qabi karaan suntaasi.

Baasasaha u dhashay dalka Ruushanka magaciina la oran jiray Aleksandr Litvinenko ayaa u toddobadki hore waxa u geeriyooday sumeyn lugu sameeyey kadib markii shaah uu cabayey loogu daray suntaasi loo yaqaano radioactive-ka, iyadoo arrintan lugu tuhumayo qaar katirsan dowlada Ruushka oo dhowr jeeer cambaareyn u soo jeediyey.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo cambaaryey dagaalka lugu qaaday Ciraaq

Madaxweynihii hore Mareykanka Jimmy Carter ayaa siweyn u cambaareyey dagaalkii lugu qaaday dalka Ciraaq. Wareysi uu siiyey telefeyshinka CNN-ta ayuu sheegay in qaladka ugu weyn ee hogaamiye Mareykan ahi galo ay tahay dagaalka lugu qaaday dalkaasi.
"Waxaan aaminsanahay in arrintan asalkeeda (duulkaankaasi) iyo waxyaabaha daba socdo ay ahaayeen qalad" ayuu yiri Carter oo muujinayey sida dagaalka Ciraaq u ahaa mid lugu deg degay. Isagoo arrintaasi ka sii hadlaya ayuu sheegay in madaxweyne Bush heyso fursad uu hada ku xalin karro wixii qalad ah oo dhacay ama uga soo bixi karo dalkaasi taasou muuqaneysa guul, iyado taasu misna u marayo qabsoomida shirweyne caalami ah oo xiisadan looga hadlayo sidii loo xalin lahaa.
Waxaa uu sheegay in Ciraaq ay arrinteeda ka duwan tahay caalamkana ay si weyn u yaqaanan sida aysan iyagu aqaan ama aysan kula barbari dhigi karrin Veitnam, hadalkaasi ayuuna kaga jawaabay su'aal aheyd in dagaalka Ciraaq ahaa mid waalan.
Ugu dambeyntiina waxaa uu tilmaamay Jimmy Carter in dagaalkaasi yahay qaladkii ugu weynee ee madaxweyne Marekeyn ahi sameeyo.

Nov 28, 2006

Dugsi Quraan lugu barto oo lugu eedeyey in ardeyda baro naceybka Yahuuda

Dugsi Quraanka kariimka lugu barto oo ku yaal gobolka Odense ee dalka Denmark ayaa lugu eedeyey in ardeyda lugu barro naceybka Yahuuda. Wargeyska xagjirka ah dhawaan aflagaada darran u geystay Nabi Muxamed NNKH ee Jyllands- Posten oo amuurtan shaaca ka qaaday ayaa sheegay dugsiga carruurta dhigato u sheego in haddii bariga dhaxe laga doonayo Nabad ay haboon tahay dhamaan Yahuuda, sidoo kale ayaa wargeysku xusay in qoraalo naceyb xambaarsan carruurta loo akhriyo.

Wasiirka isdhexgalka dalkaasi oo isla wargeyskaas warkan qoray u sheegay iney tahay wax laga naxo lagana xumaado in carruurta lugu koriyo colaad iyo xiisad iyagoo qeyb ka aha shacabkaasi oo malaha loola jeedo in dhamaantood waa Yahuuda iyo Carabta ay yihiin kuwo deris ah oo weligood ahaan doona.

Mas'uuliyiinta dugsigaasi ayaan iyagu wax war ah kasoo saarin eedeymaha loo heysto ee ah iney carruurta dhigata dugsigaasi ku tarbiyeeyaan naceybka soo jireenka ah ee u dhaxeeya carabta iyo yahuuda.

Bush oo diidan in Ciraaq lugu sheego in dagaal sokeeyo ka bilowday

Iyadoo caalamka aysan ka qarsaneyn waxyaabaha ka dhacaya dalka Ciraaq ee qubarada siyaasada indho dheeya ku sheegeen iney tahay dagaal sokeeyo oo u dhaxeeya Shiicada iyo Sunida, ayuu hadana madaxweyne Bush-ka Mareykanka sheegay in xaalka Ciraaq aan lugu sheegi karrin dagaal sokeeyo.
Socdaal uu ku joogo haatan wadamada Baltikanka islamarkaasina uu kaga qeybgalayey kulanka Nato ee ka furmay magaalada Riga, ayuu sheegay in weeraradii isdaba jooga ah ee ka socoda Ciraaq ay qeyb ka yihiin qalalaasaha kooxaha uu ku sheegay mintidka ee ka tirsan Alqaacida kuwaasoo doonayo buu yiri iney abuuraan dagaal ku dhisan kooxo kooxo diimeed ah, waxaana uu diiday in dalkaasi ku jiro marxalad dagaal sokeeye ah.
Bush iyo madaxda kale ee Nato ayaa ka munaaqishooday xaalka amaan darro ee Afgaanistaan, waxaana uu xulufada nato u sheegay iney diraan ciidamo kale oo dheeri ah si ay nabada ugu dabaalaan, iyadoo uu farta ku goday dalka Estland si ay amuurtan dowr fiican uga qaadato.

Koofi Annaan oo ku baaqay shirweyne caalami ah oo loogaga hadlo xaalka Ciraaq

Xoghayaha guud ee gollaha amaanka Qaramada Midoobey Koofi Annaan ayaa ku baaqay in shirweyne caalami ah iyadoo la kaashanayo ama ay dowr ka qaadaneyso Qaramada Midoobey oo loogaga hadlo arrimaha murugsan ee dalka Ciraaq si la isla eego dhibaatada xiddideysatay ee dalkaasi haatan marayo.
Mar uu la kulmay susuxfiyiin ku sugan New York ee daarta Qaramada Midoobey ayuu ku nuux nuuxsaday in shirkaasi qabsoomidiisu tahay muhiim iyadoo la tixraacayo buu yiri waxyaabihii ay Qaramada Midoobey ka sameysay dalkii la oran jiray Yuguslaafiya iyo meelo kale oo kamid ah caalamka dacaladiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay in shirweyne noocan oo kale ah ay u baahan tahay diyaargarow xoogan maadama Ciraaqiyiintu aysan gacantooda isku meel marrin karrin, "in beesha caalamkana ay xagga maaliyada ka geysato gacan weyna" waxaa uu muujiyey in ay taasi tahay laga maarmaan.

Ciraaq haatan waxey isku badashay goob fowdo ah oo ku hardamayaan shiicada tirada badan iyo suniyiinta xukunka muddada badan hayey, waxaana tan iyo markii Mareykanka dalkaasi duulaanka ku qaaday isku badashay mid dagaalo aargoosi ahi dhexdooda kooxahaasi ka dhaco iyadoo ay u sii dheer tahay weerarada ismiidaaminta ah ee lala beegsanayo shacabka iyo ciidamada Mareykanka ee laftooda dagaalka kula jira waxey ku sheegeen kooxaha argagaxisada ah.

Wararkii 27.11.2006

Suntii lugu sumeeyey basaasihii Ruushkanka ahaa ee geeriyooday oo Internet-ka lugu iibinayo

Basaasihii u dhashay ee dalka Ruush-ka ee toddobaadkii hore u geeriyooday sun la sheegay in loogu daray shaah uu cabayey ayaa haatan la sheegay in lugu iibiyo aalada Internet-ka. Sunta loo yaqaano radioactive oo ay ku jirto maadada sida daran wax u gumaada ee polonium-210 ayaa si sharci ah waxaa looga iibsan karaa internet-ka. Qoys u dhashay dalka Mareykanka oo leh shirkad ay ku magacaabeen United Nuclear Scientific Supplies, ayaa iyagu bogga ay internet-ka ku leeyihiin ku soo daabacay in maadadaasi oo iib ah laga helayo, sidoo kale maadooyin kale oo ka sameysan kiimada ayaaa lugu sheegay website-kasi inuu iibiyo.
Boggan oo ay maamulaan qoyska Bob Lazar och Joy White oo degan gobolka New Mexico ayaa aaminsan lahaanshaha awooda ay maadooyinkaasi kiimikada ahi ku iibiyaan aysan aheyn mid argagaxiso sida ay sheegteen.

Sanadku markii 2003-dii ayaa booliska waxey xirriir la sameeyeen qoyskaasi kuwaaso cadeyn u raadinayey kiimo laga sameeyo bamka oo ay iibiyeen taasoo keentay in la joojiyo iibintaa maadiyinkaasi qatarta ah tan iyo amar dambe. Sanadkan horaantiisi ayaa markale ay ku sheegeen qoyskani in dowlada u ogolaatay iibinteeda balse laga iibsan karro dalka Mareykanka iyo dalalka ku dhow dhow. Qoyskan ayaa sheegay in marka laga soo dalbado alaabtaasi ay iyadoo si weyn amaankeeda u sugan oo baakadeysan diraan.
Suntii lugu dilay basaasihii ruush-ka ahaa Polonium-210 ayaa iyada qiimaheeda lugu iibiyaa 69 dollar.

36 ruux oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Iiraan

Diyaarad kuwa yar yar ee meleterigu leeyihiin ayaa ku dul burburtay agagaarka gegida diyaaradaha magaalada Teheran ee la yiraahod Merhabad. Telefeyshinka Iiraan oo soo xiganayey warmurtiyeed la soo gaarsiiyey ayaa sheegay in diyaaradaasi oo nooceedu yahay Antonov-74 islamarkaasina ku jirtay mid kamid garaashyada ayraboortadaasi ay qaraxday.
Diyaaradan oo sidoo kale kamid ah noocyada lugu soo sameeyey dalka Ruushka ayaa ku siijeeday gobolka Shiraz oo xaga bari ee dalkaasi ku taal ka hor inteysan qaraxin. Dadka ku dhintay diyaaradasi ayaa tiradooda lugu qiyaasay 36 ruux halka labo kale oo kamid ahi rakaabkaasi la sheegay iney dhaawacmeen.

Shilalka diyaaradeed ee ku yimaada Iiraan ayaa mudoyinkan aad soo badanayey sida ay ku waramayaan qabiirada xaga duulimaadyada u qaabilsan, sidoo kale arrintanina waxaa lo aaneynayaa iney ugu wacan tahay Mareykanka oo hortaagan iibsiga diyaaradaha casriga ah ee Iiraan ay ka iibsaneyso dunida reer galbeedka taasoo ah bey leeyihiin qubaradani mid dhabar jab iyo amaan xumo ku ah dowlada Iiraan.
 


Nov 27, 2006

Faransiiska iyo Rwanda oo qoloba qolada kala eedeyneysa

Madaxweyneha Rwnada ee dhawaan xaakim faransiis ahi ku eedeyey inuu ku lug lahaa dilkii lo geystay madaxweynihii hore ayaa haatan arrintaasi waxa uu dusha u saaray Faransiiska laftooda oo sheegay iney dowr weyn ka qaadatay qaarijintii madaxweynahaasi.
Madaxweyne Paul Kagame waxaa sidoo kale uu ku edeeyey in dadkii falalka xasuuqa ah geystay ay siisay badbaado, wareysi uu siiyey wakalada wararka faafisa ee Reuters ayuu iska fogeeyey eedeymaha laftiisa loo heysta ee dilkii madaxweynahaasi.

Labada dowladood ayaa haatan waxaa ka dhex oogmay dagaal xagga afka ah tan iyo markii maalintii jimcii xaakimkaasi reer Faransa amray in ninkaasi dacwad ka dhan dil la qorsheeyey maxkamad loo soo taago, arrintanina waxey keentay in xukuumada Rwanda ay jarto xirriirkii ay lalaheyd Paris waxaana ay ka codsatay danjiraha faransa ee dalkeeda fadhiya inuu si deg deg ah uga baxo.

Ra'iisalwasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo cisbitaal loola cararay

Ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa cisbitaal loola cararay kadib markii uu suuxay xilli uu qudbadeeynayey taageerayaasha xisbiga uu ka tirsan yahay ee dhawaan lagala wareegtay awooda dalkaasi. Berlusconi ayaa markii uu soo koray salaada u ka qudbadeynayey bilaabay inuu aamuso kadibna naqaska uu ku dhago taasoo keentay in markii dambe tabarbeelo oo suuxo. Durba waxaa ku soo cararay qaar kamid ilaaladiisa kuwaaso ula cararay cisbitaal ku yaala magaalada Milano oo diyaardaha qumaariga u kaca ku qaaday.

Dhaqarkiisa ayaa sheegay inuu jiro xanuun xagga wadnaha ah oo keenay suuxitaankiisas waxaana uu qaata kaniiniyaal antibiyootik ah. Sida laga soo xigtay telefeyshinka SKY TG24 oo isagu si toos ah u soo gudbinayey barnaamijkani, Berlusconi waxaa uu markii uu yimidba meesha ka codwday kuleyl aad u darran oo loo aaneyey suuxitaankaasi.
Inkastoo siyaalo kala duwan lugu sheegay sababtii keentay inuu isagoo qudbad ku jiro suuxo ayaa ah arrinta taasi u dheer ayaa ah inuu la il darran yahay xanuunka wadnaha looga sheegayo ee u qaato antibiyootikada kaniiniyaalka ah iyo dacwada haatan ku socota ee wax isdaba marsiin ah.
Talaadadii ayey aheyd markii maxkamad loo horkeenay taaso loo heysto musuq maasuq iyo iyo ku tagrifalida awooda warbaahin la sheegay iney si gaar ah u maamulaan reerkiisa.

Baadariga ugu sareeya madhabta Katoliga oo Turkiga booqasho ku yimid

Ninka ugu sareeya diinta masiixiga madhabteeda Katoliga Benedictus XVI ayaa booqosho horey u sii qorsheyna waxa uu ku tagay dalka Turkiga halkaasoo dadweyne aad u farro badan oo ka cadheysan aflagaadadiisi ay ku banaan baxeen.
Baadarigan oo dabcan wadahadal la leh dowlada dalkaasi ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyey jaamacad ku taalay dalka Jarmalka si weyn u weeraray Islaamka waxaana uu nuqul kamid ah qoraal uu qarinayey sheegay in Nabi Muxamed NNKH ahaa uu dunida la yimid shar isagoo seef dadka ku qasbaya waxeysan rabin, hadalkan oo ahaa mid uu qoray imbaratoor masiixi ah ayaa keentay iney muslimiinta dunida si weyn uga caroodaan.
Raaligareyn aan toos aheyn oo hadalkaasi uu ka baxshay ayuu sheegay inuusan xagjirkaasi la qabin waxa uu Islaamka ka aaminsan yahay balse hadalka uu isagu laf'aantiisa xushay ayaanu ka baxin raaligareyn, waaa mida keentay in haatan in ka bdan 200.000 oo dad ahi ay ku banaanbaxaan booqashada uu ku tagay dalkaasi Turkiga

Nov 26, 2006

Dick Cheney oo Sacuudi Careebiya gaaray

Iyadoo xaalka Ciraaq noqoday mid haatan loo caal waayey ayaa hadana dowlada Washington waxey isku dayeysaa iney raadiso wado kasta oo ay uga bixi karto dhiiqada ay dhex taagan tahay, iyo fowdada uu dalkaasi ka abuuray.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa amuurtaasi waxa uu u yimid barriga dhaxe isagoo lugtiisi ugu horeysay uu dhigay dalka Sacuudiga halkaasoo uu wadahal qaatay sadex saacadood la yeeshay boqorka dalka Sacuudiga Careebiya boqor Cabdalla inkastoo aysan kawada hadlin kulankoodii wixii kasoo baxay.

Xukuumadda Bush waxa ay dooneysa in dowlada Sacuudiga ay dowr muuqda ka qaadato xal u helida mushkilada Ciraaq gaar ahaan suniyiinta, madaxweyne Bush-na waxaa lugu wadaa toddobaadka dambe uu la kulmo madaxweyne Talabani si ay ugu wadahadlaan wadciga Ciraaq.

Dadka reer Ingiriis oo kacsan kadib geeridii basaasihii Ruushanka ahaa ee lugu sumeeyey dalkaasi

Dadweynaha Ingiriiska ayaa haatan walaac weyni waxa uu ka heystaa wararka la xirriira dilkii loo geystay basaasihii Ruushanka ahaa ee lugu sumeeyey mid kamid ah maqaayadaha Eeshiyaanka ee ku yaala magaalada London. Dowlada Ingiriiskana waxey isku dayeysaa iney dadweynaha dejiso. Mid kamid ah mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in suntii basaasihii Ruushanka ahaa ee
Aleksander Litvinenko ee laga helay goobaha caamka ah ee dadku cunteeyo ayasan aheyn mid qatar ah ilaama qof bani'aadam ah korkiis lugu tijaabiyo.
Booliska iyo shaqsiyaad ku dhow dhow dowlada ayaa haatan dood weyni ka heysata sidey amuurtan u maareyn lahaayeen,waxaana ay safaarada Ruush-ka ka codsadeen iney gacan ka geysato sidii loo soo qaban lahaa dadka lugu tuhumayo sumeyntii basaaskaasi lugu qaarajiyey. Booliskana waxey baaritaano ku hayaan kaamiradihii ku dhagana goobihii uu basaaskaasi tagay ee shaqsiyaad kula kulmay kahor intii aanu u xanuunsan kuwaasoo ah sadex goobood. Sidoo kale hey'ada caafimaadka ayaa dooneyso iney xirriiro la sameyso dadkii uu la kulmay maalintaasi. Aleksander Litvinenko oo ahaa basaas hore ooo ruushan ah kana tirsanaa sirdoonkii dalkaasi ayaa ka baxay howlihii basaasnimo waxaana uu kamid noqday shaqsiyaadka sida weyn u dhaliilsan xukuumadda Putin, waxaana uu maganlyo siyaasadeed ku joogay dalka Ingiriis oo markii dambe ay siisay dhalasheeda.

Nov 25,2006

Basaaskii Ruushanka ahaa ee dhawaan la sumeeyey oo geeriyooday

Basaasihii Ruushanka ahaa Aleksander Litvinenko ee dhawaan lugu sumeeyey dalka Ingiriiska ayaa habeen hore ku geeriyooday cisbitaalkii lugu dawenayey, kadib markii dhaqaatiirkii ay ka bixiyeen qalibkii ku rakibnaa oo qaarkood nafta ku sii celinayey.
Dhaqaatiirka ka howlgasha cisbitaalka University College Hospital inkastoo ay bilowgii hore ku tuhmayeen in ninkaasi lugu sumeeyey maadada loo yaqaan tallium ayaa hada wararka halkaasi laga helaya sheegeen in lugu sumeeyey maadada iyadana loo yaqaan radioactive taasoo ah mid siddan u baa bi'isa beerka iyo kilyahay. Sidoo kale dhaqaatiirta ayaa weli isweydiinaya sida ninkaasi suntaasi loogu darray shaah la sheegay inuu cabayey.

Basaaskaas la sumeeyey laftiisa oo ka hor intuusan dhiman suuragal u noqotay inuu hadalo kooban siiyo warfidiyeenada ayaa sheegay in dowlada Ruushanka ka dambeeyey. "Gacanta ayey igu dhigeen, laakin annagoo dhan gacan nuguma dhigi karaan" ayuu yiri Aleksander Litvinenko oo dowlada Ruusha laf dhun gashay ku noqday.
Basaaskan oo heysta dhalasho ingiriis ah ayaa haddii dilkiisa ay ka dambeeyaan sirdoonka Ruushka keeneysa in xirriirka labada dal qunyar socod noqdo, maadama ninkani uu ingiriiska ku joogay nabadgalyo siyaasadeed bil ka horna intii aan la sumeyna qaatay dhalashada biritish-ka.

Madaxweynaha Ruushanka Vladamir Putin ayaa dilka ninkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado waxaana uu sheegay inuu tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday isagoo iska fogeeyey inuu ka dambeeyey dilka ninkaasi ka tirsana sirdoonadii Ruushshanka. waxaana uu sidoo kale balan qaaday inuu gacan ka geysanayo sababtii keentay in ninkaasi la dilo haddii dowlada biritin ay arrintaasi ogolaato.
Alexander Litvinenko waxaa caafimaad ugu dambeeysay horaantii bishan markii maqaayad laga cuno cuntada loo yaqaano SHUSHI oo ah cuntada eeshiyaanka uu maqaayadaasi kula kulmay saaxiibo hore oo ay kawada tirsanaayeen sirdoonka halkaasina ay shaah ku wada cabeen, waxaa uu isaga laftiisa sheegay jirada uu ka qaaday shaahaas uu cabayey, waxaana uu si toos ah u abaaray Putin oo farta ku fiiqay inuu ka hayey sir badan oo la xirriirta falal uu geystay iyo dilkii gabadhii joornaalistaha ee Anna. haatan xukuumada Putin waxaa ka baxay leeb ku taagnaa taasoo ah inuu meesha ka baxay shaqsi kamid ah kuwa ku ah cadowga.

Rwanda oo xirriirkii ay la laheyd Faransiiska goysay

Xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda ee boqolaal kun ku dhinteen bilowgii sagaashameyadii waxa uu haatan abuurtay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa dowlada Faransiiska iyo dalkaasi, kadib markii Rwanda ay xirriirkii diblomaasi ee dalkaasi jirtay.
Arrintan ayaa timid markii xaakim reer Faransiis ahi uu sheegay iney haboon tahay in dacwad lugu soo oogo madaxweynaha dalkaasi. Xaakimka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cadaalada la horkeeno toboneeyo ruux oo la sheegay iney gacan yare yaal u ahaayeen madaxwene Kagame kuwaasoo lugu tuhmayo iney ka dambeeyey xasuuqi loo geystay in ka badan 800.000.

Dowlada Faransiiska ayaa lafteeda lugu eedeynaya iney taageersan tahay garabka huutiga islamarkaasina ay ugu yaboohday saanado meleteri ka hor dagaalki sokeeye iyo kadiba.


Nov 24, 2006

Hogaamiyihii Xamaas oo masar booqasho ku jooga

Hogaamiyaha ugu sareeya dhaqdhaqaaqa Xamaas Khalid Mishal ayaa booqasho shalay booqasho ku tagay xarrunta dalkaasi Masaarida ee Khaahira halkaasoo la sheegay inuu u tagay sidii ugu heli lahaa taageero la xirriira wax ka qabashada dagaalka xaga gacan ka hadalka ah ee kala dhaxeeya Israa'iil. Horaantii bishii oktoobarna waxaa dalkaasi tagay wefdi Xamaas ah oo doonayey in dowlada Masar wax ka furdaamiso qorshaha lugu doonayo askari Israa'iiliyaan ah oo ay heystaan kaasoo ay ku badalanayaan maxaabiis reer Xamaas oo yahuudu xabsiyadeeda ku heyso.

Xamaas ayaa iyadu sidoo kale waxey gacanta ku heysaa askarigaasi la yiraahdo Gilad Shalit oo bishii juun ay xadka Gaza kasoo qafaalatay ciidamada Israa'iilyiintuna waxey afduubkaasi jawaab kaga bixisay weeraro meleteri oo ay u geysatay goobaha falastiiniyiintu leeyihiin sida marinka Gaza.

Ciraaq oo shalay dhiigi ugu badnaa ku daatay


Tani waa dhaxalkii laga dhexlay dagaalkii bareerka ahaa ee lugu qaaday dalkaasi iyadoo la riday dowladii sharciga aheyd ee Saddaam Xuseen hogaaminayey, sidoo kale tani waa Xorriyadii ay doonayeen Mareykanka iyo intii ku fikirka aheyd ee u tagay dagaalkaasi baadigoobkii kooxaha ay ku sheegen Argagaxisada. Shaki kuma jiro iney maanta qoomamo ku jiraan cidii ka dambeysay ridistii dowladaasi laga baqayey, su'aashuse waxey tahay yey dani ugu jirtay in Ciraaq la burburiyo? Ma Israa'iil, mise Mareykanka ama shacabka naarta Jahanabo qeyb kamid ah adduunyada lugu tusay? Dabcan jawaabtaasi waxaa la oran karaa waxaa faa'iido ku qabto Israa'iil oo iyadu dooneysay in caalamku aaney ka hadlin Nukliyeerka tan iyo 50-meeyadii lugu tuhmayey.


Shalay waxaa deegaanka loo yaqaan Madiinatul Sadar ee ku taala caasimada dalkaasi ayaa baabuur laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa ku qarxay suuqa loo yaqaano Jamila halkaasoo ay dad badan ka adeeganayeen. Wakaalada Rueters oo soo xiganeysa booliska dalkaasi qaarkood ayaa xustay in ugu badnaan 257 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi tan iyo intii Mareykanka dalkaasi duulaanka ku qaaday sanadkii 2003-da. Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha gudahana waxa uu sheegay in gobta qaraxa ka dhacay ay markaasi ku sguneen wax ciidan ah oo amaanka suga balse ay buux dhaafsheen dad rayid ah oo adeegooda maalmeed ku jiray waa sida uu hadalkaasi u sheegay BBC-da e.

Cisbitaalada deegaankaasi ku dhawaa ayaa la sheegay in xaalada sii murugtay markii kooxo hubeysani ay halkaasina tacshhiirado eysteen inkastoo la caabiyey hadana waxaa wararku sheegeen in wax dhaawac iyo dhimasho ahi halkaasi ka dhicin.
Dhinaca kalena waxaa magaalada Bakhdad la sheegay in halkaasi booqasho kedis ah oo aan horey loo sii shaacin ku tagay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Dick Cheney si halkaasi ugula dabaal dago ciidamada Mareykanka ee jooga ciida loo yaqaano Thanksgiving, balse war kasoo baxay xafiiska Cheney ayaan arrintaasi tafaasiil ka bixin iyadoo haween u hadashay xafiiskaasina ay arrintaasi xaqiijisay.
Isbadalada ugu damabeeyey Ciraaq iyo dhiiga badan ee shalay ku daatay waxaa ay timid xilli Qaramada Midoobey ay warbixin ka diyaarisay dadkii lugu dilay dalkaasi, bishii oktoobar ee ina dhaaftay ayey warbixintu tibaaxday in la dilay 3709 ,in ka badan labo milyan oo qaxooti ahina waxey ku sugan yihiin xaalad barakac ah ayey tiri warbixintu.


Berlusconi oo lugu eedeynayo inuu dooroshooyinkii dhawaan dhacay dabareyn ku sameeyey
Wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ee la yiraahdo Ansa ayaa shaacisay in xeerlileyaha guud ee dalkaasi uu haatan baaritaan ku sameymanayo filim warbixin ah oo dhawaan soo baxay kaasoo muujinaya in ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Silvio Berlusconi uu dooroshiiyinkii kal hore dalkaasi ka dhacay ku sameeyey wax dabareyn, isadabamareyntanoo la sheegay iney keentay in loogaga guuleysto dooroshooyinka. Sameeyahan filimkan oo arrintan ka hadlayey ayaa tibaaxay in filinku yahay mid muujinaya sida ay ku dhacday tirada codbixinadii dhacday iyo dowrkii ay ku yeesheen wasaaridii arrimaha gudaha .
 

Nov 22, 2006

Wasiirkii warshadaha Lubnaan oo la dilay

Xaalad siyaad jahawareer leh ayey markale abuurtay dilka maanta loo geystay wasiirkii warshadaha ee dalka Lubnaan Pierra Jumeyl ee haatanba farta lugu fiiqay iney maamulka Dimishiq. Wiilkii uu dhalay ra'iisal wasarihii hore ee la dilay Sacad Xarriiri ayaa durba eedeyn dusha uga tuuray Suuriya waxaana uu tilmaamay "dowlad faraheeda meel walba yaalaan"

Dhinaca kalena Suuriya ayaa durba cambaareysay falkii lugu dilay wasiirkaasi masiixiga ah waxaana ay falkaasi ku sheegtay mid lugu doonayo in lugu kala dhantaalo, iyadoo sidoo kale iska fogeysay eedeymaha uga imanaya qaar kamid ah mas'uuliyiinta dalkaasi. Dowlada Mareykanka ayaa dhinaceeda falkaasi ku tilmaantay mid lugu doonayo in Lubnaan lugu burburiyo islamarkaasina ciddii arrintaasi isku deyda ay ku guuldareysaneyso. Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada waxaa isna sheegay in falakasi ahaa mid aragagaxiso oo badheedh ah.

Madaxweynaha Rwanda oo qarka u saaran in dacwad lugu soo oogo

Garsoore maxkamadeed oo faransiis ah ayaa sheegay in madaxweynaha Rwanda ee haatan talada haya ee Paul Kagame ay haboon tahay in dacwad lugu soo oogo sababo la xirriira ku lug lahaansho ninkii la wareegi lahaa talada dalkaasi oo la dilay sanadkii 1994- waqtigaasoo dalkaasi uu ka socday dagaalo sokeeyo oo lugu hoobtay.
Garsoorahan faransiiska ah oo magaciisa la yiraahdo Jean-Louis Bruguiere ayaa isagu runsan in ninkaasi la dhintay kadib markii diyaarad uu saarna gantaal lugu ganay awgiis ay burburtay sanadkii 1994-tii. Qaramada Midoobey oo arrintan baaritaan ku sameysay ayaa lafteeda farta ku fiiqday madaxweyne kagame Garsooraha reer Faransa waxa uu doonaya in madaxweyne Kagame la soo taago maxkamada caalamiga ah ee dembiyada dagaalka si waxyaabaha lugu eedeynayo lugu xaqiijyo, balse Kagame ayaa isagu isku fogeeyey dhamaan eedeymahaas loo soo jeediyey.

Cudurka AIDS-ka oo la sheegay inuu dunida ku soo badanayo

Inkastoo cudurkani yahay mid aan ilaa waqtigan xaadirka ah loo helin daawo tan iyo markii uu soo ifbaxay muddo haan laga joogo nus qarni ayaa hadana warbixinteeda sanad lah ee ay Qaramada Midoobey soo saartay ayey ku sheegtay in dunida uu haatan cudurkani si weyn ugu baahayo.

Meelaha ugu badaneyey ayey tiri sheegtay warbixintu in weli qaarada Afrika uu cudurkaasi faro kulul ku hayo, gaar ahaan bariga Saxaraha oo sadex qeybood labo kamid ahi cudurkaasi uu si weyn ugu jiro. Balse Qaramada Midoobey waxey ka digtay dalka Shiinaha in haatan cudurkaasi ku faafahayo. Laakinse waxey kaloo sheegtay warbixintu in hey'ada Qaramada Midoobey ee UN Adis- ay si weyn ugu wel welsan tahay sida xoogla leh ee cudurkani markale qaarada Afrika ugu soo badanayo iyadoo waqtiyadii dhaxe ee cudurkani faafidiisa dib u dhac ku yimid. Balse guud ahaan arrintani caalamka ayey hey'adu muujisay iney walaac weyn ku heyso saameynta cudurkan iyo faafidiisaba.


Nov 21, 2006

Warbixin sheegtay in dagaalka lugu jiro argagaxisada ay qaadaneyso 30 oo soo socda

Dagaalka ujeedada fog leh ee ay ku sheegtay dowlada Mareykanku ladagaalanka argagaxisada ayaa warbixin laga soo saaray la sheegay iney qaadaneyso sanado badan, gaar ahaan warbixintan oo meelo kala duwan wax ka eegtay ayaa xustay iney qaadaneyso soddon sano oo socoto hadeysan ka badnaan.

Hey'ada amuurtan lafo gurtay ayaa magaceeda la yiraahda ORG waxaana fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. Sidoo kale ayey hey'adani sheegtay dooroshooyinkii dhawaan ka dhacay dalka Mareykanka inaaney aheyn kuwa wax sidaas ah soo siyaadin karra.
Dagaalka lugu qaaday Ciraaq ayey kooxdani sheegeen iney aheyd "Mintidnimo qalad ah" taasoo ah mid haatan hogaanka Mareykanka gelisay xaalad cakarin.
Ka bixitaanka Ciraaq ayey sidoo kale saadalisay iney keeneyso in Ciraaq ay hoy u noqoto kooxaha ay ku sheegaan Islaamiyiinta, haddiise ay baaqi ku sii ahaadaan ciidamada Mareykanka ay iyaguna ahaanayaan kuwo bartilmaameedyo laga dhigto.

Madaxweynaha Ciraaq oo ku sii jeeda dalka Iiraan

Madaxweynaha dalka Ciraaq Jalal Talabani ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo magaalada Tehraan oo caasimada u ah dalkaasi Iiraan. Mid kamid ah dadka ku dhow dhow Talabani ayaa shaaca ka qaaday in dabayaaqada toddobaadkan u duuli doono dalkaasi halkaasoo markii ugu horeysay tan iyo intii Ciraaq Mareykanku qabsaday uu booqasho ku tago dalka deriska la ah ee Iiraan.
Mas'uulkan ayaa sidoo kale xusay in Madaxweynayaasha labadaasi dal ay ka munaaqishoon doonta xaalka Ciraaq ee isku shareeray
Dhinaca kalena xildhibaan kamid ah xildhibaanada dalkaasi ee Shiicada ah si aadna ugu dhow madaxweyne Talabani magaciisana la yiraahdo Bassim Sharif oo dhinaciisa xaqiijiyey in madaxweynahooda dalkaasi uu Sabtida ku tegi doono Iiraan ayaa hadana cadeeyey in madaxweyne Bashaaral Asad-ka Suuriya uu kulankaasi laga yabaao inuu yimaado iyadoo hogaamiyeyaashani ay ka hadli doonaan wadciga gobolka ku sugan yahay.


Nov 19, 2006

CIA-da "Looma hayo cadeyn in Iiraan ay sameysaneyso Nukliyeer"

Dowlada Iiraan ayaa la sheegay ineysan wadin qorsho ay ku dooneyso iney sameysato hubka Nukliyeerka sidaasina waxaa lugu qoray warbixinta sanadlaha ah ee ay soo saarto hey'ada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da iyadoo weliba warbixintan la sheegay iney mid si qarsoodi ah loo daabacay. Weriyaha la yiraahdo Seymour Hersh oo ka tirsan wargeyska New Yorker ayaa ka dhawaajiyey in warbixintaasi nuqul kamid ah kasoo helay Aqalka cad.

Warbixintan ayaa la sheegay in lugu soo daabici doono wargeyskaasi dabayaaqada bishan, waxaana qoraaladaasi warbixinta CIA-da ay u muuqdaan kuwa jawaabaya su'aalaha la xirriira weerar lugu qaado Iiraan oo ay baryahanba ku fekerayeen Bush iyo Cheney Balse sheekadaasi hadda waxey u muuqata mid aan sidaasi hami loogu heyn ayuu leeyahay weriyahaasi marba haddii xisbiga Jamhuuriga uu ku guul darreystay dooroshooyinkii labada golle ee Mareykanka.

Wasiir ku xigeen caafimaadka Ciraaq oo u galay gacanta kooxaha wax afduubta

Iyadoo weerarada ismiidaaminta ah ee lala beegsado goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah ee dalka Ciraaq noqdeen kuwo joogto ah, Mareykanka iyo huwankii ku fikrada aheyd ee dalkaasi dowladeedi ridayna maanta waxey raadinayaan wadadii ay ugu bixi lahaayeen musiibada jiiftay ee Ciraaq, saas oo ay tahayna afduubka loo heysto shacabka, hey'adaha gargaarka dalkaasi iyo shaqaalaha dowlada ay laftooda noqdeen wax caadi ah, ayaa maanta waxaa dalkaasi lugu afduubay wasiir ku xigeenkii caafimaadka.
Wasiirkan oo magaciisa la yiraahdo Ammar al-Saffar ayaa maanta kooxo madaxa soo xirtay waxey kala baxeen gurgiisa sida ay sheegeen dad deris la ahaa iyo goob joogeyaal kale, lamana oga halka ay ula dhaqaaqeen. Wasiirkan la afduubtay ayaa ka tirsan xisbiga uu ka tirsan yahay ra'iisal wasaaraha dalkaasi oo Shiicadu leedahay ee la yiraahdo Dacwah.

Dhinaca kalena maanta waxaa dhanka koonfureed ee magaalada Bakhdaad lugu dilay 22 ruux kuwaasoo taagnaa goob ay ka qaadanayeen mushaharadooda kadib markii baabuur miino lugu soo xiray ku qarxay. Guud ahaana dadka lugu dilay magaalada Bakhdaad ayaa gaaraya 50 ruux, arimahana waxey dadka dalkaasi ku abuureen cabsi xoog leh oo aysan ogeyn intaa ay ku badbaadayaan aqaladooda iskaba daa hadey u soo baxaan goobaha wax laga iibsado.


Nov 18, 2006

Tony Blair oo Pakistaan jooga kalana hadlaya dowlada dalkaasi arrimaha Argagaxisada

Ra'iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Tony Blair ayaa shalay soo gaaray dalka Pakistaan oo uu wadahal kula yeeshay madaxweyne Musharaf-ka dalkaasi. Arrimaha ay labada hogaamiye ka wada hadleen ayaa afhayeen u hadlay Blair waxa uu sheegay iney ugu waa weynaayeen iskaashiga caalamiga ah ee ka hortaga argagaxisada iyo xiisada dalkaasi ka taagan ee la xirrira duqeyntii dhawaan ciidamada Pakistaan u geysteen dugsi Quraanka lugu baran jiray oo ay dad badan oo rayid ahi ku dhinteen.

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenku in labadaasi nin ka wadahadleen sidii loo hormarin lahaa xirrirka dhaxeeya iyo sida xukuumada Blair ay u sii wadi laheyd kaalmada ay siiso dalkaasi, iyadoo arrintaasina Blair uu balan qaaday kordhinta dhaqaalahaasi muddada sadexda sanno ee socoto. Muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa qeyb kamid ahi waxaa la sheegay iney yihiin muslimiin u dhashay dalka Pakistaan.

Dhinaca kale Blair ayaa maalmahan dambe tan iyo intii saxaafada dalkaasi shaacisay waqtiga uu dowladiisa ka bixi doona ayaa waxaa muuqaneysay dabacsanaan aan horey loo arag, waxaana dhawaan uu ku baaqay in Iiraan iyo Siiriya laga qeybgaliyo wadahalada barriga dhaxe gaar ahaan amuuraha Ciraaq oo ku sheegay iney laftooda qeyb ka yihiin xalka gobolka loo raadinayo.

Jeneraal doonayey inuu inqilaab ka sameeyo jasiirada Madagaskar

Ugu yaraan hal ruux ayaa la runsan yahay inuu dhintay mid kalena uu dhaawacmay kadib markii tacshiirado ay ka dhaceen gudaha shalay xarun meleteri oo dalkaasi ku taalay, iyadoo arrintani ay ka dambeysay qorshaha inqilaab lugu sheegay iuu fashilamay ee aan dhiig badan ku daadan.

Jeneraal aan saxaafada magaciisa sheegin ayaa wararka halkaasi laga helay sheegeen inuu ka dambeeyey qorshahaasi inqilaab. Jeneraalkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu isku soo sharxay dooroshooyinka soo socda balse markii ay cadaatay inaanu iska bixin qidmadii uu isku soo sharixi lahaa ayuu badalay ciyaartiisi siyaasadeed, waxaana la sheegay inuu faafiyey dacaayado ka dhan dowlada isagoo sheeegay in ciidamada ay la wareegeen hogaanka dalka si lo baajiyo dagaal sokeeyo oo dalkaasi ka qarxa.


Nov 17, 2006

Sweden: Dumar Soomaali ah oo qaad dacwad loogu soo oogay

Inkastoo haweenkan qaadka lagu qabtay ay aheyd dabayaaqadii bishii ogoosto ee sanadkan, ayaa hadana dacwad amuurtaasi la xirriira ay haantan dhageysigeeda ka bilaabatay magaalda Gothenburg iyadoo dumarka qaadka lagu qabtayna la sheegay iney yihiin Soomaali. Haweenkan oo la sheegay iney u aadeen dalka Ingiriiska ka qeybgalka tacsi dalkaasi ka dhacay ayaa hadana sheegay in qaadkaasi looga soo dhiiibay London si ay "HADIYAD" ahaan ugu geeyaan waxey ku sheegeen qoys aroos qaba.

qoraal
44 Qof oo Lagu Eedeeyey in ay Qaad Soo Geliyeen Maraykanka

Haweenkan ayaa sidoo kale maxkamada horteeda ka sheegay iney caado tahay marka aroosyada la qabo istimaalka Khaadka, sidoo kalena mid kamid ah haweenkaas ayaa boorsadeeda gacanta laga helay 100 garam oo qaadkaasi kamid ah. Lama oga inta sanno ee lagu xukumi doono balse xeer ilaaliyaha ayaa sheegay iney xabsi mudan doonaan maadama la qabtay iyagoo ku raran qaad dhan 25 kilo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dalkan Sweden qaad lugu qabto soomaalida ku dhaqan balse waxaa layaab leh iney sheegeen in qaadkaasi ay reero aroos qabay ugu wadeen HADIYAD ahaan, taasoo ka been sheegeysa dhaqanka soomaalida ee xaga aroosyada.

Dhawaan ayey aheyd markii gabar 18 jir ah la sheegay in lagu qabtay qaad 76 kilo ah oo ganacsi ahaan loogu soo dhiibay.

Dumarka soomaalida ayaa baryahan qaadka si weyn u adeegsada dalalka reer galbeedka walow qaarkood ay ka ganacsadaan. Hadana dowlada Sweden arrintani waxaa lagu tilmaamaa iney ka gaabsadeen. Magaalada Gothenburg waa magaalada ugu badan ee qaadka loo dhoofiyo dalka intiisa kale ka soo galo. Arrintan ayaa ku soo aaday xilli magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee ay maxkamadaha islaamka ka taliyaan ay mamnuuceen cunista qaadka iyo ka ganacsiga, tanoo iyadana ah mid ay saxaafada Sweden si weyn u hadal heysay.

 

Bush oo booqasho ku tagay Vietnam

Madaxeynaha Mareykanka ayaa haatan booqasho ku jooga dalka Vienam isagoo ka qeybgalaya kulan ay yeelanayaan dalal dhowr ah oo eeshiyaan ah oo loogaga hadlayey ganacsiga. Booqashadan oo ay tahay tii ugu horeysay ee muddo soddon sanno ah aanu madaxweyne Mareykan ah cagaha dhigin dalkaasi tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii Indokina.
Bush oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay mas''liyiinta dalkaasi ayuu sheegay in haatan heeshiiska ganacsiga la xirriira ay halkiisa ahaan doonto isagoo misna hoosta ka xarriiray iney la soo gudboontay marxalad qunyar socod ah oo ay ugu wacan tahay isbadalka siyaasadeed ee dalkiisa ka dhacay. Dhinaca kalena waxa uu carabka ku adkeeyey in labada dowladoodba ay haatan la gudboon tahay iney iska ilaawaan taariikhdii madowbey ee horey u dhexmartay.
Booqashada Bush ee dalkaasina waxey salka ku heysay kulanka xagga ganacsiga looga hadlayey ee ay kow iyo labaatan wadan iskug yimaadeen dalkaasi, kaasoo loogu magacdaray kulanka "Apec " (AsiaPacific Economic Cooperation).


Nov 16, 2006

Xarrunta dhaqanka Muslimiinta dalka Denmark oo dab lagu weeraray

Xarrunta dhaqanka ee muslimiinta dalkaasi Denmark ee ay ku leeyihiin degmada Nörrebro magaalada Kobenhagen ayaa habeenimadii khamiista soo galeysay waxaa lugu weeraray dab lugu dooneyey in lugu waxyeeleeyo. Bac (kiis) ay ku soo shubeen waxyaabaha dabka dhaliya ayaa la dhigay irrida laga galo xaruntaasi,inkastoo dabkaasi aanu noqon mid faafa oo halkiisa ku damay.

Ma ahan oo keliya xarrun dhaqan balse qeybo kamid ah dhismahaasi ayaa masjid ahaan loo adeegsadaa, mana jirto baa la leeyahay cid lugu xirriirshay iney falkaasi ku lug lahaayeen. Dhacdadan ayaa noqoneysaa tii saddexaad ee muddo toddobaad gudaheed ah loo geysto masjidkaasi iyo xarruntuba, sidoo kale waana markii toddobaad ee sanad gudihiis lala beegsado weeraro. Dowlada dalkaasina ma jirto talaabo ay qaaday oo xarruntaasi ku difaaci karro.

Amuur yaab leh: Nin dhididkiisa awgeed looga reebay diyaarad uu raaci lahaa

Nin qareen ah oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa dhibaato ku qabsatay mid kamid ah diyaarada British Airway oo la sheegay iney kasoo duuleysay gobolka Los Angels ee dalkaasi, kadib markii ninkaasi uu dhididkiisa saa'id ugu soo uray dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarna oo xamili karri waayey.
Mid kamid ah gabdha ka shaqeeya gudaha diyaarada ayaa ka codsaday ninkaasi inuu soo badasho dharkii uu xirnaa oo dhidid dartiis la qurmay kana codsatay inuu xidho shaar udgoon balse nasiib darro shandadiisi ay gashay gudaha diyaarada balse ugu dambeyntii waxaa ninkaasi laga codsaday inuu ka harro faleyt-kii uu raaci lahaa labo daqiiqo ka hor inteysaysan cagaha dhulka ka qaadin. Amuurtan oo ay wax ka qortay wakaalada wararka Rueters ayaa sheegtay in diyaaradaha British Airways iyo American Airlenes ay lee yihiin sharciyo siinaya awood ah in wixii dhibaato caafimaad ahaan u keeni karra dadka cuuryaamiinta ah iyo kuwa aad u liito iney ka reebaan diyaarada.
Qareenkan oo dacwad ku soo oogay diyaaradii laga reebay ayaa maxkamadii u dacwadooday u sheegtay ineysan amuurtiisa wax ka qaban karrin marba haddey jiraan sharciyo la xirrira xagga dhididka iwm, nasiib darro ninkan oo islahaa aad ka heshid xooga xaal celin ayaa halkaasi ku hungoobay. Waxaase isweydiin leh haddii soomaalida diyaaradaha raaca uu ka soo carfo UUNSIGA talow sidey arrintooda noqon doonta.

Askar ameerikaan ah oo qarka u saaran in dil lugu xukumo

Mid kamid ah ciidamada ameerikaanka ee loo diray dalka Ciraaq ayaa haatan noqday mid magaciisa dunida oo dhan caan ka noqday kadib markii si arxan darro leh kufsi iyo dil ugu geystay gabar yar oo ciraaqiyad ah taasoo da'deeda aheyd 14 jir aan weli qaan gaarin.
Ninkan oo magaciisa lugu sheegay James Barker ayaa sidoo kale waxaa kooxdiisa kala qeyb qaatay dembigaasi iyadoo mid kamid ahna la sheegay in gabadhaasi yar waalideenteeda ay ku xireen qol halkaasina qudha kaga jiray. Falkan oo uu ka dhacay deegaanka Maxmuudiyah oo ku taala duleedka magaalada caasimada ah Bakhdaad ayaa keentay in dareen xoog leh oo caalamiyah ka dhasho in askar loo diray dal lugu sheegay in "xorriyad iyo dimoqraadiyad" lugu soo dabaalayo ay maatidiisa xasuuqaan.

James Barker waxa uu ka warbixiyey sidey wax u dhaceen isagoo markaasi doonayey in xabsi daa'in loogu badalo dilka la sheegay inuu qarka u saaran yahay. Askartan oo uu kamid yahay Berker ayaa la sheegay iney ilaalo ka ahaayeen meel dhowr boqol oo miter u jirta qoyska ay xasuuqa u geysteen, waxaana ay maalinta falkaasi geysteen ay cabeen qamriga Wisky la yiraahdo kaaso ah mid macamal ahaan loogu kariyo dalkaasi, markaasi kadibna waxaa ay ciyaareen turubka qamaarka ah taasoo macnaheedu aheyd
xaflad dabaal deg ah oo ay ku soo dubteen digaag kamid ah digaagadaha dalkaasi (waa gabadha yar ee aan qaan gaain ee kufsiga iyo dilka u geysteen).

Mid kamid ah gacan ku dhiiglayaashaasi oo magaciisa isna lugu sheegay Steven Green ayaa ku cel celiyey inuu nafsad u hayey inuu dilo qof ciraaqi ah.
Ugu dambeyntiina afartan askari ee falkaasi ka dhanka ah bani'aadnimada geystay la soo taagay maxkamad meleteri marka laga reebo Green oo isagu la horkeenayo maxkamad rayid ah maadama uu ciidamada ka baxay sababo la xirriir caafimaad darro xagga maskaxda ah oo soo jawahday

Toddobo ruux oo ku dhimatay dabeysha Tornado oo ka dhacday meelo kamid ah Mareykanka

Ugu yaraan toddobo ruux ayaa lugu soo waramayaa iney ku dhinteen debeylo ka dhuftay gobolka North Carolina ee dalkaasi Mareykanka,. Duqa gobolkaasi North Carolina oo u waramayey wakaalada faransiiska ee AFP waxa uu sheegay in deybaashi oo la yiraahdo Tornado ay qasaarooyin badan geysatay. Wararka kale ee laga helayo xaga koonfureed gobolkaasi ayaa sheegaya in roobab watay dabeylo ay wax yeelooyin soo gaarsiiyeen dadka deegaanka oo gawaaridii iyo guryihii ay deybeysho tuuryeeysay.
Dalka Mareykanka ayaa isagu inta badan waxaa ka dhaca deybo iyo duufaano dabiici ah oo inta badan ka dhaca dhulka badaha ku dhow, waxaana dalkaasi lugu xasuusta in sanadkii ina dhaafay ay ku dhifteen roobab dabeylo wato oo loogu magacdaray Katrina.

Wararkii: 15.11.2006

International Herald Tribune: Weeraradii NATO ee Afgaanistaan waxaa lala beegsaday dad " RAYID"ah

Inkastoo dilalka ka dhanka ah shacabka iyo maatada ay yihiin wax caadi ah oo cudur daar loogu keeno ayaa hadana ciidamada gaashaanbuurta NATO ee ku sugan dalkaasi Afgaanistaan ayaa shaaciyey iney weeraro xagga cirka ah ee ay u geysteen tuulo ku taalo xaga koonnfureed ay ku dhinteen dad rayid ah oo u badan dumar iyo carruur. Nato ayaa falkaasi ku sheegay inuu ahaa mid yimid markii warbixin loo soo gudbiyey ay sheegtay in dadkaasi yihiin Taalibaan.

Jariirada caalamiga ah ee International Herald Tribune oo amuutan wax ka qortay ayaa sheegtay in weeraradii xaga cirka ahaa ee diyaaradaha Nato u geysteen gobolka Khandahar uu sababay dhismo dad aan wax galabsan. Jariirada oo weli amuurahan sii rog rogeysa ayaa qortay hogaanka sare Nato ay kalhore sheegeen iney wax ka badalayaan xaalada dalkaasi islamarkaasina ay dib u soo celiyaan kala xasiloonidii iyo kala dambeyntiina dib u dhiska dalkaasina ay gacan ka geysanayaan balse tan iyo markey la wareegeen hogaanka dalkaasi ayaa qaraxyada ismiidaaminta ah ay iyagu weli halkoodi yihiin ayey tiri jariiradadu.

Afgaanistaan inkastoo xagga Nabadgalyada la oran karro wax badan ayay ka wanagasan tahay Ciraaq hadana markey timaado dagaalka ka dhanka ah ciidamada dalalkaasi ku soo duulay ayaa isku mid ah weerarada lala beegsanayo.

Mareykanka oo ka qeyb qaadanaya wadahal lix geesood ah oo arrimaha K Waqooyi loogaga hadlayo

Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay iney ka qeyb qaadaneyso wadaxaajoodka lix geesoodka ah oo ay iskugu imanayaan wadamada Eeshiyaanka ah ee loogaga hadlayo ganacsiga kaasoo ka furmaya magaalada Hanoi ee xarun u ah wadanka Veitnam
islamarkaasina ajandahaasi lugu soo darri doono barnaamijka Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ee muranka dhalisay. Hadalka ayaa waxaa ka dhawaajiyey ereygeyga Mareykanka u qaabilsan amuurahaasi ee Christopher Hill.
Dowlada Mareykanka waxey Kuuriyada Waqooyi ku eedeysay iney sameysaneyso hubka sida darran wax u gumaado, xaaladana waxey cirka isku shareertay markii wadahalka barnaamijkeeda ay ka baxday islamarkaasina bishii Oktoobar ay tijaabisay gantaalo xambaarsan Nukliyeer taasoo keentay in Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay hadalo kulul xagga saxaafada isku wey daarsadeen.
 


Nov 14, 2006

Xamaas oo aan dowladeeda cusubi aqoonsaneyn Israa'iil

Hogaanka sare ee urrurka Xamaas oo maanta kulan iskugu yimd ayaa sida afhayeen u hadlay sheegay ineysan aqoonsaneyn jiritaanta dowladeed ee Israa'iil.
Inkastoo ra'iisal wasaarahan cusubi yahay nin aan sidaasi xag jir u aheyn hadana wargeyska la yiraahdo Hareetz ee kasoo baxa Israa'iil ayaa waxa uu qoray ra'iisal wasaare Maxamed Shubeyr yahay nin Xammaas si hoose xirriir ula leh. Hadalka kasoo yeeray dowlada cusub ee Falastiiniyiinta waxaa ay meesha ka saartay rajadii laga qabay iney helaan taageero caalami oo ku xiran ictiraaf ay siiyaan Israa'iil islamarkaasina laga qaado cuno qabateyntii hoey Mareykanka iyo Midowga Yurub ku soo rogeen.

Xamaas tan iyo markii ay ku guuleysatay doorashadii baarlamaaniga ah ee dalkaasi ka dhacday kal hore ayaa durba beesha caalamka waxey ka jeedisay dhabarka, isbadalka haatan lugu sameeyey dowlada ay garwadeenka ka tahay Xamaas ayaa dad badani waxey rajo kamuujiyeen iney la iman doonto dabacsanaan, hase ahaatee tasi waxey beenowday markii la shaaciyey ictiraafkii Israa'iil inaanu waxba iska badalin, sidaasina alaabaabadii rajada ay ku laabmeen.

Askari Ameerikaan ah oo qirtay dil uu geystay qarkana u saaran 15 oo xarriga ah

Dabcan askarigan dembigii uu Bani'aadnimada ka geystay baa Illaahey qoray in laga jaaseeyo waaba haddii maxkamad cadaalad ahi la soo taago inkastoo maxkamado ku sheega Mareykanku cadaaladi ka dheer tahay, hadana waxa uu ugu dambeyntii qirtay dembgiga lugu soo oogay ee ah inuu dilay nin Ciraaq ah sabab la'aan.

Askarigan arxanka darran ayaa isaga iyo afar kale waxaa ay dileen nin Ciraaqi ah oo la oran jiray Haashim Ibraahim Cawad, waxaana ay dileen bishii april ee sanadkan markii ay ugu dhaceen gurgiisa kadibna ay baas ku kala jeexeen.
Ilo xog ogaal ah oo arrintan sidey ku dhacday ka warbixiyey ayaa sheegay in askarigan oo magaciisa la yiraahdo Tyler Jackson iyo koox uu la socday ay ku qasbeen marxuumkaasi inuu kasoo baxo gurigiisa kadibna ay ku fureen xabado. Askartan ayaa sidoo kale isku dayey iney falkaasi qariyaan iyagoo sheegay in ninkaasi doonayey inuu miinooyin aaso isagoo ka tirsan kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka hubeysan kula jira gumeystaha Mareykanka .
Ugu dambeyntiina Tyler Jackson waxa uu qirtay kulug lahaanshahiisa dilkaasi iyo sidey u dooneen iney iska fogeeyaan, shan iyo taban sanno oo xarig ah ayaa qarka u saaran yahay in qoorta loo geliyo walow aan taasi rajo laga qabin ee ay tahay cadaalad Mareykan.

Carabta oo looga digay iney kaalmo siiyaan Xammaas

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay iney digniin u dirtay dalalka ku jira Jaamacada Carabta taasoo ay uga digeyso iney wax kaalmo dhaqaale ah u fidayaan dowlada Xamaas. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad oo magaciisa la yiraahdo Sean McCormack ayaa sheegay in dowladiisa kulan ay axadii la yeelay wasiirada arrimaha dibada Jaamacada Carabta ku wargelisay sidaasi.
Jaamacada Carabta ayaa la sheegay in hadalkaasi aysan dhag jalaq u siin oo ay balan qaaday iney ka baxeyso balanta ah in xayiraad lugu soo rago Xamaas. Caamir Muuse oo ah xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta ayaa ka dhawaajiyey in mar horeba ay waajib aheyd in dhaqaalo xoogan lugu taageero shacabka falastiin.

Dowladaha Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa iyagu ilo gaar ah ka haya kaalmada loo dirro falastiin waxaana afhayeenkan sheegay taageerada loo fidiyo shacabka ay dowladiisa taageereyso balse aysan marnaba aqbali doonin in Xamaas xayiraada saaran laga qaado tan iyo inta ay ka fulineyso sharuuda lugu xiray ee ah iney dhigto hubka iyo aqoonsiga Israa'iil.
Reer galbeedka iyo Mareykanku waxey Xamaas cuno qabateeyeen markey dooroshooyinkii guud ee dalkaasi ka dhacay ku guuleysatay iyadoo horey ugu jirtay liiska Mareykanku urrurada uu ku sheegay iney yihiin aragagaxiso.


WARARKII: NOV13, 2006

Mareykanka oo diyaar u ah wadahal lala gallo "Cadowga"

Xukuumadda Washington waxey haatan diyaar u tahay iney wadahal loogaga munaaqishoonayo xaalka cakarin ee Ciraaq la yeelato dowladaha Iiraan iyo Suuriya oo labadaba kamid ah waxey ku sheegeen "Garabyada sharta". Arrintan ayaa saan saanteeda soo baxday markii gudi loo xilsaaray Siyaasada ku wajahan Ciraaq ay la kulmeen madaxweyne Bush.

Arritan oo loogu magacdaray Kommishin-kii Beyker, ayaan la ogeyn sida Washington ku ogolaan laheyd wadahadal lala galo Tehran oo iyadu ku adkeysaneysa xaqa lahaanshaheeda Nukliyeerka. Balse Bush oo aqalka cad kula hadlayey ragga wararka fidaya kulankii uu layeeshay ra'iisal wasaaraha Israa'iil kadib ayuu sheegay in wadahal lalagalo Iiraan ay tahay mid iman karta marka ay katanasusho naaxinta macdanta yuraaniyamka.
Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa dhiniciisa sheegay iney tahay arrin aad u wanaagsan in labadaasi dal ay ka gacan ka geystaan joojinta xaaladaha qariban ee Ciraaq si guud ahaan gobolka oo dhan nabad looga islaaxiyo islamarkaasina ay Falastiin iyo Israa'il-na qilaafaadkooda la soo afjarro..

Hey'ada xaquuqda aadanaha ee Human Right Watch oo warbixin kasoo saartay Jeejniya

Hey'ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa warbixin ay kasoo saartay xaaladaha ka jira gobolka ka go'ay Jamhuuriyadihii Midowga Soofiyeeti ee Jeejeeniya ayaa sheegtay in ciidamada Ruushanka ee dalkaasi xooga ku qabsaday ay ku kacaan falal ka dhan ah bani'aadnimada.
Hey'ada ayaa sidoo kale sheegtay in falalka sida xun looga dhaqmo dadka reer Jeejniya gaar ahaan maxaabiista ay ka qeyb qaateen
qeybo ka socoda wasaarada arrimaha dibada, ciidamada jooga Jeejniya iyo maamulka maqaar saarka ah ee Jeejniya ka jira kaasoo ah mid uu hoos tago Mosko.
Tacadiyada ay kamid yihiin jir dil xoog leh, haraanti, ullo lugu garaaco iyo korontada oo lugu qabto ayey hey'adu sheegtay iney tahay wax caadi ah oo maxaabiista lagula dhaqmo, qaar badan oo ay la kulantay dadka dhibkaasi soo gaarayey ayey hey'adu sheegtay in korkooda ay ka muuqdeen dhaawacyo ay kamid yihiin dab la qabadsiiyey.
 


Nov 12, 2006

Ciraaq oo maanta dadkii ugu badanaa lugu dilay

Maanta dadka reer Ciraaq waxey u aheyd maalin uga duwan maalmaha kale inkastoo dalkaasi tan iyo markii la riday dowladii Saddaam aysan helin nabadgalyo hadana falkii maanta dad badan lugu laayey wuxuu ahaa mid ka duwan maalmihii tagay. Wakaalada AP ayaa soo sheegtay in dad gaaraya 159 guud ahaan maanta siyaalo kala duwan loogu dilay.

Wakaalada ayaa intaas hadalkeeda ku dartay in 35 ruux ay dhinteen iyadoo 60 meeyo kalena ay ku dhaacwameen kadib markii nin naftiisa miino ku soo xiray uu la beegsaday xarrun boolis oo ku tiilay galbeedka magaalada Bakhdad, Magaalada Bacquuba ayaa iyadana waxaa lugu dilay 75 ruux oo meydkooda laga helay goob warshado aheyd kuwaas si xun loogu xasuuqay, halka 19 ruux oo kalena bambaano qarax ay dishay.

Dhinaca kale magaalada Basra ee dhanka koonfureed kaga taal dalkaasi ayaa lugu dilay afar askari oo Ingiriis ah kadib markii rag hubeysan ay weerar u geysteen.

Fatax iyo Xammaas oo isku raacay in hogaamiye cusub yeeshaan

Laba urrur ee in muddo ah ka dhex muuqday siyaasada Falastiin ayaa isku raacay iney yeeshaan hogaamiye ay ku mideysan yihiin kaasoo hogaanka u qabta dowlada Maxamuud Cabbaas. Ninkan oo lugu magacaabo Maxamed Shabier oo isagu ah nin aqoon yahan sida laga soo xogtay illo xog ogaal ah oo labada dhinac ah.

Ninkan oo bartay cilmiga Beyloojiga islamarkaasina ahaa maamulaha jaamacad Islaami oo ku taal Gazza ayaa horey waxaa khilaaf ka taag uga dhex taagnaa Abuu Maazin iyo Maxamuud Hanniyah kadib markii uu kamid noqday magacyadii la soo gudbiyey sidii ugu mid noqon lahaa dowlada dalkaasi. Mid mid ah kuwa ku dhow dhow Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in magacyada xubnaha la soo gudbiyey ay Xamaas dooratay Maxamed Shabier oo noqon doona ra'iisal wasaaraha Falastiiniyiinta, iyadoo tanina noqoneyso markii ugu horeeyey ee ay midoobaan urradaas oo waaydan qilaadyo badani hareeyeen.

Iiraan oo ka jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Israa'iil

Dowlada Teheraan ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Israa'iil oo sheegayey iney weerareyso Iiraan iyadoo markaasi dooneyso burburinta Nukliyeerka dalkaasi. Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada ayaa sheegay in Kacaanka Iiraan ay ka bixin doonaan jawaab adag haddii arrinkaasi ay ku kacdo.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay kadib markii maalintii jimcaha wargeyska Jerusalem Post uu shaaciyey in wasiir ku xigeenka gaashaandhiga dalkaasi Efraim Sneh sheegay in dowladiisa ay suuragal tahay iney weerar meleteri ku qaado si loo baa b'iyo nukliyeerkeeda. Afhayeenka Iiraan waxa uu sheegay in Iran ay jawabataasi ilbiqisiyo kasta bixin karta marka falkaasi yimaado taasoo ah mid cawaaqib xummo ku reebta gobolka bariga dhaxe. Iiraan iyo Israa'iil weligood ma dhex marin xirriir diblomaasi arrintana waxey cirka isku shareertay markii Nejaadka dalkaasi uu Qaramada Midoobey ka codsaday in qaarada Adduunka laga tir tiro maadama ay yihiin dad dhib badan sidoo kalena waxaa uu sheegay xasuuqii Hitler-kii Naasiga ahaa u geystay Yahuuda iney aheyd mid lasoo dhoo dhoobay.
 


Wararkii: Nov 10, 2006

Madaxa sirdoonka Ingiriiska oo ka digay weeraro dalkaasi lala beegsaado

Sidey ku waran haweeneyda madaxda u ah hey'adaha wax basaasa ee dalkaasi Ingiriiska ayaa tibaaxday in dalkaasi ay ku soo fool leeyihiin weeraro argagaxiso oo lala beegsado. Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Eliza Manningham-Buller ayaa hadal ay soo saartay maalintii khamiista aheyd waxey ku sheegtay in ugu yaraan 1.600 oo qof ay taageero u hayaan urrurka Alqaacida kuwaasoo inta badan ah kuwo ku dhashay dalka Ingiriiska gudihiisa.

Haweneydan ayaa intaasi ku dartay hadalkeeda in soddomeeyo weeraro qorsheysan oo la damacsana ina la fuliyo ay ka war heleen tan iyo sanadkan bilowgisii, waxeyse carabka ku adkeysay in 80% taageerada kooxahan ay urrurkaasi kordhadhay.
Dalka Ingiriiska waxa uu kamid yahay meelaha la sheegay in Alqaacida bartilmaameedkeeda ugu weyni yahay,kadib markii dowlada dalkaasi ay taageero u fidisay maamulka Washington ee ka dhanka ah waxey ku sheegeen argagaxisada taasoo ay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistana duulaano gardarro ah ku qaadeen. Weeraro lala beegsaday goobaha laga raaco gaadiidka ayaa dalkaasi sanadkii 2004-ta waxey geysteen qasaaro badan oo naf iyo maal leh dhowr weerar oo kalena waa lugu guul darreystay in la fuliyo.

Haweeney lugu xukumay 30 sanno oo xarig ah dagaaladii sokeeyo ee dalka Ruwanda oo ay ku lug laheyd

Haweeney Sooro aheyd kana tirsan madhabta Katolska ayaa maxkamad ku taala dalkaasi waxey ku xukuntay 30 oo xarig ah kadib markii lugu eedeyey in si toos ah ay ugu qyb qaadatay dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay sanadkii 1994-tii.
Haweeneydan oo lugu magacaabo Theophister Mukakibibi ayaa la sheegay iney gacan siisay maleeshiydii hutu-ga oo xasuuq ba'an u geystay dad kaasoo jeeday tuutsiyiinta oo markaasi ku dhuumaaleysaynayey iyagoo ka cararayey isbitaal la sheegay in haweeneydani kashqeyn jirtay.

Dhageysiga dacwadan oo socotay muddo sanad ah ayaa in ka badan labaataneeyo oo goob joogeyaal ahaa ku marqaati fureen haweeneydan eedeysanaha ah, waxaana ay sheegen in xitaa haweenka uurka leh ay dibada uga soo saari jirtay meelahaasi si maleeshiyada hutu-ga ay u gumaadaan.
In ka badan 800.000 ruux ayaa la rusan yahay iney ku dhinteen dagaalkii boqolka cisho ku dhawaad socoday ee ahliga ahaa kaasoo u dhaxeeyey qabaa'ilada huutiga iyo tuutsi-ga ee dalkaasi, sidoo kale kaniisada romer-ka ayaa lafteeda lugu eedeeyey iney dagaalkaasi lugaha kula jirtay.

Darfur oo hey'ada gargaarka qaarkood baxayaan

Iyadoo xaalka Darfur ay tahay mid laga deyrinayo dowlada Suudaan iyo Qaramada Midoobeyna ay isku af garan la'yihiin xal u helida ciidamo halkaasi la geeyo, ayaa hadana wararka halkaasi ka imanaya sheegayaan in hey'ada gargaarka ee aagagaasi jooga ka baxayaan kadib markii dowlada dalkaasi ay muujin weysay wada shaqeyntii laga doonayey.
Waxaa kamid ah he'ad laga leeyahay dalka Norway oo quudin jirtay in ka badan 300.000 qaxooti oo ku jiray saddex xerro oo halkaasi ku yaala. Afhayeen u hadlay he'aydana waxa uu sheegay in Suudaan ay haatan dooneyso iney joojiso dhamaan gargaarka bani'aadnimo .
Gobolka Darfur ee dalkaasi Suudaan waxaa ku dhintay in ka badan 200.000 oo qaxootiga deegaankaas ah, sidoo kale waxaa la runsan yahay 2,5 milyan ay ku sugan yihiin xaalad barakac ah, iyadoo kooxaha burcadka ah ee dowlada ka tirsan la sheegayo iney gumaad ka geysteen goobahaas ayaa hadana Suudaan waxaa lugu eedeyey iney lug ku leedahay iyadoo dhacdooyinka foosha xun ee dhulkaasi kaba hadlin.


Wararkii 9.11.2006

Holland oo ay socoto qorsho lugu doonayo in xijaabka lugu mamnuuco

Dowlada Holland ayaa la sheegay iney wado qorsho ay ku dooneyso iney gebi ahaanba Xijaabka iyo indho shareerka ku manuucdo. Mamnuucida Xijaabka ma ahan mid quseeya goobaha shaqada iyo meelaha caamka ah ee ay dhici karto iney ka shaqeeyaan haweenka muslimaadka ah ee dalkaasi, balse tani waa mid lugu doonayo in gebi ahaanba xijaabka lugu mamnuucayo, dalalka Yurub iyadoo Holland-na ay noqoneyso wadankii ugu horeeyey ee Yurub ah oo talaabo ceynkaasi ah ku dhaqaaqo.

Dood aad kulul oo amuurtan ku saabsan ayaa haatan ka socoto dalkaasi waxaana la sheegay in xijaabku yahay mid ay ku tilmaameen "inuu hortaagan yahay is dhexgalka", iyadoo amuur ceynkaan oo kalena ay ka dhawaajiyeen ra'iisal wasaarayaasha dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ee Tony Blair iyo Romano Prodi.
Bishii dicember ee sanadkii hore in badan oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Holland ayaa taageeray hindise uu soo jeediyey xagjirka lugu magacaabo Geert Wilders kaasoo mamnuucaya dharka dhaar iyo kuwa niqaabka ah ee qofka wejigiisa qarinaya. Arrintan oo markii la dambe la go'aamiyey ayaa lugu sheegay in xagga amniga loo yeelay.

Haweeneyda u qaabilsan dalkaasi qaxootiga iyo arrimaha soo galootiga Rita Verdonck ayaa lugu amray iney xooga saarto siddii ay arrintan u meel marrin laheyd taasoo markii dambe ay dhibaatooyin kala kulantay. Dhibaatooyinkan ayaa kamid ah in xijaabku uu yahay mid ay xirtaan haweenka muslinka ah diintooda Islaamkana ay fareyso, sidaasi daraadeedna haddii ay talaabo ceynkaas ahi adeegsato waxey meel uga dhaceyso sharci ku sheega dalkaasi ee xorriyada diimaha.

Haweeneydani waxey sheegtay in niqaabku uusan aheyn mid sidaasi qiimo u leh balse xijaabka ay u raadineyso xal aan keenin walaac iyo qalalaaso. Holland waxey kol hore mamnuucday in niqaabka (indho shareerka) lala raaco gaadiidka dowlada iyo Iskuulada. Ururada islaamka ee dalkaasina waxey sheegeen in amuurtani tahay mid salka ku heyso kontoneeyo dumar ah oo xirtay xijaabka.

Hogaamiya Alqaacida ah oo ku hanjabay iney qarxin doonaan Aqalka cad

Mid kamid ah hogaamiyeyaasha Alqaacida ee dalkaasi Ciraaq ayaa ku hanjbay iney qarxinayaa Aqalka cad ee looga arrimo dalka Mareykanka. Cajalad cod ah oo internet-ka la soo geliyey ayaa ninka la yiraahdo Abu Hamza al-Muhajir oo isagu u qaabilsan Ciraaq sheegay in qarax loo geysto Aqalka cad ay tahay mid soo celineysa awoodi Islaamka ee waqtigii Khaliifada.
"Maanta waxaan awoodna inaan soo afjarno halgankii Jihadka ahaa islamarkaasina anagoo bilaabeyna mid kale oo qeyb ka ah dib u soo celintii awooda islaamka ee waqtigii Khaliifada." ayaa yiri Abu Hamza oo muujinayey sidey fal noocan oo kale ah diyaar ugu yihiin sameyntiisa.
"Waxaan balan qaadnay ineynaan ka daalin jihaadka aan ku jirno tan iyo inta aan dhulka la ekeysiineyso aqalka ugu wasaqda badan aqalada ee aad ku sheegteen Aqalka cad" ayuu yiri codkii maqalka ahaa ee la soo geliyey internet-ka, mana jirto cid xaqiijin karta codka cajaladaasi inuu ahaa Abu xamza iyo inkale.


Nov 8, 2006

Donald Rumsfeld oo is casilay iyo madaxa CIA-da oo jagadiisi loo dhiibay

Wasiirkii Gaashaandhiga dalka Mareykanka Donald Rumsfeld ayaa si lama filaan ah waxa uu iska calisay jagadiisi wasiirnimo ee uu kahayey dowlada Bush. Madaxweynaha Mareykanka Goerge W Bush oo shir jaraa'id uu qabtay ku sheegay in aqalka cad ay haatan u baahan tahay waxa uu ku tilmaamay hogaamiye cusub, iyadoo la runsan yahay in Donald Rumsfeld ahaa maskaxdii ka dambeysay dagaalkii lugu qaaday dalka Ciraaq. Bush waxa uu sheegay in markii taleefan iskula hadleen waa isaga iyo wasiirkiisa e iney isla garteen in xilka lugu wareejiyo ruux kale oo hogaamin karra muddo badan uu ahaa ninka ka dhex iftiimayey aqalka cad iyo isbadalada siyaasadeed ee marwalba soo wajahayey.

Bush waxa uu qiray in guul darrada Jamhuuriya soo wajahaday uu isaga laftiisa qeyb ka ahaa, waxaana uu aad u aamaanay kaalinta "Asluubeysan" ee ay Dimoqraadiyiinta ollalaha doorashada baarlamaaniga ah ay ugu qeyb qaateen.

Dhinaca kale madaxweyne Bush waxaa uu jagadaasi u doortay inuu noqdo madaxii hore ee sirdoonka Mareykanka CIA-da Robert Gates oo loogu yeero Bob. Bush oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay inuu weydiiyey Bob inuu noqodo wasiirka gaashaanka haddii gollaha Senet-ka oglaado isagoo markaasi xambaarsan qibradiisa amni ee in ka badan labaatan sanno soo hayey.

Bush waxaa oo dhambaal u diray askarka la jooga Ciraaq oo uu sheegay iney taageero u hayaan islamarkaasina ay naftooda u hurayaan lahaayeen sidii dalkooda ugu difaaci lahaayeen waxa uu ku sheegay weerarada lala beegsaday, dhambaal taas lamid ah ayuu u diray xisbiga dimoqraadiga waxaana uu sheegay ineysan guusha ay gaareen u dabaal degin ee ay ogaadaan ineysan sidaasi ku hareyn.

Pakistaan oo nin naftiise hurre ah ku dilay soddon iyo shan ruux

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa lugu soo waramayaa iney ku dhinteen dalka Pakistaan kadib markuu isku soo rakibay waxyaaba qarxa. Afhayeen u hadlay meleteriga dalkaasi ayaa sheegay in ninka falkaasi ismiidaaminta ah sameeyey uu la beegsaday goobtaas oo askar badani ay tabar ku qaadanayeen. Muddo haatan laga joogo 10 cisho ayaa ciidamada Pakistaan waxey weerar baaxad leh u gueysteen malcaamad Quraanka lugu barto taasoo ay dad badani ku nafwaayeen, waxaana ay sheegtay in goobtaasi aheyd goob ay Alqaacida ku tabaro ku sameyso.
Tan iyo wixii falkaasi waxashnimada leh ee ay ciidama Pakistaan geystaan waxaa ay galeen diyaar garow xoogan oo ay sheegeen iney iskaga difaacayaan weerarada aargoosiga ah ee ugu imanaya taageeryaasha Talibaan. Kooxo ka tirsan Taliban ayaan ayaa sheegtay goor dambe iney falkaasi ka dambeeyeen waxaana ay ku tilmaameen inuu ahaa mid aargoosi ah.


Nov 7, 2006

Ciraaq oo cabsi looga qabo qaraxyo lugu halaagmo haddii Saddaam Xuseen la dal dalo

Inkastoo ay maalin keliya kasoo wareegtay xukunkii dilka ahaa ay maxkamad ku taala magaalada Bakhdaad ku fulisay madaxweynihii hore ee la afgambiyey Saddaam Xuseen ayaa hadana xaalad cabsi leh laga soo sheegaya dalkaasi taasoo ah in weeraro aargoosi ahi oo dad badani ku nafwaayaan ay ka dhacaan dalkaasi haddii Saddaam Xuseen lugu fuliyo xukunkaasi dal dalida ah.

Qoraal hanjabaad ah oo ay qoreen qaar ka tirsan xubnihii xisbiga Bacath-ka ee Sadaam ka tirsana ayaa ku hanjabay iney aargoosi baaxad leh ay bixinayaan haddii Saddaam la dilo, waxaana ay hanjabaadooda ku sheegeen in qadka cagaaran ay la beegsan doonaan. Qoraalkan oo internet-ka lugu soo daabacay ayaa sidoo kale lugu sheegay iney beegsan doonaan dhamaan goobaha muhiimka ah sida safaaradaha,hey'adaha dowliga ah iyo dhamaan goobaha ay degan yihiin dowlada maqaar saarka ah ee dalkaasi ka talisa"
Qadka cagaaran waa goobta ay degan yihiin dowlada Mareykanka ku waardiyeeyo. Dhinaca kalena Saddaam Xuseen aya dib loogu soo celiyey saalada maxkamadii dilka ku xukuntay isagoo halkasina laga codsaday inuu iska difaaco waxyaabaha lugu eedeynayo oo ah inuu dilay boqolaal kun oo Kurdiyiin ah sanadihii sideetameeyadii. Sadaam Xuseen oo qaabkii u labisnaan jiray lugu yaqiinay ayaa soo xaadiray goobta iyadoo aysan la socon qareenadiisi u doodayey kuwaasoo qaadacay. Sadaam Xuseen sidoo kale waxaa lugu eedeynayaa tuulada Dijaal ku dilay 148 shiicada dalkaasi ah. Maalintii Axadana waxaa maxkamadu ku xuntay xukun dal dalid ah taasoo dalalka reer Galbeedka aan intooda badan laga soo dhaweyn dilkaasi, marka laga reebo Bush iyo Blair oo arrintaasi ugu riyaaqay,.

Mid kamid ah kooxaha argagaxisada lugu sheegay oo xabsi daa'in lugu xukumay

Nin ka tirsanaa kooxaha wax qarxiya xirriirna la lehaa Alqaacida ayaa markii ugu horeysa waxaa dalkaasi Ingiriiska lugu xukumay xabsi daa'in, kaasoo lugu qaadayo dembi lugu eedeyey oo ah inuu maleegayey qaraxyo gil gila dalkaasi iyo Markeynka.
Ninkan oo magaciisa lugu sheegay Dhiren Barot dhalasho ahaana kasoo jeeda dalka Hindiya ayaa Islaamka qaatay, markaa kadibna waxa uu xirriir la yeeshay Alqaacida sida uu isaga laftiisa qirtay. Sidoo kale waxa uu sheegtay inuu maleegayey qaraxyo waa weyn oo waxyelo u geystay tareenada dhulka hoostiisa mara ee Under ground-ka iyo xarumaha ganacsiga dalkaasi Mareykanka taasoo jawaab u ah weerarada ay Mareykanka iyo Ingiriiska ku qaadeen Afgaanistaan iyo Ciraaq.

Japaan oo dabeysha loo yaqaano Turnado ku dishay sagaal qof

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa lugu soo waramayaa iney dhinteen labataneeyo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay garaacday dabeylo ka dhacay magaalada la yiraahdo Saroma oo dhinaca waqooyi dalkaasi kaga taala.
Deybashan oo la yiraahdo Turnado ayaa ku dhifatay guryo isu dha dhawaa kuwaasoo la sheegay ineysan aheyn kuwo dabeyshaasi xooga leh ka badbaadi karray. Telefeyshinka dalkaasi ayaa soo saaray muuqalo muujinaya sida dabeysha ay guryahaasi u soo dumisay. Kooxaha gurmadka ee halkaasi tagay ayaa isku dayey iney guryahaasi bur buray ay hoostiisa kasoo saaraan dadka ku hoos jira haddii nololi loogu tago. Mas'uul u hadlay kooxahaasi gurmadka oo u waramayey wakaalada Rueters ayaa sheegay inuu rajeynayo in tirada geerida aysan ka badnaan inta haatan lugu sheegayo ee ah sagaal ruux, iyadoo weli baadi goob loogu jirro dad la rusan yahay in la waayey marki dabeyshaasi ay ku dhiftay gobolka Saroma.


Nov 5, 2006

Shiinaha iyo Afrika oo ganacsi xoog leh sameysanaya

Shirkii caalamiga ahaa ee labada cisho uga socday hogaamiyaasha dalalka 48 wadan oo afrikaan ah iyo dalweynaha shiinaha ayaa soo gabo gaboobay iyadoo shirkaasani qalinka loogu duugay heshiisyo wax ku oolka oo dhexmara dalalkaasi iyo Shiinaha.
Wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ee New China ayaa shaacisay in lix iyo toban heshiis oo ganacsi ay kala saxiixdeen, heshiishkaaso ay ka mid tahay in warshad sameysa Alumuuniyamka oo lafa dhiso dalka Masar iyo dhul tareenku maro oo dhererkiisu yahay 131 mayl laga dhiso dalka Neyjeeriya.
Dowlada Shiinaha ayaa shirkan labada cisho ka socday dalkeeda u aragto mid wax ku ool u ah tan iyo maamulka komunistaha ahi uu dalkaasi ka hana qaaday sanadkii 1949-kii.

Ereteriya oo dalkeeda ka soo saartay shaqaalaha gargaarka

Dowlada Ereteriya ayaa labo kamid ah hey'ada gargaarka ee ka howl gala dalkeeda ku amartay iney ka baxaan, kadib markii ay sheegtay in aan joogitaankooda halkaasi aan loo baahneyn taasina ay ugu wacan tahay waa sida ay sheegtaye heshiish-kii xabad joojinta ahaa ee u dhaxeeyey falaago ka dagalanta bariga Suudaa iyo maamulka Khartuum uu hagaagi waayey.
Hey'adahan oo ah kuwo ay leeyihiin Mareykanka ayaa la kala yiraahdaa International Rescue Committe iyoSamaritan's Purse ayaa amar lugu siiyey in bishan aynu ku jirto ay dalka kaga baxaan.

Ereteriya waxey kamid tahay dalalka ugu dambeeyey ee Afrikaan ah oo madax banaanidooda hela halgan dheer oo ay kula jireen dowlada Itbooiya, ayaa waxey aaminsan tahay in reer galbeedku ka hiiliyeen, iyadoo labada dalna uu dagaal ka dhex qarxay taasoo keentay in Qaramada Midoobey ay geyso ciidamo nabad ilaalin ah. Ereteriya waxey sheegta caqabada ugu weyn ee gobolka ay tahay Itoobiya oo dooneysa awood ay gobolka ku yeelato. Ereteriya oo keliya maahan dalalka dhibaatada ku qaba, dalka Soomaaliya oo ay xudeed dheer wadaagan ayey farro gelin qaawan ku heysaa tan iyo sanadkii 1996-dii markaasoo ay ku soo xad gudubtay jamhuuriyadii xorta aheyd, halkaasoo ay dad rayid ahi ku leysay iyadoo sheegtay iney ku raad joogto kooxo ay ku sheegtay iney ka tirsanaayeen urrurka islaamiga ah ee Al Itaxaad.
Itoobiya waqtigaasi wixii ka dambeeyey waxey lugaha kula jirtay arrimaha Soomaaliya iyadoo garwadaan ka noqotay. Qab qableyaashii dagaalka ee dalka intooda bada laga eryeyna waxaa ay siin jirtay hub. Dowladii Carta lugu soo dhisay ee C/qaasim Salaad Xassan waxey ka hoos abuurtay urrur ay ku bahoobeen dagaal oogeyaalkii 16-ka sanno dalka haligay kuwaasoo ujeedadii loo aasasayna aheyd iney rido xukuumadii Carta, taasoo ay ku guuleysatay. Dowlada C/laahi Yuusuf inkastooy iyadoo dhistay hadana waxey u muuqataa iney mareyso halka ay martay tii ka horesay, maadama dowladu maamulkeeda ku kooban yahay magaalada beydhaba. Faragelinta Itoobiya waxey keentay in kacdoon balaaaran oo dalka loogaga saaray dagaal oogeyaalkey naas nuujin jirtay ka dhaco Haatan Itoobiya maxkamadaha islaamiga ah ee ka hanaqaaday koonfurta Soomaaliya ayey ku sheegtay argagaxiso waana qorshaha baaxada leh ee ay ku dooneyso in Soomaaliya aaney hagaagin. Isku soo duuboo Itoobiya waa jeermiska geeska Afrika una baahan in la qabto.


Nov 4, 2006

Jabhada ETA oo ku hanjabatay iney ka baxeyso heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay la gashay Isbeyn

Jabahada mudda dheer halkanka hubeysan kula jirtay dowlada Isbeyn ayaa shaaca ka qaadey iney ka baxeso heshiishkii xabad joojinta ahaa ee ay dhawaan la gashay haddii aan wax hormar ah laga gaarin ka hor intaan la gaarin dhamaadka sanaadkan.
Cambaareyn ay ku soo qoreen wargeys ku hadla jabahaadaasi ayey sheegeen in heshiishkaasi ay dowlada xagal dacineyso,labada dhinac ayaa horey dhowr jeer heshiisyo badan oo xabad joojin ah gaaray walow aaney waxba ka soo naas cadaan bishii maarso ee sanadkana heshiish xabad joojin ah oo ay qalinka ku duugeen ayey si rasmi ah u wada gaareen, waana mida keentay ETA iney ku hanjabto in heshiis-kaas haddii aan wax hormar ah laga sameyn ka baxeyso.

Dhinaca dowladana waxey ETA ku eedeysa iney iyadu marwalba sameysato qiil ay ku burburiso heshiis kasta oo la gaara, waxaana ay sidoo kale ku eedeysaa iney hub sharci darro ah ka soo daabulatay dalka Faransiiska.

Bush oo laga codsaday inuu casilo wasiirkiisa Gaashaandhiga

Afar wargeys oo ku hadla afka ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa codsaday in xilka laga qaado wasiirka gaashaandhiga Donald Rumsfeild, kadib markii ay sheegeen kalsoonidii ay hayeen oo dhuntay.
Wargeysyadan oo kala ah Army Times, Air Force Times, Navy Times iyo Marine Corps Times, ayaa ku nuux nuuxsaday in istaraajiyadii ciidan ay fashilantay islamarkaasina uu dhibaatooyin badan u keenay. Qoraalada wargeysyaadaasi ku soo baxay ee lugu doonayo in ninkaasi xilkiisa dhiibo ayaan weli la soo daabicin sida uu sheegay telefeyshinka NBC oo isagu u suuragashay inuu helo nuqul kamid ah qoraalkaasi oo boggiisa internet-ka ku soo daabacay, balse waxaa lugu wadaa in qoraalkaasi ay wargeysyadu daabici doonaan ka hor intaan loo dareerin dooroshada kongoreeska dalkaasi oo maalinta talaadada ahi qabsoomayo.


Nov 3, 2006

Dadka Ingiriiska oo baddi  u arka Bush inuu halis ku yahay nabadgalyada dunida

 
Dadka reer ingiriis ayaa baddi waxey sheegeen iney u arkaan madaxweynaha Mareykanka Bush inuu nabadgalyada dunida uu halis ku yahay. Ra'yi arruurin ay sameysay jarriidada The Guardian ayey badi dadkii ay wareysatay sheegen in hogamiyaha reer Mareykan uu ka qatarsan yahay madaxeynaha Waqooyiga Kuuriya iyo Iiraan.
 
Jariiradu waxey sheegtay in afartii qof saddax kamid ahi ay arrinkaasi aaminsan yihiin, halka 62% ay madaxweynaha W kuuriya u arkaan inuu isna nabadgalyada dunida qal qal gelinkara, dadkan ayaa sidoo kale tirradaas oo kale ku sheegay madaxweyn Nejaad-ka Iiraan. Hogaamiyaha Alqaadina waxey ra'yi arruurintaasi la sameeyey ay noqotay mid ka badan inta lugu sheegay Bush-ka reer Mareykan.
 
Wadamada Kanada, Meksiko iyo Ingiriiska ayaa jarariidadu waxey sheegtay in siyaasada arrimaha dibada Mareykanka wixii ka dambeeya 2001-da ay nabadgalyada dunida halis ku noqotay.
 
                                           Iiraan oo sadex gantaal gantay 
 
Iiraan ayaa maanta shaaca ja qaaday iney gantay sadex gantaal oo ah kuwo ay dhoolatus ahaan ugu muujineysay ciidamada maalmahan biyaha khaliijka dhoolatuska meleteri ku sameynayey laftooda.Nin u hadlay dowlada dalkaasi ayaa sheegay iney tani mid ay ku muujinayaan awoodooda waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay kuwa biyaha dhoolatuska ku sameynayey ay u baahan yihiin iney la socdaan dhaq dhaqaaqyada "cadowgooda".
Jeneraal u hadlay ciidamada dalkaasina waxa uu ka dhawaajiyey iney tibaaooyin kala duwan oo gantaalahaasi ay sameeyeen hadey kuwaasi ahaan lahaayeen kuwa dhulka laga gano iyo  kuwa bada, waxaana uu hadalkiisa intaas ku daray iney kordhiyeen rida gantaalahaasi kuwaasoo markii hore ahaa 120 kilo miter  haatana ay ka dhigeen 170 kilo miter.
 
Iiraan ayaa tijabada gantaalahani sameysay kadib markii meel aan sidaasi uga dheereyn biyaha baddeeda ay Mareykanka iyo xulafadiisa ku sameeyeen dhoolatus meleteri oo ay ku cabsiinayaan Iiraan si aysan fal meleteri ugu geysan dowlad kamid ah gobolka (Israa'iil). Iiraana waxey ugu baaqday dalalka gobolka iney iska kaashadaan cadowga dhulkooda dhoolatusyada ku sameysanaya.
 
   Askar Ameerikaan oo loo heysto kufsi iyo dil ay u geysteen gabar Ciraaqiyad ah iyo Qoyskooda 
 
Mid kamid ah askarta ameerikaanka ee Ciraaq loo diray ayaa loo heystaa dembi ah inuu kufsi iyo dil u geystay gabar yar oo Ciraaqiyad ah iyo qoyskeeda.
Askari ku sheegan oo ka soo jeeda deegaanka Louisville  ee gobolka Texas da'diisana lugu sheegay 21 jir iyo afar kale oo weli ka tirsan ciidamada ayaa gabadhaasi yar kufsi u geysteen kadibna baas ku kala jeexeen iyada iyo qoyskii dhalay oo ku jirtay gabar yar oo lix jir ah lana dhalatay gabdhaasi la dilay. Askartan ayaa sidoo kale loo heystaa iney isku dayeen falkaasi ay geysteen iney qariyaan taasoo markii dambe soo shaac baxday.
Afaran askari ayaa maxkamad ku taala Fort Campbell  ee gobolka Kentucky, haddii ay ku cadaatana dembigaasi ay qarka u saaran yihiin xukun dil ah sida ay qortey wakaalada wararka ee Rueters.

Nov 1, 2006

Kuuriyada waqooyi oo balan qaadey iney ka qeybgaleyso kulanka lixgeesoodka ah

Dowlada Kuuriyada waqooyi ayaa shaaca ka qaaday iney ka qeybgaleyso kulanka loogaga hadlyo barnaamijkeeda nukliyeerka balse arrintaasi waxey ku xirtay sharuud ah in xukuumada Washington ay ka laabato cunaqabateynta dhaqaale ee uu doonayo inuu saaro dalkaasi.
Tan iyo markey soo shaac baxday tijaabadii gantaalaha nukliyeerka xambaarsan ee Kuuriya sameysa waxaa durba aad isu soo taray
cadaadiska caalamiga ah ee la saaray taasoo dhamaan xubanaha dalalka awooda lihi ay isku raaceen in la cunaqabateeyo, xitaa shiinaha oo xirriir dhow la laheyd ayaa goor dambe iclaamisay iney ganacsigii xaga shidaalka kala dhaxeeyey ay ka baxday.

Waqooyiga Kuuriya lafteeda waxey wadahadaladaasi ka baxday markii dowlada Mareykanka ay xanibaad ku soo rogtay dhaqaalihii dibadaha u yaalay, wax yar kadibna Washington waxey ku eedeysay iney sameystay lacag been abuur oo doolar ah. Qubrada ku xeel dheer arrimaha Waqooyiga Kuuriya haatan waxey sheegeen ineysan rajo ka qabin xal laga gaaro marba haddii labada dhinac waa beesha caalamka iyo Kuuriya lafteeda ay arrimo kala duwan ka hadlayaan.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey oo sii joogaya Saxaraha Galbeed

Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in muddo lix bilood ah loo kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta ah ee jooga dhulka Saxaraha Galbeed ee hoos taga dalkaasi Marooko. Dowlada Faransiiska oo arrintan is hortaagtay ayaan waxba ka socon kadib markii gollaha cod buuxda uu arrintaasi ku ansixiyey. Faransiiska waxey codsadeen in dowlada Marooko ay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah bani'aadnka ee ay kula kaceyso dadka deegaanadaasi degan. Mushkiladan daba dheeratay ee la xiriirta Saxaraha Galbeed ee loo caal waayey ayaa haatan waxaa gollaha loogu baaqay in xalka uu noqon karro iyadoo la siiyo madax banaani ay ka qaadato Marooko.

Dhulka Saxaraha galbeed waa dhul waxyaabo badan ku ah hodan sida kalluunka oo baddooda ku badan iyo saliid laga sheegay intaba, taasina waa mida keentay in Marooko ay qabsato sheeganata dhulkaasi sanadkii 1975-tii kadib markii ay ka baxeen gomeysigii Isbeyn ee gumeysan jiray. Jabhada Bolosaariyana oo hubka qaadayna waxaa ay sheegeen iney dhigi doonaan marka Marooko ay ka xoroobaan.

........WARARKII ADDUUNKA EE OCTOBER 2006

... WARARKII ADDUUNKA EE AUGUST 2006...

....WARARKII ADDUUNAK EE JULY 2006... GUJI...

.....WARARKII ADDUUNKA EE JUNE 2006.... GUJI....

 ... WARARKII ADDUUNKA EE MAY,2006... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE APRIL, 2006.... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE BSIHII MAARSO 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD