SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Nov 30, 2006

  • Galkacyo: Tellephonadii oo laga jaray Caawa magaalada Galkacyo...
  • Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan xaaladda dagaal
  • Ciidamada Itoobiya ee la keenay Soomaaliya..
  • Iska hor imaad dhex maray Ciidamo..
  • Maamul Gobaleedka Puntland oo ka cabsi..
  • Guddoomiyaha NUSOJ “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah..

Galkacyo: Tellephonadii oo laga jaray magaalada Galkacyo...

  • iyo Galkacyo oo ka baxday faraha Maamulka GPL kadib markii ay labada Kontorool ee magaalada la wareetey Itoobiyaanku...

Wararka ka imanaya magaalada galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in  caawa (oo Khamiis soo geleyso) laga jaray magaalada Galkacyo khadadkii tellephonada ee lagu wada xiriiri jiray iyada oo aan lagaranayn sababta looga jaray khadka tellephonka magaalada galkacyo.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in ay ciidamada  Ajnabiga ah ee Ethoipianka ah ee ku sugan magaaladaasi Galkacyo in ay falkaasi ku dhaqaaqeen kadib markii ay u baqeeen xaaladooda amaan iyaga oo cabsi  baryahaanba ka muujiyay tellephonada gacanta lagu qaato kuwaasoo ay ku tilmaameen in uu yahay "shirqool islamarkaana aaan loo dulqaadan karin."

Xaalada amaan ee magaalada Galkacyo ayaa ka baxday faraha gacan ku haynta  Maamulka GPL kadib markii ay labada kantarool ee magaalada Waqooyi iyo koonfur ay la wareegeen kacan ku hayntooda ciidamada Ethiopianka ah ee halkaasi ku sugan baryahaanba.

Ilaa iyo hada wax war ah kama soosaarin DGPL la wareegida la wareegida labada kantarool oo ay la wareegeen ciidanka ajnabiga ah ee dalka soo galay.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Galkacyo ayaa caro ka muujiyay la wareegida labada kantarool ciidanka ethiopia ay  la wareegeen iyo sidoo kale tellephonka la jaray ee magaaladal laga jaray caawa.

Dad goob  joogayaal ah ayaa  SomaliTalk.com u xaqiijiyay dhacdadaas caawa lagula kacay magaalada galkcayo lamana saaadaalin karo tilaabada ku xigta ee ay qaadayaan ciidanka  ajnabiga ah ee ku sugan magaalada galkacyo.

Caawa galkacyo waa tellephon la'aan lalama hadli karo cid joogtana ma soo wici karto banaanka waxaana ay galkacyo ku noqotay xili hore oo galkacyo aan laga isticmaali jirin tellephonka nooc walba ha ahaadee.

Dadka ku dhaqan magaalada galkcayo ayaa tilaabadan walaac ka muujiyay waxayna ku tilaameen tilaabdii ugu horaysay ee gumaysi sameeyo tan iyo markii ay somalia xoriyadeedii qaadatay 1960 ilaa maanta  oo ay taariikhdu tahay 2006 Waana dhacdo layaab leh wakhtigana ku waynaandoonta islamrkaana gali doonta buuga taariikhda.


Koonfurta Soomaaliya Waagii Maxamed Dheere


Wararkii shalay... Akhri....

Gabadhaha wax ka barta Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho ... AKHRI...

Waxaa intaas dheer in magaalada Galkacyo ay Ethiopianku bilaabeen in ay khasab indha shareerka uga furayaan gabdhaha Soomaaliyeed, taas oo ay gabahdha Indha shareerka qabaa aysan mari karin waddooyinka magaalada Galkacyo. Arrintaas oo ceeb ku noqotay ragga Soomaaliyeed ee jooga Galkacyo in gabdhohooda ay Itoobiyaan wajiga kaga feydaan waddooyinka dhulkooda.

Ciidamada Ethiopianka ee ku soo qul qulaya Galkacyo ayaa   u soo diyaar garoobay dagaal ay ka sameeyaan gudaha dalka somalia kaasi oo ay uga soo horjeedaan Midowga maxaakiimta Somalia ee Magaalada Muqdisho.

SomaliTalk.com | Galkacyo.


Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan xaaladda dagaal ee u..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro 
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa sii xoogeysaneysa saan-saanta dagaal ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii dhinacyada isaga soo horjeeda ay aad isaga soo dhawaadeen sidii hore, wararka naga soo gaaraya Aaga Baydhabo, waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ay bilaabeen in ay isku fidiyaan Tuulooyin ku dhow dhow Magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ka cararay dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku noolaa halkaasi oo ay ugu badnaayeen beerley dooneysay inay xiligaan beertaan dalagoodii kaddib markii roobab xoog lihi da’een.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay si caadi ah u marayaan Magaalada Baydhabo waxayna Magaalada gudaheeda ka sameysteen baro Koontarool oo dadka si aad ah loogu baarayo, gaar ahaan Gawaarida iyo dadkaba. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo, waxay bilaabeen inay dadka ku qasbaan lacagta Itoobiya ee Birta, waxaana la sheegay in ay dadku aad uga biyo diideen, iyadoo dadka ganacsatada ah ay u sheegeen Ciidamada Itoobiya in ay la yimaadaan lacagta Shillin Soomaaliga ah.

Meelaha qaarkood ayaa lagu waramay in la xiray ganacsigii kaddib markii xoog loogu qasbay in ay qaataan lacagta birta Itoobiya. Kulan la damacsanaa inay wada yeeshaan Saraakiil Soomaaliyeed iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa lagu kala dareeray kaddib markii Ciidamada Itoobiya ay soo xaadiri waayeen kulankaasi. Dhinaca kale Ciidamadii Dowladda Federaalka ee laga kaxeeyay dhinaca Daynuunaay ayaa la sheegay inay qaarkood u baxsadeen dhinaca Diinsoor, kaddib markii Dowladdu ay tixgelin gaar ah siisay Ciidamada Itoobiyaanka ee ku soo qulqulaya Magaalada Baydhabo. Dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo ayaa bilaabay in ay cunto fara badan dhigtaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaal lagu hoobto uu dhex maro Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka.

Ciidamada Itoobiya ee la keenay Soomaaliya..

      Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee la keenay Soomaaliya markii hore loo soo sheegay inay ilaalin doonaan xarumaha Dowladda iyo goobaha kale ee ay Dowladda Federaalka ku sugan tahay, hase yeeshee waxaa haatan lagu wargeliyey inay galayaan dagaal, taasi oo la sheegay inay si aad ah uga walwaleen.

      Waxaa muuqata in Ciidamada Itoobiya keenista Soomaaliya lagu soo siray, waxaana haatan ka muuqata kalsooni daro iyadoo ay xitaa diideen inay la shaqeeyaan Ciidmada Dowladda Federaalka ee kale.

      Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa loo soo sheeg ay inay qaadan doonaan lacag Doolar oo la sheegay inay bixinayaan Dowlado shisheeye, ilaa iyo haatanna wax mushaar ah lama siin, waana qodob ka mid ah qodobada lagu soo siray Ciidamada Itoobiya ee la keenay Soomaaliya.

      Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay haatan ka walwalsan tahay in Ciidamadedu ka dagaalamaan labo aag, kaddib markii Ciidamada Ereteriya dhaqdhaqaaq ka bilaabeen xuduuda u dhexeysa  Itoobiya iyo Ereteriya.

Iska hor imaad dhex maray Ciidamo..

      Warar aanu ka helnay Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in Iska hor imaad uu shalay dhex maray Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey Agagarka Manaas iyo Ciidamo ka tirsan Deegaanka, ilaa iyo hadda lama hubo khasaaraha dhabta ah ee uu sababay dagaalkaasi, basle warar ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya waxyeelo laga gaarsiiyey hal gaari, toban Askarina ay kaga dhinteen.

      Ciidamada Itoobiya ayaa markii hore halkaasi u tagay kaddib markii lagu soo wargeliyay in kooxo maleeshiyo ah halkaasi isku uruursanayaan, markii ay halkaasi tageena waxay la kulmeen iska caabintaasi.

      Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal ku qabsado Ciidamada Itoobiya Gobalada Dalka Soomaaliya, dhawaan ayay ahayd markii ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray deegaanka Iidaale ay halkaasi kala kulmeen iska hor imaad dhowr askarina looga dilay.

      Sidoo kale deegaanka Bardaale dagaal ka dhacay ayaa Ciidamada Itoobiya waxaa looga gubay labo Gaari. Isku soo duuboo waxaa isa soo taraya Naceybka loo qabo Ciidamada Itoobiya ee sida gardarada ah ku soo galay gudaha Dalka Soomaaliya.

Maamul Gobaleedka Puntland oo ka cabsi..

Maamul gobaleeda Puntlnad ayaa haatan waxay wadaan in ay xabsiyada u taxaabaan shaqsiyaadka taageer-san Maxaakiimta Islaamiga ah, iyagoo dhawaan Magaalada Boosaaso lagu xiray Sheekh caan ka ahaa Boosaaso oo lagu Magacaabo Sheekh Daahir Sheekh Maxam'ed ilaa iyo haddana lama garanayo meesha lala aaday sheekhaasi, sidoo kale waxay hanjabaadyo iyo cago jugleyn soo gaareysa qaar ka mid ah culilmada halkaasi ku nool, sidoo kale ganacsatada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa iyana loo soo jeediyey inay bixiyaan lacagaha difaaca maamu Gobaleedka Puntland, ciddii bixin weysana lagala wareegayo waxa ay haysato, waxa ay wararka qaar sheegayaan in dadweynaha ku nool maamul Gobaleedka Puntland ay sameeyaan kacdoon la mid ah kii ka dhacay Muqdisho ee lagu saaray hogaamiye kooxeedyadii.

Guddoomiyaha NUSOJ “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah iney qalinkooda ku difaacaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda”

Guddoomiyaha ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore) oo shaley shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladan Muqdisho ayaa ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan iney qalinkooda uga qeyb qaataan sidii dalkeena Soomaaliya looga difaaci lahaa ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku soo qaaday oo uu xusay inuu yahay waajib muqadas ah oo saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo ka damqanaya jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed.

 Fiyoore ayaa sheegay in looga baahan yahay suxufiyiintu iney muujiyaan marka ay Wararka u tebinayaan bulshadooda wadaniyad, kuna daydaan saxaafadii jirtay xiligii todobaa-tanaadkii oo uu tilmaamay in aheyd mid shacabka ku guubaabin jirtay iney ka qeyb qaataan difaaca dalkooda. 

 “Saxaafada Soomaalida qaarkood oo waxaan maqlaa leh Atto Melles Zenawi waa qalad, kalimada Atto waxay la mid tahay Mudane oo kale, ninkaas cadowga umadda Soomaaliyeed ahna in sidaa loogu yeero maaha” ayuu intaa ku daray Fiyoore.

“Ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ ayaa horey u soo jeediyey in la helo saxaafad ehel ah u ah howsha ay qabaneyso, waxaan ka hortegeynaa kuwa magaca been abuurka ah sheeganaya ee seminaarada qabanaya, waxaan idin sheegayaa waa kuwo aan metelin saxaafada Soomaaliyeed iyo ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ” ayuu yiri Fiyoore oo uga digay kuwa noocaas ah ineysan ku dagmin waxa ay wadaan ee marin habaabinta ah sida uu hadalka u dhigay, iyadoo mar la weydiiyey cida uu ula jeedo kuwa saxaafada ku been abuurtayna uu sheegay iney yihiin shaqsiyaad uu ka mid yahay Cumar Faaruuq iyo kuwa kale oo ganacsato ah oo uu sheegay ineysan ehel u aheyn saxaafada sida uu yiri. “Ururka Qaranka  suxufiyiinta Soomaaliyeed ma metelo nin ganacsade ah, nin Ceel macaan ka shaqeeyo iyo nin fuundi ah, waxaa metelo kara shaqsi  Saxafi ah oo wata qalin, ah tebiye raadiye Tv iwm” ayuu intaa ku daray Fiyoore oo tilmaan ka bixinayey cida meteli karta saxafiyiinta Soomaaliyeed.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro 
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD