SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Xaashi Furan oo ku jihaysan Dadwaynaha reer puntland (Gaar ahaan bosaaso).

Kacdoon ka dhan ah Xariga loo geystay Shiikh Daahir aw-Maxamed

  • ku :dhamaan dadwaynaha reer puntland( gaar ahaan kuwa bosaaso ku nool).
  • ujeedo: Kacdoon ka dhan ah Xariga loo geystay Shiikh Daahir aw Maxamed
Anigoo ah afhayeenka jaaliyada  puntland ee yurub, kuna hadlaya magaca jaaliyada yurub ee reer puntland  waxaan aad uga naxney xariga loo gaystay Shiikh Daahir oo mar ah shiikha boosaaso ama puntland, marna ah caalim idiin marti ah, marna ah shiikh diinta idin bara, in la xiro isagoo ka hadlaaya wax ilaah raali ka yahay oo diintu qabto in laga hadlo, in hortiina mooryaan amxaaro raali gelineysa ay masjidka kala baxdo waa wax taariikhdiina, dhaqankiina, diintiina iyo jiritaanka dhawac ku ah balse hadii aad ka dagaalataan dhibaatada shiikh daahir loo geystay, kacdoon dadwayne ka sameysaan, hadii markaas  tigreega iyo xulufadooda reer puntland  idinka awood roonadaan , ilaah iyo umadiisuba waa ka markhaanti oo denbi ma lihid hadii kalese waxay noqon arin aad heshiis kula tihiin mooryaanta shiikha beytka ilaah kala baxdey, oo ku bahdishey isagoo beytka ilaah ku cibaadeysanaya.
 

Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya..
Waxaa cad culimada joogta Qardho,  Garowe iyo Gaalkacayo in ay xor yihiin, oo wixii ilaah yiri aan cidna u diidin,  cidna aysan marti uga ahayn  balse culimada ku nool gobolka Bari ayaa waxay noqdeen  kuwo aan lahayn awood ay xaqa ku sheegaan, ilaa intii maamulka puntland jireyna culimada aan u dhalan garowe, gaalkacayo iyo qardho  ama  damaanad aaney  ka ahayn dadka magaalooyinka degaa, dhib bey kala kulmayeeen puntland  ay ka mid tahay xarig, bahdilid iyo dhibaatooyin kale.
 
Waxaan anagoo dad badan ah oo shir ka yeelanay arintaas is waydiiney waxa ku dhacay culimadii reer puntland, wax garadkii reer puntland, isimadii puntland marka cabdi qaybdiid oo ah shaqsigii gaalkacayo dhibaatadii la ogaa ka sameeyay canshuurta aad bixisaan ciidankiisa lagu  masruufo, tignikada loogu iibayo, shiikh Daahir aw-Maxamed oo diinta idin bara oo aan puntland cashuurta aad bixisaan waxba laga  siina, hortiina moryaan masjidka ugala baxdey, hadana sida aan maqalney la qorsheynaya isaga iyo culimo kala loo iib geeyo itoobiya.
 
Ugu dameyn waxaan leenahay sida xaalkiinu yahay dib u eega, hadii aad naftiina dulmiga ka xoreyn waydaan allaha idiin urursho, taariikh dheer baad laheydeen, balse waxaa cad in aad hada la mid tihiin ratigii heeryadiisa cuney.
 
culimada aan puntland u dhalan waxaan leeyahay bari ka haajira oo Qardho, Garowe ama Gaalkacayo u haajira ama dhulkiinii aada sababtoo ah bari dad nool oo mooryaanta iyo tigreega idinka xigsada kuma noola.
 
waxaan kala codsaneynaa dhamaan dadka ku abtirsada puntland meel kasta oo ay joogaan inay cambaariyaan xiga shiikh loo gaystay si aan u muujino in ay arintaas dad gaara geysteen.
 
wabilahi tawfiiq
 
afhayeenka yurub ee reer puntland
abdirshid cali cabdirshid
tel: 0044207 3700993
Email: hujaj2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD