SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo Loogu Baaqay in ay ku daydaan Axmed Cowke oo 1977 si weyn ula dagaalamay Ethiopia...

simanaar ku saabasan kor u qaadida tayada saxfiyinta muqdisho ayaa lagu qabatay huteelka saxafi ee magaalda muqdsho, shirkaasi oo ay ka soo qayab galeen madaxa sare oo ka socotay midowga maxaakiimta sida madaxa warfafainta C/rixiin cali muuday, ku xigeenka madaax amaanka mukhtaar roobow abuu mansoor iyo wakiil ka socda hayada bariga bartamaha afrika C/qaadir walaayo.



Gudoomiiyha ururka saxafiyiinta soomaaliyed C/risaaq sheekhaduun oo ka hadalay shirkaasi ayaa ku wargeliyey in tabaro noocan oo kale oo si joogto ay qaban doonaan.

Kulanka qayab galay ilaa 40 suxufi ka kala socda lamaaha saxfada muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Nabadgalyada ee Golaha Maxaakinta Soomaaliyeed Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuu-Mansoor) oo halkaas ka hadlay ayaa u soo jeediyay Saxafiyiinta inay ka qaybqaataan daafaca dalkooda, isla markaana ay cod dheer kaga hortagaan Ciidammada Ethiopia ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo doonaya inay dalka qabsadaan.

Sidoo kale; Xoghayaha Warfaafinta ee Maxkamadaha Sheekh C/raxiim Cali Muuddeey oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay saxafiyiinta inay ku shaqeeyaan qaab dalkooda ay ku difaacayaan, isla markaana ay ku daydaan Axmed Xasan Cowke oo xilligii 1977-kii si weyn ula dagaalamay Ethiopia iyagoo adeegsanaya warbaahinta dalka.

Xubnihii ka hadlay siminnaarkaas ayaa waxaa ka mid ahaa; Prof. Cumar Aadan Qaaddi oo ah saxafi ruug caddaa ah in badanna ku soo jiray howlaha saxaafadda, waaxana uu ku boorriyay saxafiyiinta tababarka loo furay inay howlaha saxaafadda si wanaagsan u bartaan ayna sameeyaan baxthi ay sare ugu qaadayaan aqoontooda saxaafadeed, sidoo kalena waxaa ka hadlay halkaas C/qaadir Maxamuud Walaayo oo ka mid ah ruug-caddayaasha saxaafadeed oo sheegay in wax walba looga baahan yahay inay yihiin kuwo dhameystiran, saxafiyiintana ay ku shaqeeyaan qaab aqoontooda sare u qaadi kara.

 

C/risaaq sheekhaduun | Muqdisho.

SH. Cabdrixiin muudeey: Aniga ayaa ugu horayn doona difaaca dalka iyo diinta weriye kastana waa looga baahan yahay .

Siminaar ay soo qaban qaabiyeen ururka saxaafada qaranka soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan NUSOJ ayaa maanta waxa uu ka bilowday hotel saxafi ,kulankan ayaa waxaa loogu magac daray tababarka kor u Qaadista aqoonta saxaafada soomaaliyeed ,sidoo kalena kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxa warfaafinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed abdixiin mudeey ,ku xigeenka madaxa amniga golaha maxaakiimta sh,muqtaar abu-mansuur rooboow iyo masuuliyiin kale .

Siminaarkan ayaa ugu horayn waxaa hadal kooban ka sheegay xogahayaha tababarada c/rashiid deel oo ka hadalay sida ay wanaagsan tahay in kor loo qaado garaadka saxaafada muqdisho ,sidoo kale waxaa isna hadalo kooban ka yidhi gudoomiyaha ururka saxaafada qaranka soomaaliyeed NUSOJ c/risaaq sheikh aduunyo ayaa iclaamiyey inaysan ku ekaan doonin tababarkan oo keliya ,tababarada ay wado ururka saxaafada soomaaliyeed ee NUSOJ ayna socon doonaan ,sidoo kalena gudoomiyaha ayaa waxuu sheegay inay tababarkan ugu tala galeen 30saxafi uuna socon doono mudo sadex cisho ah .

Sidoo kale kulankan tababarka loogu furayo saxafiyiinta ayaa waxaa kasoo Qayb galay ruug cadaa saxaafadeed oo ugu horeeyo madaxa hay,ada warfaafinta bariga afrika c/qaadir walaayo oo u mahad celiyey ururka saxaafada qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ, siadoo kalena waxaa kaloo aan ka maqnayn ruugcadaaga aqooneed ee cumar aadan Qaadi oo ku amaanay weriyaasha iyo NUSOJ ba sida diiran ee ay ugu dadaalayaan sidii loo horumarin lahaa saxaafada soomaaliyeed .

DHanka kale waxaa golaha maxaakiimta soomaaliyeed oo ah hurmuudka gacanta ku haya magaalada muqdisho iyo guud ahaan koonfurta soomaaliya uga soo qayb galay ku xigeenka madaxa amniga sh,muqtaar abu mansuur rooboow oo ku booriyey inay saxaafadu ka qayb qaadadato difaaca dalka iyo diinta .

Ugu damabayntiina waxaa kulanka saxaafadeed ee simanaarka kobcinta aqoonta iyo garaadka saxaafadeed lagu baranayey furay madaxa warfaafinta iyo dacwada golaha maxaakiimta soomaaliyeed sh,abdirixiin mudeey oo sheegay inaysan maanta laga bilaabo saxafadu aysan ahayn waxa loo yaqaano dhex dhexaad ee loo baahan yahay in laga Qayb Qaato difaaca dalka iyo diinta .

  sidoo kale sheikh abdirixiin muudeey ayaa carrabka ku dhuftay in saxaafada looga baahan yahay inay Qalinkooda ,masakaxdooda iyo maykirifoonkoodaba ku jeediyaan cadowga umada soomaaliyeed ee ku duulaan ah dalkooda iyo diintooda isagoo weliba sheegay inaysan saxaafdu xor ahaan doonin hadii ay qabsadaan cadowga tigreegu oo la oran doono amxaariga cidii taqaan ayaa shaqaynaysa iyo weliba wax ka daran waxuna sheikhu sheegay inuu isagu ugu hormari doono inuu ka Qayb qaato dagaalka jihaadka loogana baahan yahay saxaafada oo dhan inay dalkooda ,diintooda difaacaan .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com

002521-5580916

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD