SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada Itoobiya oo Maanta Ka Dhacey Magaalada Muqdisho:








Banaabax si weyn loo soo agaasimey ayaa saaka abbaarihii 9:00 subaxnimo ka dhacey Fagaaraha weyn ee Tarabuunka Magaalada Muqdisho ,isku soo baxan ayaa waxaa ka soo qaybgaley dhammaan qaybaha bulshada ,sida Haweenka Caruurta ,raga ,ardeydda iskuulaadka waxbarashada ,ganacsatada ,macallimiinta iskuulaadka iyo jaamacadaha ,iyo masuuliyiimta Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed.



Muddaharaadka ayaa waxaa si weyn looga soo horjeedaa ,ciidamada faraha badan ee Dowlladda Itoobiya oo si aan caadi ahayn u soo buuxdhaafiyey gudaha Somaaliya ,masuuliyiinta isku soo baxan ka hadashey ayaa waxaa ka mid ah ,Axmed Qare oo ku xigeenka Xog-hayaha arrimaha Bulshada ee Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed,Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ah xog-hayaha Waxbarashada ee ‘GMIS’,SheekhXasan Dheere oo ah Xog-hayaha Siyaasadda iyo Dibuheshiisiinta ee ‘GMIS’,Sh Yuusuf Siyaad Indhacadde oo ah Xog-hayaha Difaaca ee golaha maxaakamadaha Soomaaliyeed,Maxamuud Sheekh Ibraahin Suuleey oo ah Xog-hayaha Guud ee Golaha Shuurada Soomaaliyeed iyo Sheekh Shariif sheekh Axmed.
       
Masuuliyiinta ayaa waxay ka sinnaayeen sida ay uga soo horjeedaan ciidmada Itoobiya ee xoogga ku jooga Gudaha Soomaaliya ,waxayna Dhaleeceyn iyo habaarba iskugu dareen Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Malez Sinawi,sidoo kale masuuliyiinta maxkamadaha ayaa waxay shacabka weydiyeen ,soomaaliya 16 sano ayaa dagaallo sokeeye ka socdeen ,dadka la dilaayey la dhacaayey ,la afdduubayaayey ,la kufsanaayey maxay markaas u soo gurman waayeen Ciidamo ammaanka sugana u keeni waayeen ,maanta oo ilaahey keeney nasri iyo nabad ay ku naaloodaan shacabka soomaaliyeed ,sababta Ciidan cadowggeenna ah nalagu soo fasaxey waxa weeye ,waxaa la diiddan yahay inaan isku xukunno diinteenna islaamka ,sidaasi darteed soo xaq ma aha Rag iyo dumarba inaan difaacno oo la jihaadno cadowgga islaamka ?

Sidoo kale masuuliyiinta qaarkood sida Shariifka iyo Indhacadde ayaa Qaramada Midoobey uga digey inaan la qaadin cunaqabateynta saaran Soomaaliya ,haddii warkeenna la dhageysan waxaan UNka u sheegeynnaa bay yiraahdeen in Geeska afrika oo dhan uu holci doono dhibaatada ka timmaaddana ay iyagu dhabarka u ridan doonaan .Sidoo kale masuuliyiinta ayaa sheegey in haddiiba xabaddu billaabato uusan jiri dooonin ganacsi ,waxbarasho ,dhammaan dadku wxay aadi doonaan Jihaadka sidaasna waxa yiri Xog-hayaha waxbarashada Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf .

Sidoo kale masuuliyiinta Golaha maxkamadaha ayaa iska fogeeyey inay ciidamo Ereteriyaan ah la joogaan golaha maxaakiimta sida ay ku andacoodaan DFKMG ah iyo dowlladdaha Itoobiya iyo Mareykanaka ,waana marmarsiiyo la doonaayo in lagu qabsado Soomaaliya sidaasna waxa yiri Guddoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay u diyaargaroobaan jihaad ay la galaan cadowgga Islaamka ee Malles Zenaawi iyo xukuumaddiisa .



Isku soo baxan ayaa wuxuu kaga duwanaa kuwii hore waxaa qoryo soo qaatey haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida weyn u Taageersan golaha maxaakiimta Soomaaliyeed waxayna sheegeen inay qoryahooda jihaadka ku galayaan,si ay ula dagaallamaaan cadowgga ilaahey ee yahuud iyo Nasaare sidaana waxaa tiri faadumo maxamed oo ka tirsan haweenka hubeysan ee ka soo qaybgaley Muddaharaadka .Banaanbaxan ayaa wuxuu ku soo beegmey xiilli ay dowlladda Mareykanku qaramada Midoobey hordhigtey Qaraar qabyo ah kaas oo ah in la qaado Cunaqabateynta Saaran ,islamarkaasna la sharciyeeyo ciidamada IGadsom oo Dowlladda Soomaaliya ka saacida ammaankeeda ,sidoo kale wuxuu ku soo beegmey xilli ay ciidmada Goalaha maxaakiimta iyo kuwo Itoobiya qarka u saaran yihiin Dagaal, gaar ahaan laba jiho sida Gobolka Baay iyo Mudug..

Ugu dambeyntii waxaa shacbka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeen jihaad ugu baaqey Guddoomiyaha Golaha Fulinta Soomaaliyeed Sheekh Shariif sheekh Axmed ,markki ay masuuliyiinta goluhu qudbooyinkoodi dhameeyeen ayaa mar qura shacabka waaxay sameeyeen ,shoobare aan garanin waxa ay ula jeedaan ,hase yeeshee waxay ku dhawaaqayeen dooni meyno Itoobiya iyo Igadkeeda.

           

DUGSIYADA GOBOLKA BANAADIR OO KA QEYB QAATEY BANAANBAX

Inta badan dugsiyada gobolka Banaadir ayaa la fasaxay maanta kadib markii fagaaraha Tarabuunka uu ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo faragalinta ciidamada Ethopia ee arimaha Somalia iyo in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran wadanka Somalia.

Maamulada dugsiyada ka dhisan gobolka Banaadir ayaa caadiyan fasaxo arday kolka uu mudaaharaad ka jira magaalada Mqudisho, iyadoo ardayda lagu arki karo goobaha ay ka dhacayaan dibadbaxyada gaar ahaan fagaarahada Tarabuunka ee Muqdisho, waxayna ardaydu ka mid yihiin xoogaga ugu waa weyn ee ka qeybgala dibadbaxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasoo sita dresskii dugsiyada lagu yaqaanay.

Daladaha waxbarsho ee ka jira gobolka Banaadir ayaa kaalin weyn ka qaatay dib u soo nooleynta waxbarshadii luntay ee wadanka Somalia, iyadoo caruur fara badan at fursadaasi ka faa'iideysteen, inkatoo marka la fiiriyo dhaqaalaha ku baxayo ay waalidiinta qaarkood ku adag tahay hadana waxaa lagu tilamaamikaraa talaabo wanaagsan.

Muuse maxmauud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisaho somaliya
0025215576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD