SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print

Maxkamadaha: Dhuxusha HAA, Qaadka MAYA?

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta ayagoo dhanka kalena olole xooggan ugu jira la dagaalanka qaadka.. Akhri Nov 23



GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA FEDERALKA SOOMAALIYA SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN IYO GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHUURADA EE GOLAHA MAXKAMADAHA SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS OO GAARAY GO’AANNO IYO HESHIIS

Iyadoo maalintii shalay aheyd lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho wadahadalladii u socday xubnihii golaha baarlamaanka ee uu hoggaaminayay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiinta Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxay gunaanudkii gaareen go’aanno iyo heshiis ka kooban Lix qodob, wuxuuna u qornaa sidan:

Sida lala wada socdo, waxaa muddooyinkan uu wada hadal uga socday magaalada Muqdisho Golaha Maxkamadaha Islaamiga iyo ergadii nabadoonka aheyd ee Dowladda Federalka KMG ee uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, si shirkii Khartoum e hakadka galay looga saaro, loona sii wado wadahadalkii Khartoum iyadoo horay loo soo saaray war murtiyeed muhiim ah oo ku aaddanaa shirka Khartoum.

Labada dhinac waxay u gudbeen in la sii wado wada xaajoodkii, hoosna loogu sii daadego ubucda is mari waaga si xal loo helo, dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxaa la isla gartay qodobada soo socda:O

1. In la sii wado wada hadallada nabadda ee Khartuum, lagana wada qeyb galo si xal loogu helo arrimaha cakiran ee Soomaaliya iyadoo laga wada shaqeynaayo hirgelinta go’aannadii Khartoum I iyo 2.

2. Waxaa laysku waafaqay in wada hadallada IGAD iyo Midowga Maxkamadaha ay ku ballansan yihiin laga soo hormariyo shirka Khartoum, taasoo aan u arkeyno in xal u keeni karo arrimaha Mugdiga ah ee u dhexeeya Golaha Maxkamadaha iyo IGAD, iyadoo la rajeynaayo inuu ka soo baxo is af garad wax ka tara wada hadallada Khartoum ee lagu xalinayo khilaafka Soomaaliya.

3. Waxaan isla caddeynaynaa in dowladda Kenya ay door weyn ka qaadatay dib u heshiisiinta Soomaaliya ilaa iyo haddana ay waddo dadaallo; waxaan soo dhoweyneynaa shirkii hordhaca ahaa ee dhex maray dowladda Kenya iyo golaha Maxkamadaha oo muujiyay yididiilo fiican, taasoo laga filaayo in golaha Maxkamadaha iyo dowladda Kenya ay isla gartaan doorka hoggaamin ay Kenya ku yeelaneyso shirka Khartoum.

4. Waxaa lagu heshiiyay in la qabto labo guddi oo ka kooban xubnaha dowladda Federalka iyo Golaha Maxkamadaha oo ka baadi goobaya:-

A- Arrimaha Nabad gelyada iyo siyaasadda.

B- Qaabka ugu habboon ee awood qeybsiga iyo habkii loo meel marin lahaa.

C- Joojinta dhammaan wixii colaad keeni kara inta laga gaaraayo shirka Lagu ballansan yahay bartamaha bisha December, si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay wax tarna leh.

5. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, wuxuu uga dhawaaqay baarlamaanka inuu weeraraayo Soomaaliya, isagoo horayna ciidamo laxaad leh si sahrci darro ah u soo geliyay Soomaaliya, taasoo keeni karta dagaal daba dheeraada oo dhex mara labada dal, saameynna ku yeesha nabadda Geeska Afrika. Sidaas awgeed waxaan xukuumadda Itoobiya u soo jeedineynaa inay joojiso hanjabaadaha dagaal doonka ah, ciidamadeedana kala baxdo Soomaaliya.

6. Waxaan ugu baaqaynaa beesha Caalamka, IGAD, AU, ARAB LEAGUE, OIC, EU, USA, inay gacan ka geystaan fulinta is fahamka Golaha Maxkamadaha iyo ergada Dowladda Federalka, taasoo keeneysa haddii ay beesha caalamka si dhab ah u garab istaagaan in xal loo helo dhibaatada Soomaaliya, ayna abuureyso dowlad loo wada dhan yahay oo hanata dalka awoodna leh.



Waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha iyo Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Federalka Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN OO GAARAY MAGAALADA JABUUTI

Guddoomiyaha baarlamaanka Federalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo u kicitimay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa si diiran magaalada Jabuuti markii uu ka degay garoonkeeda diyaaradaha ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda jabuuti iyo qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo iyagu horay ugu sugnaa halkaas.

Afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii uu halkaasi gaaray waxa uu markiiba saxiixay buuggii tacsida ee madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon oo maalmahanba ka furnaa halkaas.

Shariif Xasan inta uu joogo magaalada Jabuuti waxa uu kulamo la yeelan doonaa xubno ka tirsan dowladda Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doona arrimihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay siyaasadda Soomaaliya iyo ka qeyb qaadashada geedi socodka nabadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hor intaanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxa uu heshiis ka kooban lix qodob kula saxiixday magaalada Muqdisho xubno ka tirsan golaha Midowga maxkamadaha islaamiga, kaasoo aan la garaneyn sida ay suurto gal u tahay in heshiiskaasi uu ka fulayo dhinaca dowladda Federalka Soomaaliya.

Muuse Maxamuud jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdsiho somaliya
0025215576666/002521653623

Faafin: Nov 26, 2006

ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Amniga Qaranka iyo Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ee Dimuquraadiga ee Itoobiya... Akhri....


Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed
Sweden: warbixin uu soo diyaariyey macallin Soomaaliyeed Guji

Maxkamadaha: Dhuxusha HAA, Qaadka MAYA?
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta ayagoo dhanka kalena olole xooggan ugu jira la dagaalanka qaadka.. Akhri Nov 23


»Qaar ka mid ah Haweenka G/banaadir oo loo tababaray mashruuca ka faaiideysiga Tamarata Qoraxda

»Leicester , UK:: Soo Bandhigid Dhaqan Soomaali

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD