SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print

Maxkamadaha: Dhuxusha HAA, Qaadka MAYA?

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta ayagoo dhanka kalena olole xooggan ugu jira la dagaalanka qaadka.. Akhri Nov 23



Wararkii: Nov 25, 2006

  • Jaamacadda Carabta oo ka digtay in ay Itoobiya weerar ku qaado..
  • Warar ku saabsan xaaladda Magaalada Baydhabo..
  • 18 wadaad oo ahaa Tabliiq oo loo taxaabey Xabsiga Baydhabo..
  • Khudbaddii Salaadda Jimcaha ee shalay oo ay Culimada ku baaqeen

Jaamacadda Carabta oo ka digtay in ay Itoobiya weerar ku qaado..

Afhayeen u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa Dowladda Itoobiya uga digay in ay weerar ku qaado dalka Soomaaliya, iyadoo ku marmarsiyooneysa inay difaaceyso dowladda Federaalka ah. Afhayeenku waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ka dhalan karo cawaaqib xumo iyo dhibaatooyin ku faafa dhamaan wadamada Geeska Afrika, waxa uuna Dowladda Itoobiya u soo jeediyey Afhayeenkaasi inay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya.

Afhayeenkaasi ayaa waxa uu sheegay in maalmaha soo socda kulan deg deg ah isugu imaan doonaan Jaamacadda Carabta oo looga arinsan doono dagaalka uu ku baaqay Ra’isul Wasaaraha Wadanka Itoobiya Miles Zenawi. Afhayeenku waxa uu sheegay in dhinacyada isku haya Soomaaliya looga baahan yahay inay dib boorka uga jafaan wada hadaladii u dhexeeyay Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka ee ka socday Dalka Suudaan caasimaddiisa Khartuum. Afhayeenku waxa uu sheegay in haddii Itoobiya ay dagaal ku soo qaado Soomaaliya aysan indha ka qarsan doonin Jaamacadda Carabta, waxa una uga digay Dowladda Itoobiya in ay arrimahaasi ku deg degto, basle ay dhex dhexaad ka noqoto arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay Dowladda Itoobiya uga digeen inay weerar ku soo qaado gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in dagaalkaasi uu keeni karo dhibaatooyin hor leh, oo ku faafa geeska Afrika , sidoo kale Golaha Baarlamaanku waxa ay u soo jeediyeen Dowladda Federaalka in ay ku dadaasho sidii ay u difaaci laheyd Shacabkeeda ugana difaaci laheyd caddowga Soomaaliyeed ee Itoobiya, waxaa sidoo kale qaar ka mid ah wadamada ku jira IGAD ay walaac ka muujiyeen hadalkii ka soo yeeray Miles Zenawi ee ahaa in uu weerar ku qaadayo gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana loogu baaqay Miles Zenawi in uu dhex dhexaad ka noqdo Soomaaliya.


Warar ku saabsan xaaladda Magaalada Baydhabo..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in magaaladaasi ay soo buux-dhaafiyeen ciidamo Itobiyaan ah kuwaas oo la sheegay inay ka tiro badan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

Ciidanka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay inay xitaa wataan xasaskoodii iyo carruurtoodii, waxaana magaalada Baydhabo is dib dhaafaya Gawaarida Tiknikada ah ee ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Wararku waxa uu intaa ku darayaan in General ka tirsan Ciidamada Itoobiya haatan uu noqday mid la wareegay ciidamada ku sugan Magaalada Baydhabo ee Dowladda ka amar qaata, waxaana halka uu dega yahay lagu arkayaa saraakiil ka tirsan ciidamadii xoogga Dalka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa lagu arkay saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo u keenaya warar kala duwan.

Sicirka Raashinka iyo Shidaalka ayaa kor u kacay kaddib markii ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ee ku sugan wajiga hore ee halka la isku hor fadhiyo ay ka xayireen, sidoo kale waxaa bilowday dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo ay wadaan labada dhinac, waxaa maalintii shalay ahayd ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ciidamo aad u xoogan oo ka tirsan Golaha Maxaakiimta islaamiga ah oo kuwaas oo isku qaybiyey dhowr aag oo ku gadaaman Magaalada Baydhabo.

18 wadaad oo ahaa Tabliiq oo loo taxaabey Xabsiga Baydhabo..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in 18 wadaad oo ahaa Tabliiq oo ka yimid Magaalada Nayroobi kana soo degay magaalada Baydhabo ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah mar ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho, markii ay marayeen Koontaroolka looga baxo magaalada Baydhabo ee dhinaca Muqdisho ayaa waxaa gaarigii ay wateen is taagjiyey ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka markii la baaray ayaa waxaa gaarigii lagu amray in uu dib ugu laabto Baydhabo oo uu tago Saldhiga Booliiska ee Baydhao.

Markii la geeyay saldhiga Booliiska ayaa 18 wadaad waxaa loo taxaabay xabsiga kaddib markii Dowladda Federaalku sheegtay in ay basaasiin u yihiin Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana haatan wadaadadaasi ku socda baaritaan.

Culumo kale oo Tabliiq ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa dadaal ugu jira sidii loo sii deyn lahaa wadaadadaasi oo iyagu la sheegay inay wateen hawlo la xiriira fididinta Diinta Islaamka oo waxayna isugu jireen Soomaali iyo kuwo aan Soomaaliya u dhalan.

Khudbaddii Salaadda Jimcaha ee shalay oo ay Culimada ku baaqeen

Khudbadii Salaadda Jimacaha ee shalay ayaa Culima’udiinka Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay la jihaadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee weerarka ku soo ah Dhulka Soomaaliyeed.

“Daah idinkama saarna maanta in Miles Zenawi uu la soo baxay cadaawaddiisii soo jireenka aheyd ee uu u qabay Soomaaliya” ayey yiraahdeen Culimadaasi oo sheegay in dadka Soomaaliyeed gebi ahaanba looga baahan yahay inay ka difaacaan dhulkooda Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dagaalka ku soo haya.

Culima’udiinka ayaa waxay sheegeen in jihaadu ku qaybsan yahay dhowr qaybood, midkaana uu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan maadaama dhulkaagi laguugu yimid isla markaana aan laguu ogoleyn wax nabad ah iyo horumar. Waxaana sheegay la arkayey dhallinyaro hor leh oo iska qoraya meelaha diiwaangelinta ee jIhaadka la galayo, kuwaas oo si aad ah u xad dhaafay ayna ka muuqato qiiro wanaagsa.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 

Faafin: Nov 25, 2006

Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed
Sweden: warbixin uu soo diyaariyey macallin Soomaaliyeed Guji

Maxkamadaha: Dhuxusha HAA, Qaadka MAYA?
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta ayagoo dhanka kalena olole xooggan ugu jira la dagaalanka qaadka.. Akhri Nov 23


»Qaar ka mid ah Haweenka G/banaadir oo loo tababaray mashruuca ka faaiideysiga Tamarata Qoraxda

»Leicester , UK:: Soo Bandhigid Dhaqan Soomaali

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD