SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  SAACID

Muhiimadda Ilaalinta Nadaafadda Deegaanka

Soomaalida oo leh dhaqan iyo caado soo jireen ah waxaay naddaafadda ka aaminsanaayeen arrin muhiim ah sida murtida oraneyso, ARRAD WAA DAN, USKAGNA WAA DOQONIMO. Haddaba muhiimadda in la dhowro nadaafadda waa waajib qof kasta iyo ummad kasta maadaama aan nahay ummad 100% muslim ah. Waxaa xusid mudan in howsha ballaaran ee dhowaanahan ka socotay magaalada muqdisho bulshada inteeda badanba ogtahay waxaa hormuud ah Hayadda wadaniga ah ee SAACID oo ah Hay’ad Somaaliyeed howlo kaladuwana ka wadda gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaliya kuwaas oo isugu jira adeegyada bulshada laga maarmaan ka u ah sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Hubdhigista iyo dhaqancelinta, Nadaafadda, Tabaradda iwm.

Maadaama ay ummadda Soomaaliyeed tahay 100% ummad muslim ah waxaa lagama maarmaan ah in in la tixgaliyo hawlkasta oo la qabanayo wixi ay diintu ka qabto. Haddaba maqaalkaan oo ku saabsan muhiimadda nadaafaddu u leedahay dadka iyo deegaanka. Waxaa jira xadiis rasuulka laga wariyey oo ah ‘NADAAFADDU WAA IIMAANKA BARKIIIS’ taas waxaa u daliil ah inaan iimaanka qofka ay wax ka dhiman yihiin haddii uusn qofku ka taxadarin ama ummaddda aynan dhowrin nadaafadddeda.

Muddadii aay socatay howshaan waxaa isbedel wayn uu ku yimid muuqaalka magaalada xagga sixada, caafimaadka, bilicsamida iyo waliba furista jidadkii xirnaa mudada dheer. Waxaa ah mid lagu faani karo in mudadii lix iyo tobankii sano aheyd in la dareemay nolol maadaama lagu guuleystay in 80% waddooyinka magaalada la nadiifiyey laakiin ay jiraan qashiinno badan oo dhex ceegaaga xaafadaha iyo suuqyada waaweyn una baahan in si wadajir ah wax looga qabto sida isu keenidda degmooyin kala duwan iyo wacyigelin joogta ah khaasatan goobaha ay dadka qashinka u dhow deggan yihiin maadaama uu taabanayo noloshooda.

Hayadda SAACID iyadoo kaashaneyso maamulka Gobolka Benadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guud ahaan shacabka deggan magaalaada ayey waxay isku taxalujisay inay qeyb weyn ka qaadato soocelinta nadaafadda iyo bilicda magaalada. Waxaa la shaqaaleysiiyey 100 qofood oo isgu jira rag iyo haween lagana soo xulay dadka liita ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaanka Bermuuda, guud ahaan dadkaas oo noqonayo 1,700 qofood oo run ahaantii ku nool nolol aad u hooseysa. Dadkaas waxaay ku shaqeeyaan $2 maalintiiba iyadoo loo qorsheeyey in la siiyo bishiiba laba jeer. Waxaa kale oo barnaamijkaan ka hawlgala ku dhawaad 34 baabuur oo iska roge ah, hufan, giriig shaqeynayo leh iyo shiraac waxaayna qashinka ay qaadaan ku shubaan gobo loo qorsheeyey oo magaalada ka bannaanka ah sida: Kaawooyinka Keysaney, Kaawooyinka Waxaracadde iyo Kaawooyinka Xalane.

Sidoo kale Hayaddu waxa ay hawlgelisay kormeerayaal iyo kalkaaliyaal caafimaad oo ka hawlgala degmooyinka oo dhan kuwaas oo hawshooda tahay in aay la socdaan hawlaha ka socda degmooyinka guud ahaan. Shaqaalaha qalabka ay isticmaalayaan waa la siiyaa mar walba wixi jabana ama hallaabana waa loo dayactiraa. Hayadda SAACID waxaa la shaqeeyaa Injineerro ka socda Kulan Engineering oo hawshoodu tahay in ay kormeer joogta ah ku sameeyaan goobaha laga shaqeynayo, sida baabuurta loo rarayo iyo talosiin ku aaddan goobaha laga shaqeynayo. Haddaba shacabka deggan magaalada muqdisho waxaan ka codsaneynaa in ay qeyb libaax ka qaataan soo celinta bilicda iyo joogtaynta ilaalinta nadaafadda deegaanka.

Maahmaahda oraneysa ilko wadajir ayay wax ku gooyaan oo macnaheedu yahay in si wadajir ah wax layskula qabto lagana wada qeybgalo u hiilinta nadaafadda deegaanka. Waxaa kaloo wadashaqaynta ka mid ah in qof walbaaba uu nadaafaddiisa gaarka ah ilaaliyo ka dibna tan qoyskiisa, tan xaafadda ilaa aan uga gudubno guud ahaan dalka. Howl walba oo la qabanaayo waxaa lagasoo billaabaa gunta u hoosaysa sidaas darteed intaanan u gudbin dib u dhiska dalaka waa inaan si wanaagsan iskaga kaashano nadaafadda ka dibna ilaalinteeda ogaanana ahmiyadda guud ahaan & gaar ahaanba ay noo leedahay nadaafadda.

Waxaa hubaal ah haddii aan ku guulaysano inaan ka wadashaqayno ilaalinta nadaafadda iyo ilaalinteedaba inaan muddo dhow guulaysan doono haddii alla yiraahdo.

W/ diyaariyay: Hayadda SAACID
Email: saacid@saacid.org 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2006

Batroolka Dad-u-dhexeeyaha: Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne... Akhri..

Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD