SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  S/GALBEED

Warsaxaafadeed: Ururka midowga jabhadaha xoreynta Somali galbeed

Waxaa Khamiistii ka soo baxay xafiiska jabhada Somali galbeed ee magaladaan muqdisho warsaxaafadeed dhinacyo badan taabanayo oo uu ku saxiixan yahay madax warfaafinta C/lahi cisman gaashaan kaasoo looga hadlayey dhibatooyinka dabiiciga ah iyo kuwa gumaysi ee ay qabaan dadka reer somaligalbeed warsaxafadeedka ayaa u qoraa sidaan .

Ururka midowga jabhadaha xoreynta Somali galbeed wuxuu caalamka ogeysiinayaa in wadanka Somali galbeed ay fatahaada webi shabeele iyo roobaab badan ka da.ay gobolka ay khaasaare badan oo naf iyo maalba leh ay u geysteen shacabka s/galbeed .

Waxaa ilaa iyo hada la cadeeyey in dad kor u dhafayo 80 qof ay ku dhinteen dagmooyinka hoostaga gobolka goday gaar ahaan deeganada ,qalaafe,mustaxiil,iyo abaaqorow ,biyaha so fatahay.

Waxaa kale oo fatahaada biyaha webiga shabeele iyo roobabakii da.ay ay waxyeelo badan u geysteen dad ka badan 360.000 oo ay qaarkood go.doon ku yihiin deegano ka tirsan gobolka goday ,

Fatahaadaa waxaa kale oo ku baaba.ay in ka badan 1000 hector oo dalagyo kala duwan ah ,

Sidoo kale waxaa ku dhintey fatahaadaa tiro badan oo xoolaha noo ah sida : Geela lo,da l Adiga , iyo dameeraha .

Dad badan ayaa la il daran Cuduro , gaajo, hoyla.aan iyo dhibaatooyinka ka dhasha fatahadda iyo roobabaka ma higaanka ah , gaar ahaan caruurta iyo dadka waayeelka ah .

Sida la ogyahay nidaamka Ethiopia ee tigreegu ku amar ku tagleeyo ayaan dan iyo aabe toona ka lahayn dhibaatooyinkaa haysta shacabka S/galbeed oo waxa ay u qabaan daaye aan xataa beesha caalamka u gudbineynin .

Haddaba midowga jabhadaha xoreynta S/galbeed wuxuu beesha caalmka guud ahaan gaar ahaana hay.adaha gargaarka ka codsanaynaa in dadkaas ku tabaalaysan fatahaadahaasi lala soo gaaro gurmad deg deg ah si wax loogu qabto musiibadaas ku habsatey.

Sawirka dhanka midig waa koobi warsaxaafadedkii.

 

SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelato Mudane Faarax Macallin Dawaara oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya... Halkan ka dhegeyso...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
 somali39@hotmail.com
 Muqdisho Somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2006

Batroolka Dad-u-dhexeeyaha: Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne... Akhri..

Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD