JAAMICADDA
CARABTA IYO SOMALIA!!
AQALKA
FASHALKA.. XAAJADA LA GEEYA SOO FAASHAL MAAHA??
Dr. Abdi Dhaan-Wade . SWEDEN.
dhaan_wade@hotmail.com
Waxaa dad badani rajo ka
muujiyeen dhexaadinta jaamicadda Carabta ee Dawladda somalia iyo
maxkamadaha muqdisho ee magaalada khartuum.
Dadkaas rajado ka muuqatay Waxaan ku
tilmaami karaa laba nooc midkood:
1-In ay yihiin kuwa aan la soconin
Xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay Jamicadda iyo dawladaha xubnaha
ka ah.
2-Ama kuwo dhibaatoyinka dadka
Somalida haysta muddada dheer la sirinsirqoobay oo ku haftay fatahaadda
musiibooyinka aan kala go’a lahayn markaana iyaga oon waxba hubsanin
sharqantii yeertaba gacant u hadinaya. Kuwaas oo ay ku dhabawday
murtidii ahayd: ” Nin daad qaaday xunbo cuskay ”
Waxaan qoraalkaan ku soo bandhigayaa
Xaaladda Jaamicadda Carabta iyo dawladaha xubnaha ka ah. Kaddibna waxaan
dul-marayaa mawqifka dawladahaasi ee ku Aaddan Somalia 16kii sano ay
jirtay Qaran-jabka,burburka iyo baabba’a. Waxaana ku gunanadayaa
sababaha Carabta iyo war-baahintoodu durbaanka ugu garaacayaan
Maxkamadaha muqdisho iyada oo la wada ogyahay waddamada Carabta Qofkii
ama kooxdii laga Maqlo Xukunka Shareecada.Islaamka aragtiga lagu toogto!!.
Waxaanse intaas oo dhan ka
horraysiinaya hor-dhac la xiriia Jaamicadda nafteeda oo aan si kooban
ugu soo qaadayo dhuruuftii dhalisay asaaskeeda, qaab-dhesmaadkeeda, wax-qabadkeeda
muddada ay jirtay, Kaalinta ay kaga jirto Siyaasadah Dawliga ah ee
waqtiga la joogo iyo waliba sida loo arko mastaqbalkeeda,
Jaamicaddu waa Urur-goboleed ku
dhisan qawmiyadd ama jinsiyadd gar ah ( Ethnic) oo ka midd ah
jisuyadaha Banii Aadamka ee ku nool arlada . Oo ah qawmiyadda dadka
Carbta ah.
Si aan fikrad ugu siiyo dad
Somaaliyeed oo aan intooda baddani maqal mooye eh aqoon fiican u la
hayn Jaamicadda Carabta ayaan waxaan si kooban idiin ku soo xusayaa
Macloomadka asaasiga ah ee uu u baahanyahay qof kasta oo doonaya in
uu wax fahmo Jamicaddu, waxa ay tahay, waxa ay gasho iyo waxa ay
guddo.. Waan kan:
1- ASAASKEEDA :
Waxaa la asaasay Jaamicadda horaantii
1945kii. Sidaas ayay ku tahay tan ugu da’wayn ururada Caalamiga ah iyo
urur goboleedyad maanta dunida ka jira. Waxay ka horasay Qaramada
midoobay oo la Asaasay dabayaaqadii 1945kii. Waxaa kale oo ay ka da’wayn
tahay urur-goboleedyada Adduunka maanta jira dhaamaantood sidaa kan
Afrika, Amerika, Europ iyo Aasia.
Jaamicadda waxaa dhidibada u taagay oo
xubno ka noqday toddoba dal oo waagaas haystay Madax-bannaani. Inta kale
ee Caalamka carabto waxay ku hoos jireen gumaysiga reer Europ.
Jaamicadda waxaa maanta xubno ka ah 21 dal marka laga reebo Somalia iyo
Falastiin.
2- ULA-JEEDOOYINKEEDA:
Cahdiga ( Charter) Jamicadda lagu
dhisay waxaa ku cadd in ulajeeddadeeda ugu wayn tahay sidii loo midayn
lahaa oo hal dal looga dhigi lahaa Umadda Carabta oo dhan . Inta
midnimadaas laga gaarayana in ay tahay Jaamicaddu hooyga ay isugu
keenayaan ISKAASHIGA xubnoho ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha,
Difaaca iyo hor-u-marinta bulshada.
Inkasta oo ay Arimahaas ku cad yihiin
Cahdiga, haddana waxaa taariikh ahaan la ogyahay in ay jireen
ula-jeeddooyin qarsoon oo ka turjimayay duruuftii markaas ay ku
sugnaayeen Shucuubta Carabto iyo dunida muslinka.
Haddaan hoos ugu daadago, waxaa la
ogyahay in fikradda Jaamicadda Carabta ka danbeesay dawladda Ingiriiska
oo markaas awood ballaaran iyo saamayn siyaasadeed ku lahayd gobolka
bariga-dhexe.oo idi
3- JAAMICADDA ISLAAMKA:
Waqtigaas oo ahaa dhamaadkii
dagaal-waynihii labaad ee dunida, waxaa socotay Afkaar kala duwan oo
mufakiriinta Caalamka Islaamku ku taamayeen taas oo ah sidii loo heli
lahaa Nidaam-siyaasadeed oo xaqiijiya DALLADD ay wada harsadaan
dhammaaan shucuubta Islaamku. Kaas oo CIWEL-CELIN u noqda Mslimiinta
markii la baabbi’iyay Nidaamkii Khilaafaddii Islaamka ee CUSMAAIYIINTII
Turkiga ahaa.
Mufakiriin ka tirsana Caalamka Islaamka
oo ay hormuud u ahaayeen JAMAALU-DDIIN AL-AFGAANI (1837-1897 ) iyo
MAXAMEDD CABDOO (1849-1905 ) ayaa u ololaynhayay in la asaaso
JAAMICATUL-IALAAMIYA oo kulmisa dhammaan shucuubta Islaamka oo u
baddesha Khilaafadii Cusmaaniyiinta oo waqtigaas dulsaaarayd sariirta
dhimashada iyada oo loogu magac daray ” NINKII BUKAY ”. Kaddina la soo
afjaro 1923kii. Dhamaadkii Dagaalkii kawaad ee dunida. Markii lagu
jabiyay isbahaysigii ay Turkigu ka midd ahaayeen.
Waxaana fikraddii Jaamicadda Islaamka
halkii ka amba-qaaday Ardaardadii labada Imaam ee aan magacooda soo
xusay iyo dhaq-dhaqaayo aqoonyahanno u badan oo ku faafiyay Caalam
Islaamka oo dhan..
Boqoradii Dalka MASAR ee kala danbeeyay
” Fu’aad -Faaruuq” ayaa ka midd ahaa Taageerayaasha AL JAAMICA AL
ISLAAMYA iyaga oo u hanqal-taagayay in ay noqdaan madaxa Jaamicaddaas.
Magaalada QAAHIRANA noqoto Caasimadda KHilaafadda Islaamka ee cusub.
Ingiriiska oo aad u diidanaa fikraddaas
Islaamiga ah ayaa si ay isu hortaagaan Jaamicadda Islaamka waxay soo
hindiseen Fikradda Jaamicadda Carabta.. Sidaas ayayna ku hirgashay
fikraddii Ingiriisku. Jamicaddii Islaamkana loo xabaalay iyada oon weli
dhalaninba.
4- QAAB-DHISMEEDKA JAAMOCADDA.
Qaab-dheesmeedka Jaamicadda Carabto
waxuu ka tarjamayaa fikraradihii loo asaasay ururka. Oo ahaa inay noqoto
Weelka is-kaashiga dalalka carabta marka hore iyo waddada loo marayo
midaynta dalalkaas marka danbe.Waxay leedahay qaab-dhismeed shabbaha kan
UNka.Waanaa sidan isaga oo kooban:
A- GOLAHA JAAMICADD ama majliska
Jaamicadda. Waana hay’adda ugu saraysa ee ururka. Wuxuuna qaabilsanyahay
arimaha Siyaasadda. Majilsku wuxuu ka koobanyahay Wasiiradda arimaha
dibada ee dalalka xubnaha ka ah. Wuxuuna shirar isgu imaanaya
sannadkiiba laba jeer. Guddoonka Majlisku waa midd meerta ah. Oo dal
walba wuxuu haynayaa muddo 6 bilood ah..
Go’aannada goluhu waxay ku ansaxayaan
marka ay dhammaan xubnuhu is-raacaan oo qur ah. Xarunta ururku waa
magaalada Qaahira ee Masar.Haddii la isla gartana majlisku wuu ku shiri
karaa meel kale.
B-XXOGHAYNTA GUUD::
Waxayna ka kooban tahay Xoghayaha Guud
oo madax u ah iyo hawl-wadeenno la shaqeeya. Qaybtani waxay mas’uul ka
tahayn hawl-maalmeedka ururka, daba-galka fulinta go’aannadiisa iyo is-ku-duwidda
hawlaha laamaha kala duwan ee Ururka. Waxaa kale oo xoghaynta guud ay
mas’uul ka tahay xiriirka ay Jaamicaddu la leedahay dalalka Caalamka iyo
ururada Caalamiga ah iyo urur-goboleedyada iyada la midka ah,,iwm.
C- GOLAHA WAKIILLADA:
Dawladaha ku jira Jaamicadda waxaa mid
walba u fadhiya Waliil ( Manduub). Wakiilladani waxay kulmaan inta
dhaxaysa labada Kal-fadhi ee majliska Jaamicadda. Waxaana la
isugu-yeeraa mar kasta oo loo baahdo. Waxaana isugu-yeeri kara Xoghayaha
Guud ama dalab ka yimidd mid ka mid aha wakiilada dalalka xubnaha ah.
D- GOLAHA DHAQAALAHA IYO BULSHADA:
majliskani wuxuu qaabilsanyahay Dejinta
iyo fulinta qorshayaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalalka carabta iyo
sidii waddamadaas looga hormarin lahaa dhanacyada shaqaalaha iyo arimaha
bulshada. Golahan waxaa loogu tala-galay in uu isku-dubba-rido
dhaqaalaha xubnaha isaga oo adeegsanaya qaabka iyo habka xaqiijinaya
dhaqaale isku-dhafan oo is-kaamila iyada oo la tix-gelinayo waxa dal
kasta ku habboonyahay iyo khayraadka Dabiiciga uu dal kasta leeyahay. Si
loo gaaro dhaqaale isku-dheelli-tiran oo ku salaysan is-kaamilidd iyo
isku-fillaansho dhinc kasta ah.
E- LAAMAHA GAARKA AH:
Waxay leedahay Jaamicadda Laamo ku
takhasusay Majaallo gaar ah. Sida laanta: Wax-barasha, culiimta iyo
hidaha oo loo yaqaan ALESCO waxayna u dhigantaa Uneskada UNka. Waxaa
kalr oo laamahaas ka midd ah kuwo kala qaabilsan caafimaadka, Is-gaarsiinta
shaqada, Cilmi-baarista iyo qaar kale .
F- URURADA SHAQAALAH IYO XIRFADLAYDA:
Waxaa iyana ku xiran Jaamicadda Ururo
ay leeyihiin shaqaalaha iyo xirfadd-layda Carbeed. Sida Ururka
Xoogsatada-Carbeed. Ururada jaamicadaha, gar-yaqaanada, dhakhaatiirta,
dhaqaal-yahannada, Saxafiyiinta, Qoraayada, macllimiinta, hawaynka,
ardada….iwm. .
Waxaa intaas dheer Wakiillo ama Dan-jirayaal
ay Jaamicaddu u dirsato Ururada Caalamiga ah iyo kuwa Goboleed iyo
weliba waddamada qaakood. Wakiilladaas ( Manduub) oo ka fuliya hawlaha
iyo siyaasdaha Jaamicadda ee ku Aaddan ururadaas iyo dalalkaas.
Wakiilladaan waayahan danbe tiradooda waa la soo yareeyay safaarado iyo
xafiisyo Jaamicaddu meelo badan ku la haydna waa la soo xiray.
G- SHIRARKA MADAXDA DAWLADAHA:
Kulamada Boqorada iyo Madax-waynayaasha
Carabto oo loo yaqaan Al-qimma ( Sumit) ma ah Hay’add ku xusan Cahdiga
ururka. Laakiin dagaalkii dhexmay Carabta iyo Israel 1967kii kaas oo loo
yaqaan DAGAALKII LIXDA CASHO ee Carabta lagu jabiyay Yahuudduna ka
qabsay Masar, Suuriya iyo Jordania dhul aad u ballaaran oo dhawr jeer ka
wayn Dhulkii Israel ee dagaalka ka hor, ayaa Madax-waynihii Dalka Masar
Jamaal Abdinaassir wuxuu madaxda dalalka Carabta markii ugu horaysay
isugu yeeray Shir-madaxeed lagu qabtay Magaalada khardduum ee Sudaan. Si
looga tashado mashaqada jabku keenay.
Shirkaas oo ku caan baxay Shirkii
SADDEXDA MAYA. Magacaas oo laga soo xigtay Saddexdii : LAA. LAA. LAA ee
astaanta u ahaa go.’aanada shirkaas.
Taas oo macnaheedo yahay: MAYA, MAYA
iyo MAYA.
Haddaan sii caddeyo waxay
go’aannadaasi ahaayeen: Maya in Israel aan la Xaajoonno. Maya in aan
Israel la heshiino. Maya in aan Israel aqoonsanno.
Intii waqtigaas1967kii ka danbaysay
Dawr jeer ayaa la qabtay shirar madaxeedyo teel-teel ah.
Shir-madaxeedkii Bayrut ee Lobanaan
2002dii aya lagu heshiiyay in shri-madaxeedyada dalalka jjaamicadda la
joogteeyo sannadd walba.
5- WAX-QABADKA
JAAMICADDA!!.
Waxaa marag ma-ddoonta ah in qaabka ay
Jaamicaddu u dhisan tahay oo yahay midd aad u qurxoon, oo ka marag
kacayaa in ay dejiyeen aqoon-yahanno ku xeel-dheera arimaha sharciga,
culuumta siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bushada. Waxaa kale oo la
oran-karaa Raggaas garashadoodu way ka horaysay waaqicii iyo duruufihii
uu ku jiray Caalmka Carabto. Waqtigaas oo hadda laga joogo in ka badan
60 sano..
Waxaa iyana xusidd mudan in
shucuubta-carbeed ay dul-saartay ididiilo aan xadd la hayn Jamicadda oo
u arkahayeen in ay ka tarjamayso dareenkooda Qawmiyadeed ee ku salaysan
midnimada Afka, Diinta , Taariikhda, Hiddaha iyo Dhaqanka
Waxaa kale oo ay Dadyawga Carbeed u
arkayeen Jaamicadda waddadii Mustaqbalka ay ku gaari la haayeen soo
celinta midnimada Umadda Carbeed ee gumaysiga reer Europ kala qaybiyay
kalana qoqobay.
Waxay u arkayeen in haddii ay waayeeen
hadafkii waynaa ee midaynta umadda Islaamka in ay helaan ugu yaraan
Carab midaysan.
Waxaase muhim ah in la is-waydiiyo
Jaamicaddu ma xaqiijiyay ula-jeeddooyinkii iyo ahdaaftii ay ku taamayeen
Asaasayaasheeddii dhibada u aasay muddadaas kor u dhaaftay lixdanka sano
iyo himiladii dadyawga carabto u qabeen? Cimrigaa dheer ay Jamicaddu
soo jirtay ilaa heerkee ayay ku guulaysatay in ay u horseeddo Umadda
Carabta Xaqiijinta mabda’a ugu waynaa ee loo dhisay oo ah in la
gaarsiiyo Carabta Midnimo siyaasadeed, difaac iyo hor-u-kac dhaqaale iyo
bulsho oo ku yimaadda is-kaashi iyo middnimo?.
Jawaabta oo koobani xaqiiqo ahaan waa
mid kharaar. Oo waa maya!!
Waxaan oran karaa Jaamicadda waxay
jirtaa 60 sano oo GUUL-DARRO iyo FASHAL dhinac walba ah ayaa
hareereeyay.
Lixdankaa Sano waqtiba waqtiga ka
danbeeya ayay Jaamicadda Carabto iyo dawladaheedu ka sii fagaanayeen
kana sii durkayeen is-kaashigii iyo midnimadii loo asaasay Jaamicadda.
Laga soo billabo fashalkii dagaalkii
1948 kii ee dalka Falastin Yahuuddu ku qaadatay ilaa iyo fashalka maanta
oktobar 2006 da ee Jamicadda Carabto iyo xubnaheedo ku Fashileen shirkii
Kharttuum ee dhex-dhexaadinta Dawladda Somalia iyo maxkamadaha Muqdisho,
Jaamicaddu fashalba fashal ayuun bay uga sii gudbayeen. ilaa loogu
magac-daray AQALKII-FASHALKA.
Waxaa yaab iyo tacajub ah oo aan qofna
laga dhaadhicin karin in lixdan sano ka hor uu is-kaashiga Carabto ka
fiicnaa boqolaal jeer heerka uu maanta ku sugan yahay. Iyo in midnimada
Ummadda Carbeed lixdan sano ka hor ay ka dhowayd kan rajo wanaagsanayd
boqolaal jeer heerka ay maanta taagan tahay!!
Sabaha Fashalkaan u horseeday
Jaamicadda waxaan ku soo bandhigi doonaa qormada soo socota haddii Alle
yiri.
Waa : Dr. Abdi Dhaan-Wade . SWEDEN.
dhaan_wade@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2006