Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed ee Sweden.
C/risaq Maxamed Xuseen,
Eskilstuna ,
Swdeden.
Email:
habdirisak@hotmail.com
Hordhac
Anigoo ah macalin wax ka dhiga dugsi ka
mid ah dugiyada ay ardayda somaaliyeed dhigtaan ee wadanka iswiidhan.
Muddo labaatan sanno ka badana ku dhexjirey arimaha waxbarashada, ayaan
baaritaan dheer ku sameeyey heerka waxbarashada ardayda soomaaliyeed ee
ku dhaqan wadanka iswiidhan. Gaar ahaan ardayda dhigata dugsiyada hoose/dhexe
iyo kuwa sare.
- Waxaan la hadlay arday
soomaaliyeed oo boqol kor u dhaafaya, dhigtana dugsiyo kala duwan
- Waxaan la hadlay macalimiin
ardaydaas u dhiga maadooyin kala duwan.
- Waxaan la hadlay macalimiin
soomaaliyeed oo iyaguna wax ka dhiga dugsiyadaas kala duwan.
- Waxaan la hadlay la taliyayaasha
ardayda ee xagga waxbarashada ee ku sugan dugsiyadaas.
- Waxaan la kulmay waalidiin aad u
fara badan.
Baaritaankaas waxaa iiga soo baxay in
ardayda soomaaliyeed ay ka mid yihiin kuwa ugu liita xagga tacliinta
kolkii la garab dhigo ardayda kale ee anjebiga ah iyo kuwa iswiidhishka
ahba. Waxa aad u yar ardayda dugsiga hoose/dhexe ka qaata shahaado
buuxda oo ay ku geli karaan dugsi sare.
Waxaa aad u badan ardayda soomaaliyed
oo kolka ay fasalka la qabsan waayaan iskoolkaba isaga taga ama inta
badan ka maqnaada. Ardayda soomaalidu waa kuwo badankood ku liita
maadooyinka muhiimka ah sida; xisaabta, luqada iswiidhishka, sayniska
iyo luqada ingiriiskaba. Marxaladaas ay ardeyda soomaaliyeed ku sugan
yihiin waa mid run ahaantii aad ii xanuujisay. Waana mid dareen ku
abuureysa qof kasta oo si wanaagsan u fekeraaya. Waxaan maqaalkan
idiinku soo bandhigayaa waxyaalaha aan u arko iney lug ku leeyihiin
guuldarada ku habsatey ardeyda soomaaliyeed ee iswiidhan.
Qaabka waxbarashada wadanka oo aan
la fahmin
Qaabka wax looga barto dugsiyada
iswiidhan ayaa aad iyo aad uga duwan kan soomaaliya. Wadankan iswwiidhan
waxaa macalimiintu xooga saaraan in ardaygu si guud u fahmo waxyaalaha
iskoolka laga dhigto. Balse ardayga iyo waalidkiis ayey u taal iney
faahfaahinta iyo waxii kale oo dheeraad ah raadsadaan. Waxaa kaloo iyana
dadka soomaaliyeed intooda badani aaney fahmin doorka waalidku ku
leeyahay habsami u socodka waxbarashada ardayga.
Waalidku waxaa uu qaybweyn ka qaataa
habka loo maamulo waxbarashada ardayda. Ilaa 50% ( boqolkiiba konton ama
ka badan) waxaa la doonayaa in ardeyga iyo waalidkiisu ay guriga kusoo
shaqeeyaan. Waxaa iskoolku filanayaa in ardeyga uu arimaha loo diray
kala doodo waalidkiis, isla markaasna isaga oo diyaarsan uu iskoolka
kusoo noqdo. Arimahaan aan kor kusoo sheegnay, waalidiinta soomaalida
badankood kuma firfircoona. Taas waxaa keeni kara arrimo badan oo ay ka
mid yihiin: Waalidka oo aan aqoon hore oo badan lahayn, waalidka oo aan
si fiican u aqoon luqada iswiidhishka, waalidka oo ay deganaansho
laŕani hayso. Tusaale ahaan waxaa uu doonayaa inuu meelkale u guuro iwm.
Waxaa kaloo dhici karta inaan waalidku fahamsaneyn dhaqanka waxbarashada
ee wadankan iswiidhan.
Waalidiinta badankood oo aan shaqo
haysan.
Guud ahaan bulshada soomaaliyeed ee ku
dhaqan wadankan iswiidhan ayaa badankood ah kuwo aan wax shaqo ah haysan,
balse ku nool taakulaynta ay dowladu u fidiso. Arimaha keenay shaqo
laŕantaas ma aha mowduuca maqaalkan sidaas darteed halkan kuma faaleyn
doono. Waxaan keliya oo aan eegeynaa saameynta ay arintani ku yeelan
karto waxbarashada dhalaanka. Waa arin iska caadi ah in dadku iska niyad
xumaadaan kolkii ay shaqo wayaan. Walow ay waalidiintu ku dadaalaan in
arinkaasi aanu saameyn ku yeelan waxbarashada ardayda. Haddana caruurtu
waa kuwo ka warqaba xaalada nololeed ee waalidkood. Maadaama uu waalidku
yahay midka ay ilmuhu ku kalsoon yihiin oo ay ku daydaan. Waxaa dhici
karta in jahwareerkaas iyo niyad jabka waalidiinta qaarkood haystaa uu
si dadban ugu gudbo caruurta iskooleyda ah. Halkaasna ay caruurtii ku
niyad jabaan.
Bulshada soomaaliyeed oo aan
iskuduubnayn
Kala daadsanaanta ku habsatey bulshada
soomaaliyeed meel ay joogaanba, waxaa ay saameyn weyn ku yeelatay
waxbarashadii dhalaanka. Hadii ay jirto iskuduubni iyo naadiyo
firfircoon waxaa ay ardeydu heli lahaayeen talo siin , caawinaad xagga
maadooyinka ah iyo dhiiri gelin dheeraad ah. Walow ay jiraan meelo aan
badnayn oo arinkaas guul ka gaarey haddana bulshada inteeda badan waa
mid aad u kala qaybsan. Waxaa laga yaabaa in aqoonyahan soomaali ahi uu
bilaabo hawl ( project) uu ugu talo galay inuu ku saacido ardayda
soomaaliyeed ee aqoontoodu liidato. Balse waxaa inta badan dhacda in
aqoonyahankaasi waayo wax ka faaěideysta howshaas uu bilaabay.
Sababahaan soo socda ayaa keeni kara in aan macalinkaas laga faaěideysan.
- Qabiilkiisa: Xagee ka soo jeedaa
macalinku? Haddii macalinku noqdo mid qabiil kale ah waxaa ay u
badan tahay inaan wax arday ah loo geysan. Sababtuna waa iska sahal
in la fahmaa. Waxaa uu waalidku oranayaa ” sidee ugu geystaa ilmo
nin reer hebel ah” iwm
- dhaqaale: Horta yaa macalinkaan
lacagta siiya? Halhays aad wadankaan looga yaqaan waxaa weeyaan: ”
waxaa uu hebel doonayaa inuu ilmahayga lacag ku cuno” Waxaan marna
la isweydiin su aasha ah: war ilmahaygu ninkaan/ macalinkaan wax
maka baranayaan, haduu rabo lacagba ha qaatee? Waxaan kaloo la
isweydiin: War xitaa hadduu macalinku lacag qaato, sow adiguba
waalid ahaan lacag ma bixin lahayn? Sow faaěido ma aha haddii
lacagtii aad bixin lahayd qolo kale bixiso.
Geediga badan ee soomaalida:
Dhaqankeenii reer guuraanimada
waxaad moodaa inuu inala socda xitaa haddii aan wadankeenii aad uga
soo fogaaney. Dadka reer guuraaga ahi mararka qaarkood waxaa ay
guuraan iyaga oo xooluhu doog iyo barwaaqo haystaan. Bal qiyaas
akhristow sababta ay u guuraan? Waxaa ay yiraahdaan: ” war reerka
aan raro ( aan guurno) meeshtan waa lagukala guureye”. Macnuhu waxaa
weeye, reer cali ayaa guurey, reer meygaag ayaa guurey, reer
muxyadiin ayaa guurey. Balse ma jiro qof isweydiinaya: Maxay u
guureen dadkaasi? Ma hal ujeedo ayey u guureen mise ujeedooyin kala
duwan?
Dhaqankaasi run ahaantii waxaa uu
jebiyey lafdhabartii aydayda soomaaliyeed ee yurub iyo Ameerika.
Wadankan iswiidhan waxaa soomaalida
aad u saameeyey laba nooc oo geedi ah. Kan hore waxaa weeyaan iyadoo
ay soomaalidu aad ugu kala guuraan magaalooyinka wadanka dhexdiisa
ah. Iyagoo oranaaya. ” war halkaas bey ka dilaacday oo roob fiicani
ka dačy. Geediga kale waxaa weeyaan iyadoo ay soomaalidu aad ugu
guuraan wadamo kale sida Ingiriiska, wadamada carabta iyo soomaaliya.
Labdada geediba waa kuwo dhib badan u keenay ardayda soomaaliyeed.
Geediga dalka gudihiisa ah:
Kolkii ardayga laga wado deegaan uu
la qabsaday, waxaa ardayga soo wajaha jahwareer badan.
Jahwareerkaasi niyad jab iyo kalsooni xumo ayuu ardeyga ku abuuraa.
Bal qiyaas adigoo halmar lagaa waday deegaankii aad taqaaney,
macalimiintii aad taqaaney adigana ku yaqaaney, asxaabtii aad
taqaaney iwm. Imisa ayey ardeyga ku qaadaneysaa inuu barto lana
qabsado dabeecada deegaanka cusub ee loo raray? Imisa ayey
qaadaneysaa in macalimiinta iskoolka cusubi bartaan ardayga. Inta
ardeygu ku jiro u kuurgelida iyo la qabsashada deegaanka cusub,
waxaa ka dhumaaya wakhti badan oo uu u adeegsan lahaa tacliintiisa.
Waxaa laga yaabaa in ardayda qaarkood ay sanad dugsiyeedka barkiis
ku qaadato inuu la qabsado iskoolkii. Imisa maado oo muhiim ah ayaa
dhaafaya ardayga?
Maadooyinkaas ma aanu seeggeen
haddii loo deyn lahaa degaankii uu yaqaaney.
Ardeyga keliya dhibtu ma gaareyso
balse reerkii oo dhan ayaa ku sugan jahwareer uu dhaliyey deegaanka
cusubi.Halkaasna waxaa ardaygu ku waayayaa caawinaadii uu ka heli
jirey guriga.
Geediga dalka dibadiisa ah:
Marar badan geedigani waa ka dhib
badan yahay kan dalka gudihiisa ah, gaar ahaan kolka caruurta lala
guurey ay yihiin kuwo toban sano dhaafay. Taasi waxaa ay keentay in
ardaygu labada dhinacba seego. Waxaa aad iyo aad u yar fursada uu
ardayga guurey kula qabsan karo wadankaas uu tegey. Maxaa yeelay
ardaydu waxaa ay wax ku bartaan afka iswiidhishka, aqoontooda
luqadaha sida carabiga iyo ingiriiskuna aad buu u kooban yahay.
Waxaa khasab ah in dib u dhac badani ku yimaado ardaygaas guurey.
Taas ayaana keenta in waalidiin badani soo noqdaan kolkii caruurtu
la qabsan waayaan wadankii loo raray. Wakhtiyo badan ayaan la kulmay
ardeydaas soo noqday, waana run ahaantii kuwo aad iyo aad u niyad
jabsan. Wakhti dheer ayeyna qaadataa inuu markale la qabsado
waxbarashadii iskoolka. Waxaa quursada oo hoose u eega ardaydii uu
ka haray. Waa arin runtii dhibkeeda leh.
Talooyin iyo gebagabo.
Anigoo kaashanaaya khibradeyda
macalinimo iyo howshaan oo aan ku dhexjiro maalin walba waxaan soo
jeedinayaa talooyinkan:
- In waalidiintu aad iyo aad ugu
dadaalaan iney fahmaan dhaqanka xagga waxbarashda ee dalkan
iswiidhan. Maxaa yeelay nidaamka tacliinta oo aad fahamtaa waxaa
uu kuu sahlayaa inaad ilmahaaga si wanaagsan u caawinto ulana
socoto. Ingiriisku waa kuwa yiraahda; ” understanding is half
done” oo ay ula jeedaan haddaad fahamto meesha wax loo wado
waxaa sahlanaan karta inaad xal hesho.
- Ineynu danta iyo mustaqbalka
waxbarasho ee ilmaheena aan ka hor marino wax walba oo kale. Waa
inaan ilmaha haddii aaynaan guriga ku caawin karin, u geynaa
dadka macalimiinta/aqoonyahanka ah ee soomaaliyeed. Waa in qofka
waalidka ahi uu iska daayaa – reer hebel waxba uma geysto iwm.
Cilmiga iyo faaěidada waa inaan u galaa meel walba.
- Waa inaan isku duubni muujinaa
si aan guul u gaaro. Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan. Koox
walba oo soomaali ah ee meel degani ha isku dayeen iney u
faaěideyaan ciyaalka. Qofka ama labada qof ee kooxda ugu fiicani
haka saacideen ardeyda maadooyinkooda. Arinkas waxaa sameeya
dadka kale ee anjebiga ah.
- Waa in waalidku aad u
kordhiyaa xiriirka uu la leeyahay macalinka iyo iskoolka ardeydu
dhigtaan. Taasi waxaa ay kuu sahleysaa inaad goor hore ogaato
meelaha ardeygu ku liito iyo waxyaalaha uu ku fiican yahayba.
- Waa in waalidiinta qaarkood ay
ku biiraan gudiga waalidka ee iskoolka. Gudigaasi waxaa ay
saameyn weyn ku leeyihiin habka ay tacliintu iskoolkaas uga
socoto.
- Waa inaan aad uga fekeraa
geediga laab la kaca ah ee aan semeyneyno. Xitaa haddii aad
guureysid, ka feker oo baaritaan ku samee arinkaas. Waa inaad
tagtaa meesha aad rabtid inaad u guurto si aad baaritaan u soo
sameysid ( Field study).
- Waa in ardayda la siiyaa abaal
marin iyo dhiiri gelin si ay usii wadaan howshooda waxbarasho.
- Waa inaan wakhti badan gelinaa
caruurteena. Waa inaan wakhti kasoo goynaa waxyaalaha
maalaayacniga ah. Sida turubka, fadhi ku dirirka iyo reer hebel
xagee ku dameeyey iwm.
Waxaan aaminsanahay haddii
arimahaas aan kor kusoo sheegay aan yeelno inaan wax ka bedeli karno
marxalada naxdinta leh ee ay ardeydeenu ku sugan yihiin. Ilaahay ha
inagu garab galo.- Aamiin.
MAHADSANIDIN
C/risaq Maxamed Xuseen, Eskilstuna ,
Swdeden.
Email:
habdirisak@hotmail.com