SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

Wararkii: Nov 23, 2006

  • Golaha Maxaakiimta oo mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta..
  • Maxaakiimta oo wada ololihii la dagaalanka Qaadka
  • Jaamacadda Carabta oo Q/Midoobey ka codsatay..
  • Dadweynaha Deegaanka Cabud-Waaq oo si aad..
  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Iidaale..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii qulqulaya..

Golaha Maxaakiimta oo mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta..

  • Golaha Maxaakiimta: Dhuxusha HAA!, Qaadka MAYA?

21-kii bishan ayaa waxay ku ekeed mudadii labada bilood aheyd ee loo qabatya ganacsatada dhuxusha ka dhoofisa Dekedda Ceel Macaan, waxaana la filayey in go’aankaasi uu hirgalo hase yeeshee Afhayeenka Golaha Maxaakiimta C/raxiim Cali Muudey ayaa waxa uu sheegay in codsi uga yimid ganacsatada mar kale loo fasaxay in ay dhuxushooda ku dhameystirtaan balse ma faahfaahin waqtiga laga joojin doono.

Arrintaan ayaa waxay walaac gelisay dadweynaha Soomaaliyeed oo Maxaakiimta uga fadhiyey in ay joojiyaan dhoofinta Dhuxusha, maadaama ganacsataasi si arxan daro ah u jarayaan Geedaha, taas oo keeni karta nabaadguur aad u ba’an.

“Waxaan Maxaakiimta uga fadhinay in ay ganacsatadaasi bulshada ka qabtaan, basle fursad kale ayey siiyeen, sidaa darteed waa in ganacsada kalana fursad loo siiyaan ka sii ganacsiga Qaadka” ayuu yiri nin Odey ah oo sheegay in uu aad uga xumaaday go’aanka ka soo yeeray Maxaakiimta Islaamiga ah.

Maxkamadaha iyo Xaalufinta

Oct 2005:
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Dekedda Kismaayo muddo Afar bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey 29,283.7 Metric Tons oo dhuxul ah, dakhliga lacagta ah ee ka soo baxdayna waxay ahayd $5,856,740 doolar - waa $5.8 million - iyo Col. Barre Hiiraale oo qaatay lacagtaas Faa'iidadeeda ugu badan.. Akhri


Oct 2005 - Laascaanood: Dhuxul shidayaal Loo Xiray dhul Daaqsimeed ay Gubay...

Maxaakiimta oo wada ololihii la dagaalanka Qaadka

Waxaa Ciidamada Golaha Maxaakiimta Islaamiga wadaan ololihii la dagaalanka qaadka, waxaana maalintii shalay ahayd qaad laga keenay Magaalada Baydhabo ayaa ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ee ku sugan magaalada Buur-Hakaba ku qabteen deegaankasi.

Gaarigii lagu qabtay iyo ciddii sidayba ayaa Golaha Maxaakiimtu gacanta ku dhigeen, waxaana halkaasi lagu gubay wixii qaad ahaa ee saarnaa gaarigaasi, sidoo kale waxaa ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka hawlgala Gobalka Banaadir ayaa iyana gacanta ku soo dhigay qaad, waxaana shalay lagu gubay Kumaando Buliisiya, waxaana ka qaybgalay dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsan gubista qaadkaasi.

Maxaakiimta Islaamiga ah waxay sheegeen inay olole balaaran ku qaadi doonaan la dagaalanka Qaadka, waxaadna arkeysaa wadooyinka soo gala Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Maxaakiimta ka tirsan oo baaraya Gawaarida, sidoo kale, waxaa lagu amray dhamaan ciidmada in ay sameeyaan feejiknaan dheeraad ah oo la xiriirta la dagaalanka Qaadka.

Jaamacadda Carabta oo Q/Midoobey ka codsatay..

Jaamacadda Carabta ayaa waxay warqad qoraal ah u gudbisay Qaramada Midoobey oo ay ka codsneyso in aan Soomaaliya laga qaadin cunaqa-bateynta hubka, iyagoo qoraalkooda ku sheegay in haddii soomaaliya laga qaado cunqabateynta hubka ay keeni karto dagaalo hor leh oo ka dilaaca Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta waxay kula taliyeen dowladaha u ololeynaya arrintaasi in ay ka digtoonaadaan oo ay fiiriyaan maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, waxay kaloo Jaamacad carabtu sheegtay inay Qaramada Midoobey looga fadhiyay in ay isku keento kooxaha Soomaaliyeed oo iyagu haatan qarka u saaran in uu dagaal dhex maro, gaar ahaan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, sidoo kale Jaamacaddu Carabtu waxay ka codsatay Qaramada Midoobey inay dib u soo nooleyso wada hadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah ee Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan.

Dadweynaha Deegaanka Cabud-Waaq oo si aad..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cabud-Waaq waxay sheegayaan in dadweynaha halkaasi ku nool ay si aad ah u soo dhaweeyeen la wareegididii Golaha Maxaakiimtu ay la wareegeen Degmadaasi, kaddib markii maalintii Doraad Cabud-Waaq ay tageen ciidamo ka socday Golaha Maxaakiimta islaamiga ah.

Dadweynaha ku nool Cabud-Waaq ayaa waxay ka codsadeen Maxaakiimtu sidii halkaasi looga furi lahaa Maxkamad Islaami ah oo ka mid noqota Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Maxaakiimta ayaa horey waxay u sheegeen in gobalkii ama degmadii looga yeero ay si dhaqsi leh ku gaari doonaan, waxayna wararka ka imaanaya Gobalada Dhexe ay sheegayaan in ay socdaan wada hadalo u dhexeeya Culuma’udiin ku nool Magaalada Gaalkacyo iyo Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah, kaas oo la doonayo in ay si nabad ah Maxaakiimtu ku tagaan degmada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaceeda Koonfureed, hase yeeshee maamulka Puntlnad ayaa isagu diidan arrinkaasi.

XAALUFINTA SOOMAALIYA:::

Waa geed Cambe ah oo qoyan oo la jarayo si looga shido Dhuxul. Akhri wararka maalinta dhirta Guji
DAROOGADA & SOOMAALIYA

Oct 2005: Warbixintii Qaramada Midoobey ee Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkii ka helijirey $600,000 Guji

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Iidaale..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku suganaa deegaanka Iidaale oo uu doraad dagaal ku qabsaday ayaa maalintii shalay ahayd isaga soo baxay halkaasi, kaddib markii halkaasi ay ka firxadeen maleeshiyooyinkii deegaankaasi ku sugnaa.

Ciidamada Itoobiya oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxay ku raad joogeen kooxo dhawaan khasaaro gaarsiiyey Ciidamada Itoobiya, basle ciidamada Itoobiya ayaa halkaasi kula kulmay khasaarooyin kale kaddib markii ay mar kale weerar ku soo rogaal celiyeen kooxii maleeshiyooyinka ahaa ee deegaanadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa intii ay ku sugnaayeen Iidaale waxay kulamo la yeesheen odoyaasha deegaanka oo lagu amray inay deegaankooda ka ilaaliyaan kooxaha maleeshi-yooyinka ah.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii qulqulaya..

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Baydhabo waxaa soo gaaray guuto ka tirsan Ciidamada Itoobiya, kuwaas oo watay ilaa iyo 30 tikniko ah, waxaana ciidamadaasi ku biireen ciidamada kale ee Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Baydhabo. Tirada ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxay gaareysaa ilaa iyo 4-kun oo Askari oo Itoobiyaan ah, waxaana dadka qaar ay sheegeen in maalinba maalinta ka dambeysa ciidamada Itoobiya ay si aad ah ugu sii qulqulayaan Magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2006


Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyada Jabuuti Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo geeryoodey.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada dalka Jabuuti Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon ayaa habeen hore ku geeryoodey dalka jabuuti waxaana shalay lagu duugey magaalada Jabuuti ee jamhuuriyada dalka Jabuuti.

Eebe ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee jamhuuriyada jabuuti Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon ayaa habeen hore saqdii dhexe ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaale magaalada jabuuti isagoo markaasi da'diisu ahayd shagaashan jir (90).

Taariikh Nololeedkii Xasan Guled Abtidoon.

Eebe Ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee jamhuuriyada dalka jabuuti xaaji Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu talada dalka jamhuuriyada Jabuuti qabtey 24/6/1977 oo ahayd xiligii uu xornimada qaatey dalka jabuuti waxa uuna ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada jabuuti.

Madaxweynihii hore ee jamhuuriyada jabuuti Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu talada dalka hayay muddo dhan 22 sano, wuxuuna ahaa halgamaa u soo halgamay xornimada jamhuuriyada jabuuti.

Eebe Ha u Naxariistee Madaxweynihii hore ee jamhuuriyada jabuuti Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu ku dhashey tuulo yar oo ku taala deegaanka degmada lughaye ee waqooyiga dalka soomaaliya waxa uuna dhashey sanadku markuu ahaa 1916kii.

Eebe Ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka jabuuti Xaaji Abtidoon waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee soo mara dalka jabuuti waxa uuna ahaa 90 sano jir waxaana shalay lagu aasey xaafada belbela ee degmada jabuuti waxaana tacsi tiiraanyo leh u direy dhamaan madaxda dalka jabuuti oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jabuuti ee haatan Mudane Ismail Omar Gelle.

Eebe ha u Naxariisto Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon.

W/d Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)

E-mail yusufgaduudow@hotmail.com

Bososo.Somalia

Nov 22, 2006
 


Warbixin dheeraad oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Iidaale..
»Sheekh Max’ed Idiris “Waxaan ogaaday in dadka Soomaaliy..
»Maanta oo laga yaabo in Soomaaliya laga qaado...
»Hay’adda WFP oo raashin ka qaybisay deegaanka Raadaarka
»Ugaas Maxamuud Diiriye “Maxaa ku dhacay Dhakhaatiirta..
»Dugsiga Caynaan oo xusay maalinta Macalinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 22

DADKA REER AFGOOYE OO CABSI KA MUUJIYEY IN WABIGA SHABEELE UU KU FATAHO.



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD