SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...



Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...
Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/
:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Wararkii: Nov 21, 2006

  • Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi Yuusuf iyo Francous Fall..
  • Cali Max’ed Geeddi oo ku eedeeyay beesha Caalamka in ay ..
  • Sheekh C/xakiim “Itoobiya gacanta waynu ug adkaan jirney ee waa in aanu..
  • Dadweynaha ku nool Puntland oo soo dhaweeyey Goaankii lagu qaatey..
  • Ganacsatada Gobalka Banaadir oo 120 kun...
  • Baydhabo: Kulan ay isugu yimaadeen xubanaha...
  • Ramaas: jawaab calin faysal cali waraabe gudoomiyaha xisbiga Ucid.
WARBIXINTA QARAMADA MIDOOBEY

Warbixin dheer oo Qaramada Midoobey ka qortay Soomaaliya... Ka akhri halkan (PDF)
[Waa fayl culus oo dhan 1.97MB]
Faylka PDF waxa uu u baahan yahay in lagu akhriyo adobe (kasoo rogo halkan)


Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi Yuusuf iyo Francous Fall..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall, waxaana safarkiisa ku wehliyey xubno ka socday Beesha Caalamka. Xubnahaasi waxay markiiba kulan la yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii ambaqaadi lahaa shirkii Khartuum ee fashilmay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay kaddib markii labada dhinac ay soo bandhigeen shuruudo adag oo uu ka socon waayey kulankaasi.

C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay kulanka ay wada yeesheen Francois Fall waxa uu sheegay in aysan Dowladdu marnaba ka qaybgeli doonin kulan dambe oo ay yeeshaan Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin dad aan fulin Karin go’aanada la gaaro, sidoo kale waxa uu ku eedeeyey Golaha Maxaakiimta kuwo qas ka abuuraya wadanka, sidoo kale waxa uu sheegay in ay kumanaan kun oo Soomaali ah ay ku rideen shaqo la’aan, isla markaana ay ka gubaan hantidooda iyagoon wax digniin ah siin.

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Dowladda loo dhisay sidii ay u daryeeli lahayd bulshada, isagoo sheegay in aysan ku fiirsan doonin dhibaatada lagu hayo bulshada. C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal, waxa uuna meesha ka saaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Amxed in Dowladdu ay ku talojirto ay weerar ku qaado goobaha ay ku sugan yihiin Maxaakiimta Islaamiga ah, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu ka codsaday  Qaramada Midoobey in sida ugu dhaqsiyaha badan Cunaqabateynta looga qaado Soomaaliya si ay Dowladdu u hesho ciidamo nabad ilaalin ah oo ka gacan siiya dhinaca Amniga, waxaana Madaxweyne C/llaahi Yuusuf loo dhiibay warqad qoraal ah oo ka timid xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Koffi Anan, balse lama oga wixii ku qornaa warqaddaasi.

Cali Max’ed Geeddi oo ku eedeeyay beesha Caalamka in ay ..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo shalay ka hadlayey kulan ay isugu yimaadeen Golaha Baarla-maanka ayaa waxa uu beesha caalamka ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay caqabadaha hor yaala Dowladda, isagoo sheegay in Beesha caalamku goosteen kala bar wixii dhaqaale ahaa ee la siin jirya Xubnaha Dowladda, kaddib markii uu sheegay in la siiyey warbixin qaldan oo la xiriirta in Baydhabo aysan ku sugneyn xubnihii Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumaddaba.

Ra’isul Wasaare Geeddi waxa uu beeniyay warar ay faafiyeen qaar ka mid ah saxaafadda oo sheegayey inay Xukuumaddu ku tala jirto in ay Baarlamaanka ka dhaadhiciso sidii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo haatan Hawlo dib u heshiisiinta ah u jooga Magaalada Muqdisho, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay Geeddi kuwo aan sal iyo raad toona laheyn oo la doonayo in la isaga hor keeno xubnaha u sareeya Dowladda Federaalka.

Sheekh C/xakiim “Itoobiya gacanta waynu ug adkaan jirney ee waa in aanu..

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Global ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay xaflad lagu sagootinayey xulka Qaranka Soomaaliya, oo ka qaybgalayey tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo dhawaan ka furmaya Dalka Itoobiya.

Xafladdii sagootinta oo lagu martiqaaday xubno ka tirsan Golaha Maxaakiimta oo uu ku jiray xiriiriyaha Isboortiga iyo Bulshada Sheekh C/xakiim Maxamuud Axmed oo Cayaartooyda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay guul ka soo hooyaan tartamadaasi gaar ahaan marka ay la cayaarayaan Xulka wadanka Itoobiya oo uu sheegay in ay nagala dhexeyso cadaawad soo jireen ah.

“Weligeyn gacanta waan uga adkaan jirnay, ee waa in maanta aad lugta uga adkaataan” ayuu yiri Sheekh C/xakiim oo sheegay in loo baahan yahay in xulka qaranka uu la yimaado dadaal dheeraad ah. Wadiga cayaartooyda waxaa hogaaminayey Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Muxiyadiin DarbaWeyne

Dadweynaha ku nool Puntland oo soo dhaweeyey Goaankii lagu qaatey..

Iyadoo maalintii doraad ahayd uu Maamul Gobaleedka Puntland ku dhawaaqay in gobalada uu ka taliyo lagu dhaqi doono Shareecadda Islaamka ayaa haddana wararka naga soo gaaraya gobaladaasi ay sheegayaan in dadweynaha ku nool Gobaladaasi ay si weyn u soo dhaweeyeen go’aanka ka soo baxay maamulka Puntland.

Dadweynuhu waxa ay sheegeen in talaabadani ay tahay mid dardargelineysa Maamulka Puntland waayo wax la isku maamulo waxaa ugu wanaagsan ayey yiraahdeen waa Kitaabka Alle oo la isku maamulo, waxayna sheegeen in uu meesha ka saarayo musuq-maasuqii ku baahay gobalada Puntland ee dhinaca Maamulka.

Sababaha uu maamulka Puntland uu ugu dhawaaqay in uu qaadanayo Kitaabka Alle ayaa loo aaneynayaa kaddib markii cadaadis uga yimid beelaha ku nool Gobalada Puntland oo iyagu doonaya in lagu dhaqo maamulka Puntland Shareecadda Islaamka, maadaama inta badan Soomaaliya haatan ku sii siqeyso inay qaato ku dhaqanka Kitaabka Alle.

Ganacsatada Gobalka Banaadir oo 120 kun...

:::GABAYG: K/AFRIKA :::
Maansada "Haddaad South Afrikaay…"
Gabay Baraarujin ah: W.T. Maxamuud Shiine.
AKhri

Kulan shalay isku yimaadaan Guddiga ka hortaga fatahaada ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah iyo ganacsatada waa wayn ee Magaalada Muqdisho kaasoo ka dhacay Hotel Naasa Hablood ayaa waxaa looga hadlay sidii gacan loo siin lahaa dadkii ku waxyeeloobay daadka iyo Roobabka ee qaar ka mid ah Goballada Dalka.

Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiye K/xigeenka Golaha Fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga ahna Madaxa Guddiga fatahaada waxa uuna sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay Xoolahooda ku bixiyaan sidii u bad-baadi la hayeen walaalhooda ku dhibaateysan fatahaada uu sheegay in aysan wax ay u cunaan, wax ay cabaan iyo wax ay ku hoydaan.

Ganacsatadii ka qaybgasahay kulankaasi oo ay ka mid ahaayeen Shirdaha Isgaarsiinta, Shirkaddaha Xawaaladaha, Warshdaha Yar yar iyo ganacsato yar ayaa waxay halkaasi ku ballanqaadeen in ay bixinayaan lacag gaareysa 120 kun oo Doolar taas oo ay si aad ah ugu farxeen guddigii Fatahaada ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah

Kulan ay isugu yimaadeen xubanaha...

Maalintii shalay ahayd ayaa Xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo waxaa kulan ku yeeshay xubnaha baarlamaanka oo ay tiradoodu gaareyo 145 xubnood, waxaana shir-guddominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Boqore, waxaana kulankaasi looga hadlay warbixin golaha ay soo hor dhigtay Xukuumadda uu madaxda ka yahay Cali Max’ed Geeddi oo ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay Dowladda mudadii ay jirtay iyo waxyaabaha ay Dowladdu qaban doonto mustaqbalka.

Cali Max’ed Geeddi oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu Beesha caalamka ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay dib u dhaca ku yimid Dowladda Federaalka, kaddib markii ay faafiyeen warar kutiri-kuteen ah oo ah inaysan Baydhabo ku sugney Xildhibaano buuxin kara Kooramka Golaha Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Puntland state of somalia
ramaas politcal party
Rpp/107/06 Garoowe 20/11/2006


ku: saxaafada madaxa banaan ee somalia
Og: shacab weynaha puntland
ujeedo: jawaab calin faysal cali waraabe gudoomiyaha xisbiga Ucid.


Mudanayaal iyo murwooyin dhamaan ka soo qayba ka la yaasha shir saxaafadeed kaan aan ugu jawaabayno gudoomiyaha xisbiga Ucid waxaan ku salaameynaa salaanta islaamka A/S/L/C,
salaan kadib waxaan ka hadlayaa hadal kii faysal cali waraabe ee uu yiri waa in laasacaanood la qabtaa.

Faysal waxan kuu sheegayaynaa in reer laascaanood taariikhda aysan ugu jirin in waligooda la qab sadey ama la haweesatey hadalkaasana wuxuu u muuqadaa hadal ka soo yeerey nimaan siyaasi ahayn oo ah iska dheh, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (hadal aan fiiro loo oron iyo caano aan fiiqasi loo dhamin faarahaagey wax yeelaan ama waa kula fogaadaan).

Hadase waxay ka tirsanyihiin shacabwaynaha dhistay DGPL
laakiin waxaanan u kala jecleyn waxaanu ognahay in eeyan kula qabin waxaada ku hadlayso shacabweynaha reer shiikh Isaxaaq iyo shacab weynaha reer sama roon.

Shacab weynaha beelahaas iyo xubnaha xisbiga Ucid waxaan kula talinaynaa in ay hogaan ka xisbiga kaqaadaan Faysal Cali Waraabe hadii aysan ka qaadin xisbsiga ninka noocaas ah hogaaminayo ma noqon karo xisbi la gu aamini karo umada masiirkeeda,kamana mid noqon karo faysal hogaamiyaasha siyaasadeed ee soomaalia.

Waxaan ugu baaqayaa faysal hadalada uu miidayaha la taaganyahay oo ah qabiilka qayaxan in uu iska daayo wixii horana uu raali galin ka bixiyo maxaa yeeley soomlidu ma kala maaranto umana baahana hadalo kala fogeynaya.

Dhaman soomalida waxaan ugu baaqaynaa meel kasto oo ay joogaan in ay xabada dhigaan,wixii u dhaxeeyana ay ku dhameesataan wada hadal kana fogaadaan hadalada dadka kala fogaynaya.


Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas
Daahir C/qaadir Muuse(leedo) Daahirciiro@hotmail.com
Tell: 002525747090
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006


Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay hadalkii USA
»Maanta oo looga diyaargaroobayo Baydhabo soo dhaweynta
»Xulka Qaranka Soomaaliya oo u ambabaxaya Itoobiya
»Bandowgii Magaalada Muqdisho oo gebi ahaan la qaadey..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 20

Maxamuud Qorane oo Xabsiga laga soo daayay
shalay galab ayaa xabsiga magaalada Boosaaso ee xurunta gobolka Bari laga siidaayay... Guji... Nov 20

Maxkamadaha oo ka mamnuucay Jubooyinka in lagu dhex qaato hubka

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Port Elizabeth ee Koonfur Afrika: waxaa loogu soo galay dukaankiisa: Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD