SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


 

ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...


markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...
Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Wararkii: Nov 20, 2006

  • Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay hadalkii ka..
  • Maanta oo looga diyaar-garoobayo Baydhabo soo dhaweynta
  • Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta u ambabaxaya Itoobiya.
  • Bandowgii Magaalada Muqdisho oo gebi ahaan la qaadey..

Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay hadalkii ka..

Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda FEderaalka sida Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Dowladda Mareykanka in si dhaqsi leh Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka si ay u fududaato in Soomaaliya ay galaan Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda wadamada Afrika gaar ahaan ku dhow dhow Soomaaliya. Mas’uuliyiintaani waxa ay sheegeen in ay habooneyd in mar hore cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, iyagoo sheegay in Dowlado fara badan oo ka tirsan caalamka ay ka dhaadhiciyeen sidii loo qaadi lahaa cunaqabateyntaasi, waxayna ku tilmaameen talaabadani mid fududeyneysa in Dowladda Federaalka sanooyinka u haray ay dib u bilowdo hawlaheedii . Dowladda Mareykanka ayaa waxay sheegtay in Q/Midoobey looga baahan yahay in ay si dhaqsi leh uga qaado Soomaaliya cunaqabteyta hubka, hase yeeshee dolwdo kale ayaa Dowladda Mareykanka kula taliyey in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabteynta hubka ay Soomaaliya noqon doonto goob loo beec geeyo hubka, isla markaana ay ku hardamaan Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, waxayna Dowladda Mareykanka u soo jeediyeen in codsigaasi ay dib u fiiriso, waxayna sheegeen in haatan ay haboon tahay in lagu sii giijiyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, ee lagu soo rogay 3/3/1992.

Maanta oo looga diyaar-garoobayo Baydhabo soo dhaweynta

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo uu gaaro Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall waxaana magaalada Baydhabo haatan ka socda diyaar garoow loogu jiro soo dhaweynta ergeysaasi oo ay la socdaan wakiilo kale oo ka socda beesha Caalamka.

Francois Fall ayaa waxa uu wadaa qorshayaal uu isugu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka ah iyo golaha Maxaakiimta oo iyagu qarka u saaran in uu dagaal dhex maro.

Waxa uuna qorshihiisa ugu weyni ay tahay sidii Magaalada Khartuum ay mar kale isugu imaan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo golaha Maxaakiimta si loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya labadaasi xubnood.

Ergeygaani marka uu soo dhameysto booqshadiisa Magaalada Baydhabo waxa uu ku soo fool leeyahay magaalada Muqdisho si uu kulamo ula yeesho Golaha Maxaakiimta uga dhaadhiciyo in dib loogu laabto kulankii dib u heshiisiinta ee Magaalada Khartuum oo ay waday Dowladda Suudaan, hase yeeshee raga siyaasadda u kuurgala waxay sheegayaan inaysan waxba ka soo bixin doonin qorshayaasha uu wato ergeygaasi.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta u ambabaxaya Itoobiya.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in uu u ambabaxo dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo Tartana Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Wafdiga Xulka Qaranka waxaa hogaaminaya Guddoomi-yaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Muxiyadiin Xasan Cali Darba-Weyne, waxayna inta ay joogaan dalka Itoobiya ay yeelan doonaan ilaa iyo afar kulan.

Xulka Qaranka oo mudo bil ah diyaar garoow ugu jiray tartankaasi ayaa waxaa laylinaya labo tababare oo u dhashay dalka Kenya, waxaana keenay labadaan tababare Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed, oo isagu doonaya in uu soo saaro cayaartooy tayo leh oo magac iyo maamuus u soo hoyda dalka.

Inta uu socdo tartankaani ayaa waxaa dhacaya shirweynihii ururka CECAFA oo isna looga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay mudada sanadka ahayd gaar ahaan dhinaca K/cagta, wuxuuna shirkaani ka dhacayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka itoobiya

Bandowgii Magaalada Muqdisho oo gebi ahaan la qaadey..

Kulan ay isugu yimaadeen xubanah ugu sarsareeya Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa lagu go’aamiyey in gebi ahaanba la qaado bandowgii saddexda habeen saarnaa Magaalada Muqdisho, kaddib markii banaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen Muqdisho kuwaas oo looga soo horjeeday joojinta Qaadka.

Bandowgaan lagu soo rogay Magaalada Muqdisho waxa uu saameyn ku yeeshay dadweynaha ka ganacsada Maqaayadaha, Haweenka gada Caanaha iyo kuwa Qudaarta, iyadoo intii uu socday bandowgaasi ay si weyn ugu hogaansameen Dadweynaha Magaalada Muqdisho, waxaana la arkayey iyadoo marka ay soo dhowdahay saacadda bandowga u kala yaacaya guryahooda.

Bandowgaan ayaa waxaa qaadistiisa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho, iyadoo dhibaato ku qabatay bandowgaasi, sidoo kale mas’uul u hadlay maxaakiimta ayaa waxa uu sheegay in sababaha loo qaaday bandowga ay tahay kaddib markii ay dib u soo laabatay xasiloonidii Magaalada Muqdisho oo aysan ay joogsadeen banaanbaxyadii ay dhigayeen dadweynuhu.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

MUQDISHO IYO KUTUMASHADA XUQUUQDA MARQAANKA
Muqdisho oo "dubaabku" ku heesay!! - Ku tumasho Xuquuqda Marqaanka!!
Qore: Mohamed Ahmed Wallays | Yaaqshiid - Muqdisho | inawallays@yahoo.com

Jooojintii qaadaka, dadka muqdisho siyaabo kala duwan ayay u arkaan, qaar waxay u arkaan fursad ay naftooda ku xakameeyaan, qaar waxay u arkaan dhib soo gaaray dhaqaalohooda, qaar waxay u arkaan faaido dhaqaale oo u soo hoyatay, qaar waxay u arkaan mid lugu deg-degay, qaar waxay u arkaan ku tumasho xuquuda marqaanka ee uu waadinku leeyahay!!

KhatSi kastaba ha ahaatee dadkii qaadka laba canley jirey maanta kama muuqadaan kabarradii, waabihii iyo jikooyinkii ay ku fadhi-xumayn jireen, waxay u kala baxeen kuwo fursad ka dhigtay oo u dhaqaaay inay dantooda raacdaan, kuwo uu dubaabku fara ba'an ku hayo oo is duuduubay iyo kuwo weli raadiyeyaasha dhegta ku haya oo ka dhursugaya hay'daha xuquuqul insaanka!

Waxaase hubaal ah haddii uu qaadku ahaan jirey meesha ay quudkooda ka helaan qoysas badan, inuu sidoo kale ahaa musiibo ku habsatay bulsha weynta soomaaliyeed, oo dhaadhaan ka dhigtay maskaxdii iyo muruqii ay umaddu ku tashanaysay.

Waxaan Allaah ka baryaa inuu meel ka fiican ka risaq siiyo dadkii noloshaooda ka raadsan jirey qaadka , umadda soomaaliyeed ee weli qaadka ku harsannna uu u soo diro cid meesha ay joogaan ka mamnuucda!!


Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya 

= Shirib Abwaan Bacadle =

Qare iya moos-ba qaad ka roon
Ka qarash yar kana quud macaan
Qiyaamana laysu qabsa maa!!

Waxaa xusid mudan in ra'yi bixin ay sameeyaan idaacadaha Muqdisho in dadka ugu badan ee sida diirran usoo dhaweeyey joojinta qaadka ay ahaayeen haween. kuwaasoo isugu jiey hooyooyin wiilashooda qaadku dooriyey, walaalo ka naxsanaa il-xumada walaalohood iyo xaasas ku dhibtooday raggoodii uu qaadku xiska ka kabaabyeeyey oo uu ka suuliyey xanuunkii masuuliyadda!

Nabee mahdiyaa u dhashay!!
Nabee dhuroobaa u dhashy!
Nabee dhur iyo dhaqan beelaa ka dhintay!!

-Shirib-
Allow ku raaji ra'ligaan rafaadkii waa ka raysannee!

Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid - Muqdisho
inawallays@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2006


Madaxwaynaha DGPL oo soo saaray wareegto
Wareegto lagu siinayo xaq askarigii ku geeriyooda hawlgal ama ku dhaawacma difaaca Puntland, warkaas iyo Khilaaf soo kala Dhexgalay DGPL iyo DFKMG::: Ka akhri halkan.....


»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Magaalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika:::
Ganacsadaha oo loogu soo galay dukaankiisa ayaa... Guji...

Muqdisho: Saameyn intee la'eg ayuu ku yeeshay Bandowgii
»Qaad fara badan oo markii saddexaad lagu gubey Muqdisho
»
Sheikh Shariif: go’aano gebi ahaan lagu mamnuucay Qaadka
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 18

Culimada Puntland oo  shir la Qaadanaya Maamulka Gen: Cadde Muuse
Culimadan oo maalmahanba uu shir uga socday Boosaaso ayaa ka soo kicitimay Galkacyo si ay.. Guji Nov 18

Sweden: Dumar Soomaali ah oo qaad dacwad loogu soo oogay

Cisbitaalka Carafaat oo lagu soo gabagabeeyey hawl indho fiiq ah
Liibiya oo beenisey in ay maxkamadaha siiday Taageero iyo warar kale oo googoos ah...  ka akhri halkan... Nov 18

Afhayeenka maxakmada al-cadaala ayaa soo dhoweeyey baaqa kasoo yeedhay isimada iyo waxgaradka gobolada Sool/Sanaag/Cayn


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD