SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


 

ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...


markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...
Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Wararkii: Nov 19, 2006

  • C/llaahi Yuusuf “Goor dhow waxaad u bixi doontaan..
  • Danjire Max’ed Cabdi Afey oo qarka u saaran..
  • Shalay oo Muqdisho laga xusay maalinta..
  • Xarunta IIDA oo lagu soo gebagabeeyey

C/llaahi Yuusuf “Goor dhow waxaad u bixi doontaan..

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa shalay Xerada Daynuunaay ku soo geba gabeeyay Tababar u socday 3000 oo ciidamo kuwaas oo isugu jiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxo maleeshiyo ah oo la sheegay in loo tababarayey dhinaca Ammaanka.

C/llaahi Yuusuf oo la hadlayey ciidamadaasi ayaa u sheegay ciidamadaasi inay dhawaan u kicitimi doonaan goablada Dalka si ay u sugaan ammaanka Dalka, wuxuu kalloo sheegay in ay la shaqeyn doonaan ciidamada Nabad ilaalinta ah ee imaan doona, dhawaana uu u bilaaban doono mushaar.

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay la yimaadaan wadanimo iyo geesinimo, isagoo sheegay in Dowladdu aysan ka hawlgai doonin gobalka Bay balse ay ka hawlgali doonto dhamaan gobalada Dalka, hase yeeshee waxaa iswediin mudan sida ay ciidamadaasi ay suuragal ugu noqon doonto Gobalada oo inta badan ay gacanta ku hayaan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Danjire Max’ed Cabdi Afey oo qarka u saaran..

afayDanjiraha Kenya u qaabilsan Arrimaha Somaaliya Max’ed Cabdi Afey ayaa warar aanu ka helnay Nayroobi waxay sheegayaan in uu qarka u saaran yahay in xilkaasi si deg deg ah looga qaado, kaddib markii la sheegay in uu ku fashilmay arrimaha Soomaaliya.

Danjire Max’ed Cabdi Afey waxyaabaha ugu weyn ee lagu haysto waxaa ka mid ah Doorkii uu ka cayaaray duulimaadyadii Kenya ay ka joojisay Soomaaliya, oo uu lahaa qorshihii lagu joojiyey, waxayna taasi keentay in Maxaakiimtu ugu jawaabaan in gebi ahaanba la mamanuuco ganacsigii lala lahaa Dalka Kenya, gaar ahaan ka ganacsiga Qaadka oo ay Dowladda Kenya iyo Shacabkeedu ka heli jireen lacag fara badan.

Maxaakiimtu waxay sheegeen in aysan qaadka joojin balse joojinta qaadka ay timid dhinaca wadanka Kenya, iyuguna ay sidaasi ku sharciyee-yeen, waxaana lagu waramayaa in haatana ay socdaan kulamo ay leeyihiin madaxda Dowladda Kenya oo ku saabsan xiriirkii ganacsi ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Shalay oo Muqdisho laga xusay maalinta..

Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayey maalinta Xogta Afrika ama Istaatiiskida Afrika, munaasabaddaan oo la xuso 18-ka November sanad walba ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacada Muqdisho qaybteeda Biyaha iyo horumarinta Deegaanka iyo Hay’adda TARDO waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey madaxda hay’addaasi Nuur Weheliye oo sheegay in waqtigaan oo kale la is weydaarsado arrimo la xiriira dhinaca qorsheynta, waxaa kaloo xafladdaasi ka hadlay Guddoomiya ku xigeenka Qorsheynta iyo Horumarinta Maxaakiimta Islaamiga ah Eng. Max’ed Cali Daahir, sidoo kale waxaa xafladdaasi ka qaybgalay xildhibaano ka socday Golaha Baarlamaanka iyo madaxda Hay’adaha Samafalka.

Xarunta IIDA oo lagu soo gebagabeeyey

Waxa maalintii shalay ahayd Xarunta IIDA ee Magaalada Muqdisho Lagu soo gabagabeeyay siminaar hal maalin ah loo qabtay saxafiyiin ka kala socotay qeybaha warbaahinta ee Magaalada Muqdisho iyo Fanaaniin . wuxuuna siminaarkaan daba socday siminaar ay Hay ada IIDA horey u bixisey Waxaana lagu baranayay dhibaatada Cudurka AIDS-ka uu ku hayo bulshada soomaaliyeed, Siminaarkaan waxay ka qeybgalayaashii waxay ku soo bandhigeen Barnaamijyo Baraarujin ah oo ku saabsan cudurkaasi waxayna qaarkood sheegeen in ay baraarujiyeen Timajarayaasha,dadka ku shaqaysta caada dhaqameedka Farmashiyaasha,dhalinyaradai yo culumaaudiinka, waxay kaloo sheegeen in intii ay ku jireen wacyigalintaasi ay la kulmeen caqabado ay ka mid ahaayeen in dadka intooda badan aysan aaminsaneyn cudurkaasi kuna tilmaameen mid ay Gaalo wadato waxa kalo ay sheegeen in dadka qaarkii ay cudurkaasi ku sheegeen mid lagu uruursanayo dhaqaale.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

XUSUUS QORE:

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka (2004)
Xilligii Qabqablayaashii dagaalka iyo sidii gawaaridu u mari jireen waddooyinka Muqdisho...
Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2006


Madaxwaynaha DGPL oo soo saaray wareegto
Wareegto lagu siinayo xaq askarigii ku geeriyooda hawlgal ama ku dhaawacma difaaca Puntland, warkaas iyo Khilaaf soo kala Dhexgalay DGPL iyo DFKMG::: Ka akhri halkan.....


»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Magaalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika:::
Ganacsadaha oo loogu soo galay dukaankiisa ayaa... Guji...

Muqdisho: Saameyn intee la'eg ayuu ku yeeshay Bandowgii
»Qaad fara badan oo markii saddexaad lagu gubey Muqdisho
»
Sheikh Shariif: go’aano gebi ahaan lagu mamnuucay Qaadka
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 18

Culimada Puntland oo  shir la Qaadanaya Maamulka Gen: Cadde Muuse
Culimadan oo maalmahanba uu shir uga socday Boosaaso ayaa ka soo kicitimay Galkacyo si ay.. Guji Nov 18

Sweden: Dumar Soomaali ah oo qaad dacwad loogu soo oogay

Cisbitaalka Carafaat oo lagu soo gabagabeeyey hawl indho fiiq ah
Liibiya oo beenisey in ay maxkamadaha siiday Taageero iyo warar kale oo googoos ah...  ka akhri halkan... Nov 18

Afhayeenka maxakmada al-cadaala ayaa soo dhoweeyey baaqa kasoo yeedhay isimada iyo waxgaradka gobolada Sool/Sanaag/Cayn


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD