SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya



Ardayda wax ku barata Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho ... AKHRI...



Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

  • MAXKAMAHDAHA OO SI RASMI AH U MABNUUCAY IYO QAAD KALE OO MAANTA LAGU GUBAY K.M. 60. 
  • LIIBIYA OO BEENISEY INAY MAXKAMADAHA TAAGEERTO. 
  • ISBITAALKA CARAFAAT OO GALABTA LAGU SOO GABAGABEEYAY HOWL INDHO FIIQID AH OO SOCOTAY MUDDO LIX MAALMOOD AH

ISBITAALKA CARAFAAT OO GALABTA LAGU SOO GABAGABEEYAY HOWL INDHO FIIQID AH OO SOCOTAY MUDDO LIX MAALMOOD AH

 

Isbitaalka Carafaat ee magaalada Muqdisho oo sanadkiiba qabta seddax jeer oo dadweynaha indhaha loogu fiiqo ayaa galabta waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta isbitaal-kaas ee magaalada Muqdisho howl indho fiiqid ah oo socotay muddo lix maalmood ah.  

Howshan indho fiiqista ah oo ay iska kaashadeen isbitaalka Carafaat iyo isbitaalka Hargeysa ayaa ah tii ugu horreysay oo dhakhaatiir Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa ah ay fuliyaan mudadii 16ka sano aheyd ee dalka ay ka jirtay dowlad la'aanta.  

197  ruux ayaa howshan indho fiiqista ah looga faa'iideeyay oo afar ka mid ah ay ahaayeen caruur halka inta kalena ay ahaayeen dad waaweyn oo isugu jiray rag iyo dumar.  

Xafladan oo gabagabada aheyd si weynna loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Muuse Xuseen Cumar oo ah agaasimaha isbitaalka Carafaat, wuxuuna sheegay inay maanta tahay maalin aad iyo aad ugu weyn maamulka isbitaalka iyo shaqaalahaba kaddib markii dhakhaatiir Soomaaliyeed oo aanay wehelin wax dhakhaatiir dibadeed ah ay ku guuleystaan muddo lix maalmood ah inay fuliyaan qorshe ah indho fiiqid oo tiro intaas la eg ay ugu sameeyaan shacbiga Soomaaliyeed oo muddada 16ka sano ah indho la'aanta la tiicayay. 

Muuse Xuseen Cumar agaasimaha isbitaalka Carafaat wuxuu yiri "qofka bini'aadamka ah aas-aaskiisu iyo jiritaankiisa waxa uu ku xiran yahay labada indhood oo ah xubinta ugu fiican jirka bini'aadamka, haddii aan taas la helinna qofku noloshiisa wax qiimo ah kuma dhisna, sidaas darteed waxaa maanta farxad ah in 197 ruux ay helaan araggoodii 16ka sano iyo ka badan ka maqnaa.  

Xafladdan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka kala socotay maamulka isbitaalka, Hay'adda sida weyn u caawisa isbitaalka oo lagu magacaabo Zamzam Foundation iyo dhakhaatiir ka koobneyd 13 xubnood oo ahaa kuwii fuliyay howshaasi waxtar-ka leh ayuu ugu horreyn ham-balyo iyo bogaadin u jeediyey guud ahaan dhakhaatiirtaasi. 

  

Howshan indho fiiqista ah oo ay iska kaashadeen labada isbitaal ayaa waxaa kala hoggaaminayay Dr. Max'ud Axmed Max'ed (Dr. Shiino) iyo xubno kale oo weheliyay iyo Dr. Cali Baashi Rooraaye oo ah dhakhtar Soomaaliyeed oo ku takhasusay cudurrada indhaha iyo Dr. Max'ed Saahid oo ah madaxa qeybta dhakhaatiirta ee isbitaalka Carafaat.  

Md. Afey oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "howshan waxaa fuliyay labo gobol oo aad iyo aad iyo u kala fog, aqoonna ma jirin laakiin waxaan aad ugu faraxsanahay inaan barano dhakhtar Soomaali oo shaqadii aan muddo ka dheer ka sugeynay dhakhaatiirta Kkunya Hospital inuu noo fuuliyo, iyadoo howshan isku xirkeeda, qaban-qaabadeeda iyo fududeynteedaba uu si weyn uga shaqeeyay Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo aan aad ugu mahadinayno haddii uusan isaga gacan ka geysanna ma suurto gasheen shaqadan.  

Wuxuu sheegay Muuse Afey in bishii Luulyo la diyaariyay dad bukaan ah oo ka kala socday gobollada dalka Somalia gaar ahaan gobolka Banaadir iyo gobollada u dhow-dhowba inay sida caadada aheyd indho u fiiqaan dhakhaatiirta kikunyo Hospital oo aan xiriir ku lahen mashruuca ka hortagga indho la'aanta oo uu mudo shan jeer ah uu fuliyay isbitaalka iyagoo kaashanaya Kikunya hospital, indhahana loogu fiiqay labo kun iyo dhowr boqol balse ay suurtoobi wayday inay mashruu-can maanta la gabagabeynayo ka soo qeyb galaan, balse iyadoo lala ciir-ciirayo dhibaa-tana ay jirto oo ah diyaar garow muddadii dheeraad oo shan bilood ka soo wareegatay ayaa Ilaahay wuxuu inoo keenay dhakhaatiirtan ka socotay dalka, Dr. Cali Baashina uu sabab ahaa imaanshahooda, waxaana u soo jeedinayaa ammaan iyo hambalyo oo taariikh weyn u noqon doonta shacbiga Soomaaliyeed, waxaana meesha ka baxday in dad badan ay aaminsanaayeen in dhakhtar Soomaaliyeed aanu marnaba indho fiiqis caynkan oo kale ku guuleysan karin ama uu qaban karo shaqada maanta la qabtay, balse ay barteen inuu Ajnabi kali ah qaban karo. 

Dadkan 197-da ruux ka kooban ayaa waxaa laga qaaday khidmo yar oo u qeybsanta labo qeybood: mid ku saabsaneyd baarista caafimaadka, sameynta documentiyada iyo nabad gelyada iyo shaqaalihii ka shaqeynayay, qeybna waxay aheyd tan qalliinka oo ay ku deeqday hay'ad khayriya ah oo ka socota dalka Qadar, una soo marsiisay Hay'adda Zamzam Foundation ee kaalmaysa Carafat Hospital, waxaana u rajeynayaa in mustaqbalka dhow muxsiniin Soomaaliyeed ay gartaan inay dadkooda taakuleeyaan oo iyaguna garta saddaqada oo ah tan ugu fiican.  

"Qofka jiritaankiisa waxaa saldhig u ah indhaha, haddii uu indhaha waayo wax badan qiimihiisa waa kala dhiman yahay marka jiritaankaasi qofka oo aad dib u soo celineyso himilo fiican aad u fureyso, saddaqo ka fiican oo aad laheyd ma jirto, marka waxaan ganacsatada Soomaaliyeed ka codsanayaa inay ka faa'iideystaan.  

Munaasabaddaasi oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay waxaa kaloo ka hadlay madaxa qeybta dhakhaatiirta ee caafimaadka isbitaalka Carafat Max'ud Saahid, ku simaha agaasimaha guud ee Zamzam Foundation Cali Cismaan Muudey iyo madaxa hogaaminaya dhakhaatiirta howshan fulisay Max'ud Axmed Max'ed (Dr. Shiino) kuwaasoo si weyn uga mahad celiyay sidii diiraneyd oo loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho gaar ahaanna xarunta isbitaalkaas iyagoo sheegay in ay taasi aas-aas u tahay nabadda ka dhalatay magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in qof kastaba uu ku dhiiran karo inuu si caadi ah ugu noolaado nabaddaas, waxayna ka warbixiyeen howshan ay qabteen waxtarkeeda iyo sida ay uga go'an tahay inay mar walba howshan oo kale bulshada u qabtaan ayna tahay tii ay wax ugu soo barteen dalkooda iyo dadkooda, waxayna xuseen mar uu si gaar ah uga hadlayay Dr. Shiino in muddo labo bilood kaddib ay howl noocan oo kale ah ka fulin doonaan isbitaalka Carafaat tanina haatan ay ugu dhamaa-tay sidii loogu talo iyagoo mahad u jeediyey maamulka isbitaalka, dhakhaatiirta iyo dadkii indhaha sida gaarka ah aragoodii dib loogu soo celiyay.

MAXKAMAHDAHA OO SI RASMI AH U MABNUUCAY IYO QAAD KALE OO MAANTA LAGU GUBAY K.M. 60. 

Ciidamada golaha maxakamadaha islaamka ayaa maanta mar kale ku gubay qaad ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee No.50 ee gobolka Shabeelada hoose, kadib markii ay halkaasi ka sood egtay diyaarad siday qaad. 

Ciidamada maxkamadaha islaamka soomaaliyeed ayaa qaadka ku gubay tuulada No, 60 oo aan sidaas uga sii fogeen halka uu ku yaalo garoonka diyaaradaha ee K.M. 50, waxayna talaabadani ku aaday xili uu maamulka sare ee maxkamaduhu mabnuucay ka ganacsiga iyo cunista qaadka. 

Dhanka kale wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa muujinaya inay halkaasi ka soo degtay diyaarada siday qaad aad u fara badan xili ay shalay ciidanka maxkamadaha ee magaaladasi ay shalay gubeen qaad fara badan, lamana yaqaano sababta ay maanta u ogolaadeen inuu yimaado qaad magaaladaasi.

Qalalaasaha qaadka uu sababay ayaa laga dareemayaa inta badan dalka Somalia, iyagoo maxkamadaha shareecada islaamkuna ay mabnuucen cunista iyo ka ganacsiga qaadka. 

LIIBIYA OO BEENISEY INAY MAXKAMADAHA TAAGEERTO. 

 Xukumada Tripoli ayaa Jimcadii shaaca ka qaaday inay been abuur tahay hadalkii ahaa in dalka Liibiya ay ku jirta 10 dal ee taageerada mileteri siiyo golaha maxkamadaha islaamka soomaaliyeed, isla markaana ku xad guba cunaqabateyntii hub ee saarnaa Somalia.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee dalka Liibiya Hassouna Chaouch ayaa ku tilmaamay inay tahay wax lala yaabo in dalka Liibiya lagu daro liiska 10ka dal ee taageera golaha maxkamadaha islaamka Somalia, wuxuuna ka waramay doorka dowlada Liibiya ee arimaha Somalia, isagoo hoosta ka xariiqay in Liibiya ay ka mid tahay dalalka dhex dhexaad  ka ah arimaha Somalia, taageertana sidii la isugu keeni lahaa meel dhexe mar uu la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters. 

Afhayeenku wuxuu sheegay in dowlada Liibiya ay taageertay dadaalka la xiriira in dowlada federaalka ee Somalia ee ku aadan hubka ka dhigista maleeyshiyooyinka soomaaliyeed iyo in la sii horumariyo wadahadalada u dhaxeeye kooxaha iska soo horjeeda ee Somalia ayuu hadalkiisii ku soo afjaray afhayeenka wasaaradaha arimaha dibada ee dalka Liibiya Hassuona Chaouch oo warqad Fax ah u diray wakaalada wararka ee Reuter. 

MAXKAMADAHA ISLAMIGA OO BEENIYAY

Guddoomiy ku xigeenka 1aad ee golaha fulinta maxkamadaha islaamiga Sheekh C/raxmaan Max'ud Faarax (Janaqow) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixin la sheegay in ay soo diyaariyeen rag khubaro ah oo u kuur galay wadamada jabiyay cunaqabateyntii hubka ee lagu soo rogay dalka Soomaaliya.

Khubaro u kuur galay jabinta xayiraada hubka ee saaran dalka Soomaaliya ayaa sheegay in wadamada Lubnaan, Suuriya, Iiraan, Masar,Liibiya,Djabouti iyo Eritrea ka tirsan caalamka islaamka in saanad milatari ay siiyeen golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed, halka wadamada Ethiopia,Yemen iyo Uganda ay taageeraan dawladda Federalka Somalia.

Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa ku tilmaamay warbixintaasi mid lagu daboolayo fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya,isagoo xusay in aaney jirin wax saanad milatari ah oo ay ka heleen dalalkaasi la shaaciyay.

"Waa wax lala yaabo in la yiraahdo dalal Lubnaan ay ku jirto ayaa maxkamadaha taageera, way iska caddahay waa wax lagu qarinayo fara gelinta qaawan ee Itoobiya ay ku hayso arrimaha Somaliya" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow.

Xeel dheerayaal siyaasadeed ayaa sidoo kale amakaag ka muujiyay warbixinta khubaradaasi ay diyaariyeen oo ka koobneyd 80 bog, ayagoo sheegay inteeda badan in aanay xaqiiq ku qotomin, ayagoo tusaale u soo qaatay ciidamada la sheegay maxkamaduhu in ay u direen dalka Lubnaan si ay uga qeyb galaan dagaalkii Yahuuda iyo ururka Xisbullaah, taasoo ay ku tilmaameen mid lagu qoslo oo xaqiiqda ka fog.

Muuse Maxamuud Jiisow 
somali39@hotmail.com

muqdisho somaliya 
0025215576666002521653623 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2006



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD