SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print

Passport Somalia
Maxakamadaha oo diidey Baasaboorka Cusub... Guji...

:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 15, 2006
  • Dowladda Federaalka oo uu saameyn ku yeelatay joojintii..
  • Dagaal laga cabsi qabo in uu ka qarxo mar kale..
  • Nin ganacsade ah oo si xun loogu dilay..
  • Banaanbax ay shalay dhigeen shaqaalihii iyo..
  • Afar qof oo ku dhimatay god Kaawo ah oo ku yaal Kaaraan
  • Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo shalay furay...
  • Dowladda Kenya oo ganaaxday labo Diyaaradood oo..
  • Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo xusay Sannad guuradii 7aad...
  • Diyaarad ay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya.

Dowladda Federaalka oo uu saameyn ku yeelatay joojintii..

Waxaa maalintii Isniinta ahayd gebi ahaanba Dowladda Kenya joojisay Duulimaadyadii Ganacsiga iyo kuwii qaadka kaddib markii Dowladda Kenya ay sheegtay inay arrintaasi u sameysay arrimo la xiriira dhinaca Ammaanka. Dowladda Federaalka oo iyadu soo dhaweysay arrintaasi ayaa haatan u muuqata mid iyana ay saameyn ku yeelatay, iyadoo maalintii shalay ahayd Wasiiro u bixin lahaa Wadanka Kenya iyana ay waayeen Diyaaraddii qaadi lahayd, sidoo kale Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo oo iyana sugayey Duulimaadyada dhinaca qaadka ah ayaa iyana shalay Garoonka Diyaaradaha ku hungoobay, waxayna ganacsigii isago soo caraabeen garoonkaasi goor ay saacaddu ahayd 2:00 Duhurnimo.

Dowladda Kenya ayaan faahfaahin rasmi ah ka bixin sababaha ay Soomaaliya uga joojisay duulimaadyada, hase yeeshee Siyaasiyinta qaar ka mid ah ayaa qaba in joojintaani ay ka timid Dowlado shisheeye oo doonaya inay la dagaalamaan dhaqaalaha wadana Kenya, Shacabka Kenya ayaa iyana si aad ah uga xumaaday joojintaasi, kuna tilmaamay mid lagu wiiqayo dhaqaalaha wadanka Kenya, waxayna Dowladda Kenya ka codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado xayiraada Duulimaadyada ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Ganacsiga Kenya ayaa Malaayiin Doolar ka heli jiray ka ganacsiga Qaadka. Xayiraadaani waxay kaloo saameyn ku yeelatay Gobalada Puntland oo aysan ka deign wax diyaarado ah. Danjire Max’ed Cabdi Afey ayaa mar uu soo booqday Magaalada Muqdisho Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxa uu sheegay in xayiraadaani ay socon doonto maalmo kooban, waayo ayuu yiri labada shacab ee Kenya iyo Soomaaliya ma ahan kuwo kala maarma, waxayna weligood ahaayeen kuwo uu ka dhexeyn jiray ganacsi soo jireen ah.

Dagaal laga cabsi qabo in uu ka qarxo mar kale..

Wararka naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in cabsi xoogan ay soo wajahday dadweynaha ku nool Magaalada Gaalkacyo iyo Bandiiradley kaddib markii Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwo Puntland ee is hor fadhiya ay isku soo jirsadeen ilaa iyo 6Km.

Saddex goobood ayaa la sheegay in laga soo degay deegaanka Bandiiradley waxayna kala yihiin Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwo Puntland ah oo soo degay qaybta galebeed, Maleeshiyo ka amar qaata Cabdi Qaybdiid oo iyana soo degay dhinaca Bari ee Bandiiradley iyo Ciidamada Maxaakiimta oo aad u xoogan oo iyana gacanta ku haya deegaankasi oo heegan buuxa la geliyey iyagoo isku qaybiyey saddex qaybood.

Deegaanka Bandiiradley ayaa iyana waxaa la sheegay in dadkii ganacsatada ahaa ay halkaasi ka rarteen ganacsigoodii iyagoo ula baxay dhinaca Baadiyaha, sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ayaa iyana laga dareemay cabsi aad u xoogan, waxaana shalay kulan deg deg ah wada yeeshay Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland iyo saraakiisha Ciidamada, waxaana shalay si dhaqsi leh loo bedley Taliyihii ciidanka Booliiska ee Puntland.

Nin ganacsade ah oo si xun loogu dilay..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in habeen hore nin ganacsade caan ah ka ahaa Nayroobi Maydkiisa laga helay isagoo jarjaran goob ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Nayroobi.

Ninkaasi ayaa waxaa la sheegay in ay u soo dhaceen koox tuugo ah, kaddibna inta ay dukaankiisii kala baxeen jarjareen iyagoo u adeegsaday Faas iyo Toorey.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga carooday falkaasi, waxayna ka codsadeen Dowladda Kenya in ay sida ugu dhaqsiyaha badana ay baaritaan ku sameyso dadkii ka dambeeyay dilkaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Gaab.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ganacsato Soomaaliyed lagu dilo Kenya, iyadoo la og yahay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato weyn ku qabaan booliiska wadanka Kenya oo maalin walba ka qaata baad isla markaana kula kaca xarig iyo jirdil.

Ganacsatada ku nool Kenya ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan cid kasta oo ku soo gardaroota naftooda iyo maalkooda.

Banaanbax ay shalay dhigeen shaqaalihii iyo..

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa albaabka hore ee Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho banaanbax ka sameeyay shaqaalihii hore iyo muruq-maalkii Dekedda Weyn ee Muqdisho, iyagoo ka cabanaya shaqo la’aan soo wajahday iyo xaquuqdii ay ku lahaayeen Dekeddaasi ee dhinaca shaqaalenimada.

Dadkaasi oo ku dhawaaqayey (Alaahu Akbar) iyo ereyo ay ka mid ahaayeen (Waa in nala siiyaan xaqqii aan ku laheyn Dekedda, maadaama aan mudo u soo shaqeyneynay”.

Dadkaas ayaa waxaa markii dambe la hadlay madaxa Arrimaha Bulshada ee Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan cabashadooda wax looga qaban doono, balse aan loo baahneyn dulmi iyo in ay si aan wanaagsaneyn ku raadiyaan xaqooda.

Dekedda oo ay ka socdaan hawlo ayaa waxaa waagii hore ka shaqeyn jiray shaqaale kor u dhaafaya ilaa iyo dhowr kun oo qof.

Afar qof oo ku dhimatay god Kaawo ah oo ku yaal Kaaraan

Shalay ayaa laga soo saaray afar qof maydkoodii god Kaawo ah oo ku yaala Duleedka Degmada Karaan, waxaa kaloo ku dhaawacmay labo qofood, iyadoo dadkaasi ay u soo gurmadeen Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmada Karaan , waxayna halkaasi ka soo saareen maydka Afarta qof oo uu godkasi ku dumay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Kaawo noocaan oo kale ah ay ku dunto dad qodayey, iyagoo ka qodaya ciid iyo dhagxaan, waxaana la sheegay in sababaha ay Kaawadaani u duntay ay tahay kaddib markii mudooyinkaan la waayay Miinooyin ay ka fasameysan jireen oo ay ku jabin jireen Kaawada.

Kaawadii shalay ayaa waxay kaloo khasaaro soo gaarsiisay labo gaari oo doonayay inay halkaasi ka qaadaan ciid iyo dhagxaan.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo shalay furay...

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa shalay ka qaybgalay xaflad loo sameynayey dhameystirka Duugis lagu sameeyey bohol weyn oo ku taala Degmada Wardhiigley agagaarka suuqii hore ee Xoolaha gaar ahaan wadada ka tagta Masjidka Cabdalla iyo Cawareere.

Xafladdaan oo ka dhacday Hotel Muqdisho ayaa ugu horeyntii halkaasi waxaa warbixin ka soo jeediyey C/llaahi Sheekh Xasan iyo Sayid Cumar Macallin Abshir waxayna sheegeen in ay mudo ay la rafanayeen duugista boho-shaasi, iyagoo sheegay in dadweyne mudo 16-sano kala xayirnaa maalintii shalay ahayd bilaabeen in ay isku gudbaan.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka halday xafladdaasi ayaa u mahadceliyey intii gacanta ka gaysatay duugista bohoshaasi, isagoo ugu baaqay shacabka in ay isku tashadaan, kaddibna Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo mas’uuliyiintii kale waxa ay mareen wadadii la sameeyay bohoshii la daboolay, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay ardayda wax ka barata dugsiyada ku yaala deegaankaasi iyo waliba dadweyne ku faraxsanaa.

Dowladda Kenya oo ganaaxday labo Diyaaradood oo.

Dowladda Kenya ayaa ganaaxday labo diyaaradood oo shalay u soo gudbay dhinaca Soomaaliya kaddib markii labo magaalo ay geeyeen qaad.

Diyaaradahan ayaa laga joojiyey gebi ahaanba wixii duulimaad ahaa, waxaana loogu daray ganaax lacageed.

Maalintii Isniinta ahayd ayay Dowladda Kenya waxay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii diyaaradaha iyo kuwii qaadka ee tagi jiray Soomaaliya, waxaana arrintaani si weyn u soo dhaweeyay Golaha Maxaakiimta Soomaali-yeed oo sheegay in Soomaaliya aysan wax dhaqaale ah ku qabin ganacsiga Qaadka, sidoo kale, waxaa dhawaan yimid Muqdisho danjiraha Kenya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Afey oo sheegay in xayiraadaani ay socon doono mudo kooban, isla markana wixii dhibaatooyin ah ee jirana laga xaali doono, isagoo sheegay in xayiraada noocaan oo kale ah ay horey u dhici jirtay.

Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo xusay Sannad guuradii 7aad...

Maalintii shalay ahayd xarunta Naadiga saxaafadda Soomaaliyeed lagu qabtay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 7aad ee ka soo wareegtay aas aaskii Naadigaasi, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotey Maxaakiimta Islaamiga, Suxufiyiintii hore, Suxufiyiinta Maanta iyo marti sharaf.



Xafladda oo isugu jirtey xuska toddoba guurada Naadigaas iyo ardey ka qalin jabinaysey Naadiga Saxaafadda ayaa ugu horeyn waxaa halkaa war bixin ka soo jeediyay guddoo-miyaha Naadiga Saxaafadda Eng. Muqtaar Xasan Maxamuud oo sheegay in Naadigu uu soo maray heerar kala duwan ayna ka qalin jabiyeen ardey fara badan kuwaasoo uu sheegay inay haatan ka shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda “waxaan la soo shaqayney dawladihii isaga danbeeyay dalka, anaga ayaana ka soo harnay, maxaakiimta Islaamiga mar bay iyaguna iska hari doonaan, hadba qoladii timaadda ayaan la shaqaynaa” ayuu yiri Eng. Muqtaar oo sheegay in weligood bulshada ay ku buraarujin jireen ku dhaqanka shareecada Islaamka, waana ilaaheey mahaddii haddii maanta la qaatay

“Anaga iyo Maxkamadaha waxay inoo taalaa markay Kitaabka Alle Bistoolad soo dhex geliyaan oo ay Qabiil iyo eex noola yimaadaan” ayuu yiri Injineer Mukhtaar.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Sheekh Cabdi Khaaliq C/llaahi Xamza oo ah ku xigeenka xoghayaha Warfaafinta iyo Dacwada ee Maxaakiimta Islaamiga isagoo kula dardaarmay Saxaafadda in ay u shaqeeyaan dalkooda iyo diintooda, sidoo kale waxaa ka hadlay C/raxiim Cali Muudey oo ah madaxa Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta waxa uuna isna sheegay in Saxaafaddu ay tahay mid door muhiim ah ku leh bulshada dhexdeeda loona baahan yahay in lagu shaqeeyo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, waxaa kaloo Sheekh Aadan Cali Xasan oo ka mid ahaa Culima’udiinkii Raido Muqdisho, isagoo siiyey warfaafinta dardaaran balaaran, ugu dambeyntiina ardaydii ka qallinjabiysay ayaa la guddoon-siiyey Shahaadooyin iyo Abaalmarino kala duwan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
14 November 2006
 
Diyaarad ay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya.
Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya oo gumaysiga askar badan ka laayay
Dadwayne la laayay iyo kuwo la xidhxidhay.
 
Ciidammada Maraykanka oo gargaar gaadhsiiyay dadwayne ku tabaaloobay Ogaadeenya.
Sanadguuradii 1aad ee aas-aaskii ururka Ogaden Youth Forum(OSF).
 
Gumaysiga Itoobiya oo shirqoolo la damacsan Maxkamadaha Somaliya(Faalo).
 
======================            
 
Diyaarad ay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya.
 
Wariyaha RX ee Gobolka Qorraxey ayaa noo soo sheegay in Ciidammada sida gaarka ah u tababaarn ee Xoreynta Ogaadeenya ay diyaarad cadowga Itoobiya leeyahay ku gebeen Magaalada Qabridaharre, ka dib markii ay weerar mir ah ku qaadeen saldhiga ciidammada Itoobiya ee magaalada Qabridaharre.
 
Weerarkan diyaarada lagu gubay waxaa magaalada Qabridaharre lagu qaaday habaynimadii ay Axaddu soo galaysay ee taariikhdu ahayd 12/11/06. Diyaaradan ayaa ahayd nooca loo yaqaan Helicopter ee qumaatiga u kaca oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u adeegsadaan dagaalka.

Waxaa sidoo kale weerarkaas ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya lagaga laayay ciidammo badan oo tiradoodu kor u dhaaftay 40 askari.

Waa diyaaradii labaad ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ka gubaan ciidammada gumaysatada Itoobiya. Diyaaraddii hore waxaa lagu gubay magaalada Gabagabo bishii Juulay 8, 2006, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 25 ka mid ah saraakiisha ciidammada Itoobiya.
 
Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya oo gumaysiga askar badan ka laayay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo ka dhacay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah, kuwaasoo dhex maray ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya, iyo kuwa maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
04/11/06 dagaal ka dhacay Qarsoodi waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 9 askari.
 
05/11/06 dagaal sidoo kale ka dhacay magaalada Awaare waxaa ciidammada
gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 10 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 7 askari.
 
05/11/06 Dagaal ka dhacay Maakuule, oo ka tirsan degmada Iimey, waxaa ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 15 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 17 kale.
 
07/11/06 waxaa weerar lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya Maakuule, waxaana weerarkaas lagaga dilay 7 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
06/11/06 dagaal isaguna ka dhacay magaalada Dig waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, waxaana lagaga dhaawacay 11 kale. Askarta gumaysiga halkaas lagaga laayay waxaa ku jiray taliyihii ciidammada Dig, oo ahaa sargaal seddex xiddigle ah.
08/11/06 Gudhis dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 08/11/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah la beegsadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada awaare, waxayna weerarkaas ku dileen inta la ogyahay 8 askari.
 
27/10/06 weerar mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen kuwa cadowga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Garbo waxay kaga dileen 3 askari, 6 kalana way kaga dhaawaceen.
 
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 06/11/06 waxaa ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Birqod ka goostay 25 askari oo hubkoodii wata.
 
Waxaa sidoo kale markii ay taariikhdu ahayd 29/10/06 ka goostay ciidammada gumaysiga ee Garbo 49 askari, oo wata 7 Qori oo BKM ah.
 
Dadwayne la laayay iyo kuwo la xidhxidhay.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadywayne rayad ah oon waxba galabsanin, qaar kalana ku xidhxidhay.
 
Maalmihii ina dhaafay waxay ciidammada gumaysigu nawaaxiga Dhagaxbuur ku dileen Alla ha u naxariistee nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali maxmuud.
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale magaalada Awaare ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo aad u fara badan, waxaanan magacyadooda helnay dadka kala ah;
 
1- Maxamed Yuusuf Gaanbays
2- Axmed Maxamed Axmed
3- Axmed Doolaal Cali
4- Axmed Daahir Maxamuud
5- Maxamuud Maxamed Xayd
6- Axmed C/llaahi Muxumed
7- Cumar Maxamed Aaden
8- Axmed C/llaahi Geelle
9- Jawhar Sandar Khaliif
10- Yaasiin Sh Cismaan Mukhtaar
11- Baddal Wali Ismaaciil
12- Mustafe Huruud
13- Baddal Maxamuud Muxumed
14- Maxamed Yuusuf Cabdi
15- Bashiir Maxamuud Jaamac
16- Cabdi Haybe Cabdi
17- Mukhtaar Mahdi Daahir
18- Axmed Yaasiin Xaaji Muxumed
19- C/llaahi Aw Maxamuud
 
Ciidammada Maraykanka oo gargaar gaadhsiiyay dadwayne ku tabaaloobay Ogaadeenya.
 
Ciidammada Cirka ee dalka Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday inay gargaar kala duwan gaadhsiiyeen dadwayne ku tabaaloobay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da'ay Ogaadeenya iyo fatahaaddii Wabiga Shabeelle ee dalka Ogaadeenya, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, isla markaana ay kumayaal kalana ku guryo beeleen.
 
Gargaarkan ayaa lagu geeyay diyaaradaha nooca loo yaqaano C-130 ee xamuulka loo adeegsado, kuwaasoo jimcihii gaadhsiiyay gargaar kala duwan dadwayne ku tabaalaysan gobollada xiga dhinaca xadka Soomaaliya ee dalka Ogaadeenya.
Diyaaradahan ayaa maalintii jimacaha ahayd dhawr mar geeyay meelahaas gargaar isugu jira cunto, biyo, teendhooyin, maryo iyo walxaha biyaha lagu nadiifiyo.
 
Daadadka ka dhashay roobabkii lixaadka lahaa ee dhawaan ka da'ay dalka Ogaadeenya waxaa ku dhintay in ka badan 80 qof, waxaana ku guryo beelay in ka badan 217,000 oo qof. Waa gargaarkii ugu horreeyay ee la gaadhsiiyo dadwaynaha ku tabaalaysan gobollada kala duwan ee dalka Ogaadeenya, waxaana ugu wacan iyadoo xukuumadda Itoobiya ay ka mamnuucday ururrada samafalka ah inay si xor ugu adeegaan dadwaynaha Ogaadeenya, isla markaana ku soo rogtay xayiraado aad u culculus oo is hortaagay inay ka shaqeeyaan Ogaadeenya.
14 November 2006.
Axmed Gaal-Eri     

Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2006


C/qaasim: Kenya waxaan leeyahay Joojinta Qaadka ummaddu u Gaajoon meyso
»Deeq la gaarsiiyey Asad Aadan Turaabi...
»C/qaasim oo ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay..
»Xiriirkii u dhaxeeyey Maxkamadaha iyo Kenya oo soo..
»C/llaahi Yuusuf oo kulan degdeg ah la yeeshey..
»kooxda Dekedaha oo xaflad dhiiragelin ah u sameeysey..
»Golaha Midnimada iyo Badbaabada oo si taxadar leh u soo..
»Idaacad loogu magac darey Xurmo oo laga furey Muqdisho..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Nov 14



Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD