SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 14, 2006
  • C/qaasim: Kenya waxaan leeyahay Joojinta qaadka umaddu u gaajoon meyso una dhimameyso..
  • C/llaahi Yuusuf oo kulan degdeg ah la yeeshey Saraakiishiisa Ciidamada..
  • Deeq la gaarsiiyey Asad Aadan Turaabi
  • C/qaasim oo ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay u gargaaraan ardeyda ku jirta dugsuga indhoolayaasha...
  • Xiriirkii u dhaxeeyey Maxkamadaha iyo Kenya oo soo hagaagaya ...
  • kooxda Dekedaha oo xaflad dhiiragelin ah u sameeysey  cayaartoyda kooxdooda...
  • Golaha Midnimada iyo Badbaabada oo si taxadar leh u soo dhaweeyey..
  • Idaacad loogu magac darey Xurmo oo laga furey Muqdisho..


C/qaasim: Kenya waxaan leeyahay Joojinta qaadka ummaddu u gaajoon meyso una dhimameyso..

Madaxweynihii hore ee dowladdii Carta C/qaasim Salaad Xasan ayaa mar wax laga weydiiyey sida uu u arko joojinta dowladda Kenya ay joojisey duullimaadyadii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa uu yiri, “Horta waa mid dhibaato u keenaya labada shacab gaar ahaan dhinaca ganacsiga, waxaana u sheegayaa dowladda Kenya in joojinta qaadka Ummaddu gaajooneyn una dhimaneyn”, wuxuuna intaasi raaciyey “IGAD, waa urur la dhoodhoobey waxaana ku tagri fala dowladda Tigreega, oo danaheeda gaarka ah ku fushata”.

C/qaasim wuxuu sheegey in ummadda Soomaaliyeed ay haatan ka baxdey inta badan dhibaatadii ayna ka xoroobeen qabqablayaashii dagaalka ee u adeegayey cadowga Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegey in shacabka Soomaaliyeed ay haatan bilaabeen in ay iyaga isu gargaaraan, taasi oo uu tilmaamey in laga garan karo markii ay dhaceen abaaraha sidii uu shacabku isugu gurmadey, ugu dambeyntii wuxuu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed iney ka digtoonaadaan dibindaabyada cadowga Tigreega.

Qaadkii iyo Sigaarkii oo gebi ahaanba laga joojiyey Gobolada Jubooyinka..

Maalintii shaley aheyd waxey ku beegneyd markii loo qabtey in wax qaad iyo sigaar ah aan la keeni Karin, laga ganacsan Karin, lagana cuni Karin gobolada Jubbooyinka, waxaana arrintani go’aamiyey mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee gobolada Jubbooyinka.

Inkastoo dadkii ka ganacsan jirey Jaadka ay saameyn ku yeesheen joojintaasi, haddana warar ka imaanaya goboladaasi waxey sheegayaan in dadka ay la qabsadeen joojintaasi, isla markaana ay u hoggaansameen go’aamadii ka soo baxey madaxda mas’uuliyiinta maxkamadaha ee Jubbooyinka.

Gaarigii lagu qabto isagoo sida qaad iyo sigaar in la ganaaxi doono 5-Malyan Sh. So, oo u dhiganta 350 Doollar, iyadoo ruuxii isagoo cunaya ama ka ganacsanaya lagu arko la ganaaxi doono 1-Milyan Sh.so, oo u dhiganta 80 Doollar, waxeyna dhawaan dadweynaha ku nool gobolada Jubbooyinka ay dhigeen banaabaxyo lagu taageerayo go’aanka lagu joojiyey qaadka iyo sigaarka, waxeyna joojintaani ku soo beegantey xilli maalintii shaley aheyd ay joojisey dowladda Kenya diyaaradihii qaadka keenayey iyo kuwii ganacsiga ee imaanayey Soomaaliya.

Deeq la gaarsiiyey Asad Aadan Turaabi

Ururka Somali Women and Children Rescue Organization oo ah urur inta badan gacan siiya dadka dhibaateysan ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu deeq gaarsiisay Asad Aadan Turaabi oo ah wiil da’diisu tahay 9-jir, isla markaana la dhibaateysan biyo madaxa ka galay, kaas oo wax looga qaban waayey dalka gudihiisa, waxaana wiilkaan gacanta ku haya Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole.

Deeqdaan oo ka koobneyd Sariir, Juudari, Qalabka lagu saxaroodo iyo alaabo yar yar oo uu Asad baahi weyn u qabay, deeqdaan oo uu ururku soo gaarsiisayey Maxamuud Cabdi Kariin ayaa waxaa ka gudoomay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole Cali Xasan.

Deeqdaan, waxaa guddoonsiinteeda goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan Ururka Somali Women and Children Rescue Organization oo ay ka mid ahaayeen Yaasmiin Mayow Max’ed iyo Amiin Yuusuf Khasaaro, guddoonsiintii kaddib waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Shiirkole oo mahad celin u jeediyey Maxamuud Cabdi Kariin iyo intii kale ee ka horeysay ee iyana deeqda soo gaarsiisay, waxa uuna sheegay in wiilku uu u baahan yahay Isbitaal dibadeed, xanuunkiisana uu soo kordhayo, waxaana haatan ku soo kordhay qalal, wuxuuna ku booriyey Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii qaliin loogu sameyn lahaa wiilkaasi.

 

Asad yare ayaa maskaxdiisu taam tahay, mararka qaarkoodna waxa uu akhrinayey Qur’aanka Kariimka, sidoo kale waxa uu ku hadaaqayaa ereyo ay ka mid yihiin “Illaahayoow Caafimaad I Sii………. Illaahayoow Caafimaad I Sii…………. Illaahayoow Caafimaad I Sii”.

Guddoomiyaha Ururka Tirik Cilmi Axmed oo ku sugan dalka Mareykanka, oo qadka taleefanka kula soo xiriirtay Xafiiska Muqdisho uu ururku ku leeyahay ayaa waxay qudheeda wiilkaasi yar sheegay in ururku u ballanqaadayo in uu garab taagnaan doono, waxayna intaa ku dartay in ay qabanqaabinayaan sidii ay dugsiyo wax lagu baro carruurtaa xaaladdaa oo kale ku sugan iyo waliba Hooy lagu xanaaneeyo ka furi doonaan Magaalada Muqdisho.

C/qaasim oo ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay u gargaaraan ardeyda ku jirta dugsuga indhoolayaasha...

Madaxweynihii hore ee dowladdii Carta C/qaasim Salaad Xasan ayaa shaley booqdey dugsiga Indhoolayaasha Alnuur ee magaalada Muqdisho, maadaama uu ka mid ahaa xubnihii bulshada ku dhiirageliyey in dadka Indhoolayaasha ah wax ka baro, wuxuuna C/qaasim soo kormeerey fasalada ay ardayda wax ku bartaan iyo waliba qaabka ay wax u bartaan, wuxuuna sheegey in Indhaha aysan aheyn kaliya in wax laga arko ee ay tahay Qalbiga, isagoo sheegey in 16-kii sano ay shacabka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwa qalbiga ka bukey.

Dr. C/qaasim Salaad Xasan wuxuu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku nool in dadkaasi indhaha la’ ay gacan siiyaan maadaama goobta hadda ay wax ku bartaan ay tahay goob ijraar ah, taasoo uu sheegey in dugsigu aanu awoodin, wuxuuna si gaar ah baaq ugu soo jeediyey dadka samafalayaasha ah iney il gaar ah ku eegaan carruurtaasi indhaha la’ ee doonaya iney wax la qeybsadaan bulshada kale ee indhaha leh.

 

Maamule ku xigeenka dugsiga C/fitaax Max’ed Daahir ayaa isna ka warbixiyey heerarkii uu soo marey dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur wuxuuna sheegey in ciddii dooneysa iney u kaalmeyso dadkaasi indhaha la’ iney deeqdooda u soo marin karaan Account Number 2039 ee Dahabshiil.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa wuxuu ballan qaadey inuu intii awooddiisa ah uu gacan siin doono carruurtaasi oo uu sheegey inuu la yaabay sida ay wax u baranayaan, iyadoo carruurta wax lagu baro farta loo yaqaano Brail-ka .

Xiriirkii u dhaxeeyey Maxkamadaha iyo Kenya oo soo hagaagaya ...

Intii uu socdey Shirkii Khartuum fashilmey ayaa waxaa si aad ah u xumaadey xiriirkii u dhaxeeyey Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dowladda Kenya kaddib markii dowladda Kenya maxkamaduhu ku eedeeyeen ineysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Soomaaliya, ayna tahay dowlad aan dooneyn in Soomaaliya ay gaarto horumar waana midda keentey in gebi ahaanba uu burburo shirka Khartuum tan iyo markii uu yimid Muqdisho guddoomiyaha Baarlamaanka Muqdisho, ayaa wadahadaladii dhex marey guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Maxamadaha ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey dowladda Kenya doorka ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed.

Maalintii shaley aheyd ayaa waxaa Muqdisho yimid safiirka Kenya u fadhiya arrimaha Soomaaliya, Danjire Max’ed Cabdi Afey wuxuuna kulamo gaar ah la yeeshey mas’uuliyiinta ugu sarreysa Maxamadaha Islaamiga ah, waxeyna isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Maxkamadaha iyo dowladda Kenya, waxeyna sheegeen mas’uuliyiintii ka qeybgashey kulanlkaasi mar ay la hadlayeen saxaafadda in wadahadaladii dhex marey mas’uuliyiinta Kenya iyo kuwa Maxkamadaha uu ku dhamaadey jawi isfaham.

Danjire Max’ed Cabdi Afey wuxuu sheegey in baal cusub uu u furmey Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo dowladda Kenya, kuwaasoo ku aaddan in la joogteeyo xiriirka labada dhinac, mar uu Danjiraha mar uu ka hadlayey joojintii duullimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Kenya wuxuu yiri, “Arrintan oo kale horey ayey u dhici jirtey waxaan rajeynayaa iney in yar socon doonto, maxaa yeeley labada shacab waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo dhinaca ganacsig ah. Sh. C/raxmaan Janaqow oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta ee Maxaakiimta ayaa mar uu ka hadlayey wuxuu sheegey in wadahadaladii dhex marey iyaga iyo mas’uuliyiintii dowladda Kenya ay noqdeen kuwa si aad ah isugu soo dhaweeyey labada dhinac, waxaana lagu ballamey in la joogteeyo xiriirka labada dhinac ee Maxaakiimta iyo dowladda Kenya.

C/llaahi Yuusuf oo kulan degdeg ah la yeeshey Saraakiishiisa Ciidamada..

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo degdeg ah la yeeshey saraakiishiisa ciidamada ee ku sugan magaalada Beydhabo wuxuuna kulankaasi ahaa mid looga hadleyey xaaladda ku soo korodhey dalka Soomaaliya gaar ahaan dagaaladii dhawaan ka dhacey deegaanka Bandiiradley.

Inkastoo aan la faahfaahin wixii ka soo baxey kulankaasi, haddana, warar ayaa waxey sheegayaan in saraakiishaasi lagu amrey iney heegan buuxa geliyaan ciidamada dowladda federaalka, sidoo kale Madaxweynaha wuxuu soo dhaweeyey go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in heshiiskii ay wada gaareen Maxkamadaha iyo Shariif Xasan uu yahay mid shakhsiyadeed

kooxda Dekedaha oo xaflad dhiiragelin ah u sameeysey  cayaartoyda kooxdooda...

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Muxuddiin Xasan Cali (Darbaweyne) ayaa ka qeybgaley xaflad dhiiragelin ah oo maamulka kooxda Dekedaha u sameysey ciyraartoyda kooxda Dekedaha, kaddib markii uu soo gabegeboobey horyaalkii 35-aad ee K/cagta Soomaaliya.

Xafladan oo ay ka qeybgaleen 3-da Guddoomiye ku xigeen ee xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, Saciid Max’ed Nuur (Saciid Mugaambe), Cali Saciid Guuleed iyo Salaad

Macallin Max’ed (Salaad Gaab), xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, ciyaartoyda Kooxda Dekedaha iyo marti sharaf kale, waxaa ugu horreyntii halkaasi hadal ka soo jeediyey Guddoomiyaha Naadiga Cali Jiinow, wuxuuna sheegey in sababaha ay u dhigteen xafladan ay tahay sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen niyadda ciyaartoyda, waxaa kaloo halkaasi ka hadley xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, Cabdiqani Saciid Carab, wuxuuna kooxda kula dardaarmey iney yeelato xarun, sidoo kale ciyaartoyda wuxuu u soo jeediyey iney sameeyaan isku xirnaan.

Waxaa kaloo xafladdaasi ka Hadley Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Muxuddiin Darbaweyne, wuxuuna ku dheeraadey taariikhda kooxda Dekedaha, isagoo sheegey in Nadigu uu soo marey heerer kala duwan, wuxuu kaloo sheegey in Xiriirka Soomaaliyeed ee curdanka ah uu gacan siin doono kooxaha Soomaaliyeed, iyo baahida kale ee Isboorti ee dhinac K/cagta ah.

Waxaa kaloo ha dadley Guddoomiyaha Olombikada gobolka Banaadir Xaaji Cabdulle Macallin, wuxuuna kula dardaarmey ciyaartoyda Naadiga iney halkaasi ka sii wadaan isku xirnaantooda, waxeyna xafladdaasi ku dhammaatey sidii loogu talagaley, oo ku dheehneyd jawi farxadeed.

Golaha Midnimada iyo Badbaabada oo si taxadar leh u soo dhaweeyey..

Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed ayaa shaley soo saarey war Saxaafadeed uu kaga Hadley doorashadii Mareykanka iyo doorka Carabta ee Dunida Islaamka, waxaana war saxaafadeedkaasi lagu sheegey in Goluhu uu si taxadar leh u soo dhaweynayo doorashadii Mareykanka ee uu aqlabiyaddii labada gole ku guuleystey xisbiga Dimuquraadiga, maadaama ay doorashadaasi ay saameyn ku yeelatey arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Gaashaandhiga.

Goluhu wuxuu sheegey in 12-kii sano ee Xisbiga Jamhuuriga uu maamulayey dalka Mareykanka awooddii Mareykanka waxey noqotey musiibo caalami ah, gaar ahaan adduunka Muslimka iyo Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegey Goluhu in doorashadani ay caddeyneyso in Shacbiga Mareykanku fahmey sida xun ee uu Xisbiga Jamhuurigu u adeegsadey awooddii Mareykanka ee adduunka, sidoo kale. Goluhu wuxuu bogaadiyey doorka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta ka qaadaneyso arrimaha Dunida Islaamka, gaar ahaan, khilaafka Soomaaliya iyo qadiyadda Falastiin, waxaan war-saxafadeedkaasi ku saxiixnaa Xoghayaha golahahaasi Xuseen Salaad (Qoor-gaab)

Idaacad loogu magac darey Xurmo oo laga furey Muqdisho..



Mar aan booqadey xarunta Idaacadda Xurmo ee Daarta Soobe, ayaa waxaa halkaasi nagu soo dhaweeyey guddoomiyaha Hay’adda Inxa oo ah midda hormuudka u ah Idaacaddaasi, Mudane C/naasir Axmed Cusmaan, wuxuuna sheegey in Idaacadani ay ugu talagaleen iney ka hadasho nabadda, isu soo dhawaanshaha bulshada iyo horumarinta waddanka.

C/naasir wuxuu sheegey in Idaacaddani ay mowjadeedu tahay FM 105MHZ, wuxuu sheegey iney saacado kooban hawada ku jiri doonto, wuxuuna sheegey in Idaacaddu aysan xayeysiin doonin Caana-Booraha, Sigaarka, daawooyinka iyo wax walba oo wax u dhimaya horumarka waddanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2006



Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD