SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GABAY
Daabaco Boggan | Print


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

GABBAL DUMAY = DAGAAL OOGE (Gabay)

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com


Gabaygaan Gabbal dumay (Dagaal ooge) waxaa tiriyey Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon. Gabaygu wuxuu soo baxay 12/11/06, waana waano ku socota dadweynaha Soomaaliyeed iyo digniin ku wajahan dagaal ooge meel uu joogaba. Waa tusaaleyn iyo dood ku saabsan meesha danta qaran ku jirto si kastoo dagaal ooge qabyaalad iyo baqdin gelin dadka ugu afuufo. 

  1. Dagaal ooge waataan wax badan dood kasoo qoraye
  2. Waataan ka daabacay kitaab dahabiyoo weyne
  3. Doodwanaag waataan ku dhigay maanso doorgalahe
  4. Waataan dadweynaha in badan daw saxow hagaye
  5. Maantana digniin baa timiye fura damiirkiina
  6. Oo daalacdoo wada akhriya waa tantii qarane
  7.  
  8. Hal dibboodday oo meel cidla ah keli ku daaqaysa
  9. Haddii aan dad soo maray halkaas Dabac ka soo dheelmin
  10. Oo duurka iyo beylahdaas cidi ka soo deyrin
  11. Daacuflaha libaax ama dhurwaa yeydu wey dilane
  12. Dhammaan habar dugaag waa u halis inay ku duulaane
  13. Oo uuska uga daadiyaan haragga diirtaane
  14.  
  15. Dalkeennoo sidaas wada noqdoo dacalba meel aaday
  16. Ooo duulaan wax garanyan dhammaan diiradda u qaaday
  17. Oo dalow halaag badan ku furay daqarna soo gaaray
  18. Ilaah baa dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
  19. Doqon baa qofkow hiilliyiyo daacadda xushmeyne
  20. Ka dabqaata waxa ay wadaan waa dantii qarane
  21.  
  22. Dagaal ooge ninkii weli rabow maqal dabuubteyda
  23. Damiirkaaga iyo dhagaha iyo furo dareenkaaga
  24. Dalkeennii qurxoonaa halkee debecsan oo fiican
  25. Daryeel caafimaad iyo tacliin dumiye Woorloodhe
  26. Dekedehii burbure garoomadii dayac ka meelwaaye
  27. Jidadkii darooriga ahaa duugme gebigoode
  28. Dagaal ooge wuxuu soo kordhiyey doqonta baa mooge
  29. Gabbal dumay inaad daafacdaan ma aha dawgiine
  30. Ilaah baa dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
  31. Ka dabqaata waxa ay wadaan waa dantii qarane
  32.  
  33. Dagaal ooge waa wada ibliis duudka ka insaane
  34. Dabcigiyo ujeeddada dhammaan damac ka sheydaane
  35. Dulligey ku naaxaan wanaag uma dadaalaane
  36. Diinta uma nusreeyaan xaqana uma dagaalaane
  37. Dadka kii u xigay bay intaas duugayaan abide
  38. Gabbal dumay inaad daafacdaan ma aha dawgiine
  39. Ilaah baa dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
  40. Ka dabqaata waxa ay wadaan waa dantii qarane
  41.  
  42. Habeen dumay cadceeddoo dam tiri dayaxna soo jeedin
  43. Ninkii duurka aadaa ma helo wuxuu ka doonaaye
  44. Dagaal ooge kii aaminaa kaa ka sii darane
  45. Daliilkana inaad iga ogtiin baan danninayaaye
  46. Kuwii Xamar dukaafado ka dhigay weeye duulkaniye
  47. Dalka meel ay joogaan dhmmaan waa ul iyo diire
  48. Ka daneysta oo maya ku dhaha daallinkiyo tuugga
  49. Gabbal dumay inaad daafacdaan ma aha dawgiine
  50. Ilaah baa dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
  51. Ka dabqaata waxa ay wadaan waa dantii qarane
  52.  
  53. Waxba diradiraha yaan qabiil duulku noo dhigine
  54. Iyaguba dorraatiyo shalay dirirahaayeene
  55. Maantana dantoodey dhan qura geesh u dumayaane
  56. Durbaan beena weeyaan waxay kala duwaayaane
  57. Dalka uma ay roonoo  dadkuna diifyey waa hora’e
  58. Ka daneysta oo maya ku dhaha daallinkiyo tuugga
  59. Gabbal dumay inaad daafacdaan ma aha dawgiine
  60. Ilaah baa dabaadiga qabtoo duubcas soo diraye
  61. Ka dabqaata waxa ay wadaan waa dantii qarane

                              Dhammaad 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

Afeef: Afaragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD