SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 13, 2006
  • Shiikh Shariif oo ka Hadlay Dagaalkii ka dhacay Bandiiradley.
  • Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in ka tirsan Maxaakiimta ay soo weerareen..
  • Ciidamo Itoobiyan ah oo u soo dhaqaaqay..
  • Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Deegaanka Bandiiradley..
  • Markabkii laga afduubtay Ceel-Macaan oo shalay ku soo xirtay Dekedda Weyn ee..
  • Diyaarado sida hub oo gaarey Magaalada Gaalkacyo..
  • Hay’adda Danwadaag oo Waxqabadkeedi kusoo bandhigtay Magaalada Birmingham 

Shiikh Shariif oo ka Hadlay Dagaalkii ka dhacay Bandiiradley.

Sheikh Shiikh Axmed oo ah guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay degaanka Bandiiradleey, wuxuuna sheegay in Ciidamada Cabdi-qaybdiid oo gacan ka helaya kuwa puntland iyo kuwo itoobiyan ah inay weerar ku soo qaadeen degaano fariisimo u ahaa ciidamada maxaakiimta islaamiga oo ku yaalay degaanka barndiiradleey, wuxuuna Shiikh Shariif sheegay in Ciidamadii soo duulay la jabiyay loona geystay khasaare naf iyo maalba leh.

“Mar kasta waan ka soo hor jeednay inay dhacaan wax iska hor imaad ah balse ciidamadeenii ayaa la soo weeraray si loo fashiliyo go’aanadii ay dhawaan gaareen Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Golaha Maxaakiinta” isagoo intaa ku daray inaysan marnaba weerar ku ahayn gobolada Puntland balse ay diyaar Iu yihiin in wax kasta lagu dhameeyo is af garad iyo wada hadal.

Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Maxaakiimta ay tagayaan gobolada dalka haddii shacabku uu u yeerto si loo xoojiyo shareecada Islaamka, isla markaana dalka oo dhanna lagu dhaqo shareeca Islaamka, maadaama ay tahay tan lagu gaari guul Aakhiro iyo mid Adduunyo.

Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in ka tirsan Maxaakiimta ay soo weerareen..

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay Maxaakiimta Islaamiga inay kuu soo xad gudbeen degaanadooda kaddib markii Ciidamo ka tirsan Maxaakiimtu ay soo weerareen , wuxuuna sheegay af hayeen u hadlay Puntland inay iska difaaceen dibna ugu celiyeen goobihii ay ka yimaadeen.

Af hayeenku ma faah faahin khasaaraha gaaray dhinacooda, wuxuuse u soo jeediyay shacabka ku nool Puntalad lnay qoryahooda qaataan iskana difaacaan kooxashaas ku soo duulay.

Waxaa la arkayay gawaari ay ku rakiban yihiin samaacado oo dhex wareegaya magaalooyinka puntland kuwaasoo dadka ugu yeerayay inay isu taagaan difaaca degaanadooda.

Ciidamo aad u xooggan oo watay illaa iyo dhowr iyo soddon tekniko ayaa ka soo dhaqaaqay degmada Garoowe kuwaasoo isla shalay soo gaaray Magaalada Gaalkacyo, waxaana hadal kooban u jeediyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo Difaaca Puntland

Ciidankaas ayaa markiiba u gudbay koofurta Gaalkacyo oo waliba u dhaqaaqay dhinaca degaanka Dagaari oo Afartan Kiilo Mitir u jirta Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa kacsan xiisadda magaalada Gaalkacyo iyo magaalooyinka kale ee Puntland iyadoo magaalooyinka qaarna lagu daadiyay waraaqo dadka loogu baaqayo inay soo dhaweeyaan Maxkamada, waxaana halkaa ka socda furitaanka Maxkamado Beeleedyo, waxaana Maxkamaddii ugu danbaysey laga furay Degaanka Gol-dogob.

Ciidamo Itoobiyan ah oo u soo dhaqaaqay..

Ciidamo Itoobiyan ah oo wata Tikniko xoog badan ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca gaalkacyo kuwaasoo la sheegay inay doonayaan inay difaacaan maamul goboleedka Puntland kaddib markii ay ku soo siqeen Maxkamada Islaamiga oo iyagu shalay qabsaday degaanka Bandiiradleey oo dhowr iyo lixdan km u jirta Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa waxaa ka soo horreeyay saraakiil Itoobiyan ah oo iyagu kulamo deg deg ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse.

Waxaa Magaalada Gaalkacyo horey u joogay ciidamo Itoobiyan ah oo tiradoodu ay gaarayso 200 oo askeri kuwaasoo Maamulku u sheegay in ay u yimaadeen sidii ay tababaro u siin lahaayeen ciidamada Maamul goboleedka Puntland.

Waxaa laga cabsi qabaa in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo kuwa Itoobiyanka inay foodda is daraan, waxaana lagu waramay in Ciidamada Maxaakiimtu ay gaareen Gurmadyo fara badan oo qaarkood ka tegay Muqdisha Hiiraan iyo gal gaduud.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Deegaanka Bandiiradley..

Waxaa isa soo taraya Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Deegaanka Bandiiradleey oo u dhaxeeyay Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamo Is Bahaystay oo ka kala socda Cabdiqaybdiid, Puntland iyo qaar Itoobiyan ah., dagaalkan oo ah mid soo noq noqday ayaa ah kii ugu xoogganaa iyadoo la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee Hubka, waxaana dagaalkan uu ka bilowdey dhowr jiho oo ku aadan degaanka Bandiiradleey, Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa u suurta gashay inay halkaas ka soo hooyaan guulo la taaban karo kaddib markii ay u gacan gashay degaanada Bandiiradleey, Seddax Higlo iyo Dagaari, waxaana Ciidamada Maxaakiimta la sheegay inay Labaatan Km u jiraan Magaalada Gaalkacyo, waxaa kaloo la sheegay in Ciidamada Maxaakiimtu ay qabsadeen dhawr gaari oo tiknika ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen Taangiyo ay lahaayeen Ciidamada Puntland, waxaana Ciidamada Maxkamadaha ka dhintay Shan Askeri, waxaana ka dhaawacmay illaa lix kale oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka Istarliin Caruush oo ku yaala degmada Guri Ceel iyadoo dhaawaca Puyntladina loo qaaday Magaalada Gaalkacyo, halka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa ka bara kacay dad fara badan oo u yaacay dhinaca baadiyaha si ay noloshooda u bad baadiyaan, labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa waxaa soo gaaraya Gurmad, waxaana Maxaakiimtu Gurmad uga tegay Gobolada Sh.Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud halka kuwa Puntland-na uu gurmad ka soo gaaray Magaalloyinka Boosaaso, Garoowe iyo Baydhabo, Ciidamo Itoobiyan oo ku hubasan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca Magaalada Gaalkacyo kuwaasoo difaacaya Maamul Goboleedka Puntland, waxaana difaac kan la mid ah ay Itoobiyanku ay ka wadaan magaalada Bydhabo oo ay ku sugan tahay Xukuumada Federaalka. Waxaa dareen xooggan uu ka jiraa gobolada Maamul Goboleedka Puntland oo la sheegay in lagu daadiyay Waraaqo lagu soo dhawaynayo Maxaakiimta Islaamiga, sidoo kale waxaa Beelaha loogu baaqay inay furtaan Maxkamado Islaami ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka baaqsaday safar uu ku tagi lahaa..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo la filayey in uu Maalinta Talaada ah soo gaaro Magaalada Gaalkacyo ayaa safarkiisii dib u dhac ku yimid kaddib markii dagaalo ay ka dhaceen agagaarka magaalada Gaalkacyo oo u dhexeeya Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Puntland.

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayey inuu bulshada ku nool Puntland kala hadlo arrimaha ku soo kordhay dalka gaar ahaan xiisadaha ka jiray Puntland kaddib markii deegaano ka tirsan Puntland looga dhawaaqay Maxaakiim Islaami ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa lagu waday in uu talaada saacado joogo Gaalkacyo kaddibna uu u duulo dalka Jabuuti oo uu ka qaybgalayo Shirka Wadamada Comenza, basle warar ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu is bedesho uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf si dhaqsi leh ku soo gaari doono Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Markabkii laga afduubtay Ceel-Macaan oo shalay ku soo xirtay Dekedda Weyn ee..

Markabkii dhawaan lagu afduubtay Ceebaha Ceel-Macaan, kooxdii afduubteyna ay gaysay Deegaanka Xarardheere ayaa waxaa halkaasi ku soo furtay ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo soo badbaadiyey markabkaasi iyo shaqaalihii saarnaa, sidoo kalana gacanta ku dhigay 8 burcad ah oo markaasi afduubatay.

Markabkaan oo shalay ku soo xirtay Degmada Muqdisho ayaa munaasabad ka dhacday dushiisa, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxa Amniga ee Maxaakiimta Sheekh Yuusuf (Indha-Cadde) iyo waliba mas’uuliyiin kale, waxa uuna Sheekh Shariif sheegay in si dhaqsi leh maxkamad loo soo taagi doono raggaasi, waxa ay shareecadu ka qabtana la marsiin doono.

Diyaarado sida hub oo gaarey Magaalada Gaalkacyo..

Wararka naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan maalintii shalay ahayd laba diyaaradood ay ka qaadeen magaalada Baydhaba Rasaas iyo sahay kale ee millateri kuwaasoo isla shalayba ka degay Magaalada Gaalkacyo, Hubkaas oo loogu tala galay in looga hor tago Ciidamada Maxaakiimta ee ku sii dhawaanaya Magaalada Gaalkacyo.

Hubkan ayaa waxaa la sheegay inay bixisay xukuumadda Itoobiya, balse warar kale ayaa sheegaya in hubkani uu yahay mid ay lahayd Xukuumadda Federaalka oo ku xaysnaa Bakhaar ku yaala Magaalada Baydhabo, sidoo kale gawaari sidda shixnad Hub ah ayaa ka soo dhaqaaqday Magaalada Boosaasoo iyagoo ku soo wajahan magaalada Gaalkacyo, waxaana hubkaa loogu tala galay in looga hor tago faafitaanka maxkamadaha ee maamul goboleedka Puntland.

Dhinaca kale Gen.Cadde Muuse oo xirtay dharkii ciidamada ayaa waxa uu ku dhawaaqay amar deg deg ah oo lagu soo rogay Degmooyinka Maamul goboleedka iyadoo dadkana looga digay inay sameeyaan dhaqaaq iyo waliba inay abaabulaan shirar siyaasadeed iyadoo degaanada maamul goboleedkaas todobaadkii dhawaa laga furay dhowr maxkamadood oo hoos tagaya midowga maxaakiimta islaamiga/

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Hay’adda Danwadaag oo Waxqabadkeedi kusoo bandhigtay Magaalada Birmingham 

Xaflad aad u ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Hay’adda Danwadaag, ayaa maanta oo Axad ah, taariikhduna tahay 12/1//06, ka dhacday  hallka shirarka ee xarunta ( Small Heath Youth & Community Centre ). Xafladaas oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad  u fara baddan, oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada  Birmingham. 

Xafladaas waxaa ugu horeynti Muxaadaro ka hadleysay Allah ka cabsiga iyo samafalkaba kasoo jeediyay Shiikh Maxamed Aaden oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham. Waxaa isaguna halkaas warbixin isugu jirtay maqal iyo muuqaalba kasoo jeediyay  Xoghayaha hay’adda Cabdixakiim Jaamac Jooje, oo runti si qoto dheer uga hadlay taariikhda iyo heerarki aysoo martay hay’adda. Waxa isaguna kalimad isugu jirtay baraarujin iyo mahadnaqba kasoo jeediyay gudoomiyaha hay’adda Cabdicasiis Yuusuf Jaamac. 

Hay’addu waxey mahdnaqa ballaaran usoo jeedinaysaa dadweynaha reer Birmingham, qaas ahaan Haweenka reer Birmingham kaalinti lama ilaawaanka ah ay ka qaateen qabsoomida kulankaas. 

Ugu danbeysti waxaa halkaas hay’adda l;oogu sameeyay dhaqaale ururin ( Fund Raising ) oo wax loogu qabanayo Baahi xagga iskuulada ah oo ka jirta Soomaaliya. 

By:- Maamulka Hay’adda
Leicester UK.
Laxiriir: saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2006


Beesha Leekase Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
culuma’awdiin, aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan.. Guji...

Yaa Gacanta ku Haya Bandiiradley
»Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii Bandiiradley...
»Gen. Cadde Muuse oo u ambabaxay aagga Bandiiradley...
»DGPL iyo Maxkamadaha oo midba kan kale eedeeyey...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

Maxaakiimta inta ay ka taliyaan oo uu kasocdo  dhul boob si xoog leh loogu hayo Goobihii Qaranka...
»Kenya oo joojineysa Duulimaadka Diyaaraha Soomaaliya
»Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Golihiisa Wasiirada..
»Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay..
»Gole la magac-baxay golaha Suugaanleyda oo..
»Hablo u shaqaynayay Radio Hargaysa oo labiska Xijaabka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Nov 12

Madaxweynaha DFKMG oo ku soo fool leh Magaalada  Gaalkacyo
»Xaafuun: Care International oo qalab doonyo ah ugu..
»Badhan: Biyo la'aan ba'an oo laga soo shegayo Degmada..
»Garowe: Xisbiga Ramaas oo soo saaray bayaan uu..
Wararka oo dhan ka akhri halkan...


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD