SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 12, 2006
  • Maxaakiimta kaddib oo uu dhul boob si xoog leh loogu hayo Goobihii Qaranka.
  • Kenya oo joojineysa Duulimaadka Diyaaraha tegaya Soomaaliya
  • Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Golihiisa Wasiirada..
  • Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay..
  • Gole la magac-baxay golaha Suugaanleyda oo..
  • Hablo u shaqaynayay Radio Hargaysa oo shaqadadoodii ku waayay labiska Xijaabka.

Maxaakiimta kaddib oo uu dhul boob si xoog leh loogu hayo Goobihii Qaranka.

Waxaa maalinba maalinka ka dambeeya sii xoogeysanaya dhul boobka lagu hayo hantidii qaranku lahaa tan iyo markii ay Maxaakiimtu la wareegeen inta badan Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna dhul boobka ugu xoogani ka socdaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobihii danta guud ee bulshada ka wada dhexeysay.

Waxaa guryo dhaadheer iyo dabaqyo laga dhistay dhul dan guud, waxaa sidoo kale sii xoogeystay iska hor imaadyada dhul boobka, iyadoo maalintii doraad ahayd agagaarka warshadda Kabka dhul boob halkaasi ka socday uu ku dhintay hal qof.

Maxaakiimta Islaamiga ah oo dhistay Maxkamad u gaar ah ayaa ilaa iyo haatan aysan jirin wax laga qabtay, iyadoo Maxaakiimta looga fadhiyey in ay burburiyaan dhulkii danta guud ee la dhistay iyo waliba in ay shacabka ka saaraan Wasaaradihi, Iskuulaadkii, Derjiinooyinkii iyo gobo kale oo muhiim ah, waxaana dhul boobka haatan socda si aad ah ula yaaban qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo iyagu sugayey inay Maxaakiimtu wax ka qabtaan.

Dowladda Kenya oo lagu cadaadiyey inay gebi..

Dowladda Kenya ayaa lagu cadaadiyey i nay gebi ahaanba joojiso duulimaadyada tagaya wadanka Soomaaliya, ha noqdaan kuwo Beecmushtar iyo kuwa kalaba ee ay adeegsadaan Hay’adaha Samafalka, waxa uuna cadaadiskaani ka yimid dowladda Mareykanka kaddib markii Dowladda Mareykanku sheegtay inay diyaaradaha tagaya Soomaaliya ay halis gelin karaan ammaanka dalka Kenya. Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay u hogaansami doonto cadaadiskaasi, waxayna shalayba bilowday in ay joojiso qaar ka mid ah diyaaradihii tagayey Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Diyaaradaha ayaa waxaa la sheegay in ay si aad ah uga xumaadeen joojinta Duulimaadyadaasi, waxayna ku tilmaameen mid aan faa’iido uga jirin wadamada Kenya iyo Soomaaliya oo xiriirkooda beecmushtar mudo fog soo tixnaa, waxay kaloo u soo jeediyeen Doweladda Kenya in ay il gaar ah ku eegto arrimahaasi. Sidoo kale waxaa arrintaani si aad ah uga carooday ganacsatada Wadanka Kenya oo iyagu sheegay inay faa’iido weyn ku qabeen ganacsiga kala dhexeeya Wadanka Soomaaliya, waxayna ka codsadeen Dowladda Kenya in ay dib uga laabato arrintaasi. Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay wadanka Kenya waxaa sanad kasta Soomaaliya ka soo gala malaayiin doolar oo dhinaca ganacsiga ah siiba ka ganacsiga Qaadka, hadda ganacsatada Kenay maxay sameyn doonaan, iyadoo dhanka laga yaabo in Soomaaliya laga soo dhaweeyo gaar ahaan maamulka Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu aad u daneynaya in gebi ahaanba la joojiyo ka ganacsiga Qaadka iyo Sigaarka.

Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Golihiisa Wasiirada..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo shalay shir guddoominayey shirkii golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen heshiiskii ay dhawan wada gaareen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Golaha Maxaakiimta.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxay golaha Wasiiradu isku raaceen in heshiiskii uu Guddoomiye Shariif Xasan la galay Maxaakiimta Islaamiga uu ahaa mid shaqsiyadeed oo aan ka tarjumeyn hadafka Dowladda Federalka.

“Shariif Xasan waxa uu ku xadgudbay axdigii Dowladda, waxa uuna si gaar ah faraha ula galay golayaashii Dowladda” ayaa lagu yiri Shirkaasi Jaraa’id.

Waxaa kaloo shirka lagu sheegay inay jiraan shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka oo doonaya in ay burburiyaan Dowladda Federaalka oo uu sheegeen in laga soo maray dhibaato aad u weyn.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ilaa iyo haatan kama jawaabin go’aanka ka soo baxay golaha Wasiirada, sidoo kale Maxaakiimtu iyana wax hadal kama soo saarin qodobada ay soo saareen Golaha Wasiirada ee Ra’isul Wasaare, qodobada ay soo saareen waxaa kaloo ka mid ahaa in aan marnaba wada xaajood lala galin Maxaakiimta oo ay ku tilmaameen kuwo aan fulineyn go’aamada la gaaray.

Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Magaaladaasi looga dhawaaqay maxkamad Islaami ah oo loogu magacdaray Nasrudiin oo ay yeelaneyso Beesha ku dhaqan Koonfurta Gaalkacyo, waxaana ka qaybgalay furitaankeedii Culuma’udiin, Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Koonfruta Gaalkacyo.

Culima’udiinkii halkaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen in wixii haatan ka dambeeya ay ku dhaqmi doonaan shareecada Islaamka. Warar ayaa waxay sheegayaan in sababaha loo aasaasay maxkamadaani ay tahay mid loogu googol-xaarayo soo dhaweynta golaha Maxaakiimta kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay maamulkii dhawaan looga dhawaaqay Koonfurta Gaalkacyo iyo maamul gobaleed Puntland, waxayna mas’uuli-yiinta Gal-Mudug ay sheegeen in ciidamada Puntland ee ku sugan deeganadooda ay si dhaqsi leh uga baxaan.

Gole la magac-baxay golaha Suugaanleyda oo..


XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]... AKhri

Shir ay isugu yimaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay ka wada hadleen sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen wacgelinta bulshada marxaladaan lagu jiro loona heli lahaa suugaan ka tarjumeysa ku dhaqanka Diinta Islaamka iyo waliba difaaca Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Dood dheer kaddib ayaa waxaa halkasi looga dhawaaqay gole la magac-baxay Golaha Suugaanleyda Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye loogu doortay Abwaan C/qaadir Axmed Cabdule (ciro), Guddoomiye ku xigeena waxaa loo doortay C/kariin Shire Xuseen, Xoghayahana waxaa loo doortay Max’ed Maxamuud Sahal (Shido).

Golahaan ayaa sidoo kale waxa uu isku dubaridi doonaan sidii uu uruurin lahaa abwaanada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyagoo sheegay in ay suugaantooda ku saleynaan doonaan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Hablo u shaqaynayay Radio Hargaysa oo shaqadadoodii ku waayay labiska Xijaabka.

Laba hablood oo ka mid ah shaqaalaha radio hargaysa ee Maamulka la magac baxey Somaliland ayaa shaqadoodii ku waayay xiritaanka labiska xijaabka

Labadan Gabdhood oo ka tirsanayaa maamulka iyo shaqaalaha idaacada radio hargaysa ayaa saxaafada waxa ay u sheegeen in la yaab ku noqotay kadib markii uu wasiirka warfaafinta ee Maamulka la magac baxday Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi uu ku wargeliyay in aysan shaqada tegi karin labadaan gabdhood iyaga oo lebisan xijaabka.

Labadan gabdhood oo ku adkaystey in aysan iska bixin labiska xijaabka ayaa waxa uu wasirka warfaafinta maamulka somaliland amar ku bixiyay in aysan idaacada labadaan gabdhood aysan soo gali karin.


Mid ka mid ah labadan suxufi oo lagu magacaabo Hoodo Imaan Maxamed ayaa waxaa ay sheegtay in talaabadan uu qaaday wasiirka wafaafinta somaliland ay tahay mid qofkasta oo leh damiir fiyow oo islaam ah uusan ku talaabsan karin waana wax aan layaabney ayay tiri hoodo.

Sidoo kale suxufiyada kale ee la yiraahdo Zeynab Yusuf Axmed ayaa iyaduna sheegtay in ay ilaa iminka qaadan waa uu ku noqday falka wasiirku Warfaafinta somaliland uu nagula kacey.

Labadan Gabdhoood oo ka tirsan shaqaalaha iyo maamulka idaacada radio hargaysa ayaa waxa ay ugu baaqeen madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaal kahin in uu arrinta wax ka qabto.

Labadan gabdhood mid ka mid ah u warameysey saxaafada gudaha ayaa waxa ay tiri arintan uu nagula kacey Wasiirka Warfaafinta somaliland waa mid xaqiiqadii aan si aad ah ola yaabney waxay kaloo tiri markii aan wax ka baranayay dalka kenya ayaan watey xijaabka haatan oo aan joogo dhulkaygii hooyo waa adag tahay si aan iskaga dhigo xijaabka.

Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2006


Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

Madaxweynaha DFKMG oo ku soo fool leh Magaalada  Gaalkacyo
»Xaafuun: Care International oo qalab doonyo ah ugu..
»Badhan: Biyo la'aan ba'an oo laga soo shegayo Degmada..
»Garowe: Xisbiga Ramaas oo soo saaray bayaan uu..
Wararka oo dhan ka akhri halkan...

C/llaahi Yuusuf oo taageero Milateri u tagaya dalka…
»Ciidamada Itoobiya ee ku sugan baydhabo oo fariisin ka...
»Miinooyinka oo laga cabsi qabo in ku bataan degmooyinka.
»Banaanbax Ballaaran oo ka dhacay degmada..
»Ciidamadii ka soo fakaday Dowladda oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Nov 11


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD