SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 11, 2006
  • C/llaahi Yuusuf oo taageero Milateri u tagaya dalka …
  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugan baydhabo oo fariisin ka dhiganaya
  • Miinooyinka oo laga cabsi qabo in ku bataan degmooyinka.
  • Banaanbax Ballaaran oo ka dhacay degmada..
  • Ciidamadii ka soo fakaday Dowladda oo..

C/llaahi Yuusuf oo taageero Milateri u tagaya dalka …

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan dalka Singabuur ayaa la filayaa in maanta uu soo gaaro dalka Yemen kaddib markii uu martiqaad ka heley madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, C/llaahi Yuusuf ayaa sababaha uu halkaasi u tagayo ay tahay sidii uu halkaasi uga soo heli lahaa taageero Milateri iyo waliba mid dib u soo celinta hey’adihii dowladda, sidoo kale, madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Cali Cabdalla Saalax gurmadkii uu u fidiyey qaraxii dhawaan lala beegsadey C/llaahi oo la doonayey in lagu khaarijiso madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed kaddib markii Cali Cabdalla Saalax uu soo direy laba gaari oo kuwa aaney xabbadu Karin ah.

Ma ahan markii ugu horeysey ee Cali Cabdalla Saalax uu taageeri siiyo dowladda Federaalka, sannadkii hore ayey aheyd markii madaxweynaha dalka Yemen uu dowladda soo gaarsiiyey shixnad hub ah, markii ay dowladdu ku sugneyd magaalada Jowhar, shixnaddaas oo laga dejiyey magaalada Boosaaso, oo ilaa iyo haatan aan la ogeyn meesha ay ka baxdey.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa la filayaa inuu u gudbiyo warbixin la xiriirta xaaladdii ugu dambeysey ee waddanka, waxaana lagu wadaa in madaxweynaha uu u gudbiyo warbixin la xiriirta in Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah oo ku sugan dalka, kuwaasoo xiriir la leh ururka Al-Qaacidda. Sidoo kale madaxweynaha C/llaahi Yuusuf wuxuu doonayaa inuu xubin buuxda ka noqdo isbaheysigii Sanca oo iyagu ku midoobey sidii loogu hortegi lahaa waxa loogu yeerey kooxaha argagixisada ah, sidoo kale, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu soo maro dalka Itoobiya oo la filayo inuu kulamo kala duwan la yeesho Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Males Sanawi iyadoo dhawaan labadooda ay kulamo kula soo yeesheen dalka Shiinaha mar ay ka wada qeyb galayeen kulan madaxeedkii Shiinaha iyo waddamada Afrika, uuna madaxweynaha xilligaasi soo saxiixey heshiisyo la xiriira dhinaca isgaarsiinta, warshadaha yar yar iyo in dib loo soo nooleeyo dhismayaashii dowladda Shiinaha ay ka hirgelisey waddanka Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan baydhabo oo fariisin ka dhiganaya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ay labo saldhig ka samyesan doonaan Magaalooyin-ka Diinsoor iyo Qansaxdheere, si halkaasi ay Dowladda kaga difaacaan ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan Gobalada Jubbooyinka, waxaa la filayaa in kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ay maalinta beri ah u dhaqaaqaan dhinacaa iyo degmooyinka Diinsoor iyo Qansax-Dheere.

Ciidamada Itoobiyaanka ah waxay doonayaan in ay isku balaarinayaan degmooyinka Gobalka Bay, waxaana dhawaan la soo wargeliyey Ciidamada Itoobiya in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah qabsan doonaan Diirsoor iyo Qansax-Dheere, haddii ay taasi dhacdna waxay Maxaakiimtu ka haysan Doonaan Gobalka Baay saddex degmo iyadoo ay horey u haysteen degmada Buur-Hakaba.

Dhawaan ayaa ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo waxay isku balaariyeen Baydhabo, iyagoo xitaa gacanta ku dhigay Isbitaalkii Degmada Baydhabo.

Miinooyinka oo laga cabsi qabo in ku bataan degmooyinka.

Markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ahi soo galeen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo ku sii badanayey kooxaha maleeshi-yooyinka ah oo iyagu la sheegay inay doonayaan in ay miinooyin ku aasaan wadooyinka Soo gala Magaalada Baydhabo si khasaaro loogu gaysto Ciidamada Itoobiyia.

Miinooyinkaan ayaa waxaa la sheegay inay halis gelin karaan shacabka ku nool Gobaladaasi oo iyagu horey dhibaatooyin uga soo gaareen miinooyin lagu aasay deegaana-dooda.

Waxaa la sheegay in wadooyinka qaar lagu aasay miinooyinka Taangiga oo loogu talagalay inay lagu burburiyo Taangiyada Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobalada Bay iyo Bakool.

Miinooyinkii horey loogu aasay wadanka ayaa waxaa bixintooda gacan ka gaystay hay’ado Soomaaliyeed oo gacan ka helayey hay’ado dibadeed, waxayna qaar ka mid ah hay’adahaasi sheegeen in ay ka cabsi qabaan in miinooyinkaasi ay dhibaato hor leh mar kale u gaystaan shacabka ku nool Gobaladaasi.

Banaanbax Ballaaran oo ka dhacay degmada..

Maalintii shalay ahayd ayaa banaanbax balaaran waxa uu ka dhacay degmada Buur-Hakaba, waxa uuna banaanbaxaasi isugu jiray labo qaybood oo kala ah Maxkamaddii dhawaan looga dhawaaqay Degmada Buur-Hakaba iyo tegistii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa la hadlay dadweynihii isugu soo baxay banaanbaxaasi oo sheegay in ay dadweynaha Buur-Hakaba si aad ah u soo dhaweynayaan tagetaankii Baydhabo ee Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna dadweynuhu ka codsadeen Culima’udiinka in Maxaakiimta Islaamiga ah lagu balaarinayo degmooyinka kale ee Gobalka Baay. Sidoo kale Banaanbax isna lagu taageerayay Dowladda Federaalka ayaa waxa uu ka dhacay Baydhabo waxaana ka qaybgalay dadweyne badan.

Ciidamadii ka soo fakaday Dowladda oo..

Lix gaari oo Tikniko ah oo ay saaran yihiin 80-maleeshiyo ah ayaa maalintii doraad aheyd waxay ka fakadeen ciidamadii Dowladda ee ku xareysnaa Xareysnaa Xerada Manaas.

Ciidankaan ayaa intii aysan ka bixin Xeradaasi waxay is rasaaseeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa Xeradaasi waxaana ku geeryooday hal qof, waxayna u soo dhaqaaqeen dhinaca Degmada Diinsoor oo ay ku sugnaayeen maalin, kaddibna waxaa lagu waramey inay xalay gaareen degmada Bu’aale oo ah magaala Madaxda Gobalka J/Dhexe, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sababaha ay ciidamadaani uga soo fakadeen xeradoodii ayaa lagu sheegay in ay tahay kaddib markii ay halkaasi kula kulmeen duruufo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen in maalmaha soo socda soo fakan doonaan ciidamo kale oo wata Tikniko kuwaas oo oo iyana ku xareysan Xerada Manaas, waxayan fakashada ciidamadaani ku soo beegan tahay xili Ra’isul Wasaare Geeddi uu shalay Ceel Barde ka furay xero lagu tababaro ciidamo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2006


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood
»Maxakamadaha oo diidey Baasaboorka Cusub
»
DFKMG oo 4 Passport kusoo Bandhgitay Nairobi
»Muqdisho: Dood cilmiyeed oo ay ka qayb qaateen..
»Yusri Fooda: Soomaaliya Waan Tagi Doonaa...
»Ururka Suxufiyiinta Carabta Oo Shir UGa Furmay Qaahira..
Wararkii oo dhan ka akhri... Guji... Nov 10

Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada, Waxgaradka iyo Ganacsatada G/Mudug
Baaqaas oo shacabka & maamul Goboleedka Puntland ugu yeeray in ay ku xukuntamaan kitaabka Alle... Guji

»15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Dekedda  Muqdisho oo ay ka Bilaameen Dhoofinta Xoolaha
»Uganda oo laga dalbaday in aysan ciidamo u dirin soomaaliya
»Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah & kuwa Itoobiya oo si..
»Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo Gacanta ku soo..
»Iska hor imaad dhex maray Maxaakiimta iyo kuwa Qaybdiid..
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saxiixay heshiisyo la xiriira..
»Maxaakiimta Islaamiga ah oo laga dalabaday inay il gaar ah
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 9

»Jaraa’idka Belgium oo si adag u dhaleeceeyey xukunka dilka ee lagu riday Hoggaamiyihii hore ee Ciraaq

»USA: Donald Rumsfeld oo is casilay...

Baaq ay soo saareen Culumaa'udiinka, Waxgaradka iyo Ganacsatada  G/Mudug...
ayaa tibaaxay taageero siinaya in...
Guji...

Dekedda  Muqdisho oo ay ka Bilaameen Dhoofinta Xoolaha
»Uganda oo laga dalbaday in aysan ciidamo u dirin soomaaliya
»Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah & kuwa Itoobiya oo si..
»Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo Gacanta ku soo..
»Iska hor imaad dhex maray Maxaakiimta iyo kuwa Qaybdiid..
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saxiixay heshiisyo la xiriira..
»Maxaakiimta Islaamiga ah oo laga dalabaday inay il gaar ah
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 9


Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD