SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 10, 2006
  • Maxakamadaha oo diidey Baasaboorka Cusub...
  • Muqdisho: Dood cilmiyeed oo ay ka qayb qaateen Jaaliyadda Soomaalida Minnesota
  • DFKMG oo 4 Passport kusoo Bandhgitay Nairobi
  • Yusri Fooda: Soomaaliya Waan Tagi Doonaa
  • Ururka Suxufiyiinta Carabta Oo Shir UGa Furmay Qaahira. 

Maxakamadaha oo diidey Baasaboorka Cusub...

  • Buubaa: "Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu sii jiri doono oo keliya muddo lix bilood ah"
  • Muudey: "Baasaboorkii hore ayaa la adeegsan doonaa ilaa dhidiba loo taagayo dowlada Soomaaliya midaysa, taas oo xukunta dhammaan Soomaaliya."
Passport Somalia
Xog hayaha guud ee waaxda socdaalka DFKMG ah, Cabdullahi Gaafow Maxamud oo saxaafada tusayey Baasaboorka cusub oo ka kooban afar nooc

Midowga Maxkamdaha ayaa diidey in ay aqbalaan baasaboorka cusub ee ay DFKMG ku dhawaaqday. Baasaboorkan cusub (Sida aad warbixintiisa hoos ku arki doontid lagu soo bandhigay Nairobi) ayaa DFKMG sheegtay in aan loo macmali karin sida baasaboorkii hore ee Soomaaliya.

Somalia Passport
Baasaboorkii hore ee Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibada ee DFKMG, Ismaaciil Maxamuud Hurre "Buubaa" oo baasaboorka cusub ka hadlaya waxa uu sheegay in "ay (DFKMG) baasaboorkaas u sameeyeen iyagoo garwaaqsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin baasaboor electronic ah oo ay aqbalayaan beesha caalamku." Waxana uu intaas ku daray in "Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu sii jiri doono oo keliya muddo lix bilood ah". Buubaa waxa uu hadalka ku adkeeyey "baasaboorkaan lama macmali karo, waana muhiim ah in Soomaalida oo dhammi baasaboorkaas soo dalbadaan".

Arrintaas waxaa si degdeg ah uga jawaabeen Maxkamadaha Islaamiga ayagoo sheegay in aan baasaboorkaas laga aqbali doonin garoomada iyo marsooyinka ay xukuman maxkamaduhu.

C/Raxiim Cali Muudey, afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah, oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Baasaboorkan cusub waxa uu sii adkayn doonaa socdaalka, waxana uu sii kordhinayaa xiisadda iyo is-aaminaad la'aanta". Waxana uu intaas ku daray "Garoomadanada iyo marsooyinka kale ma aqbali doonaan".

Muudey oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri "Baasaboorkii hore ayaa la adeegsan doonaa ilaa dhidiba loo taagayo dowlada Soomaaliya midaysa, taas oo xukunta dhammaan Soomaaliya." Waxana uu hadalkiisa ku adkeeyey "Hal koox xaq uma leh in ay gaarto go'aankaan muhiimka ah".

Muudey waxa uu adduunka kale ugu baaqay in aysan aqbalin baasaboorkaas, waxana uu hadalkiisa ku xoojiyey in "Baasaboorkaas looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo geedi-socodka nabadda Soomaaliya." [Soo bandhigidii Baasaboorka cusub hoos ka akhri].

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623

DFKMG oo 4 Passport kusoo Bandhgitay Nairobi

Dowladda FMG ayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya gaar ahaana xarunta safaarada Somalia  ku soo bandhigtay 4 Passport oo Soomaali ah waxaana ka soo qayb galay munaasbadaasi masuuliyiin ka tirsan dawlada Somalia oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa), Raiisul  ku-xigeenka isla markaana ah wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka C/llaahi Sheekh Ismaaciil, sii haya safaarada somalia ee Nairobi Maxamed Cali America, xog hayaha guud ee waaxda socdaalka DFKMG ah Abdullahi Gafow Moxamud.

Waxaa ka soo qayb galay munaasabadaasi masuuliyiin ka tirsan beesh caalamka iyo waliba safaarada dawladaha caalamka ay ku lee yihiin dalka kenya gaar ahaana magaalada Nairobi iyadoo masuuliyiintii dawlada Somalia ay  ka codsadeen safiirada shirka ka soo qeybgalay in dalalkooda ay aqoonsadaan Passportkan  cusub oo ah nooca (Electronic Passport ah ), iyadoo la sheegay safaaradii ay dhamaan aqbaleen arintaaasi.

Xog hayaha guud ee waaxda socdaalka DFKMG ah Cabdullahi Gaafow Maxamud ayaa beesha caalamka waxaa oo ugu baaqay in dadka somaliyeed ay mudu 16 sano ah ay caalamka ka gonaayen oo aysan wax passport la qoonsn yahay aysan haysanin.

Waxaana uu sheegay halkaasina soo badhigay xog hayaha guud ee waaxda socdaalka DFKMG ah Cabdullahi Gafow Maxamud 4 passport oo kala ah sidaan

1)    Ordinary Passport
2)    Travel document
3)    Diplomatic passport
4)    Service Passport

Passportkaan cusub ayaa waxaa dhawan ansaxiyay baarlamaka Somalia ee magaalada Baydhabo oo iminka sida KMG ah ugu sii shaqeeyo, waxaana uu Cabdullahi Gaafow Maxamud sheegay in ay filayaan in ay gabi ahaanba dalka somalia ay gaarto baasaboorkaas cusub. (Sida kor ku xusana Maxkamaduhu ay ka hor yimaadeen Baasaboorkaas]

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Nairobi Kenya 
botaan1@hotmail.com


Dood cilmiyeed hal maalin ah oo ay ka qeyb galeen 40 xubnood oo ka  kala socday  qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtey xarunta Resource Center ee inxa KM5 ee magaalada Muqdisho 

40kan xubnood oo ka qeyb qaatay dooddan halka maalin ah ayaa waxa ay ka kala socdeen qaar ka mid ah gobollada iyo degmooyinka sida Sh/dhexe, Sh/hoose, Bay & Gobolka Banaadir, waxaana dooddan soo qabanqaabiyay xarunta Midnimada iyo xalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Gobolka Menisota ee dalka Mareykanka.  

Xaruntan oo ay madax ka yihiin dadka loo yaqaano jaaliyadda (Diaspora) ee Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa qeybteeda Muqdisho oo uu madax ka yahay C/qaadir Max'ed Cabdulle oo ah madaxa barnaamijyada qeybta Soomaaliya ayaa waxaa looga dooday qodobo ay ka mid ahaayeen Xalinta khilaafaadka ka jira dalka somaliya iyo sida nabada loo dhalin karo , iyo sida ay lagama maarmaan ay u tahay in dhalinyarada somaliyeed ugu istaagi lahaayeen ka shaqaynta iyo meel uga soo wada jeedsiga khilaafaadka 16ka sanno uu ku jiray dalka Soomaaliya.  

Furitaanka doodaas ayaa waxaa ka hadlay  Madaxa barnaamijyada qeybta Soomaaliya C/qaadir Max'ed Cabdulle oo sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan xallinta khilaafaadka hareeyay dalka Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in looga yool gaaro, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday sida looga shaqeyn karo nabadda oo laf dhabar u ah horumarka dal kasta.  

Dooddan intii ay socotay ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay halkaasi isku weydaarsadeen su'aalooyin ku wajahnaa qaabka iyo hannaanka loo mari karo waddada nabadda, kuwaasoo su'aalo dhowr ah oo ay is weydiiyeen gabagabadii isku waafaqay in nabaddu ay tahay shey lagama maarmaan ah loona baahan yahay in qof kasta hadduu joogo gudaha iyo hadduu joogo dibaddaba uu u istaago nabadda.

   

Dooddan oo socotay muddo hal maalin ah ayaa waxaa gabagabadii ka hadlay oo soo gabagabeeyay masuuliyiinta ay ka mid ahaayeen xoghayaha Guud ee dhaqaaqa Bulshada Rayidka ahna madaxa Hay'adda tubta Nabadda C/laahi Max'ed Shirwac iyo guddoomiyaha Hay'adda INXA C/naasir Max'ed Yuusuf iyo Prof. Sheekh Cumar  Eenow, waxayna ka hadleen xaaladda haatan dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay iyo sida loogu baahan yahay in dadka ku dhaqan dibadda iyo kuwa ku nool gudahaba ay ugu soo jeesan lahaayeen inay garab istaagaan xallinta khilaafaadka iyo ka hortagga waxyaabaha dhalin kara khilaafaadka.  

Xarunta Midnimada iyo xalka Soomaaliya oo ay ku bahoobeen dadka Daisporada ah ee ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Mennisota ayaa ah dooddii ugu horreysay oo masuuliyiin ka tirsan xaruntaasi ay ku qabtaan magaalada Muqdisho, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in dadka Soomaaliyeed lagu baraarujiyo inay u dhaqaaqaan dhinaca nabadda ugana hortagaan wixii khilaaf dhalin kara.  

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623


Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood

Qormadii: c/qaadir gaabuush

Waxaa lagaga dhawaaqay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool Maamul beeleed sida la sheegay ku salaysan shareecada islaamka , Maamulkaas oo ay samaysteen beel ka mid ah beel waynta beelaha Dhulbahante ............



Beesha Bah-ararsame oo ka mid ah beelaha dhulbahante ayaa shalay (Nov 8) kaga dhawaaqday magaalada laascaanood maamul islaami ah maamulkaas oo ay sheegeen inuu diinta islaamka ku dhaqi doono qofka kasta oo beesha ka mid ah ..

Maamul beeleedkan islaamiga ah ayaa dhisidiisu ka danbaysay sida ku cad qoraalka gudiga maamul usamaynta beeshaasi , shirwaynihii ay beelaha dhulbahante ku yeesheen 20 bishii juun 2006 Hotel Xamdi ee magaalada Laascanaood , shirkaas oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan cuqaasha ; Isimada beelaha dhulbahante , sidoo kale waxaa isna xafladii xidhitaanka shirwaynahaas beelaha dhulbahante ee qaadashada ku dhaqan ka shareecada islaamka goob joog ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka puntland xassan daahir Afqudhac .

Maamul beeleedkan islaamiga ayaa ilaa hada la shaacin siyaasad ahaan cida uu taageero siyaasadaha kala duwan ee ka jira Somalia , waloow uu sheegay Chief Caaqil C/kariin Axmed saleebaan oo shirgudoominayey Madashii lagaga dhawaaqay maamulkan , in uusan ka baxsanayn maamulkoodu dowlad goboleedka puntland ..



Maamul beeleedka Islaamiga ah ee beeshan ayaa dhaqan gali doona Sida uu xaqiijiyey Prof: C/salaan tungun , 1 /January/2007, sidoo kale waxaa uu Prof; noo xaqiijiyey in la diyaariyey Miisaaniyadii sandka soo socda lagu howl gali lahaa ..

Tan iyo markii koonfurta Somalia ay ka dilaaceen maxaakiimta shareecada islaamka ee Somalia waxaa ka jiray guud ahaan dalka Somalia dhaqdhaqaaqyo badan oo ay somalidu ku doonayso in la isku xukumo xukunka shareecada islaamiga ah , iyo in talada wadanka ay la wareegaan wadaada somalidu , taas oo ay ka biyo diideen Maamulada puntland ,, Somaliland iyo waliba Dowlada federaalka ee Somalia ..

C/qaadir Gaabuush, Laascaanod Somalia



Yusri Fooda: Soomaaliya Waan Tagi Doonaa

      Wariyaha caanka ah ee soosaara barnaamijka Sir Culus(سرى للغايه) ee laga daawado Telefishinka Al jazeera Yusri Fooda ayaa xalay ku marti qaaday magaalada Dimishaq tiro Wariyayaal ah kulankan oo aan ka qayb galay  ayaa waxaa igu  weliyay wariyaha soomaaliyeed  Asad Cadaani Ibraahim  Yusri waxaa lagu  waydiiyay su'aalo ku aadan tajribadiisii  dhanka warbaahinta gaar ahaan sida uu ku helo xaqiiqooyinka xasaasiga ah kuwaas oo ay warfidiyeenka qaar ku tilmameen in aysan gaari karin laamaha sirdoonka caalamka kuwa ugu taagta roon

       Imaatinka Fooda ee magaalada Dimishaq ayay dadka daawada barnaamij yadiisa  filayeen in laga mamnuucay waddanka Syria ka gadaal markii uu kal hore  ka gud bay xadka Syria  si sharci darro ah isagoo u socda waddanka Ciraaq  si uu u diraariyo barnaamijkii laga daawaday bishii 9aad ee sanadkan TV ga Al Jazeera ,barnaamijaas  waxa u uga waramay sida ay u dagaalamayaan mujaahidiinta Ciraaq  isalamakaana ay uga gudbaan xuduudaha wadamada dariska la ah Ciraaq  iyadoo aanan  marin laamaha socdaalka ee wadamasaas  taasoo  lo yaqaan  (Tahriib)

         Kulankan oo socday 6dii maqribnimo ilaa 9:30 fiidnimo  ayuu kaga  sheekeeyay halista diyaarinta barnaamijka ka soo wajahda iyo khataraha soo  food saara mar walaba o uu xaqiiqo goobayo( waxaan sugayay 45 maal mood si aan ula kulmo Ramzi Bin Shaybah  isku duba ridihii qaraxyadii 11 sep  lagu weeraray Maraykanka mudadaas  ma aanan ogayn halkan aan ku suganahay  hasa ahataee waaan hubay in aan joogo Pakistan iyo Afgahanistan midokood waxaan ku baraarugayn  aniga oo hor fadhiya Ramzi iyo Khalid kuwaasoo ii sheegay in aan  la joogi doono 48 saacadood )  Yusri waxa uu sheegay in Ramzi uga sheekeeyay qaabkii loo diyaariyay weerarka iyo cin waanada dadbadan oo ay asxaab ahaayeen  dhalinyaadii  weerarka qaadday si aan macluumaad badan  uga raad sado

      Mar uu ka hadlayay  shabakadda al Jazeera ayuu yiri: waxaan ku haystaa xoriyad aan kaga siidaayo barnaamijkayga iaydoo aanay cidina faafreeb ku samayn  waxaana uusii raaciyay waxaan  ka soo shaqeeyay British Broadcasting Corporation, The Gardiun  iyo sharikaad badan oo war baahineed hasa ahaatee  xoriyadda aan ku haysto Al jazeera kuma aanan  helin dhamaan meelahaas aan  ka shaqeeyay

      Wariye Yusri waxa uu ii sheegay in amuuraha dahsoon ee Geeska Afrika uu ka samayn doono banaamij isla markaana  uu hayo waraaqo ay madaxda  kooxaha dagaalka Soomaaliya ay  u direen  wakaalado sirdoon kuwaas oo lagu curyaamiyay qayba badan oo ka mid ah shacabka  Soomaaliya waxaana uu intaa  ku daray in uu wali wado raadin waxyaaba badan oo dahsoon    

        Yusri fooda  soosaaraha barnaamijka sir culus oo u dhashay waddanka Masar  waxa uu noqday wariyaha ugu caansan  Dhulka  Carabta dhanka xaqiiqa raadinta kaas oo ay shabakadda Aljazeeran ee fadhigeedu yahay magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku heshay sumcad  wanaagsan  iyadoo xiliga uu soogalayo barnaamijka Sir Culus ay inta badan Dadka af carabiga ku hadla ay horfadhiyaan Telefishinka  si ay u daawadaan xogta  cusub ee uu keenay Yusri Fooda. 

Ururka Suxufiyiinta Carabta Oo Shir UGa Furmay Qaahira. 

Ururka Saxafiyiinta Carabta ayaa shir uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar maalinimadii shalay iyadoo  uushir guddoominayo Mudane Dr Ibraahiim Naafic guddoomiyaha Ururka,

    Waxaa halkaas  yimid  xoghayayaasha 19 Urur  ooka dhisan waddanka Carabta  shirkan ayaa lagu eegayaa  tan iyo maalinta bari ah amuuraha ka taagan  dhulka Carabta  iyo dhibaatooyinka lagu hayo war fidiyeenka Carabta iyadoo si gaar ah loo eegayo dhibaatoyinka soogaara wariyayaasha  ka hawl gala Ciraaq, Soomaaliya, Suudaan Falastiin Iyo lubnaan   sidookale waxa uu maktabku ka hadlidoonaa diyaarinta kibaas sanadeedka hanaanka saxaafadda Carbeed sidookale sidii  loo  hor marin lahaa xariirada caalamiga ah ee uu Ururku la leeyahay  Ururka Caalamiga ah ee warfidiyeenka Adduunka iyo mac'hadka caalamiga ah ee  nabad galyada saxafiyiinta
 
Aadan sh xassan
 Damascus Syria

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2006


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Dekedda  Muqdisho oo ay ka Bilaameen Dhoofinta Xoolaha
»Uganda oo laga dalbaday in aysan ciidamo u dirin soomaaliya
»Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah & kuwa Itoobiya oo si..
»Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo Gacanta ku soo..
»Iska hor imaad dhex maray Maxaakiimta iyo kuwa Qaybdiid..
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saxiixay heshiisyo la xiriira..
»Maxaakiimta Islaamiga ah oo laga dalabaday inay il gaar ah
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 9

»Jaraa’idka Belgium oo si adag u dhaleeceeyey xukunka dilka ee lagu riday Hoggaamiyihii hore ee Ciraaq

»USA: Donald Rumsfeld oo is casilay...

Keith Ellison oo Noqday Muslimikii ugu horeeyey oo ku Biiray Aqalka Congress-ka USA
.Kulankii Jaaliyadda Suuriya & Xubnaha Baarlamaanka
.Warar ku saabsan Shirkadda Al-Barakaat..

.Dalxa: Lama In-kiri Karo Wax qabadka Maxkamadaha
.Dad ka soo barakacay Deegaano ka tirsan Jalalaqsi oo ..
.Shariif Xasan “Waxaan ka codsanayaa Maxaakiimta in..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 8

Duqa Caasumada Puntland Ee Garowe oo Suuq Cusub Xariga ka jaray.
iyo Xero Lagu Bacrimin doono Digaaga oo la Dhagax Dhigay iyo qoraal uu soo saaray.... Guji..



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD