Jaraa’idka
Belgium oo si adag u dhaleeceeyey xukunka dilka ee lagu riday
Hoggaamiyihii hore ee Ciraaq
Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Ingiriis@yahoo.com
Maalmo
kaddib markii maxkamad ku taalla Baqdaad ay xukun dil ah ku riday
Hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saddaan Xuseem ayaa wargeysyada ka soo
baxa dalka Belgium waxay qaybta faallada tifatirka ku naqdinayaan
xukunkaas muranka badan dhaliyey. Wargeysyada waaweyn, sida La
Liberation iyo La Libre Belgique ayaa arrintaas ku soo qoray bogaggooda
hore, waxayna canaanteen qaabka xukunku u dhacay iyagoo shaki geliyey
sharciyadda maxkamadda dacwadda qaaday.
“Saddaam
Xuseen waa lagu xukumi karaa xukun dil ah, laakiin xukunkiisu uma
sameynayo wax fiican dalka Ciraaq,” waxaa sidaas qoray tifatire Roger
Huisman ee wargeyska Het Belang van Limburg.
Halkii
ay wanaag ka soo kordhin lahayd, Tifatiruhu wuxuu muujiyey inuu cabsi ka
qabo in xukunku baasiin ku sii shubo xiisadaha ka aloosan Ciraaq iyo
gobolka Bariga Dhexe.
Sidoo
kale ayuu yiri Tifatiruhu, maxkamadda xukunkan riday weligeed ma aysan
isku dayin inay hagaajiso muuqaalkeeda dhex-dhexaadnimo. Isagoo soo
xiganaya Maxkamadihii dacwooyinka dagaalka ee Rwanda iyo Jamhuuriyaddii
hore ee Yugoslavia, Huisman wuxuu aaminsan yahay inay macquul tahay in
xukunnada dadka ku caan baxay dilka inay soo ifbixinayso caqabado isir,
kuwo siyaasadeed iyo kuwo diineed.
Sida uu
isna daabacay wargeyska maalinlaha ah ee De Standaard, ereyga
maxkamadeynta ama ‘trial’ ayaa ah mid ay adag tahay in la siiyo
maxkamadda qaaday dacwadda Saddaam Xuseen.
Tifatiraha wargeyskaas, Bart Sturtewagen ayaa tilmaamay in waxa dhacay
ay ahayd caddaaladdii kuwa qabsaday Ciraaq oo u isticmaalay si aan waxba
ku qasnayn. Wuxuu ku dooday in xukunku uusan wax sumcad ah lahayn, uuna
shaki la’aan caawinaynin nabad iyo xasilooni ku soo noqota Ciraaq.
Wargeyska kale ee De
Gazet van Antwerpen ayaa isagu ka mowqif duwan wargeysyadaas. Tifatire
Paul de Bruyn ayaa ku murmay in calwasaadkii uu kama dambaytii
dhammaaday, wuxuuna ku tilmaamay xukunka dilka ee Saddaam lagu riday
inuu u yahay maalin xusuus ah reer Ciraaq.
Inkastoo
Saddaam Xuseen ay ahayd in mar hore xukun lagu rido, haddana Tifatiruhu
wuxuu rajeeyey in ciqaabta dilka ah ay ka habboonaan lahayd xabsi
daa’in. Wuxuu Tifatiruhu dareensan yahay in xukunka dilka ah uusan waxba
xalinaynin. Si taas ka soo horjeeda, Saddaam oo mayd ah waxaa loo arki
karaa mujaahid ama calaamad la siyaarto, “calaamadaha la siyaartana way
adag tahay in loola diriro sida cadow run ah” ayuu qoray.
“Madaxda
America, Faransiiska, Britain, Sacuudiga iyo Ruushka waa inay ku
qajilaan naftooda,” sidaas waxaa qoray wargeyska weyn ee Het Volk.
Tifatiraha wargeyskaas, Joost Loncin ayaa filaya in madaxda adduunku ay
ka yaxyaxi doonaan xukunkan dhacay.
“Waxay abuureen Jinni, waxayna ku quudiyeen hub, waxayna la daba joogeen
ammaan sanadihii uu sameynayey dambiyada hadda maxkamadda loo soo
taagay” ayuu yiri. Loncin waxay la tahay in
waxa dhacay ay murugo tahay in ereyo lagu soo koobo.
Ra’iisal Wasaaraha
xukuumadda Ciraaq, Nuuri al-Maaliki ayaa isagu ku dhawaaqay in natiijada
go’aanka Maxkamadda ee ah in la daldalo Saddaam Xuseen la fulin doono
sannadkan intuusan dhammaan. Qareenka Saddaam Xuseen ayaa soo weriyey in
macmiilkiisu jeclaan lahaa inaan la daldalin ee xabbad lagu dilo.
Qore: Maxamed Xaaji
(Ingiriis)
Ingiriis@yahoo.com