SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 9, 2006
  • Dowladda Uganda oo laga dalbaday in aysan ciidamo u dirin soomaaliya..
  • Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya oo si aad ah isugu..
  • Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo Gacanta ku soo dhigay...
  • Iska hor imaad dhex maray Maxaakiimta iyo kuwa Cabdi Qaybdiid..
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saxiixay heshiisyo la xiriira..
  • Maxaakiimta Islaamiga ah oo laga dalabaday inay il gaar ah ku eegaan boobka lagu hayo..
  • Dekeda weyn ee magalada Muqdisho oo ay ka Bilaameen Dhoofinta Xoolaha .

Dowladda Uganda oo laga dalbaday in aysan Ciidamo u dirin soomaaliya..

Dowladda Uganda oo mudooyinkaanba si aad ah ugu ololeyneysay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya ayaa haatan, waxaad moodaa inay arrintaasi ka gaabineyso kaddib markii lagula taliyey in aysan ciidamo u dirin Soomaaliya, waxayna la talintaani ka timid siyaasiyiin waaweyn iyo walba dadka Soomaaliyed ee ku dhaqan wadankaasi, iyagoo sheegay in haddii ciidamo loo diro Soomaaliya ay ciidamadaasi nafsaddooda halis geli karto, waxaana loo soo jeediyey Dowladda Uganda in inta ay xaaladdu iska bedeleyso aan Soomaaliya loo dirini ciidamo Nabad ilaalin ah, Dowladda Uganda inkastoo aysan ka jawaabin soo jeedintaas, haddana warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadii ay Dowladda Uganda ugu talagashay inay soomaaliya u soo dirto kuna jiray xeryooyin gaar ahaa dib loogu celiyay shaqooyinkii hore, waxaana loo sheegay ciidamadaasi in marka loo baahdo dib loogu yeeri doono. Wadamada IGADA ayaa si weyn ugu kala qaybsan In Soomaaliya loo soo diro ciidamo Nabad ilaalin ah. Haddii wadanka Uganda uu aqbalo talo soo jeedintaasi waxaa isugu soo hara wadamada Kenya iyo Itoobiya, iyadoo Dowladda Kenya iyana uu ku socdo cadaadis xoogan oo la xiriira in aan Soomaaliya loo dirini wax ciidamo nabad ilaalin ah. Wadamada doonaya inay Soomaaliya u soo diraan Ciidano nabad ilaalin ah ayaysan weli soo gaarin wax dhaqaalo ah oo ay ka sogayeen wadamada Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika. Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in ciidamadii loo soo diri lahaa Soomaaliya haatan uu dib u dhac ku yimid, waxaana lagu waday in horaanta bishan in ciidamada ugu horeeya ay soo gaaraan wadanka Soomaaliya.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya oo si aad ah isugu..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buur-Hakaba waxay sheegayaan in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay si aad ah ugu dhawaanayaan kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan deegaanka Daynuunaay.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa bilaabay inay isku balaarinayaan agagaarka magaalada Baydhabo, sidoo kale Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa la sheegay inay doonayaan inay hareereeyaan Magaalada Baydhabo, waxaana haatan magaalada Baydhabo ka bilowday qaxii ugu balaarnaa iyagoo dadku u boqoolayaan Tuulooyinkaq ku dhow dhow halka kuwo kalana ay soo aadeen Magaalada Muqidisho.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa iyana bilaabay in ay sameeyaan dhaqdhaaqyadii ugu weynaa iyagoo isku qaybiyey dhowr qaybood, waxaana magaalada Baydhabo soo gaaray diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qoryaha, kuwaas oo la sheegay in ay gacan siin doonaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Baydhabo, waxaana magaalada Baydhabo haatan ka jirta cabsadii ugu balaarneyd oo soo wajahda Shacabka ku nool Maaaladaasi, oo iyagu haatan aad moodo inay isaga qaxayaan Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo Gacanta ku soo dhigay...

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga oo wata Doonyaha dheereeya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Kooxihii dhawaanta af duubtay Markii ka tegay Dekedda Macmalka ee Ceel Macaan kuna sii jeeday Dalka Imaaraadka Carabta.

Markabkan oo muddo todobaad ah baadi goob loogu jirey ayaa Af-hayeen u hadlay Maxaamiimta waxa uu sheegay inaysan wax kkasaare ah ka dhalan markii Markabkaasi gacanta lagu soo dhigayay, waxa kale oo uu sheegay Kooxda bur cadka ah oo wadatay laba doonyood iyo dhow qori ay haatan ku xiran yihiin Degmada Xarar dheere kuwaasoo tiradoodu ay gaarayso illaa 8 Bur cad ah kuwaasoo dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo soo taagi doono.

Markabkan oo siday shixnad dhuxul ah ayaa waxa soo qabashadiisii soo dhaweeyay ganacsatadii uu u rarnaa iyagoo sheegay in Maxaakiimtu ay qabteen howl aad u muhiim ah.

Waa markii ugu horreysey tan iyo intii Maxaakiimtu ay gacanta ku qabtaan Maamulka gobolada Koofurta Soomaaliya oo ay gacanta ku soo dhigaan Kooxaha Bur cad Badeedka caadeysatay Af-duubidda Maraakiibta, waxaana sidoo kale arrintan soo dhaweeyay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Iska hor imaad dhex maray Maxaakiimta iyo kuwa Cabdi Qaybdiid..

Dagaal aan sidaas u buurneyn ayaa shalay subax waxa uu ku dhex maray ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwo u daacad ah Cabdi Xasan Cawaale oo gacan ka helaya kuwa Punt Land.

Dagaalkaas ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Bandiiradleey iyo Gelin soor, Dagaalkaas oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud. Iyadoon la xaqiijinin khasaaraha uu dagaalkaasi geystay balse warar ayaa waxa ay sheegayaan in labo qof ay ku dhaawacantay dagaalkaasi.

Iska hor imaadkan ayaa ah kii labaad oo dhex mara muddo toddobaad gudihiisa ah Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo kuwa Cabdi Qaybdiid, waxaana isi soo taraya taageerada loo hayo Maxaakiimta Islaamiga ee Maamul goboleedka Punt-land, waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada Gaalkacyo lagu daadiyay Waraaqo lagu taageerayo Maxaakiimta Islaamiga.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saxiixay heshiisyo la xiriira..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Amxed oo ka qaybgalay shir-weynihii Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay dalka Shiinaha ayaa waxaa lagu waramay in Madaxweyne C./llaahi Yuusuf uu saxiixay heshiisyo fara badan oo la xiriira dhinaca Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Beeraha.

Heshiisyadan oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa in ay dhawaan Soomaaliya soo gaaraan ganacsato u dhalatay Shiinaha si ay ugu kuurgalaan xaaladda xoolaha, Kalluumeysiga iyo Beeraha.

Dowladda Shiinaha waxay weligeyd aad u daneyneysay sidii ay maalgashi ugu sameysan lahayd dalka Soomaaliya, sidoo kale, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Amxed waxa uu saxiixay heshiis dhinaca Isgaarsiinta iyo waliba dhinaca Warshadaha yar yar, waxaana dhawaan loo soo bandhigi doonaa ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Dalka Singabuur ayaa waxa uu kulamo la yeeshay madaxda wadankaasi oo ay isla soo qaadeen sidii dalka Singabuur uu gacan u siin lahaa Dowladda Federaalka.

Maxaakiimta Islaamiga ah oo laga dalabaday inay il gaar ah ku eegaan boobka lagu hayo..

Kulan ay yeesheen Odoyaasha Deegaanka Warshadda Baasta ayaa waxay uga hadleen boob ba'an oo ka socda Deegaanka Eeneeyo, Warshadda Baasta iyo warshadda Xoola Qalka oo ah dhul dan guud ah.

Odoyaashaan waxay ka cosanayaan Maxaakiimta Islaamiga ah inay si gaar ah u eegaan boobka lagu hayo hantidii Qaranka Soomaaliyeed wixii ka haray si danyarta meesha deganna loo barakicin.

Tan iyo markii ay maxaakiimtu qabsadeen inta badan Koonfurta dalka, waxaa bilowday boob dhinaca dhulka ah, ilaa iyo haatanna ma jiraan cid wax ka qabatay boobkaasi, iyadoo Maxaakiimtu sheegeen in dhawaan la sameeyay Maxkamad u gaar ah dhulalka guryaha.

Odoyaasha digniinta soo jeediyey waxay kala yihiin Maxamuud Axmed (Joos), Max'ed Jaamac (Jalwa), Macallin Yuusuf Cabdule Cilmi, Xaashi Warsame, Daahir Aadan Macallin, Jaamac Barre Geeddi, Max'ed Hirsi Xuseen, Xuseen Muuse Bootaan, Cabdi Bile Cismaan, iyo Max'ed Warsame Max'ed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Warbixin dheeraad ah: Maxkamadaha oo gacanta ku soo dhigay burcad badeedkii dhawaan afduubka u geystay markab laga ka diiwaangashnaa Dubia.

Golaha maxkamadaha islaamka ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen kooxdii burcad badeedka ee dhawaan afduubka u geysatay markaba u rarnaa gacansato soomaaliyeed oo marayay xeebta magaalada Muqdisho.

Markabkaan oo ka diiwaan gashay magaalada Dubia ee dalka U.A.E. ayaa badeecooyin kala kuwan keenay dekeda magaalada Muqdisho, isagoo kadibna dhuxul ka qaaday dekeda macmalka ah ee Ceel-macaan oo wali howlaheeda ay caadi u socdaan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxaakiimta soomaaliyeed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta garsoonka ee gobolka Banaadir ee degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay kooxihii afduubka u geystay markabkaasi ay donayeen inay fashiyaan guulihii ay golaha maxaakimta ka gaareen dhawaan dalka Somalia, isagoo Sheekhu sheegay in qabashada kooxdaasi ka hor ay rasaas isweydaarsadeen ciidamada golaha maxaakiimta soomaaliyeed ee ku raad joogay burcad badeedka iyo kooxdii afduubta sameysay, wuxuuna gudoomiyuhu cadeeyey in markaa kadib la soo qabtay kooxdaasi, isagoo balan qaaday inay sharciga hor keeni doono, wuxuuna Sheekh Shariif shirkiisa jara'id ku sheegay in kooxdaasi oo heysato markab laga soo qabtay xeebta Mareeg oo ku taalo gobolka Mudug.

Waa markii ugu horeysay ee ay golaha maxaakiimta soomaaliyeed gacanta ku dhigaan koox burcad badeed soomaaliyeed ah, kuwaasoo faraha kula jira fal dambyeed wax u dhimayo nabada iyo xasiloonida dadka soomaaliyeed dhawaan ka curatay, iyadoo talaabadaasi ay aad u soo dhaweeyeen ganacsatada iyo dadweynaha ku dhaqan magalada Mqudisho.

Muuse Maxamuud Jiisow
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623


Dekeda weyn ee magalada Muqdisho oo ay ka Bilaameen Dhoofinta Xoolaha .



Dadaalo ay u galeen ganacsato soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa waxay ku guulaysteen inay dhoofiyaan xoolaha dalka soomaaliya oo isugu jira geel,ari,iyo lo,sidoo kale markab laga leeyahay dalka boqortooyada sucudiga ayaa ku xidhan dekeda weyn ee magaalada muqdisho oo lagu magacaabo al-iimaan kaasoo qaaday xoolo dhan 25000 kun oo isugu jira dibiyo iyo orgiyo laga soo iibiyey koonfurta soomaaliya .



sidoo kale Markabkan oo ah mid aad weyn oo ka kooban 8dabaq ayaa waxaa dabaqayadaasi dhamantood lagu kala xeraynayey xoolaha ,taasoo ay weheliyaan xoolaha oo loogu xeraynayey dabaqyadooda cowaska iyo balka oo lagu soo daabulayey isla goobtaasi ,mar aan wax ka waydiiyey howl wadeenada ka shaqaynayey markabkaas mid kamida ayaan waxan waydiiyey xoolahan iyo inta ay ka kooban yihiin taasoo oo uu sheegay 7000 kun oo dibi ,18000 oo adhi ah ,sidoo kale waxuu howl wadeenkaasu ii sheegay inay ku talo jiraan inay dhowaan kadib markii uu soo laabto markabkasi oo ay doonayaan inay dhoofiyaan inkabadan xoolaha ay hada qaadeen islamarkana ay ku talo jiraan inay soo laabtaan 13cisho kadib insha allaah.

Xoolaha dalka soomaaliya oo dhoofintooda ay istaagtay mudo hore ayaa waxaa rajo gelinaya dhoofitaanka hada ka bilowday dekeda weyn ee magalada muqdisho ,isla markana u muuqda mid tartiib tartiib uga socon doona dalka soomaaliya .

Si kastaba ha ahatee Markabkan oo markiiba sida la ii sheegay qaadi kara inkabadan 50,000kun oo xoolo ah ayaa rajo fiican ka muujiyey inay kusoo laaban doonaan dhoofinta xoolaha dhowaan sida uu ii xaqiijiyey ganacsadaha markabkaasi u kiraysnaa islamarkana ay joogto ka dhiganayaan dhoofintan xoolaha oo ka koobnaan doonta geela ,ariga ,iyo lo,daba

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2006

Keith Ellison oo Noqday Muslimikii ugu horeeyey oo ku Biiray Aqalka Congress-ka USA
.Kulankii Jaaliyadda Suuriya & Xubnaha Baarlamaanka
.Warar ku saabsan Shirkadda Al-Barakaat..

.Dalxa: Lama In-kiri Karo Wax qabadka Maxkamadaha
.Dad ka soo barakacay Deegaano ka tirsan Jalalaqsi oo ..
.Shariif Xasan “Waxaan ka codsanayaa Maxaakiimta in..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 8

Duqa Caasumada Puntland Ee Garowe oo Suuq Cusub Xariga ka jaray.
iyo Xero Lagu Bacrimin doono Digaaga oo la Dhagax Dhigay iyo qoraal uu soo saaray.... Guji..



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD