ISU EKAANSHAHA KA DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO
AFGHAANISTAAN
abdulkariim H. salaad
abduulkaariim@hotmail.com
Waxaa dalka Afghaanistaan xilligii
sofiyeetka lala dagaallamayey ka jirey Ururo aad u fara badan kalana
duwan. Kuwaas oo Intii dagaalku socday lamoodayey duul wad dahshay oon
wax u dahsoonayn. Markiise laga saaray soofiyeetka dalka waxaa isla
markiiba soo if baxday in aanay ururadani lahayn ama wadaagin ahdaaf
midaysan iyo qorshe loo dajiye dagaalka dabadii sidii loo dalka ay
samata bixin lahaayeen. Mar haddii sidaasi jirto waxaan marna filan waa
noqonayan in masaalixda iyo ujeedooyinka kala duwani ay is hardiyayaan.
Markaasna haddii aan Ilaahay ur u bixin gacan ka hadl ay u tallaabi
doonto xaaladdu. Taasoo nasiib darro ay ku dambeysay xaaladdii Dalka
Afghaanistaan.
Waxaa soo maray bur-bur iyo barakac ka
lixaad weyn kii ay ciidamadii M.soofiyeeti u geysteen. Waxaa si looga
aaba yeelin loogu adeegsaday dadkii iyo daarihiiba madaafiic iyo
mortarro wixii la heli aray. Waxaa dhulkii badarka lagu aasi jirey si
dalag looga fisho ubucda loo dhigay miinooyin aan mid reebayn markaii ay
qarxaan.
Waxaa shacabkii ku habsadey
qowlaysatooyin aan hor iyo dabo midna lahayn iyo meel loo tix raaco.
Dilka, kufsiga, dhaca daroogada iyo moora duugga ayaa dhaqan ka noqotay
dhulkaas.
Waxaa wax sidaas lagu jiraba sannadkii
1992kii la isla gartay in dowlad loo dhan yahay ama (4.5)la dhiso. Waxaa
wax lagu qaybsaday nidaamka awoodda ninba markaa haystay.
Halkii cirka laga filayey ayaa
ceeryaamo ka timide, waxaa kaba sii daray amaan xumidii iyo
khal-khalkii.
Wax sidaa xaaladi ahaataba waxaa
arrinkii u adkaysan waayey rag dhallin yaro u badan oo markaa iyagu
culuunta sharciga (Islaamka) barashdiisa ku mashquulsanaa.
Waxaa la sheegaa in meel tuulo ah oo
dad aan badnayni degganaa burcad ay laba gabdhood ku afduubteen. Waxaa
qaylo dhaan la gaarsiiyey niman dhallin yaro ah oo sidaas aan tuulada
uga fogayn. Waxa ay qoryahoodii ka daba qaateen halkii bucaddu gabdhaha
la aadeen. Waxa ay Dagaal gaaban ka dib gaareen gabdhihii oo la kufsaday
midina markaas mayd tahay. Waxaa ay laga bilaabo markaas isku
dhaarsadeen in ay ugaarsadaan meel kasta oo loogu sheego burcaddaas.
Sidii waxaa ku soo biiray dhallinyaro
kale, halkaasna waxaa ku dhashay Ururka loo yaqaan Taalibaan ama
Aradayda. kaas oo dowlad ku sheeggii Kabul sannadkii 19996 ka eryay
dalka sidaasna ku soo celiyey karaamadii iyo haybaddii ammaankii iyo
kala dambayntii dalka iyo dadkii reer Afghaanistaan (marka laga reebo
daacayadihii reer galbeedka ee aan runta xiriirka la lahayn . Taasoo dad
fara badan oo maan gaab ahi rumaysteen).
Lix sannadood oo barwaaqo iyo horumar
nacab mooyee gacal ku diirsaday kadib ayaa waxaa huwan ka badan soddon
dal oo uu hor ka cayo shaydaanul akbar USA ay xoog uga tureen xukunkii
dowladdii sharciga ahayd, Waxaana uu halkaasi ka samaystay dowlad ku
sheeg daba dhilif u ah oo uu dhoo-dhoobay.
Waxaa dalkii iyo dadkii reer
Afghaanistaan ay dib mar labaad ugu noqdeen xaaladdii ay Lix sano ka
bogsoodeen. Maanta waxa ay Ilaahay weydiisanyaan in mar labaad Taalibaan
uu u soo celiyo. Baryo kaliyana kama ahee way ku dadaalayaan sidii ay
dib ugu soo noqon lahayd. Ifa faalo wan-wanaagsanna waa muuqdaan.
Soomaaliya: Kadib markii ay dhaceen
dagaalladii sokeeye ee laga dhaxlay nidaamkii shiyuuciga ahaa ee 21-kii
Oktoobar, ayaa waxaa soo baxay qowlaysato magacyo qabiil wada huwan oo
xaalkoodu yahay Qowda maqashii waxna ha u qaban. Waxaa durba baahay:
Fawdo iyo kala dambayn la’aan. Dil, kufsi, dhac daroogo iyo moora duug
dhaqan ka noqotay degmadii Soomaaliyeed.
Waxaa lagu tar-tamay noocyo yaab leh oo
bani aadamka iyo muwaadinka Soomaaliyeedba lagu arga gixiyo. Waxaa ka
bilaabatay afarta koone ee Soomaaliya in dad Muslim ah nolol iyo geeriba
loo iib geeyo sayladaha CIAda iyo Ihaadhigta Waxaa soo baxay kooxo
qowlaysato caalami ah oo loogu magac daray Asha-haado la dirir.
Kooxahan ayaa isugu jira kuwo sheegta
in ay maamullo matalaan Sida: DFKda, Puntland iyo Somaliland. Iyo
shaqsiyaadba.
Waxaa laba sano ka hor (2004) dalka
keenya lagu soo dhisay “dowlad” ay xubno ka yihiin una badan yihiin
kooxahaas aynu kor ku soo sheegnay.
Waxaad baratay waa baaskaaye,dowladdii
noocaas ahayd waxaa ay noqotay mid iyadu isu Qafaalan/af duuban.
Bartamihii sannadkan aynu ku jirno ayaa
11(kow iyo toban) kooxood oo asha-haadu la dirir ah oo hore uga qayb
qaatay afduubka iyo dilka wax garad fara badan oo Soomaali iyo isugu
jira dad Muslimiin kale ah ay kaga dhawaaqay magaalda Muqdisho
Isbahaysi.ay sheegeen in uu la dagaallamayo kuwo doonayo in ay sidii
Taalibaan ito Iran shareeco nagu xukumaan. Waa sida ay hadalka u
dhigeene.
. Sidaasna waxaa ifka ku yimid Midowga
Maxaakimta Islaamka Ee Soomaaliyeed. Waxaa mahadi haka gaadho’e shacabka
magaalada muqdisho ay Ciddiyaha ula tageen Cutubyadii asha-haado la
dirirka. Halkaasna Ilaahay guushii ayuu kaga siiyey illayn: Mintid fara
yar mirihii bataa kama macaashaane.
Kacdoonkii sidaas ku bilowday hadda
waxaa uu wada saameeyey Dalkii Soomaaliya intiisa badan.
Firxadkii asha-haado la dirirka , DFKda
kumannaan Tigree ah ayaa xilligan waxaa ay ku sugan yihiin magaalada
Baydhabo Waxaana ay talo la dhaafi weday sidii loo fashilin lahaa
kacdoonka shacabka Soomaaliyeed oo ay hor kacayaaan Midowga Maxaakimta
Islaamiga ah Ee Soomaaliyeed.
Xaaladda dalka Soomaaliya maanta waxa
ay aad ugu egtahay halkii ay sanadihii sagaashanaadkii maraysay xalaadda
dalka Afghaanistaan oo ay intiisa badan ka talinayeen Ururkii
Taalibaa.
Farqiguse waxaa weeye maanta waa
Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa uu duruus iyo khibradba ka
qaatay waxa haysta shacabka walaalahood ah ee reer Afgh. Sidaa awgeed
marna saamixi maayaan in khayrka iyo wanaagga ay muddada kooban ku
hanteen uu farahooda ka baxo oo ay mar kale gacanta u galaan Cutubyadii
arga-gaxa iyo daroogada iyo Itoobiya oo daba joogta. Sidoo kalena
shacabka Soomaaliyeed waxaa uu kala bartay cadowga iyo xabiibka waana
tii uu . Nabigeennu SCW inoo sheegay Mu’minka god laba goor lagama wada
qaniino.
Oo macnaheedu yahay mar I dage Allaha
dago laba goor I dagase anaa is dagay.
Tawfiiqda Allaha ina waafajiyo.
Waxaa qoray” AbuGaala-eri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan