SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 7, 2006
  • C/llaahi Yuusuf oo maanta ku soo wajahan..
  • Cali Max’ed Geeddi oo Baydhabo kulan ku la yeeshey Saraakiil…
  • Mas’uuliyiinta Maxaakiimta ee gobalada Jubooyinka oo soo gaarey.
  • Shariif Xasan oo kulan gaar ah la yeeshay...
  • Dagaal dhex maray ciidamo ka socday Maxaakiimta iyo...
  • Barre Hiiraale oo soo gaaray Baydhabo kaddib..
  • Banaanbax looga soo horjeedo tagistii..
  • Qaylo-dhaantii ugu xooganeyd oo ka timid Dadkii deganaa tuulooyinkii ..
  • Magaalada Baydhabo oo lagu wado inuu ka dhaco kulan..
  • Maamulka dowlad goboleedka Puntland ayaa gaashaanka ku dhuftay

Magaalada Baydhabo oo lagu wado inuu ka dhaco kulan..

Warar aanu ka helnay dhinaca Madaxtoonyada Dowladda Federaalka ee Baydhabo waxay sheegayaan in maalmaha soo socda Magaalada Baydhabo ay kulan isugu imaan doonaan xubnihii ka haray isbahaysigii burburay ee la dagaalanka Argagixisada iyo Dowladda Federaalka. Xubnaha ugu muhiimsan ee ka soo qaybgalaya kulankaasi ayaa la sheegay inay yihiin Max’ed Dheere, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), C/qaadir Beebe oo dhamaantood ku sugan deegaano ka tirsan Dalka Itoobiya iyo xubno kale oo iyana la filayo inay soo gaaraan. Kulankaan ayaa waxaa qaban-qaabinaya Dowladda Itoobiya, ujeedada ugu weyna waxay tahay sidii ay u uruurin lahayd maleeshiyadii Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada si mar kale loogu wajaho Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu maalin maalinta ka dambeysa awoodooda sii balaaraneyso. Kulankaan ayaa waxaa Dowladda uga qaybgali doona saraakiil ka tirsan Dowladda oo uu ku jiro wasiirka Gaashaandhiga Barre Hiiraale oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo, isagoo ku soo guuldareystay dagaalkii ka dhacay gobalada Jubbooyinka. Sidoo kale ujeedada ay Dowladda Itoobiya ka leedahay kulankaan ayaa lagu sheegay sidii dhowr aag loogu furi lahaa Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana la sheegay in la qorsheynayo in Maxaakiimta laga weeraro shan aag oo kala ah Gobalada Dhexe gaar ahaan dhinaca Deegaanka Bandiiradley, Gobalka Hiiraan, Aagga Kalabeyrka, Buur-Hakaba, Bu’aale iyo deegaano ka tirsan Gobalka Sh/hoose, waxaana ciidamadan taakuleyn doona ciidamo kale oo ka socda Dowladda Itoobiya oo waayadaanba ku soo qulqulayey dalka Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf oo maanta ku soo wajahan..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ka qaybgalaya kulan-madaxeedka Wadamada Afrika iyo Shiinaha ayaa maanta lagu wadaa in uu soo gaaro magaalada Nayroobi, halkaas oo kulamo deg deg ah kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tisan Dowladda Kenya oo ay isla soo qaadi doonaan sidii uu mar kale iskaashi u dhex mari lahaa Dowladda Federaalka iyo Dowladda Kenya.

C/llaahi Yuusuf oo Magaalada Bakiin ee dalka Shiinaha kulamo kula yeeshay madax ka tirsan Wadamada Afrika oo uu ka mid ahaa Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Miles Zenawi, madaxweynaha Dalka Yugaandha, gabadha madaxda u ah wadanka Laybeeriya iyo madax kale, waxaana la sheegay inay isla soo qaadeen sidii wadamada Afrika ay dadaal ugu gali lahaayeen sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf ayaa la filayaa in berito uu soo gaaro Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in uu u hawlgali doono sidii xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Baarla-maanka oo isagu haatan wada hadal u jooga Muqdisho taas oo ay si weyn uga caroodeen Maxaakiimta Islaamiga ah

Cali Max’ed Geeddi oo Baydhabo kulan ku la yeeshey Saraakiil…

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu kulan albaabada u xirnaa kula yeeshay saraakiil ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Itoobiya, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ay gacan buuxda u siin lahaayeen Dowladda Federaalka, isla markaan laga wada shaqeeyo sidii uu iskaashi u dhex mari lahaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda.

Saraakiishaan ayaa waxay shalay booqdeen goobaha ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo, sidoo kale waxay booqdeen xarumaha ciidamada Dowladda Federaalka, waxay sidoo kale soo eegeen safka hore ee dagaalka ee Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin, iyagoo ku guubaabiyey sidii ay u difaaci lahaayeen Dowladda Federaalka haddii ay weeraro kaga yimaadaan Maxaakiimta Islaamiga ah. Ilaa iyo 8-kun oo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in ay hiil iyo hooba siiyaan dowladda Taagta daran ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiinta Maxaakiimta ee gobalada Jubooyinka oo soo gaarey.

Waxaa shalay galabnimadii Magaalada Kismaayo soo gaaray wafdigii Maxaakiimta ee gobalada Jubbooyinka oo dhawaan diyaarad siday ay ka dejisay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya, Diyaaraddaas oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan oo labo maalmood ku sugnaa garoonka Diyaarada ee Wilson Airport ayaa waxaa raaligelin ka bixiyey Mas’uuliyiinta Kenya, hase yeeshee Faarax Macalin oo ah siyaasi ka soo jeeda Gobalada W/Bari Kenya ayaa ku tilmaamay keenistii mas’uuliyiinta Maxaakiimta ee Nayroobi shirqool ay ka shaqeeyeen Dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Itoobiya.

Mas’uuliyiinta oo ka koobnaa afar ruux ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Kismaayo si weyn ugu soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo iyagu markii ka careysnaa shirqoolka loo dhigay mas’uuliyiintaasi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay wada hadal ula yeeshaan Mas’uuliyiinta Maxaakiimta ee iyana ku sugan Muqdisho.

Shariif Xasan oo kulan gaar ah la yeeshay...

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho shalay kulan gaar ah kula yeeshay Xildhibanaada Baarlamaanka ee ku sugan Muqdisho kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso Afartameeyo.

Shariif Xasan ayaa waxa uu ka warbixiyey sababaha uu u yimdi Muqdisho, isagoo sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii uu badbaadin lahaa wada hadladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta oo dhawaan ku fashilmay Magaalada Khartuum.

Shariif Xasan waxa uu kula dardaarmay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay kala qayb-qaataan sidii loo baajin lahaa dagaal dhex mara Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka.

Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu kulan waji ka waji ah uu la yeesho xubnaha ugu sareeya ee Golaha Maxaakiimta kaas oo uu kala hadli doono sidii uu isu soo dhawaan u dhex mari lahayd Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, Shariif Xasan waxa kale oo uu sheegay in dhinaca kale oo uu ka rajeynayo in ay ka aqbalaan hawlaha dib u heshiisiinta ah ee uu ka dhex wado golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, si dalka oo dhan loogu soo dabaalo nabad, dadka Soomaaliyeedna u noqdaan dad wax ka qabsan kara oo aan u baahneyn gacan shisheeye.

Imaanshaha Shariif Xasan waxaa ka hor yimid Xubnaha Dowladda ugu sareeya oo ku tilmaamay mid shaqsiyadeed.

Dagaal dhex maray ciidamo ka socday Maxaakiimta iyo...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobalka Galguduud waxay sheegayaan in maalinti shalay ahayd halka lagu magacaabo Faraxaani oo u dhexeysay Bandiiradley iyo Gelinsoor uu dagaal ka dhacay, waxaana uu dagaalkaasi u dhexeeyay midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo ciidamo daacad u ah Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo taageero ka helyay kuwo ka socday Puntland.

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen saddex qof oo labada dhinac ahaa, waxaana la sheegay in ciidamadii ka socday Cabdi Qaybdiid ay dib u gurteen.

Madaxa Amniga ee Golaha Maxaakiimta Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) oo xaqijiyey in dagaalkaasi uu ka dhacay Farxaano isagoo sheegay in dagaalkaasi ay soo qaadeen ciidamo ka socday maamul Gobaleedka Puntland, waxa uuna sheegay in dib loo celiyey, hase yeeshee wararka ka imaanaya gobaladaasi waxay sheegayaan in ay jirto cabsi aad u weyn oo laga cabsi qabo in uu dagaal aad u xoogan dhex maro labada dhinac.

Barre Hiiraale oo soo gaaray Baydhabo kaddib..

Barre Aadan Shire (Barrre Hiiraale) oo ah wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka oo ay dharbaaxo ka soo gaartay dagaalkii Jubbooyinka ayaa shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda Federaalka.

Barre ayaa la filayaa in uu maanta kulamo la yeesho Xubanaha Dowladda ee halkaasi ku sugan, gaar ahaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waxaana la sheegay inay la socdaan saddex gaari oo Tikniko ah, iyadoo uu Baydhabo u yimid sidii uu mar kale taageero ugu heli lahaa in uu dib ugu laabto Magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa waxaa la sheegay in uu taageero ka waayey beeshiisa, isla markaana waxaa dhawaan isku dhac uu dhex maray maleeshiyo isaga daacad u ah iyo kuwo iyana ka socday deegaanka, dagaalkaas oo ay ku dhaawacmeen saddex ruux, ayaa waxa uu ka dambeeyay markii dadweynaha deegaanka ay doorteen in ay soo dhaweeyaan Maxaakiimta Islaamiga ah. Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Barre Hiiraale taageero ma ka heli doonaa Dowladda Federaalka, mar haddii inta badan Tiknikadiisii ay la wareegeen Maxaakiimta Islaamiga ah.

Banaanbax looga soo horjeedo tagistii..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo ka dhacay banaanbax ay soo qaban-qaabiyeen Dowladda Federaalka iyo ururada Bulshada ee ku nool Magaalada Baydhabo, waxaana looga soo horjeeday tagistii uu Guddoomiye Shariif Xasan soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna dadkaasi siteen boorar ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Shariif wakiil kama ahan Dowladda Federaalka, ee waa nin shaqsiyaddii u tagay Magaalada Muqdisho”, waxaa kaloo ka mid ahaa “Dowladda Federaalka, way ku guuleysan doontaa hadafkeeda ammaanka dalkana way sugi doontaa’.

Banaanbaxaan ayaa waxaa la sheegay in dadka ka qaybgalay ay ahaayeen dad aan sidaasi u badneyn, warar ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo in Baydhabo uu ka dhaco banaanbax isna lagu taageerayo dadaalka uu wado Shariif Xasan iyo tegistiisii Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa waxa uu horey u sheegay in uusan cidna fasax u weydiisaneynin dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna Shariifku sheegay in uu doonayo in uu baajiyo dagaal dhex mara Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana maanta la filayaa in uu Magaalada Muqdisho ka furmo kulan ka fool ka fool ah oo dhex maraya Maxaakiimta iyo xubno uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan

Qaylo-dhaantii ugu xooganeyd oo ka timid Dadkii deganaa tuulooyinkii ..

Odoyaasha Tuulooyinka kala ah Qudqudow, Garshaare, Gaaldheere, Iidow-Guuddoodow, Tooratoorow, Maaliyoow, Ambafow, Xaramka Cali Goble, Cabdule Gurbane ayaa waxay sheegeen in tuulooyinkaasi ay ka jiraan dhibaatooyin aad u baaxad weyn kaddib markii deegaanadaasi uu ku soo fatahay wabiga Shabeele.

Fatahadaas ayaa Odoyaashu sheegeen in ay ugu darsameen roobabkii Dayrta oo sanadkaani khasaarooyin u gaystay tuulooyinkaasi, kuwaasoo burburiyey Beerihii la filayey inay sanadkaan soo go’aan, iyo waliba khasaarooyin kale oo la xiriira dhinaca deegaanka, kaddib markii dadkii deganaa Tuulooyinkaasi biyahaasi u keeneen dhibaatooyin dhanka Hoyga ah. Odoyaashu waxay sheegeen in deegaanadaasi ay ka qaxeen dad fara badan, waxaana ka dhacday dhimashada dad iyo waliba xoolo fara badan, waxayna sheegeen in fatahaadahaasi dhibaatooyinka ay keeneen aysan jirin cid u soo gurmatay ha noqoto Hay’adaha samafalka, iyadoo la og yahay in gobalkaasi uu haatan yahay gobalka ugu dhibaatada badan ee dhinaca Fatahaada.

Odoyaasha waxay sheegeen in dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay haatan ay ku sugan yihiin xaalad halis ah oo ah Gaajo, Cuduro iyo Hoy la’aan, waxayan dadkaasi haatan dhibaateysan gaarayaan 3673 qoys oo intooda badan haatan ku sugan meel bannaan ah, qaarkoona ay hoos degan yihiin geedo oo laga cabsi qabo in uu soo gaaro fatahaadu.

Odoyaasha waxay ka codsanayaan Hay’adaha Samafalka kuwa caalamiga ah iyo kuwao gudahaba in ay la soo gaaraan dadkaasi gargaar deg deg ah, sidoo kale waxay ka codsanayaan shacabka Soomaaliyeed in dadkaasi lala soo gaaro tabarucaad deg deg ah.

Odoyaashu waxay kaloo ka codsadeen Hay’adaha samafalka in ay indhahooda ku soo arkaan waxyeelada baaxadda leh ee uu gaystay wabigu, iyadoo laga cabsi qabo in fatahaadyo hor leh ku dhiftaan deegaanadaasi, waxaana ka mid ah Odoyaasha qaylo-dhaanta soo saaray Xuseen Xasan Cusmaan, Max’ed C/llaahi Ibraahim, Axmed Cali Cusmaan, Ibraahim Macallin Maxed, Yuusuf Mayow Aadan iyo Cabdi Xaaji Xasan. Dhaawaan ayaan kooxo suxifiyiin ah waxay soo booqdeen deegaano ka tirsan Gobalka Sh/hoose halkaas oo ay ku soo arkeen waxyeelada ay gaysteen Roobabka iyo fatahaaduhu deegaano ka tirsan Gobalkaasi


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


MAAMULKA PUNTLAND OO WAXBA KAMA JIRAAN KA....

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666
002521653623

Maamulka dowlad goboleedka Puntland ayaa gaashaanka ku dhuftay kuna tilmaamay waxba kama jiraan wararkii sheegayay in ciidamo ka tirsan maamul goboleedkaas ay lug ku lahaayeen dagaalkii Maanta ka dhacay tuulada lagu magacaabo Farxaano ee ka tirsan degmada Gelinsoor ee gobolka Galgad-uud oo dhex maray ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwo ka amar qaata Cabdi Qeybdiid.

Wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Gaalkacyo kaddib markii uu soo baxay warkaas sheegaya in ciidamadooda ay lug ku leeyihiin dagaalkaasi Maanta dhacay kana soo yeeray madaxa amniga ee maxkamadaha Sheekh Yuusuf Indhacadde ayuu Md. Awaare sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin.

"Qorshaha nooguma jirto inaanu dagaal qaadno bal inaan is difaacno mooyee, haddii ay ka fursan waysase waxaa waajib nagu ah inaan weerar qaadno" ayuu yiri Md. Awaare oo sheegay in dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Farxaano uu yahay mid aanu wax lug ah ku laheyn una dhexeeya Maxkam-adaha iyo Cabdi Qeybdiid, warka ka soo yeeray maxkamaduhuna uu yahay war aan waxba ka jirin.


BANNAANBAX KA DHAN GUDOOMIYAHA

Bannaanbax ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Sharifi Xasan Sheekh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho isaga iyo xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan ayaa Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Bannaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Bay heer gobol iyo heer degmo ayaa waxaa ka qeyb galay dadweynaha ku dhaqan magaa-ada Baydhabo, iyadoo banaan-baxan lagu diidanaa gudoomiy-aha baarlamaanka oo horkacayay xubno ka tirsan golaha baarlamaanka inay Muqdisho yimaadaan oo ay wada hadal la galaan golaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo kuwa degmada Baydh-abo oo bannaanbaxaasi ka hadlay ayaa sheegay inay kals-oonidii kala noqdeen guddoomi-yaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan isagoo bay yiraahdeen u dhago nuglaan waayay baaqyadii lagu dalbana-yay ee ka soo yeeray dowladda Federalka iyo dadweynaha ku abtirsada beelaha Digil & Mirifle oo iyaga u doortay guddoomi-yanimada baarlamaanka, waxayna sheegeen maamulka Gobolka Bay & kan degmada Baydhabo iyo dadweynihii ka qeyb galay banaanbaxaasiba inay kalsoonidii kala noqdeen Shariif Xasan Sheekh Aadan mar haddii uu u hoggaansami waayay baaqyadii loo jeediyay ee ahaa inuu Baydhabo marka hore yimaado intaanu Muqdisho u imaanin wada hadalka, waxayna sheegeen in bannaan baxani uu arrintaas ku salleysan yahay.

Banaanbaxan Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaan ka qeyb gelin wax ka socda dowladda Federalka, balse u muuqday inay ku dhiirageliyeen in maamulka Gobolka Bay ay qabtaan bannaanbaxan, waxaan horay sidan si la mid ah u diiday xubno ka tirsan baarlamaanka ee ku sugan magaalada Bay-dhabo in shariifka uu yimaado Muqdisho wada hadalna uu la galo Maxkamadaha Islaamiga.

KULAN AY MAANTA ISU YIMAADEEN IN KU DHOW

Kaddib markii maalin ka hor guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayay ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho si weynna ay u soo dhoweeyeen masuuliyiinta midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay oo hordhac u ah xubnaha baarlamaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay kulan uu shirguddoominayay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku yeesheen hoyga uu deggan yahay Shariifka.

Kulankan ayaa ahaa kulan wada tashi ah oo loogu diyaar garoobayo kulanka maanta sida rasmiga ah u dhex mari doona Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubnaha la socda iyo golaha midowga maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa la sheegayaa in in dib loo sii ambaqaadi doono wada xaajoodkii bur-buray ee u dhexeeyay labada dhinac waa dowladda Federalka iyo golaha Maxkamadaha Islaamiga ah, waxayna maxkamadaha dhinacooda ka sheegeen inaan kulankan wax shuruud ah ku xirneyn, loona baahan yahay in la gaaro heshiis isu soo dhoweyn kara labada dhinac, balse aan la ogeyn ajendayaasha ugu horreeya ee maanta laga wada hadlayo, inkastoo labada dhinacba ay horay u diyaarsadeen waxa ay la shirtagayaan.

Kulankan ayaan laga soo dhoweyn dhinaca dowladda Federalka ah, iyadoo shariifkuna uu arrintaasi horay u sheegay inuu isagu kaligiis heshiiskan isku xilqaamay, waxaase la garaneyn haddiib ay heshiiyaan labada dhinac halka Shariifka uu la tagi doono qodobada lagu heshiiyo, ma Baydhabo ayuu kula noqon doonaa? Ma Muqdisho ayuu ka hirgeli doonaa? Waase la arki doonaa sida ay arrintu noqoto.

Kulan ay labada dhinac waa dowladda Federalka iyo golaha maxkamadaha horay isugu tageen magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa natiijo la'aan ku dhamaaday, iyadoo labada dhinacba laga waayay wax tanaasul ah kaddib markii ay qodobo ad-adag ay ku xireen furitaanka shirka.

MAXKAMADAHA OO ISKA FOGEEYEY

Maxkamadaha Islaamka ayaa iska fogeeyay eedeymo ka soo yeeray dowladda oo la xiriira in ay xoog ku qabsadeen degmada Buur-hakaba oo ay ka dhiseen maxkamad aan raali laga aheyn.

Madaxa waaxda arimaha bulshada iyo xiriirka gobolada golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Axmed C/laahi fanax ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay ereyadii ka soo yeeray Sheekh Aadan madoobe wasiirka cadaaladda dowladda ee ahaa Maxkamadda looga dhawaaqay Buur-hakaba ay tahay mid bilaa sharci ah oo xoog lagu dhisay, maxkamadna ay dhisi karto wasaaradda uu madaxda ka yahay ee garsoorka.

Sheekh Fanax waxa uu sheegay in cidina aanu kala tashaneyn talaabooyinka ay ka qaadayaan goobaha ay ka arimiyaan maxkamadaha islaamka, waxa ka soo yeeray wasiirkana ay yihiin wax lala yaabo oo uusan u fiirsan.


WASIIRKA GAASHAAN-DHIGA BARRE HIIRAALE

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah masuul-iyiintii isbaheysigii D/Juba ayaa Maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wafdigan uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan isbahey-sigii burburay ayaa ujeedada socdaalkooda la faahfaahin.

Warar ku dhow dhow wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegaya in safarkiisa uu la xiriiro wada tashi uu la yeesho dowladda Federalka Soomaaliya.

Wasiirka gashaandhiga Barre Hiiraale oo isaga ka talin jiray magaalada Kismaayo ayaa horaantii bishii hore isaga soo tagay kadib markii gacan ku heynta magaalada Kismaayo la wareegeen ciidamada maxaakiimta Islaamka, isagoo tagay magaalada Baardheere.

Wasiirka gaashandhiga ayaa dhawaan dagaal uu abaabulay uu ka dhacay degmada Bu'aale isagoo dhexmaray ciidamadiisa iyo kuwa golaha maxaakiimta Islaamka taas oo looga itaal roo-naaday maleeshiyadii wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale.


GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND OO GUDIYO

Golaha xukuumadda ee Puntland ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay Maanta ku qaateen magaalada Gaalkacyo waxa ay ku magacaabeen gudiyo kala duwan.

Golaha xukuumadda ayaa waxa ay soo saareen qoraal ay ku magacaabayaan gudiyo ka kooban golayasha xukuumada, wakilada iyo mas`uuliyiin daw-ladda xilal sarsare ka haya.

Waxaa gudiyadaasi ay mas`uul xukuumadda uga noqon doon-aan gobolada Puntland iyada oo shaqadoodu ay ahaan doonto mid lagu xoojinayo Difaaca, amniga gudaha, Toosinta maamulada gobolada iyo deg-mooyinka, xiriirinta iyo wada shaqaynta xukuumadda iyo qaybaha bulsahda rayidka ah.

Qoraalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ay gudiyadani oo aan magacyadooda la soo bandhigin ay madaxwaynaha Puntland wakiil uga noqon doonaan hawlaha gobolada.


MAS'UULIYIIN KA TIRSAN MAXKAMADAHA OO

Mas'uuliyiin ka tirsan golaha maxaakiimta Islaamka ayaa sheegay in imanshiyaha Gudd-oomiyaha baarlamaanka ee Muqdisho uu meesha ka saarayo baahida loo qabay dhexdhexaadin shisheeye iyo wada xaajood loo tago meel ka baxsan Soomaaliya.

Mas'uuliyiintan ayaa tilmaamay suurgalnimada in qof walba oo mas'uul ah ama Soomaali ah ay lagama marmaan u ku tahay inuu ka shaqeeyo arrimaha nabadgalyada islamarkaana golaha maxaakiimta ay ka shaqeenayaan sidii arrinta dib u heshiisiinta meel wanaagsan loo marsiin lahaa.

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo isaga ah xoghayaha arrimaha dibadda ee golaha maxaakiimta Islaamka ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweena-yaan cid kasta oo dooneysa inay ka shaqeyso arrimaha dib u heshiisiinta islamarkaana laga filan karo inay wax ka qabtaan.

Max'ud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaga ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain kana mid ahaa xubnihii wareegii labaad ee shirka dib u heshiisiinta Khartuum uga qeyb galay golaha maxaakiimta Islaa-mka ayaa sheegay in marka hore arrinta wadahadalka golaha maxaakiimta iyo dowladda fedraalka ay aheyd mid quseyso oo kaliya inay is hor fariistaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha ku jira baarlam-aanka iyo mas'uuliyiin ka socota golaha maxaakiimta Islaamka si ay wadajir uga shaqeeyaan arrimaha dib u heshiisiinta.

Mas'uuliyiintan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Gen. Jaamac Max'ed Qaalib oo ka mid ahaa bulshada rayidka ee ka howlgasha magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay inay jiraan gacan saddaxaad oo faragalin toos ah ku haya arrimaha dib u heshiisiinta kuwaas oo aan marnaba dooney in midnimada ummadda Soom-aaliyeed ay soo muuqato.

Masuuliyiintaasi ayaa intooda badan isku aragti ka noqday laga qabo Guddoomiyaha baarlamaanka imaanshiyaha Muqdisho waxa uu ka qaban karo.


KULANKA LOOGA HADLAYO ARRIMAHA NA

Kulankan looga hadlayo arrimaha nabadda ee ka furmay magaalada Bosaaso ayaa waxaa soo qaban qaabisay Dallad ay Haweenku leeyihiin oo loogu magacdaro WAWA oo xaruntiisu ku taalo magaaladan Boosaaso.

Kulankan oo socon doona mudo 5 maalmood ah ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaadanaya 45 xubnood oo isugu jira Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada kuwaasoo laga soo kala xulay gobollada Bari, Karkaar, Sool iyo Sanaag.

Xaawo Cali Jaamac oo ah gudoomiyaha dallada Haweenka ee WAWA oo furitaankii kulankan hadal ka jeedisay ayaa waxaa ay sheegtay ujeedada laga leeyahay kulankan in laga soo qeyb geliyo qeybaha bulshada inay tahay in la sameeyo guddi nabadayn ah oo maamulka kala shaqeeya arrimaha nabadaynta iyo xal u helida marka ay colaaduhu yimaadaan.

Xaawo Cali Jaamac waxay kulankan ku faah faahisay xaalada nabadgeliyo ee uu dalku marayo waqti xaadirkan, iyadoo sheegtay in meel kasta oo ka mid ah gobollada dalka ay ka jirto khatar amni loona baahan yahay in xil layska saaro loona guntado in laga shaqeeyo nabadda.

Gudoomiyaha Dallada Xaawo Cali Jaamac waxay carrabka ku dhufatay in cabsida dagaal ee ka jirta Soomaaliya waqtigan la sheegayo inay faraha kula jiraan dalal shisheeye, waxayna codsatay ka qeyb galayaasha kulanka inay inta uu socdo kulanka ku soo bandhigaan aaraadooda ku aadan sida loo heli karo Nabad waarta gaar ahaan Puntland ka dibna guud ahaan dalka Soomaaliya.


Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2006

Xisbiga Ramaas oo si kulul uga horyimid Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha DGPL
SomaliTalk oo waraysi la yeelatay Guddoomiyaha xisbga Daahir Ciiro Guji

C/llaahi Yuusuf iyo Miles Zenawi oo kulan gaar ah ku yeeshey Bakiin
»Shariif Xasan “Cid aan fasax uga qaadanayo ma jirto Dib u..
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo qorsheynaya in ay xilka ka..
»Mas’uuliyiinta Kenya oo sii daayey Madaxdii Gobolada..
»Guddoomiyaha NUSOJ oo qabtay shir jaraa’id oo uga hadlay
»Gudoomiyaha Baarlamaanka Shraiif Xasan Sh. Aadan oo si..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 6

Gen. Cadde: "Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo magaalada Galkacyo kaga qayb galay shir ayaa sheegay in...  Guji...

Dalka Shiinaha oo laba jibaaraya dhaqaalahii uu siin jirey Qaarada Afrika
»Abshir Bacadle oo wata qorigiisa iyo Booshkiisa oo gaarey..
»Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia oo kulan deg deg..
»Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Baydhabo..
»Cadde Muuse oo amar deg deg ah ku soo rogey Galkacyo..
»Saadaam Xuseen maanta ma ka badbaadi doonaa Xukun dil
»Boqore: waa sharci darro imaatinka gudoomiyaha...
»Wafdigii golaha maxaakiimta ee jiray khartoum oo kusoo..
»Markab lagu afduubtay magaalada muqdisho meel u jirta..
»Xuseen Caydiid oo ka hadlay arrimo ay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Nov 5

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD