JOORNAALKA ( LE MONDE
DIPLOMATIQUE ) EE FRANSIISKA AYAA QORAY : XIRIIR KHATAR AH
WASHINGTON IYO SOOMAALIYA
Bartamihii 2006, Muqdisho waxey
gacanta u gashay xoogaga Maxaakimiinta Islaamka (MI), taas oo si
kadis ah dib ugu soo celisay saaxada dunida wadan si weeyn aay
bulshada caalamka u ilowday, laga soo bilaabo 1995 markaas oo
lagu guul dareeystay barnaamijkii la magac baxay (Restore
Hope) oo aay qaramada midoobay hogaaminaysay.
Laga soo bilaabo 2004 Soomaaliya waxay leedahay
dowlad (théorique) af ahaan dunida laga aqoonsan yahay : Dowlada
ku meel gaarka federaalka (DKF), fadhigeedu ahaa markii hore
Nairobi ka dibna Baydhabo Soomaaliya. Ayadoo markaa
aan awoodin in aay fadhi ka dhigato Muqdisho, magaalo
madaxda oo markaa gacanta ugu jirtay dagaal oogayaasha.
DKF ayaa dhidibada loo aasay
wado hadalo dhib badan oo socday sanooyin ka dib loo guna loogu
talo galay in aay buuxiso dowlad la’aantii ka dhalatay dagaalkii
sokeeye ee is ka daba dhacayey tan iyo goortii aay burburtay
dowladii Siyad Barre 1991. si kastaba ha ahaatee DKF waligeed
kuma aanay yeelan wax saameeyn ah wadankeeda, waxaana kala
dil dilaaciyay is qabqabsi u dhaxeeya Colonel Yuusuf,
wasiirkiisa koowaad Ali Gedi iyo madaxweynaha baarlamaanka
Sharif Hassan. DFK ma laha ciidan lagu kalsoonaan karo marka
laga reebo maleeshiyo beeleedka Puntland ee Majeerteen.
Ilaa iyo Juun 2006, ayaa waxa
dalka ka talinayay dagaal oogayaasha, kaabo kooxeedyo wata
militari qabiileed soona baxay kala daadashadii qaranka
soomaaliyeed ee 1991 kii ka dib. Ka sokoow magacaabis qaarkood
loo magacaabay wasiiro waxba kama aanay badalin, waxayna ku
tiirsanaayeen Mooryaan, dhalinyaro aan waxba u aabo yeelin
waqtiyada inta badana daroogeesnaa, kuwaas oo galiyay
magaalo madaxda iyo gobolo kalaba argagax foowdo ah .
Maleeshiyadani ma heli jirin wax mushaar ah waxayna ku kici
jireen dhac, qafaalasho iyo kufsi. Dagaal oogayaashu waxay tani
u noqotay ganacsi ganacsiyada ka mid ah.
Iyada oo aay jirto dhibaatadan
foosha xun ayaa kooxo is ku magacaabay Islaamiyiinta
Siyaasiyiinta ah waxay ku dhawaaqeen 1996, maxkamadii ugu
horeysay oo islaamka ku dhaqma. Sanadkii 2002 waxay ku
midoobeen ururka loo yaqaano Midowga Maxkamadaha Islaamka
(MMI), oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif. Sida muuqata inta badan
maxkamadahani waxa hogaamiya qabiilka Hawiye qaas ahaan Habar
Gidir. Tani hadii aan aan xal loo helin waxay noqon kartaa
caqabad Soomaalida dhexdeeda ah.
Qalad weeyn oo siyaasadeed oo
aay dowladu Maraykanka gashay ayaa irdaha u furtay MMI. Hayada
dhexe ee sirdoonka Maraykanka (CIA), ayey u qorsheesnaayd in
Soomaaliya aay tahay Afgaanistaantii labaad, waxa la
tuhmayay in soomaaliya aay joogaan niman aay ayagu baadi
goobayaan oo lala xiriirinayo in aay ka danbeeyeen qaraxyo lala
beegsaday danaha Maraykanka meelo kala duwan dunidan. Masuul
Maraykan ah ayaa waxa uu jeediyaya baaq isagoo yiri « waxan
diyaar u nahay in aan la shaqayno cid walba oo nagala
shaqeenaysa in aan la dagaalano Al-Qaida ».
Dagaal oogayaashii oo baadi
goob ugu jiray si dii aay u heli lahaayeen wax un dhaqaalo ah,
ayey tani u noqotay fursad aan la cafin karin iyagoo markaa
diidanaa in aay hirgasho DKS iyo sidii aay u baabi’in lahaayeen
jiritaanka MMI oo hadii mid ka mid ah uu hirgalo aay soo celin
karto kala danbeeyntii.
Febraayo 2006 dagaal
oogayaashii waxay ku dhawaaqeen ururkii la magac baxay soo
celinta nabada iyo la dagaalanka argagixisada, fikrad ahaan
ujeedada urarkani waxey tahay in aay ugaarsadaan waxa loogu
yeero argagixisada, laakiin dhab ahaantii waxay diirada saareen
MMI. Maleeshiyada Islaamiyiinta ma aanay qaldamin waxay isla
labaatankii Febraayo weerar ku qaadeen kuwa ururkan kor ku
xusan u sameeystay. Tani waxay hordhac u ahayd bilowgii dagaal
dhimasho badan dhiig badana Muqdisha ku daadiyay socdayna mudo
sadex bilood iyo bar ah halkaas oo ugu danbeeyntii lagu
burburiyay dagaal oogayaashii lamagac baxay soo celinta nabada
iyo la dagaalanka argagixisada 16kii Juun 2006.
Codad qeeylo dhaan ah ayaa
cirka is ku shareeray lagagana soo horjeedo istiraatiijiyada
Washington aay ku dhaqaaqday. David Shinn oo ah safiirkii hore
ee Maraykanka Ethiopia u fadhin jiray ayaa kula taliyay
dowladiisa in aay fikrad guud ka qaadato Soomaaliya oo aayan ka
eegin kaliya argagixisada. Sidoo kale ninka lagu macagaabo
Micheal Zorick oo ah la taliyaha safaarada Maraykanka ee Nairobi ayaa marar badan dhaleeceeyey lacagihii macno darada ahaa
ee loo shubi jiray dagaal oogayaashii balse doowladiisu dhagta
uma aayan raaricin.
13 kii Juun 2006, ayaa dowlada
Maraykanka iyadoo is ku dayaysa in aay saxdo qaladadii aay
gashay waxay abuurtay waxa loo yaqaano (Contact Groupe), oo ka
kooban USA, Arab League, UA, UN, IGAD, Norway, EU, UK, Sweden,
Italy iyo Tanzania oo gadaal ka timid. Contact Groupe wuxuu u
muuqdaa raali galin lala soo daahay.
Xaaladu waxay u muuqataa mid
sii adkaanaysa, taasoo dagaalka Soomaaliya uu noqonayo mid
caalami ah, sababtuna aay tahay ku lug lahaanshaha labada wadan
ee dariska ah Ethiopia iyo Eretrea oo uu dhexdoodu yaalo dagaal
aan dhamaan oo bilowday 1998. addis-Ababa waxay garab taagan
tahay Abdullahi Yusuf, halka Asmarana lagu eedeeyo in aay dhowr
jeer hub u geeysay MMI. Ku lug lahaanshaha Eretrea ee arimaha
Soomaaliya ayaa waxa lagu micneeyaa « Cadowgayga cadowgiisa waa
saaxiibkeey »
Caadi ahaan labada dhinacba
weey inkiraan in wax lug ah aay ku leeyihiin dagaalada
Soomaaliya. Caalami ahaanshaha waxa ka taagan wadankan weey
dhaaftay qaarada Afrika, Sacuudi Carabiya ayaa la sheegaa in
uu hubeeyay qaar ka mid ah MMI, halka Yemen iyo Masar aay hub ku
quudiyaan DFS .
Dadaalka aay ugu jirto DFS in
aay badbaado ismuujisana iyo cabsida aay ka qabtay wasiiradii
hubaysnaa ayaa madaxweyne Yuusuf uusan marna afka isku qaban
isagoo si rajo la’aan ah u dalbanayay in la keeno wadanka
ciidamo ka socda IGAD ama AU si nabada loo soo celiyo loona
difaaco jiritaankiisa. Mabda ahaan waa la isku raacay waxaase la
waayay rabitaan siyaasadeed iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa.
Cidna diyaar uma aha in aay ku dhacdo dabinada Soomaalida
marka laga reebo Ethiopia oo ka walwalsan kaga dheereenta Asmara
ee arimaha Soomaaliya iyo cabsida aay ka qabto MMI oo gacanta ku
dhiga maamulka dalka.
Markiiba la soo hadal qaaday
ciidamo ka socda Ethiopia oo ah cadowga soojireenka ee
Soomaalida ayaa tani waxay dhalisay dagaalo siyaasadeed oo ka
dhex dhaca DFS. Si kale hadii aan hadalkayga u dhigo macquul ma
aheen in AU uu cuskado Addis-Ababa si loo helo ciidamo loo diro
Soomaaliya sababtoo ah Ethiopia waxay noqotay garsoorihii iyo
dhinac ka mid ah dhinacyada loo kala garqaadayo. Cabsida aay
qabto Ethiopia ayaa ah in dowlad Soomaaliyeed oo aan ahayn tan
Abdullahi Yusuf in aay soo nooleen karto damaca xornimo doon
ee Soomaalida Ogaadeenya oo tiradooda lagu qiyaaso 4 malyuun
oo qof halkaa oo uu hada ka hor dagaal ku dhex maray labada
wadan 1977-1978.
Dagaal oogayaashii oo aay
shacabku necbaayeen xad gudubyadii aay geesteen dartood ayaa ku
baaba’ay maalmo yar gudahood markii aay iska hor yimaadeen
xoogaga MMI Juun 2006, taas oo keentay in ummadd neefta ka soo
booday aay raxan raxan isugu soo baxaan wadooyinka caasimada
iyagoo markaa is weeydiinaya bal waxa mustaqbalka xoreeyayaashan
dagaalyahanada MMI waxoo gaa nooca ah aay la iman doonaan.
Bulshada caalamka oo ka
walwalsan sidii loo difaci lahaa xudunta caadiyeeynta xaalada
Soomaaliya oo ah dhisidii DFS, ayaa waxey codsatay in labada
dhinac wada hadal dhaqso ah loo furo. Tani waxay noqotay fursad
kale oo uu dildilaac ku kala dhex galo DFS, Madaxweyne Yusuf
wuu ka leex leexanayay in heshiis uu la gaaro MMI, halka
madaxweynaha baarlamaanka uu aad u door bidayay in wada hadal
xal lagu helo, heshiiskii ugu danbeenytii lagu gaaray Khartoum
22 Juun isla markiiba labada dhinac weey jabiyeen.
Jaraa’idyada caalamka waxay si
qaldan u qorayaan in MMI aay yihiin « Dhaalibaankii soo
gurguuranayay ee Afrika », cabsida noocan ah waxa aay u baahan
tahay dhacdooyin sida mamnuucida daawashada ciyaaraha, ama
mamnuucida timaha oo loo jarto sida aafrada, rastada iwm. MMI
wuxuu is ku badalay Golaha Sare ee Maxkamadaha Islaamiga
hogaamiyihii qun yar socodka waxa badalay rug cadaaga asal raaca
Hassan Dahir Aweys. Si walbaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa
islaamiyiintu wali waxay ku fadhiyaan guul is kumana jimeeynin (
is barbar dhigin ) shaydaanka qatarta ku ah bulshada
Soomaaliyeed ; Qabyaalada taas oo cuntay hantiwadaagii Siyad
Barre, waana farqiga u dhaxeeya Dhaalibaan iyo MMI.
Dhab ahaantii Dhaalibaan waxa
taageersanaa dariskooda Pakistan, kuna tiir sanaayeen beesha
Pachtoune oo ah dadka ugu badan Afgaanistaan. MMI saaxiib dhab
ah dunida kuma laha taageerada Eratrea waa mis un iska fursad
ah. Beesha Hawiye ma aha Pachtounkii Soomaaliya mana jirto
cadeeymo muujinaya in asal raacnimo u dhow Al-Qaida aay gacan ku
leeyihiin. Waxa suuro gal ah in wadahadal lalo galo MMI aay hor
istaagi karto in xaalada aay sii xumaato halka la raadinayo
ciidamo IGAD ama meelo kaleba ka yimaada.
Joornaalka Le Monde
diplomatique le, 03 .11.06
Waxan ka cudur daaranayaa in
meelaha qaar aay ku jiraan soo hadal qaadid beel ama shaqsi tani
ma aha wax xageeyga ka timid ee waa sida aay ugu qoran tahay
qoraalka jaraa’idkan ku soo baxay. Waxa jira erayo iyo jumlado
aad u qalafsan oo qoraalkan Fransiiska loo adeegsaday oo aan ka
tagay. Waxa kaliya oo aan rabay ayaa ah in bulsho weynta
Soomaaliyeed aan usoo gudbiyo waxa aay naga qorayaan jaraa’idada
afka Fransiiska ku hadla.
Waxa turjumay ; C/LLaahi Max’ed
abdimoh@hotmail.com