SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


PuntlandGov iyo Qoraalka uu arrintaa ka Diyaariyey SomaliTalk: Akhri Qormadii Puntland Protect Group.. Guji


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Maxay tahay farqiga u dhaxeeya Hoogaamiye Kooxeedyadii horay uga talin jiray magaalada Muqdisho iyo maxkamadaha haatan ka dilaacay..

Dalmar Maxamed Cali
alinurson@hotmail.com
Galkacyo Puntland State of somalia

Sida aan wada ogsoonnahay xiligii bur burkii ku yimid dowladdii cabdi qaasim salad xasan waxaa si tartiib tartiib ah u bilowday maxkamado kuwaas oo ku salaysnaa qabiil maxkamadii ugu horaysay ee la aasaaso xiligaas waxaa sameestay beesha uu ka soo jeedo madaxii ugu sareeyay dowladii carta lagu soo unkay…

Waxaa sii kordhay ku sii fidida beelaha kale ee daga magaalada muqdisho ayadoo markaas dhashay kuwa haatan isku tilmaaamay midowga maxaakiimta islaamiga oo iyagu asal ahaan hoostaga beesha uu ka soo jeedo C/qaasim salad xasan.

Sida lawada ogsoon yahay waxaa loo dhisay dalka dowlad faderali ah oo ay uwada dhamaayeen beelaha soomaalida waxaa halkaas iskugu yimid hogaamiye kooxeedyadii ka talin jiray magaalada muqdisho waxay si habsami leh halkaas ugu doorteen Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, doorashadii kadib maxay dhashay in la sameeyo maxkamado looga hortago dowlada u hogaaminayo Mr Yuusuf..

Waxaa shirkii xil wareejinta ka hadlay madaxwenihii carta oo yiri waan la shaqeenayaa madaxweynaha sida uu iila shaqeeyay ayaan anigana ula shaqeenayaa taas macnaheedu waxa ay noqon kartaa “waxay dowladeeda ka socon waysay beelaha ka soo jeeda Puntland oo madaxweynaha u ahaa Mr Yuusuf marka caqligiisa ayaa waxa ay gali waysay haku xukumo Mr Yuusuf.

Yuusuf oo aan wada og nahay inuu yahay muwaadin soomaaliyeed isla mar ahaantaasna ah muwaadin reer puntland ah.

Haddaba aan u soo noqono qaabkii maxaakiimta ay u howlgaleen markii dowladu timid dalka, waxaanu wada ogsoonahay wixii xamar ka socday iyo sida loogu dulmanaa iyo weliba qaabka dadka meesha loogu tagay loola macaamiil tamaayay oo ay ka jireen takri fal qeyrul caadi ah waxa ka dhacay waa wax taariikhda soomaaliya ku taal .

Waxaa sameesmay maxkamado beeleedyo sida aan kor ku soo xusnayba maxkamado beeleed yadii waxay dhaleen inay la wareegaan hoogaamiye kooxeedyadii ka talin jiray muqdisho oo aan haddaba oran karno waa taliyaan saa maxaa yeelay waxay hubka u dhiibeen waa ilma adeertood aaminsan mab da’a ah aan diin dalka ku xukunno si kale ku heli mayno kursi soomaali aan ugu fariisano sumcadii iyo sharaftii ay beesha laheydna aan soo celino waa balanta ay wada galeen maxaakiimta iyo hogamiye kooxeedyada haddaba yaa loogalay balantaas..

Sida aan ka war heyno asaaskii dowlada faderalka waxaa mar qura soo baxay maxkamadahaan hadda isku howlaya inay la wareegaan dalka waxay ka dirirayaan ayaa waxa ay tahay yeesan wax noqon beelaha daga dowlad goboleedka puntland haddaba uma muuqato kitaab in ay wax ku xukumaan waxa ay u deg dam leeyihiin ayaa waxa ay tahay eriyay eriyaadii ay dadkii iyo duunyadiiba uga saareen xamar..

Hogaanka sare ee maxkamadaha waa nin ceenkee ah?!

Col:- Xasan Daahir Aweys waa ninkii hamigiisu ahaa in uu xoog kula wareego deeganada puntland xiligii sagaashameeyadii oo duulan ku soo qaaday isagoo leh waxaan ku xukumaaya shareecada islaamka laakiin nasiib darro waa uu ku fashilmay kadib markii uu xabsiga u wada taxaabay duqaydii beelaha daga puntland iyo siyaasiyiintoodaba markaas waxaa jirtay in ay xamar aad u qasneed oo looga baahnaa in uu ka hirgaliyo shareeco daacad ah haddii uu waday muqdisho oo markaas dhaca,boobka iyo kufsigaba ka socotay, ku fashilinkii uu ku fashilmay qorshahaasi aan qaabeysneen ayaa waxa uu go’aansaday in inta noqdo oo uu la yimaado qorshe cusub oo ah kan hadda uula soo baxay oo rabo in uu ku xukumo gabi ahaan dalka,

waxaa qorshihiisa u taaba galiyay ina adeerkiis oo noqday Madaxa ugu sareeya dowladii carta, markii ay arkeen in aysan soconayn dowladaan ayaa waxa uu kula taliyay hantidaan in uu faqriga uga saaro beesha ay ka dhasheeen oo ay u sameeyaan ila dhaqaale oo markaas aad u kobcay taladaas waa midda ay hadda ku doonayaan ayagoo beel ah in ay dalka wada maamulaan laakiin soconmayso midaas oo soomaalida horay waxay u tiri “Lugtii bowdada dhaaftaa way jabtaa”.

Hogaamiye kooxeedyada wax qabadkoodu muxuu ahaa?

Wuxuu wax qabadkooda ahaa in ay dadka dhacaan lacago baad ahna ay ka qaadaan shacabka,Ayadii la wada og yahaya hogaamiye kooxedyadii muqadisha inta uu ahaa caqligooda iyo aqoonta ay laahayeen haddana waxay ka wada sinnaayeen side wax ku noqotaan ama aad dadkaan aad ka dhalateen wax uga dhigtaan nasiib darro waa kuwo ku hungoobay hankii ceenkaas ahaaa maxayse dhashay haddii ay ku hungoobeen hankoodii. Hankoodii jabay ama banjaray wuxuu dhalaya ayaan oran karnaa kuwo isku tilmaamay maxkamado islaamiya.

Maxay qabteen maxkamadaha ku howlan suulinta beelaha kale kali noqosha ayaga oo qura, waxaaan oran karnaa tan iyo intii ay ku soo biireen maslaxa siyaasadeed noocaan loo yaqaan maxkamadaha waa beel doonaysa inay kaligeed noolaato tusaale yar aan idin siiyo.

Madaxa ugu sareeya maxaakiimtaa waa col:- Xasan daahir aweys waa la yaqaan halka uu ka soo jeedo waana dowlad ay ka danbayso fikirkii ahaa beesha uu ka wada dhasheen Xasan Daahir iyo Cabdi Qaasim

waa beel inta badan dhaqaalihii koonfurta gacanta ku haysata oo hal il dhaqaalihi wada noqday, waa beel markii nin ka mid ah qof dila ay leeyihiin waxaa loogadaayaa dhiiga markii ay beelaha kalena dil geesteen qisaaas soo taaga, waa beel dadka guryahoodii iyo beerihii xoog kuwada haysta waaa beel ku dagtay shabeelada dhex xoog ilaa hatan ka kaca laga la’yahay marka maxay tahay farqiga u dhexeeya hogaamiye kooxeedyadii muqdisho ka arinmin jiray iyo maxkamadaha, soo maahan in ay weli hogaamiye kooxeedyadii ay jiraan laakiin cimaamad ay inoo xirteen.

Ceenkee u dhisan yihiin maxkamadaha?!

Qaabka dhismaha Maxkamadaha waxay la mid tahay mid dowladeed tusaale:- Halka madaxa ugu sareeya dowlada waa madax weyne waxaana lagu wada Col:- Xasan Dahir Aweys,, Ra’isul wasaare waxaa u dhigma aye leeyihiin Gudoomiyaha guddiga fulinta ee maxaakiimta waa Sh.shariif sh.Axmed,, Wasiirka arimaha dibadda waxaa u dhigma aye leeyihiin Afhayeenka arimaha dibadda ee golaha maxaakiimta waa ibraahim cadoow,, Wasiirka gaashaan dhigga Waxaa u dhigma aye leeyihiin madaxa amaanka waa yuusuf indha cadde..

Marka xukuumada sidaas u dhisan lana rabo in laga horgeeyo dowlada federaalka ayaa ah miyaa mid soconaysa akhristoow ma is waydiisay meeye beelihii kale meeye dadkii kale soo marka ma cadda inay tahay beel kaliyah oo wax donaysa..

Weli waxaa nool qab qablayaashii ka jiray koonfurta dalka oo cimaado xirtay..

Siyaasada u qarsoon maxaakiimta ah beesha Xasan siyaasada u qarsoon hora waxaa loo yiri “ Durbaan kii la xaday xagee baa lagu tumi doonaa” Maxakamadaha waxa ay wataan xagee ku maamuli doonaan????!!!!


Dalmar Maxamed Cali
alinurson@hotmail.com
Galkacyo Puntland State of somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2006

»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD