ISGAARSIINTA
DALKA OO KHATAR KU SUGAN
Dr. Cabdiraxmaan Yuusuf
Aqoonyahan Cilmiga Dhaqaalaha
dr.abdirahman@hotmail.com
Waxaan aragnaa boorar yaryar oo
ay ku qoran yihiin telefoonka waa 3,000, laakiin isma weydiinno macnaha
ka dambeeya arrintaas. Adduunyada markii dembi la arko, boliiska ayaa
isla markiiba gacanta ku dhiga, u gudbiya xeer ilaalinta, ka dibna
maxkamadda. Dembigaas ama shacab ha galo ama madax ha gasho.Inkastoo
caddaaladda meelo badan oo dunida ka mid ah ay ku saleysan tahay
siyaasad ama dhaqaale.
Isgaarsiinta dibedda marka laga hadlayo, waddanka aad wacdid wuxuu
qaadanayaa 40% kharashka wacidda. 60% waxey u hareysaa shirkadda dalka,
taas oo laga doonayo iney iska bixiso kharashka shaqaalaha tirada badan,
korontada joogtada ah, kirada dayaxgacmeedka, dhismaha iyo kirada
xarumaha, iibka iyo dayactirka fiilooyinka, isla markaana ay u soo harto
faaiido loo keydiyo maalgelinta dambe ama masiibooyinka, sida ku dhacday
Warshaddi Isbuunyada Canshuur oo laga wada naxay.
Shirkadda Isgaarsiinta waxaa laga
yaabaa iney ku fadhido hanti dhan 40 milyan oo dollar oo ah maalgelinti
ay sameynayeen dhawr iyo toban sano oo u badan dhismeyaasha iyo qalabka
isgaarsiinta oo ay ku jiraan fiilooyinka dusha iyo hoosta mara. Tusaale
ahaan, haddii 6,000 oo daqiiqo ay dad ka soo diraan Shirkadda Southbell
ee Mareykanka, una soo diraan dad heysta telefoonka Nationlink, oo isla
bishaas gudaheedana dad heysta Nationlink ay 10,000 daqiiqo wacaan dad
heysta leynka Southbell ee Mareykanka, markaas Nationlink waxey
bixineysaa haraaga oo ah 10,000”x0.5$x40% - 6,000”x0.5$x40% = 2,000-1200
= 800$. Dabcan, shirkadaha soomaalida ayaa mar walba lacag lagu yeeshaa,
shirkado badan ayaana ku yeesha, sababtoo ah dadka gudaha jooga ayaa ka
wacid badan kuwa dibedda jooga.
Dhinaca kale, aan isweydiinno sida ay u shaqeeyaan telefoonnada raqiiska
ah: Nin jeeble ah oo wata wax aan dhammeyn 100,000 dollar ayaa u tagaya
shirkadaha dibedda sida Voda-South Africa, wuxuuna ku leeyahay
telefoonnada aad Soomaaliya u dirtaan aniga i soo marsiiya, waxaan
idinka qaadaya 20% kaliya. Shirkaddii bixin jirtay 40% markii loo sheego
20% orod ayey ku aqbaleysaa, waxeyna kuu boobeysaa sida kuwi kalluunka
naga boobi jiray. Jeeble wuxuu soo iibsanayaa qalab-yar oo lagu
magacaabo IPS dalka ayuuna dhiganayaa, wuxuu furayaa afar ama shan
meelood oo uu fariisinayo hal ama laba wiil oo uu siiyo wax aan macno
leheyn oo aysan xitaa ka qadeyn karin. Leyman ay leeyihiin Shirkadaha
Isgaarsiinta ayuu xiranayaa, asagoo hoosta gashanayaa dhawr laf (Sim
cards). Ka dib, wuxuu dhexda ka qabsanayaa wixii wacitaan ah ee ka
yimaada Voda South Africa, waana uu kuu soo gudbinayaa. Haddii
telefoonkaagu line yahay waxba kama baxayaan Jeeble waayo leynka lacag
la’aanta ah waxaa ku naxariistay Shirkadaha Isgaarsiinta. Haddii
telefoonkaagu mobile yahayna wuxuu bixinayaa lacagta localka ee
mobile-ka oo aad uga yar midda uu ka qaadanayo Voda South Africa. Qofka
laga soo waco dibeddana waxaa u soo baxaya lambar gudaha ah. Markii ay
bisha dhammaato Telecom lacag badan ayey siineysaa Celltel Kenya,
Hormuudna sidoo kale waxey siineysaa British Telecom. Markuu jeeblahan
wax wacayana wuxuu sii marsiinayaa internetka Globalsom, khrashkana
wuxuu aadayaa shirkado shisheeye oo isaga wax yar u reebaya. Dabcan,
faaiidadi waxaa la tagay Jeeblihi, oo mararka qaarkood aan soomaaliba
aheyn, laakiin dallaalkiisu soomaali yahay.
Telefoonnada raqiiska ah dad badan ayaa igu khilaafi kara oo ku doodi
kara in tani tahay tartan ama isdhihi kara ninkan muxuu naga doonayaa
Ilaah ayaaba noo gargaaraye! Haddii aad caano ka dharagto saw Alle kuuma
naxariisan? Haa. Bal ka warran haddii caanahaasi ahaayeen kuwi carruurta?
Haddii uu nin kula soo fuulo faraskaaga oo uu ku yiraahdo waa
tartameynaa, xaq ma noqoneysaa? Jeeblahan isaga ma laha leynka
telefoonka wax laga wacay iyo midka la soo wacay, internkana waxaa
aasaasay shirkadaha isgaarsiinta oo bixiya kharashkiisa, marka muxuu
leeyahay oo ku tartamayaa? Xoolo-dhaqatada waxey midkan oo kale ku
sifeyn lahaayeen shilin, taas oo neefka cunta markuu neefku (shirkadaha)
dhintana isaga tagta ama iyadana dhimata.
Adiga iyo aniga waxaa noo roon telefoon raqiis ah, laakiinse taasi kuma
jirto danta qaranka. 200 oo qof ha shaqeysato, sideetan kun oo
shirkadaha u shaqeysana ha la kala diro wax soconaya ma aha. Haddii
dhaqaale xumo darteed ay u dayacmaan xaasaska shaqaalaha shirkadaha oo
gaaraya boqol kun, masuuliyaddaas ma qaadayaan jeebleyaasha. Afar boqol
oo kun oo carruur ah oo laga saaro dugsiyada ma ka jawaabayaan
jeebleyaasha. Xuquuqda ragga, haweenka iyo carruurta ee dayacmi rabta ma
laga sii fakiray? Dunida maalin walba ayaa laga cabaadaa waxa lagu
magacaabo dhaqaalaha mugdiga ah (black economy), oo ah in aan canshuur
la bixin ama sako la bixin. Shatiga Isgaarsiinta kaligiis ayaa lagu
bixiyaa 3 ilaa 100 milyan. Adiga iyo aniga waxaan ku maqan nahay
danaheenni qaaska ahaa, rag baase ku maqan danteenni guud, oo
mushaarkooda ka hela canshuurta. Abaarti dhaweyd, waxaan maqalnay:
shirkad hebel 15,000$ ayey bixisay, shirkad hebelna booyado iyo raashin,
weli ma maqashay Jeeble ayaa suus bixiyay?
Waxaan u soo jeedinayaa maamullada dalka, sida Maxkamadaha, Dowladda Kmg,
Maamullada W/Bari iyo W/Galbeed, iney burcadda ka ilaaliyaan tiirarka
dhaqaalaha. Sharcigana la horkeeno dambiyada oo idil.
Dr. Cabdiraxmaan Yuusuf
Aqoonyahan Cilmiga Dhaqaalaha
dr.abdirahman@hotmail.com