SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GABAY
Daabaco Boggan | Print


PuntlandGov iyo Qoraalka uu arrintaa ka Diyaariyey SomaliTalk: Akhri Qormadii Puntland Protect Group.. Guji


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Faallo:- Shirkii Khartuum oo Fashilmey (Hal Bacaad Lagu Lisey)

W/D. Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo Puntland Somalia.

Waxaa 30 October 2006 gaarey Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan ku kulmey labo wefdi oo ka kala socdey, Midowga Maxaakiimta Moqdisho iyo Dowlada Federalka KMG ah ee Soomaaliya oo lagu balan sanaa wareegii sedexaad ee shirka khartuum wadahadaladii u dhaxeeyay Dowlada iyo Midowga Maxkamadaha Moqdisho in ay ku kulmaan Magalaada khartuum oo ku soo dhamaadey"Hal Bacaad Lagu Lisey"

Hadaba Sababaha keeney in wereegii sedexaad ee shirka khartuum ay kasoo baxdo nitijada ah Hal bacaad lagu lisey, nitojo la'aan ayaa waxaa sabab u ahaa kadib markii labada dhinac ee wadahadala u dhaxeeyay ay Qoloba Qolada kale ku xirtey sharuudo ad adag miiska wadahadalka iyo furitaanka shirka, Midowga Maxkamadaha Moqdisho ayaa waxaa furitaanka shirka khartuum ku xireen sharuudahan.

1. In inta ay Ciidamada Xukuumada Itoobiya ay ku sugan yihiin Gudaha Dalka soomaaliya aysan wax wadahadal ah aysan la galayn dowlada Federaalka kmg ah ee soomaaliya.

2. iyo in inta ay dowlada kenya Maamulka iyo shirgadoonka wax ka wado aysan ka qayb galeen shirka ayna wax wada hadal ah la galayn dowlada.

Dhinaca kale ee Xukuumada Federaalka kmg ah ee Soomaaliya ee Fadhigeedu yahay Magaalada baydhabo ee xurunta Gobolka baay ayaa iyaduna waxa ay shuruudo ku xirtey furitaanka shirka khartuum iyo kaqaybgalkiisaba shuruudaha ay dowladu ku xirtey shirka waxa ay ahaayeen sidatan:-

1. In ay Midowaga Maxkamadaha Moqdisho ay dib oga laabteen dhulkii iyo meelihii ay qabsadeen intee ka daNbaysey wareegii labaad ee shirkii khartuum.

2. Iyo in Dowlada Somalia ay ku adkaysatay in shirka ay Gudoomiso Xukuumada Kenya oo ah iminka dowlada haysata Madaxtinimada Ururka Goboleedka Dalalka IGAD.

Hadaba Siyaasiyiin reer galbeed ah iyo kuwo kale isugu jirey afrikaan iyo carab ayaa waxay sheegeen in maxaakiinta moqdisho iyo dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya ay ku dadaalayeen sidii uu u qabsoomi lahaa wareega sedexaad ee shirka khartuum hase ahaatee kuma aysan guulaysan intuu qabsoomo shirkii oo miro dhaxal gal ah ay kasoo baxaan, hase yeeshee waxaa la go'aamiyay in ay dib ugu laabtaan labada dhinac meelihii ay kasoo kicitimeen ka yimaadeen waa magalooyinka moqdisho iyo baydhabo oo ah xarunta dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya.

Guntii iyo Gunaanadkii Maqaalnkan waa uu qabsoomi waayay wareegii sedexaad ee shirka khartuum ee lagu balansaaa in ay ku kulmaan Midowga Maxaakiinta Moqdisho iyo Dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya, hadaba waa la filayaa in ay meelihii ay ka yimaadeen usoo hayaami doonaan, marka maxaa laga filan karaa xaalada murugsan ee dalka soomaaliya? iyadoo labada dhinac ay isku Agab iyo hub Aruursanayaan waxaa laga filan karaa maxalada siyaasada ee dalka soomaaliya in uu dhaco dagaal lagu hoobto oo ay iskaga horyimaadaan labada dhinac ee ku loolamaya Siyaasada Dalka Soomaaliya, waa Dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya iyo Midowga maxaakiinta Moqdisho oo wadahaladii wareegii sedexaad uu kaga soo dhamaadey natijo la'aan "Hal bacaad lagu lisey" Allow khayr ka dhig Allow Khayr ka dhig.


W/D. Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo Puntland Somalia.

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2006

Koobiyaynta Dadka (humancloning)  

»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD