Arrimaha
hortaagan hashiiska Maxkamadaha iyo Dawlada KMG
Soomaali badan ayaa
waxa ay raja wayn ka qabeen in ay natiijo fiicani ka soo baxdo shirkii
magaalada Khartuum la filayay in uu ku dhex maro dawlada ku meel gaadhka
ah iyo Maxaakiimta Islaamka. Rajadaasi waa ay burburtay ka dib markii uu
fashilmay shirkaasi kor hor intii aanu bilaabminba. Iminka oo hadaba uu
shirkaasi fashilmay waxa haboon in la is waydiiyo suurtagalnimada
heshiis dhex mara labadan kooxood. Qaybka Ilaah baa og laakiin marka aad
u fiirsato mawaaqifta ay kala joogaan Maxkamadaha iyo dawlada ku meel
gaadhku waxa aad odhan kartaa waa ay adag tahay in la helo heshiis ay
labadaas dhinac isku waafaqi karaan. Maqaalkan waxa aan is kooban isgu
dayi doonaa in aan ku eegno arimaha ugu waaweeyn ee hortaagan in la helo
heshiis midho dhaliya kaas oo dhex mara dawlada KMG iyo Maxkamadaha.
Qaabdhismeedka
dawlada
Dawladii lagu soo
dhisay Kenaya waxa asaas u ahaa nidaamka Qabaliga. Baarlamaanka waxa
lagu soo dhisay habkii loogu magaca daray 4.5’ka. Manaasibta waaweeyn ee
dawlada iyo baarlamaankana waxa lagu qaybsaday nidaamkaas. Dhinaca
hogaanka Maxkamadaha hadalada ka soo yeedhaya waxa laga dhandhan sanayaa
in aanay ku qanacsanayn nidaamka 4.5’ka. Laakiin, kaba soo qaad in ay
Maxkamaduhu aqbalaan nidmaakan 4.5’ka, su’aashu waxa ay tahay ma la isku
waafiqi karaa nasiibka ay qaadanayaan Maxkamaduhu, qoladase DKMG’ka ee
kuraastaas ku fadhiyaa ma ogolaanayaan in ay ka kacaan kuraastaas. Sidoo
kale hadii ay Maxkamaduhu diidaan habkan, su’aasha kale waxa weeye
dawlada KMG ma ogolaan doontaa habka ay Maxkamaduhu rabaan. Xaqiiqdu
waxa weeye in labada dhinac ay aad ugu kala fog yihiin nooca iyo habka
loo marayo dhisida dawlada, taasina waxa ay tahay ahaan doontaana
caqabad markasta hor taagnan heshiis dhex mara labada dhinac.
Dastuurka:
Shareecada Mise….
Maxkamaduhu waxa ay
sheegeen in aanay sina u aqabalin doonin dastuur ay ku jirto faqarado ka
hor iminaya Shareecada Islaamka. Maxkamaduhu waxa ay aaminsanyihiin in
dastuurka dawlada KMG ay hasytaan ay sameeyeen dawlado cadaw u ah
Shareecada Islaamka sidaa darteedna waxa ay leeyihiin waxa ku jira
faqarado badan oo ka hor iminaya diinta Islaamka. Mawqifka maxkamaduhu
waxa weeye in marka hore la isku waafaqo dastuurka lagu dhaqmayo.
Madaxda dawlada KMG maba aaminsana in dastuurkoodu uu yahay mid ka hor
iminaya shareecada Islaamka, sidaa darteed ma aaminsana marxaladan in
baahi loo qabo dustuur cusub oo la sameeyo. Fahamka labada dhinac ee
shareecadu ma aha mid isu dhaw. Sidaa daraadeed hadaanba isku faham laga
ahayn distoorka la doonayo in lagu dhaqmo waa ay adkaanaysaa in shir la
isugu yimaado uu heshiis dhaliyo.
Faragalin shisheeye..
Quwado badan ayaa
shaki wayn ka qaba Maxaakimta waxa ay rabaan. Quwadahaasi waxa ay
taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba siiyaan dawalada ku meelgaadhka
ah. Khatar wayn ayay u dawladahaasi u arkaan in Geeska Afrika laga dhiso
dawlad uu asaaskeedu yahay shareecada Islaamka. Sidaa daraadeed
istaraatiijiyadoodu waxa weeye in ay wiiqaan quwada ay yeelan karaan
Maxkamaduhu. Cida ay adeegsanayaan quwadahaasi marxaladan waxa ay
muuqataa in ay tahay dawlada KMG ah. Sidaa daraadeed waa ay adagtahay in
heshiis la gaadho inta ay jirto faragalintaasi.
Mustaqbalka maxaa la
filayaa
Ilaah baa og
mustaqablka laakiin laba mid uun ayuu arinkani ku dhamaan karaa, in uu
caqligu shaqeeyo oo la isu tanaasulo iyo in dagaal lagu kala baxo.
Sababahaa aan kor ku sheegay waxa ay adkaynayaan in la isu tanaasulo
sidaa darteed waxa hadhay waxa weeye in lagu kala baxo dagaal. Dagaal
in uu xal keeni iyo in kale lama saadaalin karo laakiin waa dariiqa
kaliya ee muuqada in lagu kala baxayo. Waa nasiib daro in dagaalkaasi uu
dhaco, laakiin hadii uu dhaco wxuun baan rajaynaynaa in aanu noqon mid
daba dheeraada oo dhib bada dhaliya.
Mahadsanidin
Siciid Cali
Said.ali.ahmed@gmail.com
Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan