SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


PuntlandGov iyo Qoraalka uu arrintaa ka Diyaariyey SomaliTalk: Akhri Qormadii Puntland Protect Group.. Guji


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Maxaa kahirgalay Joojintii Tahriibta Puntuland  

Axmed Yaasiin Saalax
Tell 002525  721680
a_yaasiin@yahoo.com

Sidaad wada ogsoontihiin Madaxwaynaha dawlad goboleedka puntaland ayaan waxaa uu soo saaray Wareego uu ku mabnuucayo Tahriibta taasoo ahayd mid caadi ka ah deegaanka Puntluland , 

Hadaba Joojinta tahriibka ayaa waxa ay tahay laba qaybood dadka iyagu doonya in  ay tahriibaan oo ay u gudbaan dalalka aanu dariska nahay ee yaman iyo Kuwa iyagu Dadka tahriibiya oo saara doonyo ay leeyihiin  

Hadaba  Suaashu waxay tahay Maxaa ka qabsoomay Wareegtadii Madaxwaynaha uu soo saaray oo xaraantimaynaysay Tahriibka Laga dhoofiyo Gobolka Bari Gaar ahaan Boosaso  

Waxaa la xiri xiray oo Xabsiyada Buuxiyay Soomali katimi Koonfurta Wadanka Soomalia Kuwaas oo lagu xukuma Sadex Bilood Oo xabsi ah kadina waxaa uu maamulku shegay in ay u tarxiili doonaan Koonfurta Somalia oo ay ka yimaadeen Markii Horeba  

Hadaba suaashu waxay tahay Xukunka lagu xukumay  dadkaas somalida ah maxaqbaa mase waa xaqdaro ? 

Qaybta labaad waa itoobiyaan fara badan oo laga  ururiyay deegaanka Puntuland kuwa ka xamaalanayay iyo kuwa doonayay in ay ka tahriibaan xeebaba Gobolka Bari Kuwaaso oo loo tarxiilay dalkoodii hooyo Tirada latarxiilay  ayay maamulku waxay ku sheegeen 2000

Oo itoobiyaan ah Kuwaas oo isugu jira kuwa dalkoodii danbi kagalay oo Nabd ka soo dontay in ay ku noolaadaan oo dib loogu celiyay cadawgii ay ka cararayeen iyo kuwa gaaja kacararayay oo iyaguna dib loo gu celiyay Dalkoodii hooyo , 

Waxaa jiray qaybkaloo itoobiyaan ah oo lagu qabqabtay Deegaanada Punutuland oo iyagu ay udoodeen hayadaha xuquuqaha adamiga ee Kahawlgala Deegaanka Puntuland Kuwaas oo ay isku afgarteen Maamulka iyo Hayaduhu in Xera qoxooti looga dhiso Magaalada Boosaso  

Hadaba waxaa iyagu soo haray dadka iyagu rara Tahriibka oo udhashay deegaanka Gobilka Bari  oo iyagu ah kuwa kagudbiya Bada oo geeya meesha ay rabaan oo ah dalka yaman  dadka latahriiyo ayaa waxa ay sheegaan in doonyahaaas yar yar loogu gaysto dil iyo cadadin  Halka ay Masuuliyiinta doonyaha Beeniyaan arinkaas oo ay sheegaan in iyaga loogu danaynayo oo laga ilaalinayo in ay isku haligaan doonta marka ay istaagaan ama halmeel ay isugu taan si kastaba ha ahaaten Socdaalka Tahriibta ayaa waxa ay tahay mid Dhibadan Taasoo qofkasta oo maray uu kuugu sheegayo mid aan faaida lahayn  

Hadaba Rarayaasha Tahriibka iyo gaadiidka ay wataan ayaa la shegay in iyagana laqaban doono Lana xukumidoono Gaadiidkoodana aylawaregi doonaan Maamulka Puntuland Hadaba Maxaa ka suura galay arinkaas ay sheegeen Maamulka Puntulan ? 

Waxaa dhacday in ay maamulku Maalimihii hore ay  sameeyeen awaamirtii Madadaxwaynaha oo ay qabqabteen kuwii iyagu wax tahriibinayay iyoGaadiidkoodii iyo  kuwa latahriibinayo   

Hadaba Maalma kadib Maxaa dhacay? 

Waxaa dhacday in ay kuwii wax tahriibin jiray oo u dhashay Goboka Bari ay is hubeeyaan oo ay Weerarkuqaadaan saldhigyada Magaalad Boosaso oo ay ka soo furtaan Kuwii kaxirnaa iyo Gaadiidkoodii   Halka ay  Dowlad Goboleedka Puntuland ay u bareeri wayday Dhalin yarada iyagu Waxtahriibiya Kuwaasoo Maalmahan dambe sheegay hadii mardambe ay maamulku weeraraan Goobohooda ay iyaguna isdifaaci doonaan 

Hadaba dhacdooyinkan isdaba jooga ah ayaa Maamulka Puntuland ku sameeyay Jahawarer oo arintii ay isu badashay Qabiil  Taasoo ay ku dhisantahay Dawlad Goboleedka Puntuland Dhacdooyinkan kadib Maxaa dhacay ? 

Waxaa  dhacday in maamulka Puntuland uu Casumo odaasha dhalay wiilasha iyagu wax tahriibiya oo samaystay aagag aan lagalin oo ka caagan Maamulka Puntuland Taasoo ay ku fushadaan Rarida Tahriibta  Aaga ugu wayn oo ah Mareero Ayaa Waxay tahay Meel ka cagan in ay tagaan Maamulka Puntand Mareero ayaa iyadu waxay tahay Xarnta ugu wayn oo laga raro Tahriibta Hadab  Hadaba odayaashii lagu casumay in ay goobahaas wax ka qabtaan iyo Maamulkii Maxaa dhexmaray ? 

1=Dawlada = Waxaan rabnaa wiilahsha aad dhasheen oo weeraraha saldhigyada puntuland in aad wax ka qabtaan ama soo gudbisaan  in iidin wax ka qaban Karin  

2=Dawlada Puntuland =in aad Ciidamada lagu ururinayo Mareero laga soo qaado  

3=Dawlada Puntulaand =in gaadiidka ay ku raraan tahriibta ay u dhiibaan puntuland

Hadaba Jawaabtii odayada Maxay noqotay ? 

1=odoyaasha = Tahriibta la joojinayo rarkeeda yaalaga joojinayaa ? Harti inta ay ka le egyihiin waxay ka soo qaaten kiro gaari laga soo bilaabo gaalkacyo Garoowe Qardho waxaa soomariya ama soo gudbiya Hartiga Qaybihiisa Kala duwan  

Hadaba Boosaso oo ah Xaruntii ugu damaysay ayaa waxaa ka sii gudbiya Dishiishe Hadab ma iyaga kaliya ayay Xaraankatahay in ay ka gudbiyaan Bada ?  

Hadaba imd ogaada hadii aad intaas noogu yeerteen waxaan ka jirnaa dagaal dawlada iyo Dishiishe ah Marka hadii aad utagtaan wiilasha mareero waxaad ogaataan in aad adinku masuul ka tihiin wixii halkaas kadhaca  

Hadaba Mareer waa meel side ah ? 

Waa khoori ay ku soo xirtaan Doonyaha yar yar oo u sahlaysa in ay u soo dhowaadaan xeebta Taasoo waagii hore laga dajin jiray doonayaha keena raashinka dalalka imaaraadka   Hadana waxa laga raraar tahriibta Waxaana ka soo daga Hubka laga keeno Dalka yaman  Taasoo ay waagii hore tagi jireen Ciidamada Punutand iyo shacabka intiisa kale 

Hada Maxay noqotay meel ay isku raacaan in lagu dilo cidkasta oo tagta oo aan shaqo ku lahayn Mareero Taasoo Odayaashu ay u sheegeen Dawlad Goboleedka Hadana Tahbribta Waxaa looga furay Makhaayada yar yar oo ay kahaan waxyaabaha daruuriga ah halkaas oo ay uga sii dhoofaan Dalka yaman  

Axmed Yaasiin Saalax
Tell 002525  721680
a_yaasiin@yahoo.com

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2006

»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD