Isbadalka Dalka Soomaaliya iyo Faalo Gaaban Abu su'ad khadar omar jama
Chicago IL, U.S.A
shareeco30@yahoo.com
Dalka soomaaliya oo ahaa
dal lagumaysto gumaysiga hortiina aan lagu aqoonin hanaan dawladnimo
ayaa halgan gobonimo doon ah dabadii gacanta ugalay siyaasiyiin aan
kutilmaami karo inay ahaayeen sabool(caydh/cayr) ugama jeedo inaanay
haysan bar xoolaad waxayse sabool ka ahaayeen aqoon diineed waxayna ka
qaawanaayeen cadaalad sida kamuuqata habdhaqan kooda siyaasadeed waxay
caadaysteen sadbursi qabiil iyo xatooyo qaran waxay horseedeen in
lawaayo hanwadareedkii iyo himiladii umadeed ee ahayd dal iyo dawlad loo
dhanyahay.
Wakhatigaa aan tilmaamayo wadaadka
soomaaliyeed waxa uu ahaa maxas bulshada dhexdeedana kumuu lahayn kaalin
muuqata oon aan ahayn wixii laxidhiidha guur iyo geer.
Dhamaadkii 1960kii dalka soomaaliya
waxa kabilaabmay baraarug diineed iyo hilaw loo qabo barashada diinta,
waxayna soomaaliya kalamid ahayd arrinkan dunida muslimka oo dhamaan
baraarugani saaqay ama saameeyay. Waxaa uguntaday barashada diinta
xulkii bulshada rag iyo haweenba taas oo wax kabashay aragtidii laga
haystay wadaadka iyo ishii qaloocnayd ee lagu eegi jiray macalin
diyaanaha.
Markii ay dhacday dawladii soomaaliyeed
waxa soo baxay in ay culimada soomaaliyeed kuhawlanyihiin hagitaanka
umada soomaaliyeed iyo hanashada hogaanka siyaasadeed arintaasi waxay
filanwaa kunoqotay ragii afduubka kuhaystay bulshada hormoodkana kahaa
dhibaatada ka aloosan gayiga soomaaliyeed. Waxay istuseen inay dhaxal wareegeen,
waxayna kagaashaanteen arrintaas, waxay adeegsadeen tab iyo xeelad iyo
waxkasta oo usuurtogalay, awood iyo itaalna wuxuu kaga dhamaaday uhabar
wacasho shisheeye guulina mayraacin.
Sida hadaba maanta taagan culimadu waxay
umuuqdaan inay yihiin cidda kaliya ee hanankarta hogaanka siyaasadeed,
sababta oo ah culimadu waxay ahaayeen 15kii sanadood ee lasoo dhaafay
cidda kaliya ee kuhawlanayd aayo katalinta bulshada soomaaliyeed, waxay
kaalinmuuqata ka ciyaareen wax barashada oo ay utabantaabiyeen si ay
kudheehantahay xilkasnimo, Wax barashadaas oo hanoqaaday tiro iyo tayo
ahaanba.
Waxay uhagarbexeen taakulaynta agoonta
iyo bulshada inteeda baahan, waxay kuguulaysteen faafinta wanaaga iyo
ladagaalanka fasaadka, waxa taakuuraaca iyaga oo haba yaraatee wax gaf
ah aan kagalin umada soomaaliyeed.
Culimadu waa ciddakaliya ee dadka
soomaaliyeed unoqonkarta garsoor islamarkaana kacaafimaad qabta
maandooriyaha qabiilka.
Arimahaa aan sootibaaxay oo dhami waxay
kamarag kacayaan inay culimadu yihiin curadka umada soomaaliyeed iyo
cidda mudnaansha koobaad leh marka la eego xilkasnimo.
Waxase iswaydiinleh culimadu
dawladnimada makuhananayaan sidaa fudud maxaase lagudboon? lasoco qaybta
labaad ee faaladan……….
Abu su'ad khadar omar jama
Chicago IL, U.S.A
shareeco30@yahoo.com
Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan