SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 5, 2006
  • Dalka Shiinaha oo laba jibaaraya dhaqaalhii uu siin jirey Qaarada Afrika
  • Abshir Bacadle oo wata qorigiisa iyo Booshkiisa oo gaarey safka hore..
  • Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia oo kulan deg deg ah ku yeelanaya..
  • Dowladda Mareykanka oo hub soo gaarsiisay Dowlada Kenya..
  • Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Baydhabo
  • Cadde Muuse oo amar deg deg ah ku soo rogey Galkacyo..
  • Saadaam Xuseen maanta ma ka badbaadi doonaa Xukun dil
  • Cismaan cilmi boqore: waa sharci darro imaatinka gudoomiyaha baaralamaanku uu ku tegeyo muqdisho.
  • Wafdigii golaha maxaakiimta ee jiray khartoum oo kusoo laabtay muqdisho
  • Markab lagu afduubtay magaalada muqdisho meel u jirta 90km ee dhanka xeebta cadale
  • GUDDOOMIYAHA BAAR-LAMAANKA OO U...
  • XUSEEN CAYDIID OO ARIMO XAASAASI AH....

he Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) opens at the Great Hall of the People in Beijing, capital of China, on Nov. 4, 2006.

Ka bilow kor bidix: Madaxweynaha Soomaaliya  Abdullahi Yusuf Ahmed; Madaxweynaha Madagascar, Marc Ravalomanana iyo madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki.
Hoos bidix: Ra'iisul wasaaraha Ethiopia  Meles Zenawi, madaxweynaha Chinese President Hu Jintao. Sawirka: AP, Nov 4, 2006, Beijing, China

Dalka Shiinaha oo laba jibaaraya dhaqaalhii uu siin jirey Qaarada Afrika

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623

  • DOWLADDA SHIINAHA OO SHEEGTAY INAY....

Dalka Shiinaha ayaa sheegay in uu laba Jibaarayo Deeqihii uu siin Jiray dalalka ku yaala Qaarada Afrika iyadoo deeqdaasi kor loogu qaadayo ilaa shan Bilyan oo Doolarka Mareykanka ah, iyadoo Sadexda sano ee soo socotana la siin doono lacagtaas oo si deyn ah loo siin doono.

Hadalkan ayaa waxaa uu ka jeediyey Madaxweynaha Shiinaha Huo Jintao isaga oo furey shir shiinaha oga furmay 50 dawladood oo Afrikaan ah iyo dalka Shiinaha, shirkan oo logu magac daray FOCAC (Forum on China-Africa Cooperation).

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arimaha Ganacsiga ee u dhaxeeya dalka Shiinaha iyo Africa, iyadoo walaac laga muujiyey isu imaanshaha Tirada intaas le'eg ee dalalka Africa iyo dalka shiinaha oo lagu micneeyey in uu yahay mid uu shiinaha ka leeyahay dano shisheeye oo ay ugu horeyso kuwo siyaasadeed.

Dalalka Qaarada Afrika ayaa soo dhaweeyey Xirrirka Cusub ee ay la yeesheen wadanka Shiinaha oo khuseeya dhinaca Ganacsiga .

Xukuumada Beijing ayaa iyadu dhinaceeda waxaa ay sheegtay in kulankaan uu yahay mid Ganacsi, hase yeeshee uusan ahayn mid Siyaasad lagu lafa gurayo.


Safka dambe: Bidix: Madaxweynaha DFKMG
Safka hore: Bidix: Ra'iisul wasaaraha Itoobiya


Abshir Bacadle oo wata qorigiisa iyo Booshkiisa oo gaarey safka hore..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

RAMADAN INTERNET CENTER BOOSAASO.

Bishaaro Bishaaro Bishaaro.

Waxaa uu Maamulka Ramadan Internet Cafe Bososo ugu Bishaareynayaa Macaamiishiisa sharafta qiima iyo qaayaha mudan in Ramadan Internet uu kuula diyaar yahay Internet (High Speed) ah oo aad u Quality sareeya oo ku qancin doona iyo waliba meel qabow oo aan sawaxan lahayn oo aad ku isticmaalayso Internet High Speed ah.

Ramadan Internet Center waxa uu ku yaalaa Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Magaalada Takada leh Ee Boosaaso oo ah Xurunta Gobolka Bari, hadii aan kuu sii tilmaamo waxa uu ku yaal wadada soo aada suuqa weyn ee laamiga ka timaada hormartana Shirkada Isgaarsiinta ee Netco waxa uuna ku dhagan yahay Xawaalada Amal Express Boosaaso.

Wixii Faah Faahin ah oo Intaas dheer Fadlan kala xiriir Maamulka Ramadan Internet Center Boosaaso Taleefoonadooda oo kala ah Sidan.

Tel 002525 794002,2525 727441,2525 824140.

E- Mail Ramadaninternet@hotmail.com
Bososo Puntland Somalia.

Abwaan Abshir Nuur Faarax ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho markii uu gaaay wajiga hore ee halka ay isku hor fadhiyaan Maxaakiimta iyo Ciidamada Itoobiya, isagoo ka hadla safarkiisana waxa uu yiri “hadafkeygu dagaal ma aheyn, ee wuxuu ahaa sidii aan niyadda ugu soo dhisi lahaa ciidamada ku sugan safka hore”, waxa uuna intaa sii raaciyey, “Ciidamada ku sugan safka hore waxay ahaayeen kuwo u fadhiya rac rac, qola kastana guubaabo ayaan siinayey, wax i farax geliya mooyee wax kale ma arag, niyadoodu aad bay u sareysay, waxaana ciidamadaasi ku jira safka hore maalin walba booqda dad aad u fara badan waxaa is dib dhaafaya Gawaari kuwaas oo sida alaabo lagu dhiiragelinayo ciidamada”.

Abshir Bacadle oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Dhallinyarada ku jirta safka hore waxa uu afkoodu u badnaa Shariifku maa mar un na fasaxo si qaarkeen Janada uga quraacano inta kalana ay Baydhabo gacanta ugu dhigto”, waxa uu intaa ku daray “Dhallinyarada safka hore ku jirta nin xiiso u qaba Xamar ma jiro ee waxay u ekaayeen niman dalkooda iyo dadkooda la haysto oo doonaya inay ka xoreeyaan”.

Abshir Bacadle wuxuu sidoo kale sheegay in dhallinyaradaasi ku sheekeysana-yeen guulihii Islaamku gaaray gaar ahaan dagaalkii Beder, iyo Tobankii Asxaabi ee janada loogu bishaareeyey, sidoo kale, Abshir Bacadle waxa uu sheegay inuu uga sheekeeyey dhallinyaradaasi halgankii Axmed Gurey, Sayid Max’ed Cabdule Xasan, Sheekh Bashiir iyo Aasaasayaashii SYL.

Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia oo kulan deg deg ah ku yeelanaya..

Waxaa la filayaa in todobaadkaan gudihiisa magaalada Adis-Ababa kulan deg deg ah isugu imaan doonaan wadamada Kenya, Itoobiya iyo Yugaandha, waxaana kulankaasi looga hadli doonaan sidii saddexda wadan ciidamo deg deg ah ugu diri lahaayeen Dowladda Federaalka bartamaha bishan.

Dowladahan ayaa iyagu horey u ballanqaaday inay Dowladda Federaalka u soo diri doonaan ciidamo nabad ilaalin ah ayaa haddana waxaa si weyn arrintaasi uga soo horjeeda Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay inay goob kasta kula dagaalami doonaan. Barnaamujka keenista ciidamada Shisheeye waxaa wata Dowladda Itoobiya oo iyadu horey ciidamo u keentay Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda Federaalka, iyadoo Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya uu horey u sheegay in dowladda Itoobiya ay ka go’an tahay inay difaacdo Dowladda Federaalka, kulankaan ayaa Dowladahani waxay ku kala qaybsan doonaan goobaha ciidamadooda la geyn doono ee gobalada Dalka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Itoobiya loo xilsaaray inay Ciidamadeeda ay degaan gobalka Bay, Gobalada Dhexe iyo deegaano ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland.

Sidoo kale ciidamada Kenya iyo Yugaandha ayaa iyana ku soo wajahan gobalada Jubbooyinka, waxa uuna haatan dhaqdhaqaaq xoogan ka socdaa deegaano ka tirsan W/bari Kenya ee ay Soomaalidu degto, waxaana maalmahan lagu soo gurayey deegaanadaasi ciidamo keenyaan ah iyo kuwo Yugaandheys ah waxaana la sheegay in taakuleyn ugu xoogan ay ka helayaan Dowladda Mareykanka, iyadoo ciidamo aan sidaasi u badneyn oo Mareykan ah ay haatan ku sugan yihiin deegaano ka tirsan W/Bari Kenya. Warku waxa uu intaa ku darayaa in dadweynaha ku nool gobaladaasi ay aad uga soo horjeedaan in Soomaaliya looga duulo deegaanadooda.

Dowladda Mareykanka oo hub soo gaarsiisay Dowlada Kenya..

Warar ka imanaya Kenya ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Mareykanka ay hub soo gaarsiisay Ciidamada wadanka Kenya, hubkaas oo xoogiisa laga dejiyay gobalada W/Bari ee Dalka Kenya. Dowladda Mareykanka ilaa iyo haatan lama oga sababaha ay hubkaasi u gaysay Kenya, balse warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Mareykanka ay ugu talagashay sidii loola dagaalami lahaa waxa loogu yeeray kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay soo gaarsiisay Dowladda Kenya doomaha dheereeyaa si loola dagaalamo kooxaha Burcadda ah iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya horey ayey u beenisay in ay duulaan ku tahay dalka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd, hase yeehsee waxaa arrintaani wax kama jiraan ku tilmaamay Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in Dowladda Kenya ay noqotay dowlad u adeegeysa caddowga Soomaali-yeed ee Itoobiya.

Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Baydhabo

Shalay maqribnimadii ayaa gaari Tikniko ah oo ay leedahay Dowladda Federaalka oo marayey duleedka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo weeraray kooxo hubeysan waxayna rasaas la beegsadeen Gaarigii Tiknikada ahaa, waxaana iska hor imaadkaas ku dhintay saddex qofood oo labada dhinac ah. Kooxdii falka gaysatay ayaa baxsaday, iyadoo nin u hadlay Ciidanka Booliiska ee Dowladda Federaalka uu sheegay inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay falkaasi, waxaana xalay magaalada ka jiray cabis xoogan iyadoo ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ay bilaabeen feejignaan xoog leh.

Cadde Muuse oo amar deg deg ah ku soo rogey Magaaladda..

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa amar deg deg ah ku soo rogay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, kaddib markii halkaasi looga dhawaaqay maxkamad Islaami ah oo ay yeelatay beel ka mid ah Beelaha dega gobalada Puntland.

Cadde Muuse oo shalay kulan la yeeshay Odoyaasha iyo Waxgaradka gobalka Mudug, ayaa waxa uu sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin in deegaanadooda lagu soo duulo iyadoo la huwan yahay magac Diimeed, isagoo sheegay in wixii maanta ka dambeeya gobalka Mudug lagu soo rogay amar deg deg ah kaas oo soconaya saddexda habeenimo ilaa labo iyo tobalka subaxnimo.

Mar uu ka hadlayey is haysadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta ayaa waxa uu sheegay in C/llaahi Yuusuf lagu colaadinayo beesha uu ka soo jeedo, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay iska difaaci doonto kooxahaasi.

Saadaam Xuseen maanta ma ka badbaadi doonaa Xukun dil

Sarkaal u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in maanta la xukumi doono Saadaam Xuseen, isagoo sheegay in lagu xukumi doono dil kaddib markii lagu eedeeyey in uu dilay 140 qofood oo la sheegay in uu ku dilay deegaanka Dujeyl.

Waxaa heegan buuxa la geliyey ciidamada wadanka Ciraaq iyo kuwa Mareykanka, iyado jidadka la soo dhoobay ciidamo aad u xoogan, hase yeeshee waxaa socda qaraxyada iyo weerarada lagu hayo ciidamadaasi oo ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda duulaankii lagu soo qaaday wadanka Ciraaq.

Waxaa la yaab leh in Saadaam lagu haysto 140 qofood, hase yeeshee Mareykanka imisa ayuu ku dilay dalka Ciraaq, waxaa la sheegay in ay kor u dhaafeyso kumanaan kun oo qofood, kuwaas oo ay ku jiraan qoysas la waayey kaddib markii ay ku habsadeen madaafiicdii ay ciidamada Mareykanku ridayeen.

Dib u raac wixii ka dhacay Faluuja, Bacquuba, Ramaadi, waxaa la sheegay in halkaasi ay ka dhaceen xasuuqyadii ugu ba’naa dunida.

Mar la wareystay Saadaam Xuseen waxa uu sheegay in uusan halganku istaagi doonin xitaa haddii la dilo, waxa uuna u soo jeediyay dadka reer Ciraaq in ay dagaalamaan inta ay dalkooda ka xoreynayaan caddowga ku soo duulay.

Saadaax Xuseen ayaa waxaa lala xukumi doonaan todobo qofood oo ay dhamaantood yihiin dad si aad ah isugu dhow, waxaa ku jira nin ay isku Hooyo yihiin, sidoo kale waxaa ku jira rag ay ilmo habreed yihiin. Dadweynaha Ciraaq ayaa dhegta u taagaya xukunka maanta lagu ridayo Saadaax Xuseen, waxayna dadkii qaarkii sheegeen in uusan kuleyl iyo qabow midna ku hayn dilkiisa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Cismaan cilmi boqore: waa sharci darro imaatinka gudoomiyaha baaralamaanku uu ku tegeyo muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916

Gudoomiyekuxigeenka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Md Cusmaan Cilmi Boqore ayaa Sharcidaro ku tilmaamay socdaalka uu Gudoomiyaha Baarlamaanka shariif Xasan Barito ku imaan doono Magaalada Muqdisho isagoo cadeeyey inaanu kawar qabin Go'aankaasi, Baarlamaankuna uu ka shiri doono, Go’aankoodana ay soo saari doonaan, waana dhamaatay wakhtigii Fowdada.

Mr Boqore oo Saxaafada uwaramay ayaa muujiyey sida uu uga walaacsan yahay go'aan qaadashada shaqsiga ah ee uu ku dhawaaqay Shariifka isagoo soo Qaatay qodobo ku jira axdiga KMG ah oo aan aqbaleynin in Shaqsi baarlamaanka katirsan aanu Go'aan kaligiis qaadan karin taasoo uu sheegay iney isla arki doonaan Xildhibaanada, sidoo kale madaxa warfaafinta Maxkamadaha C/raxiim Cali Muudey ayaa isna Xamar ka sheegay iney gogol udhigeen Xukuumada Federaalka, cidii dhinacooda u soo fakatana ay soo dhawaynayaan.

''anigu warbaahinada ayaan kamaqlay macaadalaahiye warka Gudoomiyaha uu ku sheegayo inuu Muqdisho tegi doono Maalinta Axada ah taasina waxa uu sharcigu kaqabo maaha waanuna wada arki doonaa Mudanayaasha ayaana kawada shiri doona''ayuu yidhi Cusmaan cilmi boqore oo hada ah Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo intaasi raaciyey marar badan ayuusan Shariifku nala tashanin waxuuna u muuqdaa mid keligiis tashada balse u jooinmayno ayuu isagoo ka xun carabka ku adkeeyey.

Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si kadis ah Magaalada nairobi kaga dhawaaqay inuu qorsheynayo socdaal uu ku aado magaalada Muqdisho si uu ula hadlo Madaxda maxaakiimta isagoo sheegay inay dfkmg ahi tahay mid dib u heshiisiineed oo aysan qasab ku ahayn in cidi ogaato.

Markab lagu afduubtay magaalada muqdisho meel u jirta 90km ee dhanka xeebta cadale

Koox budhcad badeed ah oo toddobaadkan gudahiisa ku afduubatay markab xamuul xeebta degmada cadale oo muqdisho u jirta inka yar 95km ayaa waxay dalbadeen lacag madax furasho oo gaadheysa hal milyan oo doolar si ay u sii daayaan markabka iyo 14 shaqaale oo saaran, waa sida uu maanta sheegay sarkaal xagga badaha ah oo u dhashay waddanka Kenya.

Andrew Mwangura oo xubin ka ah barnaamijka kaalmeynta badmaaxayaasha oo ku sugan magaaladda Mombasa ee dalka Kiinya ayaa sheegay in uu socdo wadaxaajood la doonayo in lagu sii daayo markabka ay kooxdan budhcad badeeda ay heystaan oo la yiraahdo MV Veesham1 oo ah markab xamuul oo ka diiwaan gashan dalka Imaaraadka Carabta waxayna koox budhcad badeed ah ay markabkani afduubteen maalintii Khamiista ee toddobaadka aynu soo dhaafnay meel xaga xeebta kaga beegan degmada cadale ee gobolka sh/dhexe.

"Dableyda Soomaalida waxay dalbadeen hal milyan oo doolar oo ay ku deynayaan MV Veesham 1 iyo shaqaalaha saaran," ayuu yidhi Andrew Mwangura isaga oo intaasi sii raaciyay in shaqaalaha markabka saaran in ay isugu jiraan afar u dhalatay dalka Hindiya, afar u dhalatay dalka Sri Lanka, labo Pakistaani ah, labo Itoobiyaan ah iyo mid u dhashay dalka Eretria.

Andrew Mwangura waxuu intaasi uu sii raaciyay in wada xaajoodka socda uu u dhaxeeyo budhcad badeeda markabka heysata iyo ganacsadaha uu u kireysnaa markabka.

MV Veesham oo culeyskiisa uu dhan yahay 2,285-tonne ayaa u kireysnaa in uu dhuxul ka qaado Soomaaliya oo uu geeyo magaaladda Dubai waxaana lagu afduubtay meel ku aadan xeebta magaaladda Cadale oo sagaashan iyo shan kilo mitir waqooyi bari kaga aadan magaaladda Muqdishu waxuuna afduubkiisa uu dhacay ka dib markii uu ka tegay dekeda xeebta ah ee Ceel Macaan.

Si kastaba ha ahaatee afduubka markabkaan ayaa kusoo beegmaya xili ay golaha maxaakiimta islaamiga ahi ay gacanta ku hayaan xeebaha ku dhereran magaalada muqdisho ilaa dhanka sh/dhexe iyo magaalada kismaanyo ,sidoo kale Afduubka markabkan ayaa dhaliyay cabsi ah in biyaha Soomaaliya ay mar kale ku soo korodhay .

Wafdigii golaha maxaakiimta ee jiray khartoum oo kusoo laabtay muqdisho

Wafdigii golaha maxaakiimta uga qayb gelay shirkii khartoum ee burburay ayaa galabta kusoo laabtay magaalada muqdisho ,waxaana halkaas kusoo dhoweeyey masuuliyiinta golaha maxaakiimta iyo shacabka magaalada muqdisho ku nool qaar ka tirsan

Wafdigan ayaa ka koobnaa 16 xubnood oo uu horkacayo madaxa waaxda arimaha dibadda ee golaha maxkamadaha islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddoow oo soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa ka war bixiyay safarkii ay ku tageen magaalada Khartoum oo uu sheegay in uu fashilmay qabsoomida wareega 3aad ee wada hadalada dowladda FKMG iyo golaha maxkamadaha islaamka .

Sidoo kale Waxa uu sheegay in xalka Somalia uu ku jiro mugdi loona aanaynayo dalalka Ethiopia iyo Kenya oo aanu uga digayno inay faraha kala baxaan arimaha Somalia, isagoo ku eedeeyay dowladda Somalia in ay diiday xitaa 15 maalmood oo dib loo dhigay kulanka.

" Waa naga go'an tahay inaanu sii wadno wada xaajoodka si xal looga gaadho arimaha Somalia, laakiin waa in IGAD laga saaraa meesha" ayuu yidhi Prof. Ibraahim caddow oo sheegay in IGAD ay iska wataan dowlado gaar ah oo Ethiopia ay ku jirto.

Sidoo kale Prof. Ibraahim Caddow ayaa soo hadal qaaday digniinihii ka soo yeedhay Mareykanka oo uu ku wargalinayay muwaadiniintiisa in ay ka feejignaadaan weeraro argagixiso oo ka yimaada dhanka Somalia, iyadoo Prof,.Caddow uu arinkaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan.

" gobolka waxaa falal argagixiso ka wada Males Zenawi" ayuu si cadho xoogani ka muuqato u yidhi mr.Caddow oo la hadalayey saxaafada .

Si kastaba ha ahaatee Imaatinka wafuudaan ayaa ku soo beegmay xilli Maxkamadaha islaamka ay ku baaqeen gogol nabadeed oo lagu qabanayo magaalada muqdisho taasoo ay u gacan haatinayaan cid kasta oo kusoo raacda qaab siyaasadeed ,sidoo kalena uu gudoomiyaha baarlamaanku kusoo jeedo maalinta berito ah magaalada muqdisho .

Barre Hiraale oo Fashilay Qorshe maxkamad cusub oo laga furi lahaa baardheere .

Wasiirka gaashaandhiga dfkmg ah barre hiiraale ayaa fashilyey Qorshe ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ka wadeen Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada baardheere kadib markii Maleeshiyo daacad u ah Barre Hiraale ay is hor istaageen Maxkamad Islaamiga ah oo laga furi lahaa Magaalada Baardheere.

3 nin oo xidhiidh la leh maxakamadaha islaamiga magaalada muqdisho oo wadadaado ah ayaa la dhaawacay kuwa kalena waa la soo qabqabtay kadib markii ay isku dayeen in Magaalada Baardheere ka furan maxkamad Islaami ah oo hoos tagta Golaha Maxkiimta Islaamka ee muqdisho .

Maleeshiyada Barre Hiraale oo ku xoog badan Gobolka Gedo ayaa diiday in wax dhaqdhaqaaq ka fuliyaan Gobolkaas Maxkamadaha Islaamiga, waxaana hoos loo dhigay dhaqdhaqaaqa kooxaha Wadaadada ah ee ku xidhan Maxkamadaha Islaamiga.

Dadka dhaawaca uu soo gaadhay ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka shirkadda Hormuud Aadan jaamac (Aadan Jeegeeye.), iyadoo dadkii dhaawacmay la dhigay isbitalka magaalada baardheere oo xilligaan aanu wax adeegyo caafimaad ah ka jirin

Si kastaba ha ahaatee barre hiiraale oo ay golaha maxaakiimta islaamiga ahi kaga xoog roonaadeen gobolada jubooyinka ayaa dhaqdhaqaaqyo uu ku xakamaynayo siyaasada wadaadada ku xidhan maxaakiimta ka bilaabay gobolada gedo .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916


GUDDOOMIYAHA BAAR-LAMAANKA OO U...

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623


Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar kala duwan oo ku saab-sanaa imaanshaha magaalada Muqdisho guddoomiyaha baar-lamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa haatan waxaa maanta si weyn magaalada Muqdisho loogu soo dhowey-nayaa guddoomiyaha baarlam-aanka Shariif Xasan oo isagu maalmahan ku sugnaa magaa-lada Nairobi ee dalka Kenya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Maanta hotelka Grand Regency oo uu ka degganaa magaalada Nairobi qado sharaf ugu sameeyay xubno xildhibaano ah oo gaaraya oo 40 xubnood ayaa daboolka ka qaaday inuu haatan u istaagay sidii uu wax uga qaban lahaa dhex-dhexaadinta dowladda Federalka Soomaa-liya iyo Maxkamadaha Islaamiga oo kulan dhowaan ay ku yee-sheen magaalada Khartoum ee dalka Suudaan uu fashil ku dhamaaday.

"Dowladdu waa dowlad dib u heshiisiineed, waxaana u istaagay inaan wax ka qabto intii tabarteyda ah xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya si aan dhiig dambe ugu qaadan, haddii aan ku guuleysan waayana ceeb ma ahan waana isaga harayaa" ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna intaasi raaciyay "Wax alla wixii aan awoodi karo inaan qabto ayaa waajib igu ah, waayo ayuu yiri "Baydhabo inaan joogno oo ciidamo ajnabi ah nagu ilaali-yaan wax micno ah ma samey-neyso, dowladduna inaysan dhinac u dhaqaaqin oo ay Baydhabo ku lugaduubnaato xal Soomaaliyeed kuma jiro" ayuu sii raaciyay hadalkiisa Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariifku waxa uu yiri "Ciddii iga aqbasho iyo ciddii aan iga aqbalinba waxaan diyaar u ahay anigoo ka duulaya in dowladdu ay tahay dowlad dib u heshiis-iineed inaan wax ka qabto arrimaha dib u heshiisiinta, waana taas waajibaadka na saaran ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta si weyn loogu soo dhoweynayo magaalada Muqdisho.

Soo dhoweynta Shariifka ayaa Maanta waxaa loo saaray guddi xildhibaano ah oo ka kooban 15 xubnood kulan ay ku yeesheen dhowr xildhibaan oo ku sugan Muqdisho hotelka Ambasador iyo magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa mudanayaasha Baarlamanka Somalia waxa ay ka soo saareen 4 xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Xasan Dhimbil warsame, Cali C/laahi Cosoble, Cabdi Xaashi C/laahi iyo waliba Cabdi wali Sheekh Muuddeey.

Xildhibaan Shariif Saalax oo shir Guddoominayay kulankii Maanta ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay in xubnahooda ku sugan magaalada Muqdisho ay gaarayaan ilaa 45 mudane, iyagoo xusay in wax weyn ay ka badali doonaan ismariwaaga ka dhex aloolsan dowladda iyo Maxkamadaha haddii Gudoom-iyaha baarlamaanka uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa sidoo kale waxaa gaashaanka ku dhuftay xildh-ibaanada kala ah: guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre iyo xildhibaano kale oo sheegay in howsha Shariifku uu ka wado magaalada Muqdisho ay tahay mid isaga u gaar ah.

XUSEEN CAYDIID OO ARIMO XAASAASI AH....

Dowladda Federalka somalia ayaa sheegtay inay hayaan cadeymo muujinaya inay Kooxo dagaal yahano Carab iyo Shis-heeye ah oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Muslimiinta Maraykanka ay taageerayaan Maxaakiimta, isla markaana ay qeyb ka yihiin Deggenaansho la'aanta ka jirta dalka Somalia

Ku xigeenka Ra'isul wasaaraha dowladda Federalka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Eng. Xuseen Max'ed Caydiid, ayaa sheegay inay Dowladdiisu hayso Macluumaad iyo cadeymo muujinaya inay Kooxo Dagaalyahanno Carab ah iyo kuwo Ajnabi ah oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan Muslimiinta dalka Maraykanka inay la safan yihiin dhinaca Maxaakiimta, waa sida uu hadalka u yiri.

Eng. Xuseen Caydiid waxaa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo Maanta lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa Magaa-lada London, wuxuuna tilmaa-may in Joogitaanka dagaal yahanadaasi Ajnabiga ah ay u sabab tahay Mushaakilka amaan xumidda ee ka jira dalka Somalia iyo dalalka ku hareeraysan Geeska Afrika.

Mar wax laga weydiiyey inuu faah faahiyo Kooxaha dagaal yahannadda shisheeyaha dalalka ay u kala dhasheen, waxa uu sheegay inay ka kala yimaadeen dhowr Dal oo Carab iyo Islaam ah, oo ay ka mid yihjiin Masar, Sacuudiga, Yeman, Pakistan, Afganistan. Indonesia iyo qaar ka tirsan Muslimiinta Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu Carrabka ku dhuftay inay doonayaan inay arrintaasi ka galaan Wada xaajood, in-kastoo uu ka gaabsaday inuu sii faahfaahiyo cidda ay Wada-xaajoodka kala galayaan iyo dhinacyadda ay la kaashan doonaan.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya Eedeymaha ay Mas'uuliyiinta dowladda Feder-alka ku sheegaan inay Dagaal yahanno Shisheeye ah ay taageeraan Maxaakiimta, iyadoo ay Madaxda Maxaakiimta gaa-shaanka ku dhufteen eedeym-ahaasi, kuna casuumeen Khub-uro Caalamka ka socday inay kormeer baaritaan ah ku yimaadaan goobaha ay Maxkamaduhu ka taliyaan, si ay u ogaadaaan waxa ka jira inay dagaal yahanno shisheeya ah la safaan yihiin Ciiddamadda Maxkamadaha.

Mar wax laga weydiiyey inay Madaxweynaha dowladda feder-alka C/laahi Yuusuf iyo Mas'uul-iyiin sarsare ee dowladda Federalka ka wada hayaamay-aan Magaalladda Baydhabo oo ay Ciiddamadda Maxkamadaha ku soo wajahan yihiin, wuxuu sheegay inuusan haba yaraatee jirin qorshe ay Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowladda kaga hayaamayaan Xaruntooda KMG Somalia ee Baydhabo, xitaa haddii ay Ciiddamadda Maxkamadaha soo weeraraan.

Eng. Xuseen Caydiid ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu Madaxwe-ynaha dowladda Federalka gaashaanka ku dhuftay Hindise loogu soo jeediyey in Xaruunta dowladda Federalka laga wareejiyo Baydhabo, lana geeyo Degaan kale oo aad u Nabdoon, gaar ahaan Magaaladda Muqdi-sho ama Gaalkacayo, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inuu isagu noqon doono qofka ugu dambeeya ee ku sii hari doono Magaalladda Baydhabo haddii la soo weeraro.

Ra'isul wasaare ku xigeenka dowladda Federalka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federalka Somalia, Eng. Xuseen Max'ed Caydiid, waxaa kaloo wax laga weydiiyey waxa ka jira inay Dowladaha Kenya iyo Itoobiya soo dirayaan ciidamo difaaca Magaaladda Baydhabo, wuxuuna sheegay inay labadaasi Dowladood diyaar u yihiin inay ciidamo soo diraan, si ay u difaacaan Masla-xada ay ku leeyihiin dalka Somalia, waxayse ciidamadaasi ku koobnaan doonaan ilaalinta Xuduudka dheer ee ay la wadaagaan dalka Somalia.

Eng. Xuseen Caydiid waxaa kaloo wax laga weydiiyey aragtida uu ka qabo Gudoomi-yaha Gudiga Shuurada ee Maxaakiimta Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo inuu yahay Hoggamaiye Nabadeed, waxa uu yiri: "Waxaad og tahay in Sh. Xasan Daahir Aweys waalid iiga yahay dhinaca Hooyadda, isla markaana ay Walaalo yihiin Xaaska aan qabo, waa Sarkaal hore iyo Nin hawl kar ah, Waxaan rumeysnahay inuu Nabadda nala xaqiijin karo".

BAARDHEERE RABSHADO GACAN KA DHALIYAY OO KA

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay rabshado ay dad ku dhaawacmeen, iyadoo bandow lagu soo rogay magaaladaasi, isgaarsiintiina ay jareen malee-
shiyada Barre Hiiraale.

Bandow waqtiga la qaadayo aan la cayimin ayaa lagu soo rogay degmada Baardheere ka dib markii rabshado sababay dhaawacyo ay ka dhaceen gudaha magaalada, taasoo ugu dambeyntii keentay in goobaha ganacsiga iyo isgaarsiinta la xiro, isla markaana dadweynaha magaalada ay la soo daristo cabsi xoogan.

Bandowga magaalada oo si rasmi ah u hirgalay ayaa ahaa amar ka soo baxay wasiirka G/dhigga dowladda Somalia.

Seddax ruux oo labo ka mid ah xaaladooda ay aad u liidato ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen is rasaaseyn ka dhac-day xarunta shirkadda isgaa-rsiinta hormuud, iyadoo israsaa-seyntaasi ay u dhaxeysay ilaalada shirkadda Hormuud iyo kuwa wasiirka Gaashaandhigga.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka shirkadda Hormuud Aadan jaamaca (Aadan Jeeg-eeye), iyadoo dadkii dhaawac-may la dhigay isbitalka magaal-ada baardheere oo xilligaan aan wax adeeg caafimaad ah ka jirin.

Rabshadahaan ayaa daba joogay kulan qado ah oo la filayay in ay yeeshaan golaha odayaasha degmada Baar-dheere iyo qaar ka mid ah culuma'udiinka oo waxyar ka dib ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo uu wato Col. Fartaag oo rasaas ku kala eryay dadkii goobta isugu yimid.

Col. fartaag oo waxyar ka dib la hadlay Idaacad k ahadasha Muqdisho ayaa ku eedeeyay culuma'udiinka kulanka la lahaa odayaasha degmada Baardheere in ujeedadooda ay aheyd sidii ciidamada Maxkamadaha islaamka loogu soo dhaweyn lahaa degmada Baardheere, mana aqbali doono arinkaasi, waxaa-na ka qaadi doonaa talaabo cid kastoo sidaa sameysa.


Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2006

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Mareykanka oo dharbaaxo ku dhiftay wadamada Kenya iyo Itoobiya…
»Guddoomiye Shariif Xasan oo ku soo fool leh Muqdisho
»Kala qaybsanaan xoog leh oo soo kala dhex DFKMG
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo ku raad jooga..
»Magaalada Baydhabo oo ay ka bilaabatay sidii..
»Amal Bank oo furatay xarun caalami ah..
»shir ay Nairobi ku yeesheen Beesha Harti iyo Meheri.
»Xaflad lagu taageeray maxkamada Beesha Jareerweyn
»UK: Xafladda Soo bandhigidda Waxqabadka Danwadaag
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 4


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD