Beesha Reer Khalaf ee
Cumar Maxamuud oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay Waqooyiga Gaalkacyo
Nov 4, 2006 |
Galkacyo, Soomaaliya
Taariikhdu markay
ahayd 03/11/06 ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa shir u fariistay dadweyne
gaaraya 150 qof oo ka socda beesha reer Khalaf ee Cumar Maxamuud.
Dadkaasi waxay lahaayeen culumaa’udiin, aqoonyahanno kale, odayaal iyo
dhallinyaro badan oo beeshaas ah, waxayna ka soo saareen war-murtiyeed
ay ku taageerayaan maxkamaddii Badbaado ee ay furteen walaalahooda
Maxamed Cumar ee isla Cumar Maxamuud.
War-murtiyeedkaas
waxaa shaaciyey saxaafadda magaalada Gaalkacyo ooy ku jiraan idaacadaha
magaaladaas. Sidoo kale waxaa arrintaas qiray Axmed Muuse Nuur oo ah
afhayeenkii maxkamadda Badbaado sheegayna iney soo gaartay warqad
taageero ah ooy walaalahooda reer Khalaf soo gaarsiiyeen.
Dadweynahaas reer
Khalaf waxay sheegeen inay xaq tahay in Puntland lagu xukumo shareecada
Islaamka waxayna caddeeyeen iney taageero hiil iyo hooba la
garabtaaganyihiin walaalahoodaas furtay maxkamaddaas. Waxay kaloo
sheegeen dadkaas ka socda reer Khalaf iney sida ugu dhaqsiyaha badan u
furandoonaan maxkamad Islaami ah haddii Ilaah idmo.
Shirkaas wuxuu si
xalaal ah oo cad uga dhacay magaalada Gaalkacyo iyadooy Gaalkacyo
joogaan madaxda u sarreysa ee Puntland. Dadkii shirkaas ka soo qeybgalay
ayaa sheegay inaan reer Khalaf sida qolooyinka kale ee Soomaaliyeedba
aysan 100% u dhammeyn in la taageero maxkamaddaas ama la furto maxkamado
laakiin waxay sheegeen in beesha inteeda badan ay qabaan in wax lala
qabsado Midowga Maxkamadaha.
Waxaa dadweynihii
reer Khalaf u soo jeediyeen qolooyinka kale ee Puntland dega inay
iyaguna sidoo kale furtaan maxkamado.
Waxaa warkan
SomaliTalk.com soo gaarsiiyey:
C/waaxid Khaliif, email:
cabdulwaxid@hotmail.com
XUSEEN CAYDIID OO ARIMO XAASAASI AH....
Dowladda Federalka somalia ayaa sheegtay inay hayaan cadeymo muujinaya
inay Kooxo dagaal yahano Carab iyo Shis-heeye ah oo ay ka mid yihiin
xubno ka tirsan Muslimiinta Maraykanka ay taageerayaan Maxaakiimta, isla
markaana ay qeyb ka yihiin Deggenaansho la'aanta ka jirta dalka Somalia
Ku xigeenka Ra'isul wasaaraha dowladda Federalka, ahna Wasiirka Arrimaha
Gudaha, Eng. Xuseen Max'ed Caydiid, ayaa sheegay inay Dowladdiisu hayso
Macluumaad iyo cadeymo muujinaya inay Kooxo Dagaalyahanno Carab ah iyo
kuwo Ajnabi ah oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan Muslimiinta dalka
Maraykanka inay la safan yihiin dhinaca Maxaakiimta, waa sida uu hadalka
u yiri.
Eng. Xuseen Caydiid waxaa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo
Maanta lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa
Magaa-lada London, wuxuuna tilmaa-may in Joogitaanka dagaal yahanadaasi
Ajnabiga ah ay u sabab tahay Mushaakilka amaan xumidda ee ka jira dalka
Somalia iyo dalalka ku hareeraysan Geeska Afrika.
Mar wax laga weydiiyey inuu faah faahiyo Kooxaha dagaal yahannadda
shisheeyaha dalalka ay u kala dhasheen, waxa uu sheegay inay ka kala
yimaadeen dhowr Dal oo Carab iyo Islaam ah, oo ay ka mid yihjiin Masar,
Sacuudiga, Yeman, Pakistan, Afganistan. Indonesia iyo qaar ka tirsan
Muslimiinta Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu Carrabka ku dhuftay inay doonayaan
inay arrintaasi ka galaan Wada xaajood, in-kastoo uu ka gaabsaday inuu
sii faahfaahiyo cidda ay Wada-xaajoodka kala galayaan iyo dhinacyadda ay
la kaashan doonaan.
Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya Eedeymaha ay Mas'uuliyiinta
dowladda Feder-alka ku sheegaan inay Dagaal yahanno Shisheeye ah ay
taageeraan Maxaakiimta, iyadoo ay Madaxda Maxaakiimta gaa-shaanka ku
dhufteen eedeym-ahaasi, kuna casuumeen Khub-uro Caalamka ka socday inay
kormeer baaritaan ah ku yimaadaan goobaha ay Maxkamaduhu ka taliyaan, si
ay u ogaadaaan waxa ka jira inay dagaal yahanno shisheeya ah la safaan
yihiin Ciiddamadda Maxkamadaha.
Mar wax laga weydiiyey inay Madaxweynaha dowladda feder-alka C/laahi
Yuusuf iyo Mas'uul-iyiin sarsare ee dowladda Federalka ka wada
hayaamay-aan Magaalladda Baydhabo oo ay Ciiddamadda Maxkamadaha ku soo
wajahan yihiin, wuxuu sheegay inuusan haba yaraatee jirin qorshe ay
Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowladda kaga hayaamayaan Xaruntooda
KMG Somalia ee Baydhabo, xitaa haddii ay Ciiddamadda Maxkamadaha soo
weeraraan.
Eng. Xuseen Caydiid ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu Madaxwe-ynaha dowladda
Federalka gaashaanka ku dhuftay Hindise loogu soo jeediyey in Xaruunta
dowladda Federalka laga wareejiyo Baydhabo, lana geeyo Degaan kale oo
aad u Nabdoon, gaar ahaan Magaaladda Muqdi-sho ama Gaalkacayo, wuxuuna
Madaxweynuhu sheegay inuu isagu noqon doono qofka ugu dambeeya ee ku sii
hari doono Magaalladda Baydhabo haddii la soo weeraro.
Ra'isul wasaare ku xigeenka dowladda Federalka, ahna Wasiirka Arrimaha
Gudaha ee dowladda Federalka Somalia, Eng. Xuseen Max'ed Caydiid, waxaa
kaloo wax laga weydiiyey waxa ka jira inay Dowladaha Kenya iyo Itoobiya
soo dirayaan ciidamo difaaca Magaaladda Baydhabo, wuxuuna sheegay inay
labadaasi Dowladood diyaar u yihiin inay ciidamo soo diraan, si ay u
difaacaan Masla-xada ay ku leeyihiin dalka Somalia, waxayse ciidamadaasi
ku koobnaan doonaan ilaalinta Xuduudka dheer ee ay la wadaagaan dalka
Somalia.
Eng. Xuseen Caydiid waxaa kaloo wax laga weydiiyey aragtida uu ka qabo
Gudoomi-yaha Gudiga Shuurada ee Maxaakiimta Sheekh Xasan Daahir Aweys
iyo inuu yahay Hoggamaiye Nabadeed, waxa uu yiri: "Waxaad og tahay in Sh.
Xasan Daahir Aweys waalid iiga yahay dhinaca Hooyadda, isla markaana ay
Walaalo yihiin Xaaska aan qabo, waa Sarkaal hore iyo Nin hawl kar ah,
Waxaan rumeysnahay inuu Nabadda nala xaqiijin karo".
Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623
Wararkii kale ee
maanta hoos ka akhri...
Wararkii Nov 4, 2006
-
Mareykanka oo
dharbaaxo ku dhiftay wadamada Kenya iyo Itoobiya…
-
Guddoomiye
Shariif Xasan oo beri ku soo fool leh Magaalada Muqdisho
-
Kala qaybsanaan
xoog leh oo soo kala dhex Dowladda Federaalka..
-
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo ku raad jooga..
-
Magaalada
Baydhabo oo ay ka bilaabatay sidii..
-
Amal Bank oo
furatay xarun caalami ah..
-
Go’aano kasoo baxay shir ay Nairobi ku
yeesheen Beesha Harti iyo Meheri.
-
Xaflad lagu
taageeray maxkamada Beesha Jareerweyn
- UK: Xafladda
Soo bandhigidda Waxqabadka Hay’adda Danwadaag
Mareykanka oo
dharbaaxo ku dhiftay wadamada Kenya iyo Itoobiya…
Digniintii
Mareykanka ee ahayd in falal aragigixo ay ka dhici doonaan
wadamada Itobiya iyo Kenya oo uu sheegay inay ka imaan dooonaan
dhanka Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo uga digay
muwaadiniintiisa in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa ay ku tagayaan
wadamadaasi ayaa waxaa arrintaani aad uga carooday Dalalka Kenya
iyo Itoobiya, iyagoo sheegay in Mareykanku uu dharbaaxo weyn ku
dhiftay dhaqaalahooda, waayo wadamadaasi waxa sanad walba ka soo
gala dalxiiska Malaayiin Doolar, kuwaas oo ay faa’ido weyn ku
qabaan wadamadaasi. Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya ayaa waxa
uu sheegay in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo halka ay ka
imaanayaan qaraxyadaasi iyo goobaha lala beegsan doono,
afhayeenku waxa uu sheegay in ay habooneyd in inta uusan ku
dhawaaqin digniintaasi Mareykanku uu xiriir la soo sameeyo
hay’adaha Sirdoonka dalka Kenya, wuxuu kaloo sheegay Afhayeenku
in ciidamada Sirdoonka wadanka Kenya ay maalmahan wadeen howlo
aad u baax weyn oo ay ku sugayaan ammaanka wadanka Kenya,
dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa markii ay soo baxday
digniintaasi waxay bilowday baaritaan xoogan oo ay ku sameyneyso
dadka shisheeyaha ah ee ku sugan dalkeeda iyo waliba ku soo
gala. Dalxiisayaal fara badan oo ku soo jeeday dalka Kenya ayaa
dib u dhigay safaradooda markii ay soo yeertay digniintaani,
hase yeeshee madaxa dacwada iyo war-faafinta Maxaakiimta
Islaamiga ah Sheekh C/raxiim Cali Muuday ayaa sheegay in
Sirdoonka Mareykanka ay qorsheynayaan in ay qaraxyo ka ridaan
wadamada Kenya iyo Itoobiya si qaraxyadaasi dusha loogu saariyo
Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna ugu baaqay shacabka
Mareykanka in ay ka digtoonaadaan hawlaha ay wado Dowladda
Mareykanka, si aan mar kale loogu gelin shacabkooda.
Guddoomiye
Shariif Xasan oo beri ku soo fool leh Magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha
Baarla-maanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay la socdaan ilaa
60- Xildhibaan ayaa ku soo fool leh maalinta beri ah Magaalada
Muqdisho.
Guddoomiyaha
Baarla-maanka ayaa wada hadal la furi doona Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah, kaddib markii ay burbureen wadahadaladii u
dhexeeyay Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.
Guddoomiye
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan iska casilay xilkii
Guddigii Dowladda uga wakiilka ahaa shirka, kaddib markii uu
Dowladda ku eedeeyay inay caqabad ku tahay shirkaasi.
Guddoomiyaha
Baarla- maanka oo la filayey in uu ka qaybgalo wajiga saddexaad,
balse waxaa arrintaani ku canseyray madaxweynaha Dowladda
Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.
Warar
ayaa waxay sheegayaan in haddii uu guddoomiyuhu ka qaybgali
lahaa shirka ay wax badani hagaagi lahaayeen isla markaana uusan
fashilmi lahayn shirkaasi, sidoo kale Caasha Axmed Cabdala ayaa
fashilka ku yimid shirka ku eedeysay Dowladda Federaalka, iyadoo
sheegay inay dowladdu dirtay wafdi aan u qalmin wadahada-ladaasi.
Kala qaybsanaan
xoog leh oo soo kala dhex Dowladda Federaalka..
Waxaa soo
ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka kaddib
markii Guddoomiyaha Baarla-maanka uu sheegay in ay wada hadal la
furi doonaan Maxaakiimta Islaamiga ah.
“Dowladda
waxay markii hore ku dhisneyd in wada hadal lala galo kooxaha ka
soo horjeeda taas ayaana fulineynaa” ayuu yiri Guddoomiye
Shariif Xasan.
Waxaa la
filayaa in magaalada Muqdisho ay yimaadaan ilaa iyo 90
xildhibaan iyo dhowr iyo taban wasiir oo ka tirsan Dowladda,
waxaana soo if baxaya kala qaybsanaantii u dhexeysay Dowladda oo
kala fadhin jirtay Jowhar iyo Muqdisho.
Arrintaan uu
Guddoomiyuhu ku dhawaaqay ayaa waxaa ka hor yimid Xildhibaanad
Qamar Aadan Cali oo sheegtay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku
xadgudbay axdiga Dowladda, iyadoo sheegtay in aysan habooneyn in
meesha ay soo gasho wax iska dhicin, balse loo baahnaa in uu u
adeego Bulshada Soomaaliyeed
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo ku raad jooga..
Ciidamada
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa la sheegay inay ku raad
joogaan Markab laga afduubtay shalay Xeebaha Soomaaliya, kaas oo
dhuxul ka qaadya dekedda Ceel-Maan.
Markabkaan oo
ka diiwaan-gashanaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa shaqaale
ka ahaa 10 nin oo Hindi ah iyo iyo hal nin oo Itoobiyaan ah.
Maxaakiimtu
waxay sheegeen in haddii markabkaasi lala soo galo deegaanada ay
ka taliyaan ay gacanta ku dhigi doonaan, sidoo kalana ragga
afduubay Markabkaasi haddii ay soo galaan deegaanada Maxaakiimta,
iyana maxkamad la soo taagi doono. Waa markii ugu horeysay oo
Markab laga afduubto deegaanada ay Maxaakiimtu ku sugan yihiin
tan iyo markii ay la wareegeen Muqdisho iyo gobalada ku dhow
dhow mudo haatan laga joogo shan bilood.
Magaalada
Baydhabo oo ay ka bilaabatay sidii..
Wararka
naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in xaaladda
Magaalada ay aad u cakiran tahay kaddib markii ciidamada
Itoobiya ee ku sugan magaaladaasi ay la wareegeen dhamaan
goobihii ay fadhiday Dowladda Federaalka iyo waliba isbitaalkii
Magaalada Baydhabo.
Dadweynaha ku
nool magaaladaasi ayaa bilaabay inay u cararaan Tuulooyin ku
dhow dhow magaaladaasi, iyagoo ka cabsi qaba in uu dagaal dhex
maro Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, sidoo kale shacabka ku
nool magaalada Baydhabo ayaan ku qanacsaneyn ciidamada Itoobiya,
iyagoo sheegay inay noqdeen dad la haystalayaal, waxaana laga
cabsi qabaa in gudaha magaalada Baydhabo ka dhacaan iska hor
imaadyo iyo in Miinooyin la geliyo wadooyinka Magaalada, qaar ka
mid ah dadkaasi ayaa la sheegay in ay u soo carareen dhinaca
Magaalada Muqdisho.
Amal Bank oo
furatay xarun caalami ah..
Munaasabad
xariga looga jarayey dhismaha cusub ee Bankiga Amal ayaa
maalintii shalay ahayd ka dhacday xarunta bankigaasi ee
Magaalada Muqdisho .
Furitaanka
Bankiga oo uu xariga ka jaray Cali Yaasiin Faarax oo ah
Guddoomiyaha Bankiga Amal ayaa waxaa munaasabaddaas goob
joogayaal ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotay Maxaakiimta
Islaamiga ah, Midowga Ganacsatada Gobalka Banaadir, Shirkadaha
Xawaaladaha iyo martisharaf kale.
Furitaanka
Bankiga kaddib oo sooryo qado ah loo sameeyay martidii halkaa
isugu timid, ayaa waxaa halkaa shir jaraa’id ku qabtay
Guddoomiyaha Amal Bank Cali Yaasiin Faarax oo sheegay in
dhismaha Bankigaas oo ka kooban labo qaybood qayb Hotel ah iyo
qayb Banki uu dhismihiisu socday mudo hal Sano ah, isagoo intaa
raaciyey in qaybaha kala duwan ee ku yaala Magaalada Muqdisho ay
si rasmi ah uga hawlgali doonaan maanta oo ay bishu tahay 4
xarunta Bankiga, waxaa kalloo uu intaa ku daray Cali Yaasiin in
hawlihii ay horey u qaban jirtay Shirkadda Xawaaladda Amal ay
sii balaarin donaan, isla markaana ay gaarsiin doonaan mid dibad
ilaa dalka gudihiisa.
Ugu
dambeyntii mudane Cali Yaasiin waxa uu ugu baaqay Ummadda
Soomaaliyed in ay isku kaashaadaan dib u dhiska Dalka iyo
horumarintiisa.
Waxaa
kaloo halkaasi iyaguna ka hadlay Sheekh Cabdi Wali iyo Injineer
C/llaahi kuwaas oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa oo ay
soo martay dhismaha daartaasi oo ay sheegeen in ay ka mid tahay
daaraha ugu bilicdasan Magaalada Muqdisho, taas oo loogu adeegi
doono bulshada Soomaaliyeed oo mudo 16 sano ahba u oomaneyd
Banki casri ah iyo adeeg nadiif ah, waxayna mas’uuliyiintaasi
hoosta ka xariiqeen in ay tahay xarunta tani mid horseedi doonta
fulinta hawlaha ay u hayso Ummadda Soomaaliyeed. {Warbixin
dheeraad oo la xiriirta Amal hoos ka akhri)
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@hotmail.com
Shirkadda
Xawaaladda amal Bank oo xafiis weyn ka furatay magaalada Mudisho
Shirkadda Xawaaladda Amal Bank oo la
aas-aasay 1997dii ayaa maanta degtay xarun cusub oo dhowr dabaq ka
kooban, kaasoo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Furitaanka xaruntan cusub oo ay
shirkaddu ugu talo gashay inay degto ayaa waxa uu ka kooban yahay labo
qeybood, qeyb ah xawaalad iyo qeyb hotel ah, wuxuuna dhismahani
soconayay muddo dhan hal sano.
Maamulaha
Shirkadda Xawaaladda Amal Bank Cali Yaasiin Faarax ayaa sheegay in
shirkaddoodu ay saamiley ka yihiin dad u wada dhashay Soomaali, wuxuuna
sheegay in ay xarumaheeda ku yaalla dalalka dibadda oo idil ay yihiin
kuwo sharciyeysan oo caalamka laga ogsoon yahay.
Marti aad u fara badan oo ka kala timid
dibaddiisa iyo gudihiisa ayay shirkaddu Maanta ku marti qaadday
furitaankeeda, waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiin fara badan oo
qaarkood ka yimid dalka dibaddiisa, iyadoo masuuliyiintii furitaanka
xaruntan cusub ka qeyb gshay uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka
Midowga Maxkamadaha C/qaadir Cali Cumar.
Suxufiyiinta dibadda iyo gudaha ayaa
su'aalo weydiiyay maamulaha shirkadda, wuxuuna sheegay inay shirkaddu
diyaar u tahay mar walba sidii ay macaamiisheeda u qancin laheyd, isagoo
sheegay in xaruntii hore ee shirkadda ka soo guurtay, haatanna dhismahan
ay tahay mid ay iyadu leedahay.
Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay
in ay si rasmi ah uga soo guureen xaruntan cusub.
“AMAL
waa Shirkad xawilaad oo ay Soomaalida oo dhanna u dhan tahay, waxayna
mas’uuliyiinta ku mideysan isku taxa luujiyay intii uu dalka burburka ka
jiray in ay horumariyaan adeega bulshada guud, gaar ahaan arrimaha
xawilaada” ayuu yiri Cali
Md. Cali Yaasiin ayaa sidoo kale
sheegay in ay xoogga saaraan meelaha ay ku badan yihiin qaxootiga
Soomaaliyeed, isla markaana ay ku u qaadis ay ku wadaan howlaha
shirkadda “Waxaan dhowaan bilownay adeegga deg dega ee ONLINE-ka, goor
dhowna waxaan fureynaa Bank Service oo sidii hore ka ballaaran, mar
walibana shacabka wuxuu codsado iyo baahidiisa ayaanu ku cabirnaa” ayuu
yiri Cali Yaasiin oo mar aanu wax ka weydiinay dhismaha oo aad u
bilicsareeya horeyna aanu Muqdisho loogu arag qarashka ku baxay “No
Coment” waa uu ka gaabsaday.
Dhinaca kale Cabdi-weli Muuse iyo axmed cabdulleoo ka midah madaxda
bangiga amal shirkadda Xawilaada AMAL ee K/Soomaaliya ayaa sheegay inuu
soo socday dhismahan cusub ee shirkadda Muddo sanad ah, ayna maalinta
beri si rasmi ah uga howlgeli doonaan, isagoo xusay in uu qeyb ka yahay
dhismooyinka shirkadda ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya iyo Caalamka
intiisa kale.
Muuse Maxamuud jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdishosomaliya
002521576666/002521653623
Go’aano kasoo baxay shir ay Nairobi ku
yeesheen Beesha Harti iyo Meheri.
Waxaa dhawaan shir iskugu yimid magaalada
Nairobi ee caasimada Kenya gaar ahaana Hotel-ka 680 iyo Dhismaha AMAL
PLAZA qaybta shirarka, Beesha harti iyo Meheri.
Shirkaas oo ujeedadiidiisu aheyd in ay
dadka beelahaas si wada jir ah mowquf middeysan uga qaataan arimaha
soomaaliya. Shirarkaas waxaa iskugu yimid xubno ka kala socda qeybaha
bulshada sida Culumo awdiin, ganacsato, siyaasiin, odayaal iyo
dhalinyaro intaba, waxaana ka soobaxay qodobo dhowr ah oo loo arkey
xal.
1) waxaan ugu baaqeynaa dhamaan
ummada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba in ay qaataan kuna
dhaqmaan shareecada islaamka.
2) Shirku wuxuu baaq nabadeed u
soo jeedinayaa dowlada kumeelgaarka ah iyo maxakiimta islaamiga ah in
ay joojiyaan colaada dhexdooda ah.
3) Waxaan cambaareyn u
soojeedineynaa qarrixii loogeystey madaxweynaha Jamhuuriyada federalka
somaliyeed cidii kadanbeeyey.
4) Shirku wuxuu soo jeedinayaa in
wixii khilaafaad ah lagu dhameeyo wada hadal iyo wada xaajood, shirku
wuxuu kale oo kuboorinaya dhinacyada is’haya in ay si buuxda oo niyad
sami ah uga qeyb galaan shirka magaalada KHARTUUM ee dalka Sudan .
5) Shirku wuxuu ugu baaqayaa
dowladaha shisheeyahaa in ay joojiyaan faragalinta ay ku hayaan
soomaaliya.
6) Waxaa loogu baaqayaa Beelaha
harti iyo Meheri meelkasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan dib-uheshiisiinta
iyo xal uhelidda dhibaatada soomaaliya ka taagneyd mudada dheer.
7) Shirku wuxuu isku raacay
soomaaliya waxay dowlad la’aan aheyd dhowr iyo toban sano, waxaa
ladhisay dowladaan ku meel gaarka ah oo soomaali oo dhan ka dhexmuuqato,
sidaas darted shirku wuxuu soojeediyey in dhamaan shacabka soomaaliyeed
taageeraan, iyaduna ay qaadato shareecada islaamka ; ayadoo dhanka
kalena ay maxaakiimta islaamiga ah meelaha ay gacanta ku hayaan nabad
kasameeyeen.
8) Shirku wuxuu isku afgartey in
guddi laqabto labada beelood ka kooban, qeybaha bulshadana ka mida
yihiin, sida culimada, siyaasiinta, odayaasha iyo ganacsatada, ku waas
oo dabagal ku sameyn doona wixii kafuley qodabadaas.
Ka Qayb galayaasha shirka
- 1. Sheikh Cabdulqaadir Nuur
Faarax.
- 2. Cumar Cusmaan xaaji (HEELO)
- 3. Maxamed Xasan Jibriil (geeswalac)
- 4. Xareed Xasan Cali.
- 5. Cumar Maxamed Muuse (dariiqo)
- 6. Maxamuud Shire Faarax.
- 7. Maxamed Khaliif Xasan ( giir)
- 8. Cabdulaahi yuusuf
axmed.(tumay)
- 9. Maxamed yaasiin ismaaciil
- 10. Maxamed Cali Xaashi.
- 11. Cabdiweli Biixi
Jaamac
- 12. Mursal Cabdi Qase.
- 13. Khadar Yaasiin
Cabdille.
- 14. Maxamed Guuleed
Ciise.
- 15. Cali-dhoof Kilwe
Cawaale.
- 16. Maxamed Baddel
Maxamuud
- 17. Cabdirisaaqa Xareed
Xuseen.
- 18. Cabdi-casiis
Isbariije.
- 19. Bashiir Cabdullaahi
Nuur.
- 20. Cabdisalaan
Xandulle.
- 21. Cali Muuse Maxamed.
- 22. Cabdullaahi Faarax
Kaarshe.
- 23. Aadan Cumar Warsame.
- 24. Yuusuf Geelle.
- 25. Cismaan Shire
Cabdulle.
- 26. Aadan Cukaash Ahamed.
- 27. Xasan Cali Ciise.
- 28. Maxamed Maxamuud
Guutaale.
- 29. Cabdullaahi Guuleed
Looyaan.
- 30. Maxamed Dalmar
Warsame.
- 31. Cusmaan Maxamed
Faarax.
- 32. Yaxye Maxamed
Warsame.
- 33. Cabdullaahi Maxamed
Ciise.
- 34. Suldaan maxamuud
Axmed (guushaa)
- 35. Sheikh Mustaf
- 36. Suldaan cabdiraxmaan
koodhaa
- 37. Daahir cilmi cali (
ilkacase)
- 38. Yaxye maxamed
- 39. Maxamed Jaamac Xirsi
- 40. Barkhadle Cumar
Xirsi
- 41. Cabdirashiid Maxamed
Sayax (Ciiro)
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
botaan1@hotmail.com
Somali Talk,Nairobi,Kenya
MUNAASABAD LAGU TAAGEERAYAY
MAXKAMADA KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKA EE SAYID BILAAL EE BEESHA
JAREERWEYNE OO KA DHACDAY XARUNTA MAXKAMADDAASI EE DEGMADA
YAAQSHIID EE MAGAALADA MUQDISHO
Guddoomiyaha maxkamada Sayid Bilaal
Nov 2, 2006: Munaasabad ay ka qeyb
galeen maamulka Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Sayid
Bilaal, ugaasyada, salaadiinta, culimaa'udiinka, waxgaradka,
aqoonyahanka iyo taageerayaasha beesha Jareerweyne ayaa maanta lagu
qabtay xarutna Maxkamaddaas degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Qabashada munaasabaddan ayaa laheyd
dhowr weji kuwaasoo kala ahaa in beesha Jareerweyne oo la sheegay inay
deegaan ahaan ku nool yihiin toban gobol oo ka tirsan 18ka gobol ee
dalka Soomaaliya in lagu fidiyo maxkamaddan ku dhaqanka shareecada
Islaamka, in maxkamaddan ay noqoto maxkamaddii ugu horreysay ee si toos
ah uga jawaabta baaqii jihaadka ahaa ee ka soo yeeray guddoonka sare ee
Guddiga Fulinta Golaha Maxkamadaha islaamiga, In beesha Jareerweyne ay
isku xukunto wixii hadda ka dambeeya shareecada Islaamka, isla markaana
laf dhabar u noqoto in gobollada dalka guud ahaan laga hirgeliyo gaar
ahaanna tobanka gobol oo ay beesha Jareerweyne ku abtirsato.
Munaasabaddan ayaa sidoo kale leyskula soo qaaday doorka beesha
Jareerweyne ee kaga aaddan dhinaca jihaadka lala galayo ciidamada
Itoobiya ee haatan ku sugan qaar ka mid ah deegaannada Soomaaliya iyo
sidii ay wax ula wadaagi lahaayeen Soomaalida inteeda kale, iyadoo
jihaadkaasina ay Alle dartiis uga qeyb qaadanayaan, iyagoo guud ahaan
xubnihii ka qeyb galay munaasabaddaas ay cod dheer ku aqbaleen.
Waxgarad, culimaa'udiin, ugaasyo iyo
suldaano ka qeyb galay munaasabadaas ayaa hadallo waaweyn ka soo
jeediyay fagaaraha munaasabaddaas iyagoo ballan qaaday in ay tahay
shareecada Islaamka midda kaliya ee ummadda Soomaaliyeed ku kala
badbaadi karto, iyadoo dib loo milicsanayo waxyaabihii 16ka sano dalka
ka dhacayay, balse haatan laga soo gudbay loona gudbay iftiin, mar
haddii mugdi gudcur ah lagu jiray 16 sano, waxaana waajib ah ayay
yiraahdeen inaan marnaba iftiinkaas aan la khasaarin ee qof kasta ee ka
mid ah beesha Jareerweyne ay kitaabka Alle kor u qaaddo, tobanka gobol
ee beesha Jareerweyne ku abtirsatana sida ugu dhaqsiyaha badan loo
gaarsiiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, iyadoo gacanta midigta ahna
lagu qaadanayo, gacanta bidixda ahna lagu qaadanayo qoriga si loogu
daafaco, diinta, dalka iyo dadka.
Bakooradaha iyo tooreeyada oo la is qaaday...
Munaasabaddan ayaa kulmisay beelaha
jareerweyne kuwaasoo ka kala socday tobanka gobol oo ay ku firirsan
yihiin beeshaasi, waxaana ka mid ah lixda Shiidle, Beesha Kaboole,
Shabeelle, Makanne, Bah salaamo, Naasdheer, Galladi, Shambara, Kaboolo,
Cubeyr, Eylo iyo seddaxda Cumar.
Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda ku
dhaqanka shareecada islaamka ee Sayid Bilaal Sheekh C/risaaq Tifow
Arwaax (Xaaji Daqarre) ayaa cod dheer ku yiri "Waxaan ugu baaqayaa
beesha Jareerweyne inay taageeraan ku dhaqanka shareecada Islaamka, gaar
ahaanna labada maxkamadood ee kala ah Sayid Bilaal iyo Buulo tikniko oo
ah labada maxkamadood oo ay beesha Jareerweyne haatan gacanta ku hayso.
Taliye ku xigeenka ciidanka Maxkamadda
ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Sayid Bilaal Nuux Cabdulle Amiin ayaa
sheegay in Maxkamaddu ay furan tahay muddo toddobo bilood ah, wax weynna
ay ka qabatay deegaanka ay ka furan tahay isagoo hoosta ka xarriiqay in
laysku halleyn karo howlaha nabad gelyo oo ay qabato maxkamaddu, isagoo
sheegay in ay haatan xabsiyada ku jiraan seddax eedeysane oo uu ku jiro
nin hooyadiis qudha ka jaray.
Muuse Maxamuud jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdishosomaliya
002521576666/002521653623
Galkacyo:
Madaxa amaanka Hay'adda hormarinta u qaabilsan Qaramada Midowbay ee UNDP
oo laga Mamnuucay Puntland.
Nov 2, 2006: Xukuumada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxay shaqadii ka
joojisay sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adda UNDP ee Qaramada Midowbay u
qaabilsan arimaha hormarinta.
Qoraal Nov 2 si rasmi ah uga soo baxay madaxtooyada puntland ayaa waxaa
lagu soo qoray in dalka laga mamnuucay in uu cagaha soo dhigo Mr: Henry
oo Hay'adda UNDP u qaabilsanaa arrimaha Amaanka iyo Nabadgalyada.
Qoraalkaasi oo saaka la soo gaarsiiyay saxaafada gudaha iyo tan
dibeddaba ayaa waxaa ku saxiixnaa Diiwaanka madaxtooyada Mr: Caydaruus
Cismaan Yuusuf Boqor, oo ah afhayeenka madaxtooyada si wayna ay isugu
dhawyihiin Madaxwaynaha hadda talada haye ee Gen: Cade Muuse Boqor.
Mamnuucidda Mr:Henry ee gobolada Puntland ayaan ilaa iyo hada cadayn
rasmi ah laga bixin sababaha dhabta ah ee looga joojiyay shaqdii uu u
hayay Hay'adaasi ee UNDP qaybteeda Amaanka oo ah runtii waax Balaaran
marka laga hadlayo dhanka amaanka.
Laakiin warar aan si rasmi ah u cadayn ayaa sheegaya in Mr:Henry lagu
eedeeyay in uu faraha la galay arrimo lid ku ah jiritaanka iyo amaanka
Puntland, taasi oo laga soo xigtay qaar ka mid ah madaxda sar sare ee
Puntland mana aysan cadayn sida uu faraha ugula jiray Arimaha lidka ku
ah jiritaanka iyo amaanka Puntland, laakin tan ayaa hada u muuqanaysa in
lagu cabsigalinayo waaxyaha Haay'addaha ee qaabilsan arimaha amaanka.
C/risaq koronto.
Xafladda
Soo bandhigidda Waxqabadka Hay’adda Danwadaag
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee
ku nool magaalada Birmingham iyo agagaarkeedaba, waxaanu la
socodsiinaynaa in ay hay’adda Danwadaag soo bandhigi doonto
waxqabadkeedi inti ay jirtay hay’adda.
Waxaa lagu dhigayaa xafladaas:-
Small Heath Youth & Community
Centre
Muntz Street
Small Heath
Birmingham
Saacadda/ Taariikhda
Axad 12/11/06 16:30 ama Afarta Iyo Barka
Sidaa iyo kasoo qeybgal wacan
Faahfaahin dheeraad ah lasoo
xiriir
Cabdixakiim jaamac jooje
0116 – 2516977 ama 0790349 3209
Email:
saicentadv@yahoo.com