SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 2, 2006
  • Maxaa ka jira in Xabsiga loo taxaabay Qaar kamid ah Hoggaanka Beeshii Maxkamada Islaamiga ah kaga dhawaaqday Galkacyo..
  • Askari Itoobiyaan ah oo nin Soomaali ah ku dilay Xerada Daynuunay
  • Shirkii Khartuum oo gebihaanba burburay
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalaya kulanka shiinaha iyo Afrika…
  • Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in ciidamo itoobiyaan ah oo gashan Dareyska Ciidamada..
  • Maxkamad ku taal Magaalada Mombasa oo 10 nin oo  Somali ah ku xukuntay  ilaa 7 sano.
  • Marxuum Shire Suudi Maxamed  oo ku geeriyoodey Nairobi
  • Madax waynaha DFKMG oo Nairobi Yimid isagoo Dalka  China ku sii jeeda.
  • Shirkii Khartuum oo labada dhinac ay kula tageen iyadoo anan laga soo bixin Hotelada Khartum.
  • Xaflad  ay  soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ee Garowe.
  • CARUUR RAASHIN SUMEYSAN KU CUNTAY...

Maxaa ka jira in Xabsiga loo taxaabay Qaar kamid ah Hoggaanka Beeshii Maxkamada Islaamiga ah kaga dhawaaqday Galkacyo..

SomaliTalk.com | Galkacyo, Nov 2, 2006:

Warar SomaliTalk ka soo gaarey Galkacyo ayaa caddeeyey in aysan jirin wax xarig ah oo DGPL ay u geysatey rag ka tirsan hoggaanka beesha Maxamed Cumar oo Talaadadii Galkacyo kaga dhawaaqday Maxakamada Islaamiga ah.

Arrintaas si aan u xaqiiqsano waxaan khadka telefoonka kula xiriirnay Sheikh Nadiir Qorane oo ka mid ah ragga la sheegay in la xiray, waxana uu SomaliTalk.com u sheegay in aysan jirin wax xarig ah oo loo geystey asaga iyo Axmed Muuse Nuur ama cid kale oo ka tisan haggaanka beesha Galkacyo kaga dhawaaqday maxkamada.

Sheikh Nadiir Qorane waxa uu caddeeyey in mowqofkoodu uu yahay sidii ay ugu dhawaaqeen Maxkamada Islaamiga ah. Waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse uu beesha ka codsaday in uu la kulmo, kulankaas oo aan weli dhicin laakiin la filayo in uu qabsoomo.

Warka xaqiiqada ka fog ee sheegaya in shalay la xiray Axmed Muuse Nuur iyo Sheikh Nadiir Qorane waxaa qoray warbaahinta reer Puntland ee loo yaqaan Puntlanders ee aan ka fiirsan waxa ay qorayaan, sidaas waxaa yiri waxgarad Soomaaliyeed.

Wararka kale ee ka imanaya Galkacyo ayaa tibaaxay in halkaas markii uu gaarey Wasiirka maaliyada Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Gaagaab uu warbaahinta la hadlay, waxaana dadweynuhu hadaladiisa ku tilmaameen kuwo aan munaasab ahayn, waxaana markiiba reer Galkacyo is weydiiyeen sababta kalliftay in uu Gaagaab ka soo hormaray madaxweynihii dalka, maadaama uusan ahayn wasiirka amniga ama wasiirka arrimaha gudaha, asagoo si degdeg ah uga soo baxay kulankii baarlamaanka xilligaas oo uu kulankaas goobjoog ka ahaa madaxweynaha oo la sheegay uu shirkaas ka soo baxay madaxweynaha oo aan arrintaas ku baraarugsanayn. Sidaas daraadeed ayaa shacabku garan waayey meesha uu hadalka Gaagaab ku salaysan yahay. Waxaa kale oo la tilmaamay in Gaagaab ay xurgufi ka dhexeysey beesha maxkamada kaga dhawaaqday Galkacyo.

Shacabka Puntland ayaa xilligan u muuqda kuwo ku baraarugey sidii ay u heli lahaayeen maamul hufan oo dalka aan u keenayn kala qoqobid iyo isku dir, maamul waxqabad rasmi ah leh oo ku salaysan sharciga, kana fog muqus maasuqa.

Talaadadii ayey ahayd markii Madaxwaynaha DGPL gen: Cadde Muuse uu Dr. Gaagaab ku eedeeyey lunsasho hanti, asagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu shegay "in ay iminka jiraan 2 Maaliyadood wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaalihii dalka ay qaateen Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Guud, Gaagaabna si wayn loo xamanayo, anigu waxba qarinmayo wixii jira ayaan cadaynayaa, arintaas jirta oo ay shacabku ka cabanayaana dhawaan waanu sixi doonaa.".


Askari Itoobiyaan ah oo nin Soomaali ah ku dilay Xerada Daynuunay..

Warar aan ka ilo ilo wargal ah ayaa waxay sheegayaan in Askari Itoobiyaan ah uu xerada Manaas ku dhex dilay nin Soomaali ah habeen hore.

Ciidamada Itoobiya oo si aad ah ilaalo isaga haya ayaa ninka la dilayo, waxa uu ka yimid banaanka, isaga oo damcay in uu galo xerada, markiiba rasaas ayaan lagu furay goobtii ayuuna ku geeryooday.

Dhacdadaas oo la qariyey ayaa waxaa kaloo noo xaqiijiyey dad diiday in magacooda la xuso, waxaana haatan socda baaritaan la xiriir dilkaasi.

Ciidamada Itoobiya oo si aad ah ugu sii qulqulaya Magaalada Baydhabo agagaar-keeda ayaa haddana ciidamada Dowladda Federaalka oo markii horey ku jiray furinta ayaa haatan dib loo celiyay kaddib markii looga shakiyey inay xiriir la sameeyaan Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana arrintaani ka carooday qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee Dowladda Federaalka oo qaarkood sheegay inay isaga tagi doonaan shaqada.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan nawaaxiga Magaalada Baydhabo ayaa halkaasi waxay ka wadaan dhaqdhaqaaq aad u xoogaan iyagoo ka cabsi qaba in uu dagaal kaga yimaado Maxaakiimta Islaamiga ah..

Shirkii Khartuum oo gebihaanba burburay

Jaamacadda Carabta oo ayaa habeenkii xalay ahayd ku dhawaaqday in gebi ahaanba uu fashilmay ama uu burburay shirkii u dhexeeyay Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, inkastoo Jaamacadda Carabta aysan iclaamin in mar kale la isugu imaanayo shirkaasi, haddana waxay sheegtay in shirkaasi uu fashilamay shuruudo ay soo hor dhigeen Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka.

Afhayeen u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay sii wadayaan dadaalka ay ku dhex dhexaadinayaan Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah si loo baajiyo dagaal ku faafa wadamada Geesa Afrika.

Dowladda Suudaan ayaa la sheegay inay wafdi xaqiiqo raadin ah u diri doonto gudaha Dalka Soomaaliya, si loo soo ogaado eedeymaha uu dhinaca waliba sheegayo sida ciidamada Shisheeye ee la sheegayo inay ku sugan yihiin Soomaaliya, isla markaana ay la kala safan yihiin Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalaya kulanka shiinaha iyo Afrika…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Amxed oo haatan ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenaya ayaa maanta la filayaa inuu kicitimo Magaalada Bakiin ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka ay isugu imaanayaan Dowladda Shiinaha iyo madaxda qaaradda AFrika. Waa markii ugu horeeyey oo ay Dowladda Shiinaha martigeliso kulankaani, waxa uuna ku soo beegmay xili ay Dowladda Shiinaha Xiriir wanaagsan la yeelaneyso wadamada Afrika, gaar ahaan sidii wadamada Afrika ay u qaadan lahaayeen tiknoolajiyada casriga ah ee dalka Shiinaha oo si aad ah uga riqiisisan kuwa Mareyanka iyo Yurub.

Xiriirka sii adkaanaya ee u dhexeeya Dowladda Shiinaha iyo Qaaradda Afrika ayaa waxaa si weyn uga walwalsan Dowladda Mareykanka iyo wadamada Yurub.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu shirkaasi ka jeediyo khudbad dheer oo la xiriirta sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Shiinaha, waxayna shacabka Soomaaliyeed og yihiin in Dowladda Shiinaha Soomaaliya ka hirgelisay mashaariic fara badan. (Wararka hoose ayaad ku arki doontaa madaxweynaha oo gaarey Nairobi).

Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in ciidamo itoobiyaan ah oo gashan Dareyska Ciidamada..

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay madaxa ammaanka ee Golaha Maxaakiimta Sheikh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde), waxa uuna shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyey in ciidamo Itoobiyaan ah oo gashan dareeska Ciidanka Kenya ay soo buux dhaafiyeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinaca Jubbooyinka.

Sheekh Yuusuf Maxed’ Siyaad Indha-Cadde waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay haatan caddeysatay inay la safato Dowladda Itoobiya oo uu sheegay inay uu naga dhexeeyo dagaal soo jireen ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Kenya in ay arrintaasi ka waantoowdo, waayo labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir, mana doonayo in xiriirkaasi uu xumaado” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (indha-Cadde) oo sheegay in Dowladda Kenya looga baahan yahay inay dhowrto deris wanaaga.

Ilaa iyo hadda Dowladda Kenya wax war ah kama soo saarin warkaas ka soo yeeray golaha Maxaakiimta, hase yeeshee wakiilka u qaabilsan Keya arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay wax badan u qabatay Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com 


Maxkamad ku taal Magaalada Mombasa oo 10 nin oo  Somali ah ku xukuntay  ilaa 7 sano.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com


Lawyer Hassan Abdi iyo qaar ka mid ah 10ka nin AP 

Magaalada Mumbasa ee gobolka Xeebta dalka Kenya magaalo madaxa u ah oo dhawrkii maalmood ii ugu danbeeyay ay ka socotay maxkamada lagu waday 10 nin oo Somali ah ayaa waxaa Arbacadii Nov 1, 2006 lagu soo gaba gabeeyay halkaasi .

 
Sawirka Afar ka mid ah 10ka nin ee la xukumay AP   

10ka nin ee somalida ah ayaa waxaa lagu xukumay 7 sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay in 22 January 2006 iyadoo ay gacanta ku soo dhigeen ciidmada badda ee dalka maraynka oo iyagu ka soo qabtay xeebta Somalia meel ka baxsan 320 kilometers (200 miles) oo dhanka bariga xeebta somalia kaga taal ‘’ Xarar Dheere’’ 

 
Mid ka mid ah 10ka nin ee la xukamay iyo askari REUTERS 

iyadoo lagu eedeeyay in ay ahayeen burcad badeed balse ay arintaasi beeniyeen waxayna ciidamada maraynku ku cadeeyeen in ay ragaani wateen hub sida AK47.

Ragan dhallinyarada ah ee somalida ah ayaa iyagu waxay sheegeeteen in ay yihiin kaluumaysto  oo si sharci daro ah maxkamadan loo saaray dalka Kenya iyagoo marar badan ku baaqay in wadan kale lagu wareejiyo . 

Marxuum Shire Suudi Maxamed  oo ku geeriyoodey Nairobi

  • Ilaa lilaahi wa ina ilahayi Raajicuun ‘’ Waxaa Nairobi ku Geeriyooday Siyaasi Caan ahaa ‘’ Marxuum Shire Suudi Maxamed iyadoo lagu aaasay Nairobi  . 

Waxaaa habeenkii xalay ahayd magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ku geeriyooday Isbitalka Dawlada Siyaasi Caan ahaa oo somaliyeed kana soo jeeday Deegaanka Caabud Waaq ee gobolka Galguduud , 

Marxuum Shire Suudi aya maalmaaan guu danbeeyay jiifay isbitaalka isagoo ku xanuunsanaa waxaana oo daganaan in dhawale magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. 

Waxaa oo ahaa Marxuum Shire Suudi Wasiir ku xigaynki wasaaradii Kaluumaysgia xiligii Dawladii Maxamd Siyaad Barre sidoo kale waxaa uu ahaa Xildhiban ka tirsanaa Baarlamankii dawladii Somalia ee uu C/qaasim Saalad Xasan Madax waynaha ka ahaa ee lagu dhisay dalka Jabuuti Tuulada Carta. 

Marxuumka Aaskiisa ayaa waxaa oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka tirsan dawlada Somalia oo uu horkacayay Gudoomiyaha baarlamaka Somalia Sharif Xasan Sheikh Aadan iyo xubo siyaasiyiin ah iyo waliba jaaliyadda somaliyeed. 

Bud dhigasta Marxuumka ayaa waxa ka duceeyay culumo somaliyed oo halkaasi joogtay aaskiisa ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta qabooraha islamka ee Karikoy

Madax waynaha DFKMG oo Nairobi Yimid isagoo Dalka  China ku sii jeeda.

Madax waynaha  DFKMG ah ee Somalia Col C/laahi Yuusuf Axmed  ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya isagoo ka soo   ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dawladiisa  . 

Qaar ka tirsan Xafiiska madaxtooyada dawlda Somalia oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa SomaliTalk waxay u sheegeen in Madaxweynaha Somalia  Mudane C/laahi Yusuf Axmed oo dalka China ku sii jeedo si oo uga qayb galo Shirka ‘’ Isaagshiga Africa iyo China oo halkaasi ka furmay oo ay ka soo qay galayaan madax badan oo ka tirsan qaarada Africa. 

Xiriirka u dhexeeya dawlada Somalia iyo China ayaa ah mid aad u saraya iyadoo dawlada China ay tahay dawlada garabsiiyo dawlada Somalia ee lagu so dhisay dalka Kenya 2004 . 

Magaalada Nairobi ee oo madax waynaha Somalia yimid ayaa waxaa ku sii  sognaa Gudoomiyaha baarlamaka Somalia Sharif Xasan oo isagu isga haray waftigii dawlada ee khartuum aaday ka dib markii madax waynaha Somalia Mr Yusuf xiligii wada xaaajoodka ka wareejiyay .  

Shirkii Khartuum oo labada dhinac ay kula tageen iyadoo anan laga soo bixin Hotelada Khartum. 

Magaalada Khartuum ee dalka sudan ayaa waxaa waxaa la isku mari waayay In shirku wajigiisa 3 aad la furo iyadoo maxakinta islamiga ah ee somaaaliyeed iyo dawlada Somalia ay wali ku dhagan yihiin shuruudii adkayd. 

Maxaakinta islamiga ah ee somaliyed aya waxay soo bandhigtay in markaasi ay dalka Somalia ka baxan ciidamada Ethiopianka ah iyo waliba in dawlada Kenya aysan gudoomin shirka khartuum . 

Halka Dawlada Somalia ay ku adkaysatay in shirku ay gudoomiso dawlada Kenya oo ah iminka dawlada haysto madaxtimada urur goboleedka IGAD . 

Dublumaasiyintii carbeed iyo kuwii kale ee isugu jiray reer galbeedka iyo afrikaanka aya waxay sheegen in maxaakinta islaamiga ah iyo dawlada somalia ay dib ugu labtan magaalada baydhabo iyo Muqdisho si ay wada hadal iyo la tashiyo ula soo sameeyaan madaxdii ka danbaysay . 

Shiekh Ibrahim Xasan Cadow ayaa waxaa uu sheegay in loo diro somalia xubno ka tirsan beesha caalamka si ay u soo arkaan ciidamada Ethiopianka ah ee somalia ku jira waxana oo sheegay in  loo bahan yahay arintaasi oo meeshu ay ka baxdo tuhunka ah in aysan ciidamo joogin balse la cadeeyo. 

Shirka ayaa waxaa dib loo dhigay sida ilo wareed naga soo gaaray Khartum ay sheegayan 15ka November iyadoo hotelada magalada khartuum aysan isaga soo bixin labada dhinac waxaana ay taasi keentay in dib loo dhigo shirka lagu dhex dhexaadinayo dawlada iyo maxaakinta .

 Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com


Garowe: Xaflad casho sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimey oo ay  soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ee Garowe.

A/rizak koronto, Garowe puntland 

Xaflad ay si wayn u soo qaban qaabiyeen maamulka degmada iyo kan gobalka Nugaal oo ahayd xaflad casho sharaf ah kana dhacday habeen kii xalay ahayd xarunta maamulka Puntland ee garowe.

Xafladda ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse  iyo golihiisa xukuumada, Guddoomiyaha baarlamaanka  Axmed Cali Xaashi iyo goloihiisa Wakiilada, isimo, waxgaradka gobolka Nugaal, Aqoonyahanada, Nabadoonada, Shacabweynaha gobolka Nugaal iyo Haween-weynaha gobolka Nugaal,

Xafladan ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobalka iyo kan degmada Gobalka Nugaal ayaa ula jeedkeedu ahayd   sidii ay mas’uuliyiinta gobolka iyo waxgaradkeedu ay ugu xog warami lahaayeen dawladda uu horkacayo Madaxweyne cadde muuse  iyo baarlamaankana.

Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminyeyna ay u xog waramaan dadweynaha iyo maamulkaba ee gobolka Nugaal.

Duqa degmada Garowe ahan gudoomiyaha golaha shacbka degmada ayaa ugu horaynba ka hadlay xafladii xalay isaga oo ka hadlay arimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen, Nabadgalyada, Caafimaadka, Nadaafada, Biyaha, Hormarka,Ganacsiga, Waxwada qabsiga, iyo Waxbarashada, Duqa degmada Garowe C/qaadir Cismaan Samatar ( Food cade) ayaa ku booriyay maamulka uu horkacayo cade muuse in wax loo qabto bulshada islamrkaana ay bulshadu u heelan tahay wax qabad  lataaban karo.

Food cade ayaa sheegay in Puntland ay tahay deegaano nabdoon loona baahan yahay in laga sii qaado halka ay hada marayso loona dhaafo dhan walba  oo la higsankaro.

Gudoomiyaha gobalka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in amaanka Puntland uu yahya mid adag  islamarkaana la iska kaashan lahaa sidii loo hagaajin lahaa waxa uu ugu baaqay maamulka puntland in wax laga qabto dhanka hormarka iyo hagaajinta caasimada, waxa uu shegay in aysan maanta ka jirin  deegaanada puntland wax amaan daro ah lakiin intii la isku mashquulin lahaa xaalad abuur xooga lasaaro in hor marka laga shaqeeyo.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garraase, isagoo sheegay in uu aad ugu hambalyeynayo maamulka gobolka iyo kan degmada ee xafladan soo agaasimay, dadkana ku booriyey in la adkeeyo nabadgelyada iyo midnimada, Suldanka ayaa isna dhankiisa ka codsaday maamulka puntland in lagu dadaalo ka shaqaynta dhanka hormarka Halkaasina uu ugu duceeyey ummadda puntland iyo soomaali weynba in ilaahay haybaddeedii u soo celiyo.

Hadaba ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi qudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha DGPL,taasi oo taabanaysa dhinacyo badan oo ku wajahan waxqabadka dawladda iyo arrimaha nabadgelyada in la adkeeyo lagana shaqeeyo dawladda, iyo warbixin ku saabsan safarkoodii guulihii ay ka soo gaareen iyo waxa ay rajenayaan.

Sikastaba dhamaan madaxdii iyo marti sharaftii halkaasi isugu timid habeenkii xalay ahayd ayaa waxa ay ka sinaayeen sidii maamulku uu u hormarin lahaa arimaha bulshada oo aan tan iyo intii uu maamulku dhisnaa waxba laga qaban, maamulka ayaa isagu dhankiisa garawsaday  in ay habacsanaan ka jirto wax u qabadka bulshada.

Fagaarayaasha magaalada garowe ee loo yaqaano fadhi ku dirirka ayaa maalmahaan waxa laga hadal hayay wax qabad la'aanta maamulka cade muuse iyo sida cade muuse uu isugu haysto nin karti wax qabad leh dadka qaar ayaaba u arka dhagax la soo tuuray oo aan dan u hayn bulshada inteeda badan lakin xiriir la leh cid gaara  oo qalin shubato ah dhaqaalihii wadankana galisay jeeb ama meel iyaga u gaara.

Cade muuse ayaa waxaa maamulkiisa lagu eedeeyaa  mid aan dan u hayn mushtamaca oo  islamarkaana aan lahayn awood wax qabad iyo mid daacadnimo ku dhisan toona.

A/rizak koronto
Garowe puntland 


Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo u safraya Muqdisho....

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka federalka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu haatan isu diyaarinayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisha.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa baarlamaanka oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa wararku sheegayaan in ay haatan Muqdisho ku soo jeedaan iyagoo fariisin ka dhiganaya magaalada Muqdisho oo muddo haatan laga joogo toban bilood ku dhowaad fariisin u aheyd garab ka mid ah dowladda Federalka oo uu isagu hormuud ka ahaa.

Arrintan ayaa lala xiriirinayaa inuu mar kale khilaaf soo kala dhex galay madaxda sarsare ee dowladda Federalka, kaasoo sababay inay mar kale dib u soo if baxaan khilaafkii muddada dheer u dhexeeyay dowladda Federalka oo markii ugu dambeysay ay dib u heshiisiin ka dhex dhalisay dowladda Yemen.

Khilaafkan haatan soo cusboon-aaday ayaa ka dambeeyay kaddib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu shirguddoo-minayay shirkii koowaad iyo kii labaad ee dowladda Federalka iyo golaha Maxkamadaha Islaamka, balse markii dambe uu iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo mar kale soo if baxo khilaafkan sababay guddoomiyaha baarlamaanka inuu Muqdisho fariisin ka sameysto, iyadoo in ka badan 50 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanana ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, taasoo dhabar jab ku ah dowladda Federalka ah inay mar kale la arko iyadoo labo garab u kala qeybsan, kalana deggan labo goobood.

CARUUR RAASHIN SUMEYSAN KU CUNTAY...

Canug Sideed jir ah ayaa maanta geeriyooday mid kalena xaalad-iisa caafimaad ayaa laga deyr-inayaa kadib markii Caruurtaas raashin sumeysan ay ku cuneen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhaxe.

Carruurtan oo sida la sheegay ahaa kuwa is koris ah oo waalidiintooda la nooleyn ayaa da'dooda lagu sheegay kan geeriyooday oo jiray Sideed sano iyo Saddax iyo toban jir kuwaas oo ku sumoobay raashin ay cuneen.

Maxamed Ibraahib Barrow oo ka mid ah kalkaaliyaasha isbitaalka magaalada Jowhar oo mid ka ka mid ah carruurtaas lagu dawey-nayo ayaa sheegay in raashin ay caruurtaas uga soo qaateen maqaayadaha raashinka ay reebeen iyadoo carruurtaas ay bacaha ay ku qaateen raashinka ay ahaayeen kuwa sun lahaa.

Xabiibo Muxumad Maaxi oo ah Hooyada mid ka mid ah Carruurtaas ayaa sheegtay in cunigeeda uu iyada la noolaa kaddib markii ay Aabihii kala tageen taasoo kaliftay in wiilk-eeda ay u dirto sidii uu qeyb uga qaadan lahaa kobcinta nolasha qoyska waxa ayna sheegtay inay aad uga xun tahay xaala-dda wiilkeeda imminka ku sugan yahay kaddib markii uu ku sum-oobay raashin uu maqaayad ka soo qaatay islamarkaana bac sumeysan uu ku shubtay.

Carruurta aan waalidkood la joogin ee ku jira suuqyada ayaa qaba dhibaatooyinn dhinaca nolosha oo isugu jira Hoy la'aan, cuno la.aan iyo dhar la'aanba qaarkood ayaana tacadiyo kala kulmo bulshada ay ku hoos nool yihiin mana jirto cid ilaa iyo hadda si gaar ah isaka xil saartay wax u qabashada Carruurtaas.

MADAXWAYNAHA DOWLADDA FEDERALKA

Madaxwaynaha dowladda Federalka Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka maanta ka dhoofay magaalada Baydhabo isagoo ku sii jeeda magaalada Bejing ee xarunta dalka Shiinaha.

Madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa dalka Shiinaha uga qeyb geli doona kulan ay isugu imaanayaan madaxda qaaradda Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa waxaa socdaalkii magaa-lada Nayroobi ka raacaya wasiirka maaliyadda ee dawlada federalka Somalia Xasan Max'ed Nuur (Shaatiguduud) Sida ay sheegeen xubno ka mid ah xukuumadda Soomaaliya.

Madaxwaynaha dowladda Federalka ayaa waxa uu sidoo kale xukuumadda Bikiin la soo saxiixanayaa heshiis iskaashi oo ku aadan dhanka horumarinta.

Goor sii horreysay ayuu madaxwayne C/laahi Yuusuf ula kulmay saraakiil ka mid ah xukuumadda Shiinaha.

Warar ka soo baxay madax sar sare oo ka tirsan dawladda Federalka ayaa xaqiijinaya in madaxwayne C/laahi Yuusfu uu kala soo hadlayo madaxda Shiinaha sidii dalka looga fulin lahaa mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay baaridda shidaalka iyo samaynta wadooyin kala duwan.

DOWLADDA KENYA OO DHAQ DHAQAAQ CIIDAN

Ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wadaan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia ee dhinaca gobolada Jubbooyinka, iyadoo dhaq dhaqaaqaasi ciidan ay ku sugayaan amaanka.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqoojin ujeedada ciidamo badan oo Kenya ah oo soo dhoobtay xuduudaha Kenya ayaa hadana wararka laga helayo Liboyo Kenya waxa ay tilmaamayaan in dhaqdhaqaa-qaan uu yahay mid Kenya ay ku xoojineyso amaanka.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya ay ka wadaan xuduudaha ayaa waxa uu gaaray xeryaha qaxootiga Somalida, iyadoo la joojiyay gaadiidkii gali jirey halkaasi.

Dhinaca kale roobab mahiigaan ah ayaa waxa ay ka da'een inta badan gobolada Jubbooyinka, iyadoo roobabkaasi ay geeysteen qasaarooyin si rasmi ah aan loo shaacin, waxaana ay gooyeen wadooyinkii ay mari jireen gaadiidka.

MAXKAMADAHA ISLAAMKA OO DIGNIIN U ...

Golaha Maxkamadaha islaamka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata dareeska ciidamada Kenya ay soo buux dhaafiyeen xuduu-dda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, iyadoo Maxkamaadaha islaamka ay ka digeen xasilooni darro ka dilaacda halkaasi, hadii ciidamadaasi ay kala bixi weyso halkaasi.

Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indho cadde oo shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Ex-Nabad sugida ayaa waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay haatan ku sugan yihiin xadka Kenya ay la leedahay Somalia, iyadoo uu sheegay in ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ay xiran yihiin dareeska ciidamada Kenya.

Yuusuf Indhocadde ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka aysan weerar ku aheyn Kenya, isla markaana Kenya aan loo baahneyn in ay la mid noqoto Itoobiya oo uu sheegay in ay soo weerartay dalka Somalia, ciidamo fara badana ay kaga sugan yihiin, si ay u qabsato dalka.

Sheekha ayaa waxa uu kaga digay dowladda Kenya in nabad darro baahsan ay ka bilaaban doonto, waa haddii si deg deg ah ciidamada Itoobiya aan looga saarin, iyadoo uu shacabka Kenya kula taliyay in ay ka hortagaan in dowladooda ay taageerto fara galinta iyo sidoo kale nabad galyo xumada ay Ethiopia ka wado geeska Afrika si gaar ah Somalia.

Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka ayaa waxa uu sheegay in arintaan ay ku soo beegmeyso xilli kenya ay ku guul-dareysatay in ay dhex dhexaad ka noqoto amuuraha gudaha ee dalka Somalia.

Sheekha ayaa waxa uu dhinaca kale ugu baaqay beesha caala-mka in uu ka hortago fara galinta Kenya ay ku dooneyso in ay ku taageerto dowladda Itoobiya ee lagu sameynayo gudaha Somalia.

XUKUUMADDA ERITREA OO MAREYKANKA KU...

Dowladda Erittrea ayaa mar kale dib u soo cusbooneysiisay hadalo ay ku cambaareyneyso dowladda Mareykanka, oo ku aadan arimaha Somalia, iyadoo Eritrea lagu eedeeyay in ay gacan siiso Maxkamadaha islaamka.

Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay dowlada Mareykanka in ay ka dambeyso muranka u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya in ay saameyn ku yeesheen arimaha somalia.

Bayaan la soo dhigay Internetka oo ka timid wasaaradda arrim-aha dibadda ee Eritrea ayaa lagu beeniyay wararka sheega-ya in Eritea iyo Itoobiya ay u isticmaalayaan dalka Somalia goobo ay ku dagaa-lamaan, warkaasi oo horey uga soo yeeray waaxda amuuraha dibadda ee Mareykanka.

Xukuumadda Eritrea ayaa waxa ay ku muujisay bayaankeeda in ay jiraan dagaalo u dhaxeeya Mareykanka iyo dadka Somalida, iyadoo Mareykan-kana ay ku hoos gambanayaan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayna adeeg-saneyso wakiilkeeda calooshiis u shaqeystayaasha ee dalka Ethiopia iyo qabqablayaasha.

Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu kaga hiiliyay dagaalkii dhex maray iyada iyo Itoobiya sanadkii 1998 dii ilaa 2000.

Dowladda Eritrea ayaa horey sheegtay in aysan ciidamo kuweedaa aysan ku sugneyn gudaha Somalia, xilli Q.M ay sheegtay in 2 kun oo Eritrean ah iyo 8 kun oo ciidamo Ethipian ah ay ku sugan yihiin gudaha Somalia.

DOWLADA MASAR OO SHEEGTAY INAY....

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay dhexdhexaadin doonto Dowladda Federalka Somalia iyo Golaha Maxkamadaha, xilli aad looga cabsi qabo inay isku dhacaan ciidamadda labadaasi dhinac ee ku kala sugan Baydhabo iyo Buur-hakabo.

Mas'uul u hadlay Dowladda Masar ayaa sheegay inay wadaan dadaal lagu doonayo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Madaxda golaha Maxkamadaha iyo dowladda Federalka oo uu khilaafkooda sababi karo dagaal xooggan oo ka qarxa dalka Somalia.

Mas'uulkaasi ayaa arrintaasi ku sheegay wareysi uu siiyay Wargeyska Asharqal Awsad, wuxuuna xusay inay Dowladda Masar ku wargelisay labada dhinac dadaalka diblomaasiyad-eed ee ay ku doonayaan inay isugu soo dhaweeyaan Labada dhinac, isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo wuxuu ku nuux nuuxsaday inay Xukuumadda Masar door shariif ah ka qaadan karto sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Golaha Maxkamadaha iyo dowladda Federalka.

Sidoo kale Mas'uuliyiin isugu jirta Masaari iyo Soomaali oo iyagana maanta Wareysi siiyey Wargeyska Asharqal Awsad, ayaa sheegay inay Dowladda Masar ku hawlan tahay sidii ay Mas'uuliyiinta GMIS ugu qancin lahaayeen inay taageeraan Dowladda Federalka, si loo xaqiijiyo Maslaxadda guud ee Qaranka iyo sidii loo soo af-jari lahaa colaadaha sokeeye ee ragaadiyey dalka Somalia.

MAXKAMAD KU TAALA KENYA OO XUKUN XABSI

toban nin oo Somalia ah oo ku eedeysnaa burcad badeed iyo afduub ayaa Maxkamad ku taala dalka Kenya waxa ay ku xukuntay 10 sano oo xarig ah.

Tobankan nin ayaa waxaa horraantii sanadkaan soo xirey ciidamada Mareykanka oo ka jawaabayay qeylo dhaan afduub oo dooni laga leeyahay Hindia ay u geeysteen raggani.

Burcad badeedaan ayaa ku dooday inta dacwadooda socotey in ay ahaayeen kaluumeysato, iyagoo sheegay in wax afduub ah aysan u geysan 16 shaqaale hindi ah oo saarnaa doonida ay heeysteen ragani somalida ah.

Dacwada raggan Somalida ah ee ku eedeysan burcad badeednimo ayaa waxa ay ka furantay magaalada Mombasa ee dalka Kenya bishii Feberury ee sanadkaan, waxa ayna bilowgii dacwadani ay sheegeen in ay ahaayeen Kaluumeysato ka jilaabanaya xeebaha Somalia, iyagoo ku eedeeyay ciidamada mariiniska Mareykanka ee iyaga xirey in ay kula kaceen fal afduub ah iyaga laftigooda hase yeeshee badmaaxayaashii Hindida ayaa ku marag furey in raggani Somalida ah ee burcad badeedka ay xoog ku heysteen doontooda, ayna u geesyteen jirdil intii ay gacantooda ku jireen.


CADE MUUSE OO SI HAL HALEEL AH MAGAALADA...

Madaxwaynaha Puntland Max'ud Muuse Xirsi ayaa maanta subax gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxwayne Cadde oo si dag dag ah uga soo ambabaxay magaalada Garoowe ayaa ujeedada uu u yimid magaalada Gaalkacyo waxa ay la xiriirtaa sidii u wax uga qaban lahaa maxkamad maalintii maanta looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo.

Madaxwayne Cadde ayaa waxa uu horay u sheegay in amaanka Puntland aanay cidna uga haybaysan doonin, ayna samaynayaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen cid waliba oo khalkhal galisa amaanak gobolada Puntland.

Gen. Cadde Muuse ayaa waxaa magaalada uga soo horeeyay xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay wasiirka maalliyadda ee maamul goboleedka Puntland Max'ed Cali Yusuf (Gaagaab).

Waxaa la filayaa in madaxwaynuhu dhowaan uu saxaafadda la hadlo, kana waramo tallaabada ay ka qaadayaan xubnahaasi.

SHIRKII KHARTOUM OO NATIIJO LA'AAN KU...

Shirkii seddexaad ee u dhexeeyay dowladda Federalka Soomaaliya iyo golaha Maxaak-iimta Islaamiga ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Khartoum ee dalka Suudaan 30kii bishii hore ayaa guul darro iyo fashil ku dhamaaday, iyadoo haba yaraatee aanay suurto gelin inuu furmo oo lays hor fariisto.

Kulankan seddexaad ayaa lagu waday in lagu soo gabagabeeyo heshiisna looga gaaro arrimaha Soomaaliya ee u dhexeeya labada qeybood oo ah dowladda Federalka iyo golaha Maxkamadaha Islaamiga, hase yeeshee furitaankii shirkaasi ayaa waxaa hareeyay caqabado ay labada dhinac ku hor gudbeen furitaankiisa, kuwaasoo qolaba ay soo jeedisay qodobbo ay iyadu wadatay oo u gaar ah, kuwaasoo haba yaraatee aan wax go'aan ah ka qaadan karin qodobada ay la shir tageen, taasoo loo baahday in mar kale la tashiyo ay la sameeyaan madaxda sarsare ee labada dhinac kala hoggaamisa.

Dadaal dheer iyo kulano gaar-gaar ah oo socday seddaxdii maalmood ee ugu dambeysay ayna lahaayeen beesha caalamka iyo dowladaha sida gaarka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa gabagabadiisii iyana guul darro ku dhamaaday iyadoo aan wax natiijo ah ka soo bixin marka laga reebo in dib loo dhigo mar kale muddo ah in la tashiyo ay dib ugula noqdaan labada dhinac, beesha caalamka ay diyaariso kulan afraad oo mar kale laysugu soo laabto haddii ay suurto gal noqoto, waxaa suurto gal ah oo saadaallo kala duwan laga bixinayaa haddii faro marnaan laga soo laabto magaalada Khartoum ee dalka Suudaan inuu qarxo jihaad lala galo ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya oo haatan si weyn ay shacbiga Soomaaliyeed ugu diyaar garoobaan sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen, iyadoo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho toddobo xarumood oo xubno mutadawiciin Soomaali ah ay iska diiwaan gelinayeen si ay uga qeyb qaataan jihaadka baaxadda leh ee lala galayo ciidamada Itoobiyaanka ah ee gardarrada ku soo galay gudaha dalka Soomaaliya.

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD