SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Wararkii: Nov 1, 2006

  • Wararkii ugu dambeeyey shirka Magaalada Khartuum..
  • Golaha Maxaakiimta oo Warqad Qoraal ah U gudbiyey...
  • Yuusuf Bar-Bari oo sheegay in aan la dafiri Karin waxqabadka Maxkamadaha
  • Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay isaga baxayso shirka..
  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xerada Daynuunay oo tijaabiyey Madaafiic…

    Madaxweynaha DGPL oo Wasiirkiisa Maaliyadda ku eedeeyey Hanti Lunsasho...
    Gen. Cadde Muuse oo la hadlayey golaha baarlamaanka Puntland oo Talaadadii ka furmay Garoowe ayaa... Guji...

Wararkii ugu dambeeyey shirka Magaalada Khartuum..

Waxaa is mari waa u dhaxeeyaa Maxaakiimta Islaamiga iyo Dawladda Federaalka ah, gaar ahaan qaabkii uu u furmi lahaa wajigii seddaxaad ee shirka kharduum kaddib markii labada dhinac ay soo gudbiyeen shuruudo ad adag.

Golaha Maxaakiimtu waxay sheegeen in inta Ciidamada Etoobiya ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya inaysan soo hor fariisan doonin Dawladda Federaalka, sidoo kale waxay sheegeen in haddii Dawladda Kiinya ay ka mid noqoto guddoonka shirka inaysan ka qayb gali doonin shirka.

Dhinaca kale Dawladda Federaalka ayaa waxaa ay soo jeedisey in marka hore Maxaakiimtu ay ka baxaan Goboladii ay qabsadeen wixii ka danbeeyay shirkii Labaad ee Khardduum iyo inay Maxaakiimtu ay ogolaadaan in Xukuumadda Kiinya ay ka mid noqoto shir guddoonka.

Warku wuxuu intaa ku durayaa in shuruudahani ay keeni karaan in gebi ahaanba ay bur buraan wadada hadalada wajigooda seddaxaad ee khardduum, Dipolomasiyiinta shisheeye ee ku sugan Khardduum ayaa waxa ay wadaan dadaal ay ku doonayaan inay ku bad baadiyaan shirka, waxaana markiba kulan isugu yimid mas’uuliyiin ka socotay keenya oo uu ka mid ahaa Danjiraha Keenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Maxaakiimta Islaamiga, waxaana la sheegay in Dawladda Kiinya gebi ahaanba ay beenisey wararka sheegaya inaysan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, hase yeeshee Maxkamadaha Islaamiga kuma qancin taa, balse warar kale oo halkaa laga helayo ayaa sheegaya in dipolomasiyiin halkaa ku sugan qaarkood ay soo jeediyeen in Booska Kiinya lagu beddelo Qaramada Midoobay arrintaasoo ay ku gacan sayrtay Dawladda Federaalka.

Halka qaar kalena ay soo jeediyeen in shirka gebi ahaanba loo dhaafo Jaamicaddaa Carabta, wararkii ugu danbeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in Dawladda Kiinya ay isaga hartay shirkaasi kaddib markii ay wada hadal ay yeesheen Dawladaha Kiinya iyo Suudaan maa daama ay Kiinya horey u dhex dhexaadisay Suudaan iyo Jabhadihii ku kacsanaa, waxayna Dawladda Suudaan u soo jeedisey Dawladda Kiinya in faraha looga qaado dhex dhexaadinta labada dhinac.

Golaha Maxaakiimta oo Warqad Qoraal ah U gudbiyey...

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxay warqad u guddbiyeen Dawladda Suudaan oo ay kaga dalbanayaan in la kala bad baadiyo iyaga iyo Etoobiya si loo baajiyo dagaal qaraar oo dhex mara Maxaakiimta iyo Ciidamada Itoobiya, Maxaakiimtu waxay qoraalkooda ku sheegeen inay doonayaan in si derisnimo ah ay ugu wada noolaadaan Mandiqadda Geeska Afrika.

Dawladda Suudaan way ka aqbaleen Codsigaa uga yimid dhinaca Maxkamadaha, waana midda keentay in Wasiirka Gaashaan dhigga ee Suudaan uu deg deg ugu anbabaxo Waddanka Itoobiya kaasoo kulamo la yeeshey Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Mele-Sanaawi kaasoo sheegay in dawladda Itoobiya ay soo dhawayneyso wada hadal dhex mara Maxaakiimta iyo Dawladda isagoo intaa raaciyay inuusan ku xad gudbi doonin gudaha Waddanka Soomaaliya, Wasiirka Gaashandhigga ee Suudaan wuxuu Dawladda Itoobiya u ballan qaaday in wax xad gudub ah uusan uga imaan doonin Maxkamadaha Islaamiga.

Yuusuf Bar-Bari oo sheegay in aan la dafiri Karin waxqabadka Maxkamadaha

Yuusuf Ismaaciil Bari Bari oo ah dan jiraha Soomaliya u fadhiya Midowga yurub ayaa waxa u si weyn u soo dhaweeyay kulamada u dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga, wuxuuna sheegay in kulamadani ay yihiin fursaddii ugu danbaysey ee ay haystaan shacabka Soomaaliyeed,.

Mar wax laga weeydiiyay sida uu u arko Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxa uu yiri “Waxay qabteen hawl muhiim ah oo ay u baahnaayeen bulshada Soomaaliyeed, wax qabadkooduna ma ah mid la dafiri karo” isagoo ugu danbayntii u soo jeediyay labada dhinac inay la yimaadaan tanasul si loo soo af jaro dhibaatada Soomaalida oo mudada dheer soo jiitamaysay.

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay isaga baxayso shirka..

Wararka naga soo gaaraya magaalada khartuum waxay sheegayaan in Dowladda Federaalka xubnahooda ku sugan magaalada Khartuum ay ku hanjabeen in ay isaga baxayaan shirka haddii Dowladda Suudaan loo dhaafo shirkaasi.

Max’ed Cabdi Afeey oo kulan la yeeshay xubnaha Dowladda ayaa ka dalbaday inay ka tanaasulaan shuruuradaha ay hor dhigeen shirka, hase yeeshee C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo wafdiga hogaaminaya ayaa arrinkaasi ku gacan sayray waxa uuna sheegay in Jaamacadda carabta aysan dhex dhexaad ka aheyn Arrimaha Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in shirka looga baahan yahay inay ka muuqdaan wadamada IGAD, gaar ahaan wadanka Kenya oo uu sheegay in ay si aad ah ula socoto xaaladda Soomaaliya, maadaama ay deris la tahay.

Waraku waxay intaa ku darayaan in laga yaabo in xubnaha dowladda ay maantaba ka soo tagaan magaalada Khartuum ayna soo gaaraan magaalada Nayroobi, inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in marka hore la isa soo hor fariisiyo xubnaha Dowladda iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana la sheegay in golaha Maxaakiimta iyana hor dhigeen shirka shuruurdo.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xerada Daynuunay oo tijaabiyey Madaafiic…

Wararka ka imaanaya Magaalada Buur Hakaba ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku nool inta u dhaxaysa Buur iyo Baydhaba ay shalay oo dhan maqlayeen hugunka Rasaasta ka dhacaysa qoryaha waa weyn.

Dadka ayaa u qaatay inuu bilowdey dagaalkii u dhaxeeyey Dawladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta, hasa yeeshee goor danbe ayaa la soo gaarsiyay in qoryahaasi ay tijaabinayeen Ciidamada Itoobiya eek u sugan Degaanka Day-nuunaay kuwaasoo ku riday dhul Baadiya ah oo xitaa aan la ogeeysiinin dadkii ku noolaa.

Ciidamada Maxaakiimta oo iyaguna ku sugan meel 20 km u jirta magaalada Buur ee dhinaca Baydhaba ayaa iyaguna bilaabay inay Cirka u ridaan Qoryaha Lidka Diyaaradaha, waxaana la sheegay in Ciidamada Maxaakiimtu ay ku sii dhawaanayaan kuwa Itoobiya, waxaana laga Cabsi qabaa in Dagaal qaraar uu dhex maro labada dhinac.

Ciidamada Itoobiya ee sugan Magaalada Baydhabo ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq aad u xooggan kaddib markii lagu soo war galiyay inay ku soo siqayaan kuwa Maxaakiimta, waxayna shalay oo dhan ay baarayeen gawaarida ka baxaysa Baydhaba iyo kuwa soo galayaba.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Khartuum: Shirkii wada xaajoodka Somalida oo shuruudo lagu xiray.

Wararka ka imaanaya magaaalada Khartuum ayaa sheegaya in shuruudo lagu xiray sii socodka wadahadalada dhinacyada isku haya xaalka siyaasada dalka somalia.

Inkastoo wararka ka imaanaya khartuum ay sheegayaan in uusan waliba furmin shirku shuruudo jira awgood hadana laga gudbi karo caqabadaha jira islamakraana uu si rasmi ah maalinta bari ah u furmi karo shirku  lagana yaabee in uusan furmin oo uu sidaasu ku bur buro sii soconshada shirku.

Midowga maxkamadaha Islaamiga ah ayaa 2 shuruudood dhinacooda ku xiray kuwaasi oo ah in laga saaro shirgudoonka  Dawlada iyo in Dalka laga saaro Ciidamada Dawada Ethiopia wararka ayaa sheegaya in la doonayo in la saaro gudiyo kuwaasi oo soo baara  waxa ka jira in ay dalka ku sugan yihiin ciidamo ethiopian ah waxaana la saadaalinayaa in maalinta bari ah uu si rasmi ah u furmi doono maalinta bari ah.

Dawalada ayaa iyaduna dhinaceeda  diidan in laga saaro shigrudoonimada Dawlada Dalka Kenya, dawalada ayaa iyadu u aragtay in dawlada lafdeedaba lagu soo dhisay dalkaasi kenya ayna surta gal ahayn dawladii, dawlada somalida marti galisay ama dhistay in ay lid ku tahay arimaha xalinta  gudaha dalka somalia.

xaalka ayaan caday ilaa iyo hada waxaase lakala ogaan doonaa malinta bari ah marka la cadeeyo in shirku uu furmayo iyo in uusan furmayn shirku waxaana muuqata in  markan uu shirku yeeshay shuruudo ka hor intii uusan ba furmin labadii shir oo hore ma jirin wax shuruuda ah oo hor dhac ah oo lagu xiro balse kan oo ah kii 3aad ayaa yeeshay shuruudo ad adag  mana cada sida ay dhinac ugu dhici doonto.

Magacyada 5-nin oo Dhaawac ahaa oo lagu diley Bu'aale...
»Maxay kala yihiin shuuradaha ay kala wataan…
»Maxkamadaha oo maalin walba isu soo dhiibayaan..
»Shariif Xasan oo ku soo jeeda Magaalada..
»QORAAL UU MADAXWE-YNE C/LAAHI YUUSUF U...
»MALEESHIYOOYINKA MAXAAKIIMTA OO BU'AALE....
»MALEESHIYO IYO GAADIID DAGAAL OO KA SOO BAXSADAY...
»WASIIRKA GAASHAAN-DHIGGA DOWLADDA OO...
»JAAMACADDA CARABTA OO SHEEGTAY IN...
»MAAMULKA MAGAALADA BAYDHABO OO MARKII....
»Norway: Gabar Soomaliyeed oo 7 jir ah oo si xun loogu faraxumeeyay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 31

Sheikh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
kaddib markii uu booqasho aan hore loo sii qorsheyn ku tegey Buurhakaba iyo nawaaxigeeda....
Akhri... Oct 30

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD