Warqad Furan Oo Ku Socota Bulshada Muqdisho
( Inta Tabar La Hayo, Talo Ha La Yeesho)
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Delft, Holland
mohamed_ebar@hotmail.com
Ku: Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho
Og: Bulsho-weynta Soomaaliyeed
Uj: Talooyin soo jeedin
Taariikh: May 28 ,2006
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Walaalayaal,
Anigoo ka mid ah Soomaalida Qurbe-joogta ah ee ka welwelsan
xaalka ay maanta ku sugantahay caasimaddii dalka ee Muqdisho, ayaan
jecelahay in aan aragtideyda idiinku soo gudbiyo qoraalkan. Magaalada
Muqdisho waa magaaladii aan ku soo barbaaray waxna ku soo bartay, waxaanan
dareensanahay in waajib ay tahay in dadkeeda aan la qaybsado waqtiga adag e
la soo dersay, xilli dagaallo-doqomeed ay daneysteyaal abaabulayaan ay ka
holcayaan afarteeda geesood.
I. Hordhac
Ku dhowaad sanad iyo siddeetan beri ayaa laga joogaa waqtigii
warqad furan oo cinwaankeedu ahaa:
Badbaadiya
Bulshada Aad Badbaaddaane,
aan hawada u sii marsiiyay Qabqableyaasha dagaalka ee Muqdisho.
Qoraalkaas oo daba socday kulan shacabka lagu
jihowareerinayay oo ay Qabqableyaashaasi ku yeesheen magaalada Nairobi,
Markey taariikhdu ahayd 26-02-2005ta, waxay ujeeddadiisu ahayd waano iyo
talooyin soo jeedin, dhagihii Alle waaniyo ayaa waansamaye.
Nasiib darro Qabqableyaashu waxay dhagaha ka furaysteen
kummannaan talooyin ah oo jihada wanaagga wax loogu riixi karay oo ay u soo
jeediyeen dad badan oo ku nool waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, kuwaasoo
daneynayay badbaadada shacabka Soomaaliyeed ee dulman.
![](/2005/mar/curuuba.jpg)
Xamar::: Shalay |
![](/2005/mar/curuba.jpg)
Xamar: Maanta |
Qabqableyaashu waxay kulankoodii Nairobi
maalmo ka dib meeshoodii ka sii wadeen dhaqamadoodii
gurracnaa ee lagu yiqiin. Sanad ka dib shirkii luggooyo ee
ay ku yeesheen Nairobi waxay magaalada Muqdisho ku
billaabeen madaafiic aan loo aabbo-yeelin oo lagu leynayo
maatida waxayna huriyeen dagaalkii ugu ujeeddada xumaa
dagaalladii sokeeye ee Soomaalida soo dhexmari jiray inta
aan ka warhayo. Waa yaabe, maxaa loo xasuuqayaa maatida
magaalada?
Eedeysaneyaashu shaararkii ay doonaan ha soo gashteen, wixii
ay doonaanna ha sheegeene waxaa cad in dagaalkan ujeeddadiisu ay tahay in
lagu barakiciyo laguna dabargooyo dadka maatida ah ee ku nool Muqdisho,
laguna sii burburiyo magaalo madaxda Soomaaliya. Burburka caasimadda
dalku wuxuu macno weyn ugu fadhiyaa cadowga umadda Soomaaliyeed oo ku
riyoonaya inuu gacanta ku dhigo dadka iyo dalka isagoo adeegsanaya xeeladda
dagaalka ee ah : “Mas madaxaa laga dilaa”. “Lafo Aboodi iyagaa laysku
jebiyaa” iyo kuwo kale oo badan.
Mid ka mid ah Qabqaleyaasha Muqdisho kuwooda ugu tunka roon
ayaa dhawaan wax laga weydiiyay dhibaatooyinkii ay bulshada rayidka ah ee ku
dhaqan Banaadir u geysteen dagaallada aan ujeeddada lahayn. Jawaabta aan
jixinjixa lahayn ee uu Qabqablahaasi baxiyayna waxay noqotay: “
Waxaa
dhamaaday cunug saddex jir ah . Habar uur lahaa wax ku dhaceen … Bulshada
rayidka ah!. Waryaa Bulsho rayid ah ma naqaan, argagixisadeyna ka mid tahay!”
.
La yaabe, haddii cunug saddex jir ah iyo hooyo uur lihi ay
ka mid yihiin argagixisada ay Qabqableyaashu la dagaallamayaan oo ay rabaan
in ay ciribtiraan. Hadii dowlad ku sheegtii maaweelinta loo dhisay ay
maqsuud ku tahay meesha xaal marayo, lana tuhunsanyahay in ayba iyadu
miinada hoos ka aasayso. Haddii dowladihii adduunka ugu itaalka roonaa ay
falalka argagixiso ee Qabqableyaasha calooshooda u shaqeysteyaasha ah
taageersanyihiin. Haddii intii gargaarka iyo garabka laga filayay uu
arrinkoodii ku soo aruuray; Ishaa macallin ah ! Weydiinta murugada lihi
waxay tahay: Yaa u maqan shacabka maatida ah ee ku madluunsan magaalada
Muqdisho?
-
Yaa u maqan maatida yaabbanee muruqa loo sheegtay?
-
Yaa u muqan Maxbuuskaa dulmane Mujrimku iibgeeyey?
-
Yaa u maqan agoomaha la miray maafiyana boobtay?
-
Yaa u maqan masaakiinta iyo muufo kuwan haysan?
-
Yaa umaqan mariilkaa bukee manfaca loo diiday?
-
Yaa u maqan waayeelkaa muskiyo milic cidlaa yaalla?
-
Yaa u maqan marwada lagu kufsaday minankii reerkooda?
-
Yaa u maqan dhashaa Miinadiyo Mootar ku ciyaarta?
-
Yaa u maqan marqaan kuwu u diri malaggii gaadaayay?
-
Yaa u maqan hooyada meyd dushii muusannaabaysa?
-
Yaa u maqan majnuun iyo intuu miyirku naafoobay?
-
Yaa u maqan ummaddan maahsanee miririfleyneysa?
-
Yaa u maqan dadkaa maal sidiis cadowgu mooreystay?
-
Yaa u maqan malaayiinta qixi maalin iyo laylba?
-
Yaa u maqan masaajidka holciyo mowlacyada diinta?
-
Yaa u maqan madaariista ay xiratay Mooryaantu?
-
Yaa u maqan magaaladan ba’ daye madfac u heesaayo?
-
Yaa u maqan mijaha luudayee madax la’aan taagan?
-
Yaa u maqan mataanahan is nacay ee la kala moosay?
-
Yaa u maqan munaafaqu intuu been ku madadaalin?
( Gabaygii Murugo)
http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html
Su’ aalahan culus ka jawaabistoodu waa mid u taalla waxgaradka
Soomaaliyeed, waxaanan hubaa inuu isweydiinayo qof kasta oo ka damqanaya
waxa maanta Soomaaliya ka socda gaar ahaan caasimaddeenna Muqdisho.
![](xamar01.jpg)
Muqdisho sannadkii 1984 | Sawirka: http://www.swan.ac.uk/
Qaybaha soo socda ee qoraalkan waxaan jeclahay inaan ku soo bandhigo
aragtida aan ka qabo xal u helidda musiibooyinka taagan .Waxaan ka soo
billaabi doonaa sida ay ku dhasheen ama ku abuurmeen Qabqableyaashan
maatidii qaaq ka siiyay oo aan u arko musiibada ugu ba’an ee maanta Soomaali
u soo hoyatay. Qeybaha dhexe waxaan uga warrami doonaa qaabka ay
Qabqableyaashu ku xoogaysteen, kuna hanteen hoggaankii shacabka. Waxaan
marka xigta talooyin ka dhiiban doonaa qaabka ugu habboon ee shacabka
dulmani isaga dejin karaan shaqsiyaadka Dulmi-ku-naaxyada ah ee ay
duudsanyihiin, dushoodana lagu tolay. Ugu dambeyn waxaan qoraalka ku soo
gabagabayn doonaa talooyin waano ah oo aan u arko in ay dan u yihiin
maslaxaddeenna adduun iyo teenna aakhiraba.
II. Yaa yiri waa hoggaamiyeyaal, hoojiyeyaasha?
Waxaan muran ka taagnayn in hoojiyeyaashu, waa Qabqablayaasha dagaalkee, ay
maanta yihiin awood aan la inkiri karin oo saameyn weyn ku leh guud ahaan
dalka gaar ahaanna magaalada Muqdsiho. Sidoo kale cidina ma dafiri karto in
ay Qabqaleyaashu yihiin kuwo ku cayilay oo ku soo caanbaxay dagaallada
sokeeye ee caasimadda iyo dhiigga ka qulqulaya maatida Muqdisho. Hubaal
daggaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka hor wax maqlay xitaa magacyadooda
ayaaba iska yaraa. Su’ aasha muhiimka ahi waxay haddaba tahay; Nimankan oo
ah rag la yaqaanno taariikh nololeedkooda, lana ogyahay waxay galaan iyo
waxay gudaan, sidee ayay ku dhacday in lagu sheego hoggaamiyeyaal,
shacabkuna uu sidaas ku qanacsanaado kulana shaqeeyo oo waliba uu si buuxda
ugu taageero?
Marka laga hadlayo cidda naaxisay nimankan nacabka ah, waa run in dalal
deris ah oo iska dhaadhiciyay in xasillooni ka dhalata Soomaaliya gaar
ahaan Muqdisho aysan dan u ahayni ay intaa dabada ka riixayaan oo ay ku
dadaalayaan buunbuuninta iyo taakulaynta dillaallada ay ku daneystaan. Waa
run in ay jiraan dowlado waaweyn oo dano iyo damac fog ka leh deegaanka iyo
dadka Soomaalida. Waa run in warbaahinta waddadeedii ka luntay ee ay inta
badan ku qaraabtaan suxufiyiinta soor-doonka ahi ay tabinta iyo buunbuuninta
Qabqableyaasha ka dhigteen ilo dhaqaale oo ay dhacdhac ka helaan. Hase
yeeshee Dulmi-ku-naaxeyaashu kuma dallicin intaa aan kor ku soo sheegnay oo
kaliya. Midda ugu daran ee Qabqableyaasha saartay fiinta buurta laga daba
fuuli la’yahay waxaan u arkaa in ay tahay, dammanaanta shacabka
jihowareersan oo ay ka helaan taageerada indho-la’ aanta ah.Maxaa lagu
tilmaami karaa shacab ka dudaya daacadnimadii iyo dantiisa guud,
dabayaacayana kuwii dabargoynayay?.
-
Wax kastoo dhibaato ah
-
Waa duul
ku dhaashada
-
Marba
tuuggii dhacayoo
-
Khiyaanada ku dheer bay
-
Dheemankiyo lacagtiyo
-
Dhulka
maal waxow yaal
-
Ammaanada
u dhiibtaan
-
Fulay
dhabqiya nabaddiyo
-
Dhaadhaanka nacaska ah
-
Garashadu
ka dhimmantahay
-
Naxariis
ka dheertahay
-
Xishoodkiina meel dhigay
-
Been-kama-dhergaankiyo
-
Dhuuntu miday
dalooshoo
-
Dhul fog
laga hagaayiyo
-
Midka
miinadow dhiga
-
Waaba
kuway ku dhaataan
-
Waxay
dhiirrigeliyaan
-
Dhiig-miirad baas iyo
-
Kuwa
dhaawacaayoo
-
Sharaftoodii dhumiyoo
-
Dhulka
iyo dadkoodaba
-
Dhaafsanaaya shilinoo
-
Dhiig-yacabka laayeey
-
Ma
dhintoow yiraahdaan
-
Xilalkana
ku dhoobaan.
( Maansadii Dhakafaar)
http://www.somalitalk.com/maanso/dhakafaar.htm
Waxaa la dhihi karaa shacabka waxaa indho-tiray cudurkii Soomaali bi’iyay ee
qabyaaladda.
Way necebyihiin Qabqableyaasha oo dhibkoodu guri uusan
saameynin ma jiro. Haddana wey jecelyihiin oo qof walbaa Qabqable ay isku
reer yihiin ama uu dan gaar ah ku wato ayuu taageersanyahay, u xiiqsanyahay,
una arkaa halyay Qaran!. Maxay soo kordhinaysaa in laba Qabqable oo
saaxiibbo ah, meelna ka wada shidaal qaata aad midna taageerto, midna
necbaato? Miyaan la dhihi karin daacad-darrada iyo dammanaanta shacabka
ayaaba sababtay in ay hoggaanka ku suuxaan rag damiirkii ka lumay oo aan
innaba damqasho lahayn?
![](xamar02.jpg)
Muqdisho 1882, Masjid CabduCasiiz | Sawirka: http://www.swan.ac.uk/
Ummad madaxdeeda loogama soo daynto ummado kale ee waa un
ummaddaas ruux ka mid ah. Ummaddii hagaagsan waxaa loo badiyaa inuu
hoggaanka u qabto mid hanuusan. Taas liddigeeda Ummadii habowsan iyo
burcad kali talis ahina isma seegaan. Bucadkaas ha lagu magacaabo;
Dhiigyacab, Geesi Qaran, Qabqable, Shiikh, Hoggaamiye, Khaa’inul-Waddan,
Madaxweyne, Wasiir, Oday ama Inkaar-Qabe midkii la doonayaba.
Dafo hilibka cayriin
Kuma noqoto Daa’ uus
Diin koore lagu raro
Darmaan ugu ekaan waa
Dacar ruux abuurtana
Wallee malab ma duudsado
Nin muraayad daawaday
Waxan doorsameyn iyo
Muuqii un buu dayi
Bulsho darawalkeeduna
Hummaaggii damiirkiyo
Dabcigeeda weeyaan!.
(
Dadaal,Doodwanaag4
http://www.somalitalk.com/maanso/4.html)
Shaki la’aan Shacabku iyagaa wax ka matalaya sharta socota.
Ma jirto cid uu daah ka saaranyahay dadnimo-xumida nimankan duggaagga ah!.
Haddana waa la difaacayaa, loo doodayaa oo la daba socdaa!!. sabab? Waxaa
laysku qanciyay in Daallinku uu tolka ka difaacayo Daallimiinta reeraha
kale, la’aantiisna Qabiilku uusan heleyn wax difaaca ! Markaa wuxuu
caqligii keenay in reer waliba uu Daallinkiisii duubto (Boqro). Taas
baddelkeeda laguma fekerin , haddii reer waliba uu dabri lahaa Daallinkooda
in la waayi lahaaba Daallin meel ku duula ama wax dumiya.
Ma aha oo kaliya in la dallacsiiyay dulmi-ku-naaxyadii
Bulshada balse waxaa daaqadda laga saaray oo geeska la geliyay intii lagu
tuhunsanaa daacadnimo iyo in ay isku howlaan danta guud, Dib-u-socod,
Qaran-diid, Daacad-iska-doondoon, Dantiis-moog iyo magacyo badan oo lagu
durayana waa la daba dhigay.
-
Marin lagu habaabiyo markaan mugdi ku guureynay
-
Musbaaxii iftiimaba markii madashi loo diiday
-
Maya maya! markey naga muteen maskaxo loo aayo
-
Wada Maacaleesh iyo markaan malignay kii liitay
-
Maangaab markuu taliyay iyo manaxe haamaan ah
-
Mahadsanid markii aan ku niri maxasta kii laayay
-
Oo waliba mansab loogu daray maamul darajeysan
-
Iyo boqol mushaaroo gunno ah bangina loo miisay
-
Nin iimaanku macaluulay baan maaro loo heline
-
Waa kuwaa macallinkii u tagay Dabinno-Meegaare
-
Waa taa dugaag loo martiyay ay mashxaradeene
-
Hororkii Maqsuudyoo waa kaa helay muraadkiiye
( Gabaygii Murugo) ( Gabaygii Murugo)
http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html
Arrinka la yaab lihi wuxuu yahay; In shacabku waqti sidaa u dheer oo baaba’
iyo balanbal ay ku soo jiray ka dib uu weli taageero indho la’aan ah u sii
hayo Qabqablayaasha noloshiisii ku qamaaray. Waxay dadku u dagaallamaan oo
ay taageerayaan kii dilayay. Waxay Qabqableyaasha u iibiyaan hubka iyaga
lagu gubo oo lagu gummaado. Marka xaaladda dhinac walba loo rogrogo runtu
waxay tahay in bulshadu ay si toos ah ama si dadbanba raalli uga tahay
halaagga adduun ee lagu hayo.
-
Waa yaabe
wax kastoo u dana ummaddan waydaaran
-
Ummad ay
wajahaddeedu tahay wixi dhibaalkeed ah
-
Ummad uu wax
darankii qabiil waabab ku xaraystay
-
Ummad tuugga
wada aamintoo uu u yahay waali
-
Ummad
caaqilkeedii wid loo wadata maangaabka
-
Ummad waa
warey iyo colaad ka jecel waanwaanta
-
Ummad uu
widaaygeedu yahay nacab wareemaaya
-
Ummad uu
wadkeedii galoo waalo tumanaysa!!.
-
Ummaddaan
wadiiqay ku go'i looga dhigay waasac
-
-
(
Gabaygii Waajib)
http://www.somalitalk.com/maanso/waajib.html
III. Bulsho wareertay oo waalatay !
Marka loo fiirsado dhaqanka Soomaalida maanta gaar ahaan
bulshada gobolka Banaadir ku dhibban iyo Qabqableyaashooda dagaalku waa wax
laga yaxyaxo. Dheel sheydaanka iyo dhaanto baasta la isku jiibanayo ee ka
socota Muqdisho waxaa la barbardhigii karaa dhacdadii yaabka lahayd ee
dadcunkii u dhashay Jarmalka ee Armin Meiwes iyo dhibbanhihii uu qashay ee
Jurgen Brandes . Dadcunkaasi Internetka ayuu ku faafiyay ogeysiis uu ku
sheegayo inuu u baahanyahay dad uu dilo oo markaa ka dibna hilibkooda quuto.
Yaa raba in la dilo oo ka dibna hilibkiisa la cuno?! Haddaad la soo boodi
rabto: “ Cidna ”, ha degdegin, dad iyo duurba wax aadan fileyn ayaa laga
fishaaye!
Waxaa la yaab leh in ninkaas dadcunka ah fikraddiisii ay dad
badani la dhaceen oo ay la soo xiriireen. Dadkaas waxaa ka mid ahaa ninkii
Jurgen Brandes ee uu dadcunkaasi dilay ka dibna uu hilibkiisii ka cunay
20ka kiilo. Ninka la cunay ayaa sida maxkamadda laga caddeeyay raalli ka
ahaa in la dilo ka dibna hilibkiisa la cuno. Waxaa waliba taas ka sii yaab
badnayd in ninka wax cunay, Armin Meiwes, uu filim ka duubay ninka uu cuni
doono, Jurgen Brandes, oo inta aan la dilin wax ka cunaya xubin ka mid ah
jirkiisa taasoo ahayd xubintiisii taranka. Markii ay labada nin wada cuneen
xubintii taranka ee Brandes ka dib ayaa la khaarajiyay dhibbanihii la cunay
oo la gashtay qaboojiha. Intaa ka dib ayuu ninkii dadcunka ahaa 20kiilo oo
ka mid ah hilibkii Brandes ku cunay bataati iyo maraqa khamriga wijn-ka
laga sameeyo. Maxkamadda oo u muuqata mid ku wareertay xukunka qof raalli ka
noqday in la cuno oo waliba hilibkiisii wax ka cunay ayaa labo sano ka hor
Meiwes ku xukuntay 8sano iyo bar xarig ah.Balse dacwad kale oo laga
dabaqaatay dadcunka ka dib ayay haddana maxkamadda Frankfurt sanadkaan
2006da ku xukuntay xabsi-daa’in.
Waa waalli iyo cudur aan wax lagu tilmaamo la aqoonnin! Waalli hilibkaada ku
cunsiisa ayaa jirtee ha la ogaado!
Sidoo kale sow la yaab uma muuqato maanta, in Qabqableyaasha Muqdisho ay
shacabka ku yiraahdaan : “ Qandaraas ayaan ku soo qaadannay baabi’intiinna
iyo barakicintiinna ee kaalaya aan idin Baroominnee?”. Shacabkuna isagoo u
muuqda mid arrinkaas raalli ka ah , rajana ka qaba in uu dhacdhac dhaqaale
ka soo gaaro kharashkii qandaraaska ay ku jawaabaan: “ Waa na kane na
laaya! Waxaad doontaanna noo dirsada! Waxaad doontaan nagu sameeya! Laakiin
wixii laydin soo siiyay wax naga siiya illeyn taageerayaashiinnii idiin
halgamayay ayaan nahaye!” Allow iimaanka
nagu sug. Tanina ma noo dambeysay!
-
Mar
hadday is wada waydayoo wiririflaynayso
-
Mar
hadduu wahsigu tabar ka yahay iyo walaahowgu
-
Mar hadduu
waraabiyo dugaag ku ag wareegaayo
-
Wan dhaylaa
sidiisii haddii weerar lala maagay
-
Oo
waaxyaheed lagu murmoo la wasladeynaayo
-
Iyaduna
walaalba u qabtiyo ehel wanaag doon ah
-
Waabay
hadday fuuqsatoo biyo wareed mooddo
-
Wuxuushnimo
ka daran oo wallee xaalku waa halise
-
Waa
waalli bulsho ay heshoo cadow ku wiirsadaye !
( Gabaygii Waajib)
http://www.somalitalk.com/maanso/waajib.html
IV. Xagguu maanta marayaa xaalka Muqdisho?
Maanta waxaan u joognaa wax aan caqli caafimaad qabaa
suuraysan karin. Dagaal ay ujeeddadiisu yaab leedahay ayaa holciyay
magaaladii, afarteeda geesna madaafiic aan yool lahayn ayaa ka daryaameysa.
Waxaa dhintay boqollaal qof oo intooda badani ay yihiin dad rayid ah oo aan
dagaallada wax shaqo ah ku laheyn. Waxaa ku dhaawacmay kumanaan la ildaran
dawo iyo daryeel la’ aan. Waxaa sidoo kale ku barakacay qoysas kumannaan
gaaraya oo ay qaarkood u baqooleen gobollada, kuwo kalena ay Muqdisho
dhexdeeda maalinba meel guuraan, iyadoo laga yaabo goobtii ay maanta ku soo
qaxeen in dagaal ka qarxo, danina ay gayaysiiso in ay dib ugu laabtaan
goobihii ay ka soo carareen oo ay naf ka raadiyaan. Marmarka qaar waxaa
dhacda in ay dhexda ku kulmaan laba qoys oo uu mid waliba uu qaxayo jihadii
uu kan kale ka soo qaxay!. Wareer iyo tiih ayaa maanta wehel u ah maatida
Muqdisho, Mowle ayaa wax la magansado ugu mudane.
Dhanka kale Kooxaha ku dagaallamaya magaaladu waxay u
muuqdaan kuwo dhagaha ka fureystay iskana indho tiraya xaaladda dhabta ah ee
taagan. Idaacadaha ayaa maalin walba laga maqlayaa guri madfac cuskaday oo
uu reer ku bas beelay. Waxaad maqleysaa waayeel curyaamay oo carari waayay
iyo carruur saqiirro ah oo cod tiiraanyo ku leh “
Yaa Islaam aheey!”
Iyo “ War
dadyahow Islaam
ma tihiin!”
Haddana dhag jalaq looma siiyo, waxaadna mooddaa in codsigooda iyo
cabashadoodu ayba u keenayso ciqaab hor leh. Waxaa laysku jiibinayaa oo
maatidii loogu jawaabay “ Waa jabeene… Jabiyaay! Jug dheh... Jiibka .
Madaafiic…Mab..Mab..”
![](xamar04.jpg)
Muqdisho sanadihii 1950 | Sawirka: http://www.swan.ac.uk/
Waxaad maqlaysaa nin mas’uul sheeganaya ayaa maanta u yeeray
wariyaal oo soo tusay maydad fara badan oo ay kooxdiisu laysay oo dibadda
yaalla. Wuxuu sheeganayaa guul, haddana maalmo ka dib ayaad maqleysaa kii ka
soo horjeeday oo sheeganaya guul wariyeyaashana ugu yeeraya in ay yimaadaan
oo maydadka bannaanka ku baryay ee xalay bahaluhu wehliyeen ay sawirtaan!.
Shaki iigama jiro in ay meydadkaas ka mid yihiin dad rayid ah oo aan wax
shaqo ah ku laheyn dagaallada, lagana yaabo iyagoo meesha maraya in madfac
ku habsaday ama si ula kac ah gardarro loogu dilay. Goorma ayay xurmadii
meydku gaartay in la aasi waayo! Muslin warkiisaba daaye, xitaa gaalada ayay
tahay in meydkooda layska asturo. Yaanba meyd la xurmayne miyaan xitaa laga
fikireynin caafimaadka dadka nool ee ay meydadku ku dhex dillaacayaan? Waa
yaabaye, Miyeysan dadkani xusuusneyn in ay maalin ay noqtaba maalin meyd
noqon doonaan mowlihii abuurtayna uu la xisaabtami doono?
Waxay ila tahay haddiiba uu caqli jiro, cashar iyo ciqaabi
reer Muqdisho uma laabna, ee ma la is weydiiyay waxa aakhiro iyo adduunba ay
dantu ku jirto?
-
Dhaqankeenni mucjisuu noqdiyo malo waxaan galine
-
Miriqmirtiqda aan hayno iyo meehannowgeenna
-
Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan
-
Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay
-
Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye
-
Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye
-
Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade
-
Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane
-
Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane
-
Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene
-
“Yaa
ii muslim ahey”
haddey maanta maad noqotay
-
Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento
-
Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne
-
Waa maan gurracan oo wallee dhaarna waan maraye
(Gabaygii Murugor)
http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html
V.
Tagto daayoo timaadada qabo: Murugtaye Maxaa talo ah?
Talo caynwareegtay la iskuma canaanto ayay Soomaalidu ku
maahmaahdaaye, aan ka gudubno waayihii murugo ee la soo maray iyo wixii
dhacay oo aan rajeynayo in ay dadka Soomaliyeed ku qaateen cashar lama
illoobaan ah. Aan horay ugu durugno inaan odorosno bal sida loo heli karo
xal lagu furdaamiyo arrimhan farahan ka sii baxaya.
Aan ugu horrayn is weydiinnee, Miyaa weli dulqaad loo hayaa dagaal sokeeye?
Miyaa weli la daneynayaa diredire iyo daandaansi gacal?
Miyaan weli hoos loo dayin dabinkii lagu hoogay ee lagu
halaagmay? Miyaanse weli laga daalin in la daba-rucleeyo Dagaal-Oogeyaal daallimiin
ah oo dhallaanka dubta, umulahana dooxa, culumadana nolol-duuga?
Marba kii digtoonow yiraa oo dacay ku maareysta
Indheergaradkeed dabargooya oo
culimo nool duuga
Marna umuleheed dooxa oo damag ka
siinaaya
Iyo Qaa'inkii dagaya oo dalaw ka
tuuraaya
Daroogada u beeroo xanniba quud
daruurigiyo
Diktatoor xushmeysoo durbaan
beena ugu heesto
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka
sii daraye
Wixii daqar na soo gaarayoo weli
na doogaaya
Dockayeerro
waxay noo hor kici dammani sow maaha?!.
Nacabkeed dabuu shiday iyana digo ku nooleyso
Dorraad weyl la dhacay iyo
weligeed diyo ka sheekeyso
Daandaansi reer kama kortoo dirir
u xiisooto
Dabcigeennu Soomaaliyeey waa ka
sii daraye
Diredire haddaan u heellannahay
gacal ku duulkiisa
Waxan cadowga naga daahay aan
daba rucleyneyno
Diiftuna
xarago noogu tahay dammani sow ma aha?!
(Gabaygii Damaq)
http://www.somaliatalk.com/2005/dec/cibaar4.html)
Rabbi (Swt) cidna ma dulmiyo, wuxuuna Quraankiisa kariimka
noogu sheegay In uusan qoom (Ummad) doorin in ay iyagu isdooriyaan ma ahee.
Taas macnaheedu wuxuu yahay; ummaduhu iyagaa dhibaatada
abuurta oo isku keena, sidoo kalena iyaga ayay tahay inay la yimaadaan
ibeddel wanaag-doon ah oo ay uga baxaan haddii ay musiibo la soo
gudboonaato. Haddii waddada khaldan lagu sii carraabo, caddaabka adduunka
ayaa sii kordhaya, khayrna lama fili karo.
Waa lagama maarmaan haddaba, inuu shacabku garowsado inuu gacmihiisa ku
abuurtay Qabqableyaasha qooqan iyo qalalaasaha ay wadaan ee la maareyn
la’ayahay. Rabbigii na abuuray (SWT) ayaa nagu leh: “ Anigu naftayda waan
ka xaaraantinnimeeyay dulmiga, waxaanan ka dhigay dulmiga mid dhexdiinna
reebban ee ha is dulmina”. Qof waliba, bal dib ha u xisaabtamo oo ha
isweydiiyo inta uu dulmi falay ama uu mid wax dulminaya ku taageeray.
Waxaa ila habboon in ugu horrayn gafafkii naga dhacay laga qoomameeyo,
Qaadirkii na abuurayna loo towbad keeno. Intaa ka dib waa in ay shacabku ka
digtoonaadan in ay ku huleelaan booraan hadimo oo lagu hodayo ayna mar,
labo iyo saddexba horay ugu dhaceen. Waa inuu yimaado xisaabtan miyir ku
dhisan oo kala qeexa waxa ay tahay danta guud iyo waxa kuwa dhiigga
shacabka dullaalaa ay la meereysanayaan. Waa in si degdeg ah loo abuuraa
isbedel wanaag doon ah kaasoo hubaal u baahan muruq, maskax iyo maal fara
badan. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaane, waa in loo istaago isbedel,
dagaal wajiyo badanna lagala hortago dulmiga iyo inta dulmi-ku-naaxyada ah;
Hadduu qoom dhadhaab yahay
Dhaqdhaqaaqna uu gabo
Quraankaaba dhigayoo
Ilaahay ma dhalan-rogo
Mana dayo dhankoodee
Dhayal xaalkii gudubyoo
Riyo laga dhursugo iyo
Dhadhab looma baahnee
Intaan dhaxal-wareeg iyo
Dhib la mudan adduunyada
Aakhirana dhinbilo naar
Dheddig iyo labkiinnuba
Dhallinyariyo waayeel
Dhimashadu mar weeyee
Shacabyahow la dhaansado
Diin baad u dhalatee
Xumaatada ka dhiidhiya!!
(
maansadii Dhalanteed)
http://www.somalitalk.com/maanso/dhalanted.htm
Inkastoo uu dhacay dhib culus, uuna jiro niyadjab weyni, haddana haddii aan
Rabbigeenna u noqonno kuna dadaalno in aan wax saxno, jihada wanaaggana
loo wada jeesto, waxaan ku kalsoonahay in ay si degdeg ah wax isugu
bedeleyaan insha-Allaahu.
Nabigeennii Muxamed (NNKH) ayaa xadiis uu Rabiggiisii (SWT) ka soo wariyay
waxa ka mid ahaa:“ .....Addoomahaygiiyow dhamaantiin baadi ayaad tihiin,
qofkii aan hanuuniyo ma ahee. Marka soo doonta hannuun aan idin hanuuniyee.
Addoomahaygiiyow, dhammaantiin waad baahantihiin ee soo doonta quud aan idin
quudiyee. Addoomaheygiiyow dhammaantiin waad arradantihiin ee soo doonta hu
( dhar) aan idin arrad tiree. Addoomahaygiiyow habeen iyo dharaar waad
gafeysaan, dambiga dhamaantiina aniga ayaa dhaafa ee dambi dhaaf i weydiista
aan idiin dambi dhaafee....”.
La
yaabe! Maxaa noo diiday haddaba, in aan ka faa’ideysanno naxariista iyo
deeqsinimadaas aan la soo koobi kari karin ee Rabbigeennu (SWT) noogu
yaboohay? Maxaan ugu kalsoonaan la’ ahay Khaaliqii Koonkan na keenay,
kibisteennana qoray?
Waa doqonnimo in aan ku kalsoonaan weyno Rabbigii khalqay oo na leh : “
Kaalaya wixii aad iga doontaanba waad iga heleysaane”. Hubaal, haddii aan la
nimaado dadnimo, aanan ka soo gaddoonno dariiqa luggooyo ee aan ku habownay.
Haddii aan u soo noqonno diinteenna iyo wixii noo dan ah, waan guuleysan
doonnaa, Rabbi (SWT) deeqdiisuna nagama soo daahi doonto Alle idankiis.
Haddaan dacay-ku-dhiigliyo
Mideey eedi dabataal
Xilal deegta loo surin
Haddaan dabinno-qoolkiyo
Dannigiyo balaayada
Dibindaabyo kii wada
Daallinka la aaminin
Insha- Allaah dareen iyo
Mar un bey wax soo duxi
Lagu diirsan doonaa!.
(Dawo: Doodwanaag1
http://www.somalitalk.com/maanso/1.html)
Waxay ila tahay in la soo taabtay xeerada gunteedii,lana gaaray watigii
shacabku cod dheer ay runta ugu sheegi lahaayeen Qabqablayaasha qas u
joogga ah, ayna ku dhihi lahaayeen: “ Waa bes.. waa bes. Wallaahi, Billaahi
besteen ayaan nahay! Baroomin, burburin iyo barakicin, been iyo borobogaando
dambena tabar uma hayno”. Waa haddii la bislaaday oo lagu baraarugay
booraanta hadimo iyo boholaha musiibo ee ay bulshadu ku baaba’daye.
Tillaabada koowaad ee loo qaadayo jihada wanaaggu waa in ay noqotaa in la
dareemo lagana digtoonaado dibindaabyada Daallimiinta dulmi-ku-naaxayaasha
ah. Waa duul aan dan ka lahayn dad, dal iyo diin midna.Damacoodu xad ma leh,
lamana yaqaanno wax deeqa. Waxay la ildaranyihiin aqoondarro, mana
yaqaannaan waxa u daran iyo waxa u danta ah. Waa in loogu dayriyaa duulkan
habaaran sida ugu degdegta badan.
Dibbirsane warmoogiyo
Ifka jaahil boow daran
Ay laabtu dedantahay
Damna araggu uu yahay
Dhegtu daarsantahayoon
Daalacasho lagu karin
Dambigiisu badanyahay
Dabci xumo u dheertahay
Murankoon la deyn iyo
Dafiraad u faan tahay
Oo daaca qurunlaa
yaa adiga kuu daran?
Yaadse dano wadaagtaan?
ay ka daahantahayoo
Misna raba danjire iyo
Wasiir uusku diiqmee
Afmiishaar Duffoobiyo
Dadka qaarki naga jira.
(Dawo: Doodwanaag1
http://www.somalitalk.com/maanso/1.html)
Tan Labaad ee muhiimka ahi waxay tahay in shacabku uu si dhab ah u joojiyo
taagerada ay la daba joogaan Qabqableyaasha, mid ciidan, dhaqaale iyo mid
siyaasadeedba. Waa in aan wax loogu tarin oon lagu taageerin yaa ii tol
aheey....
iyo tororogtii horay loo eeday, illeyn iyaguba tooda maahee
cidna uma turaane. Intii ay doonto ha la ekaatee, haddaan shacabku tiirin
oo taakuleyn, ta la hubaa waa in taageero kasta oo ay ka helaan waddanka
dibaddiisu aysan noqon doonin mid ay Qabqableyaashu ay ku sii taagnaan
karaan.
Marka ay Qabqableyaashu waayaan odayaal isku sheeg ay ku
daneystaan. Markey waayaan wiilal ay duufsadaan oo ay dagaal geliyaan.
Markey waayaan deeq uu dalka iyo dibaddaba tolku uga soo ururiyo oo ay wax
ku dumiyaan.
Markay waayaan dumar u mashxarada dambigooda iyo shacab damman oo dulmigooda
u dabbaaldega. Marka cidlo looga kala dareero, laga wada danaysto oo ay
dabeyshu wehel u noqoto, waa la hubaa in ay tabardarreynayaan talana ay ka
hoosi doonto. Hadii sidaa la yeelo, waxaan shaki lahayn in taladii shacabka
ka haadday ay mar kale gacantiisa dib ugu soo noqon doonto, tuugadiina
iyagoo tiiraanyaysan laga takhalusi doono insha-Allaah.
Tan saddexaad, waa in shacabku baadi-goobtaan hoggaan xalaal ah kaasoo soo
xuliddiisa aan lagu miisaamin halbeegga inkaaran ee Yuu yahay? Waxaa habboon
in dadka hoggaanka suuban laga rajeynayo la isku howlo maxay yihiin? Ee aan
lagu habsaamin yay yihiin? Waa in la isku qiimeeyo garashada iyo waxqabadka,
shacabkuna ay taageero la garab istaagaan inta ku howlan ka shaqaynta
maslaxadda guud ee ummadda.
Ninkii danayste ah, waa in isna laga danaystaa. Kan daacadda
ahna waa in lagu durko,la dugsado, howsha uu hayana lala daddaamiyo. Tan
kale waa in la xasuusnaada maahmaahdii ahayd: “ Hal xaaraan ahi nirig xalaal
ah ma dhasho”. Murtidaas waxaan kala baxaynaa si loo dhalo madax xalaal ah
waa in ugu horreyn la helaa shacab xalaal ah. Hadda xaalkeennu waa sidee?
Fadlan aan hubsanno inaan nahay shacab xalaal ah!
Tan afraad, waa in mustaqbalka Qabqableyaasha iyo inta ku
qaraabataba la tuso in uusan dhiigga shacabka Soomaaliyeed aheyn mid raqiis
u ah sidii ay moodeen. Waa in la keydiyo oo la diiwaangeliyo xadgudubyadii
ay ku kaceen, waana in dadka aqoonta u leh qaanuunka ee ehelkeeda ahi ay ka
shaqeeyaan goor ay noqotaba sidii caddaallada loo horkeeni lahaa cidii ku
eedeysan dambiyo laga galay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Howshani waa in ay
u billaabataa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. Waayo arrinkani
wuxuu dabri karaa Qabqableesha hadda jooga iyo intii wax kharribaysa oo laga
yaabo in ay dhimaan xadgudubyadooda cabsi awgeed. Sidoo kalena dhanka
caddaalad-raadinta oo loo dhaqaaqo waxay digniin culus u tahay
Qabqableyaasha soo koraya iyo kharibeyaasha jidka ku soo jira
shaqsi,koox,ama dowlad kii ay doonaan ha ahaadeene.
Waxaan aaminsanahay in haddii shacabku ay la yimaadaan isku
duubni iyo dareen feejigan ay aad u fududdahay in ay si sahal ah uga
dul-tillaabsadaan cadowga ummadda. Kan gudaha iyo kiisa dibaddaba.
Aragnay kuwii aan shalay dulmiga iyo doqonnimada ku boqornay
waxay na badeen. Aragnay in cid na luggoynaysa ma ahee ay yartay cid nala
duuban oo badbaadadeenna jecel. Sow haddaba lama gaarin waqtigii aan isku
tashan lahayn kana gilgilan lahayn heeryada dullinimo ee dusheenna lagu
hubsaday? Sow lama gaarin maalintii aan keenna yar iyo keenna weyn,
raggeenna iyo dumarkeennuba hal cod ku wada dhihi lahayn: “ maanta maanta
maanta, musiibadii ka daalnay maanta.
Maanta maanta maanta, Mujrimiin ogaannay maanta. Maanta maanta maanta
maslaxaddeenna garannay maanta..”
-
Masaruuf qadaa iyo markii majinta loo dhiibay
-
Kooxihii musiibada ahaa maraq na siisteene
-
Maansada haddii aan la faham murtida dhuuxeeda
-
Nabad baa macaan lehe haddaan odayo muuneynin
-
Haddaan wiilal marrasta u naxaa carriga maansheynin
-
Maryamiyo haddii aaney kicin Muxibbo qiireysan
-
Maqrib iyo haddaan mashriq gilgilan meel kastoon joogno
-
Yaa maali jirayey haddey muranka noo doorin
-
Oon mici ku dhiigliyo la didin inta mariid halaq leh
-
Miciinsiga afmiishaar haddaan saaka laga maarmin
-
Haddaan midigtu bidix muujinnoon talo la maareynin
-
Shacabkuna dhammaantii mintidin midnimo waa guule
-
Mabuudkow haddii aan la dhihin magani waa taada
-
Oon dardaarankii Muxamed(SCW) iyo muuqan taladiisu
-
Nala muudsayoo marannayoo nala madoobeeye
-
Waa murugee wahe yaa u maqan magaci Soomaali ?!
( Gabaygii Murugo)
http://www.somalitalk.com/maanso/murug.html
VI. Gunaanad
Xadiis dardaaran ahaa oo laga soo wariyay Nabigeennii suubbanaa (NNKH) ayaa
qaar ka mid ah wuxuu micnihiisu ahaa: “..Ninkiinnii noolaadaa wuxuu arki
doonaa khilaaf fara badan. Si aad uga badbaaddaan khilaafkaas waxaan
idinkula dardaarmayaa inaad raacdaan jidka Nabigiinna iyo jidka
khulufadiisii hanuunsanaa.....”.
Waa nasiib wanaag aan la heli karin in dadka Soomaaliyeed ay 100% yihiin dad
Islaam ah . Maxaa haddaba naga hortaagan in aan raacno jidkii Nabigeenna iyo
khulafadiisii hanuunsanayd,jidkaasoo noo fududeyneynaya inaan ka gudubno
khilaafka dhexdeenna ah, noona iftiiminaya waddada badbaadada oo aan ku
gaari karno baraare adduun iyo bishaaro aakhiro?
![](/2004/sawiro/bb4.jpg)
Xamar 2005 | Sawirka: SomaliTalk.com
Waxaan dadka soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay dhinacyada fiiriyaan,
dhuuxaan oo ay dhug u yeeshaan waxa maanta adduunyada ka dhacaya.
Maslaxaddeennu maanta waxay ku jirtaa inaan ka gudubno dhallanteedka iyo
dhoohnaanta, dhexdana u xiranno sidii aan u badbaadsan lahayn
jiritaankeenna, dhasheennana aan ugu reebi lahayn dhaxal khayr leh oo ay u
aayaan. Badbaado waa in aan ka raadinno jihada Rabbigii na khalqay(SWT) iyo
Rasuulkiisii suubbanaa (NNKH) ay noogu tilmaameen.
Dib wax jira Allaa oge
Soomalaay is daba qabo
Yuu ku duufsan Sheydaan
Daandaansi gacal iyo
Doobbinta Bilaashka ah
Kibirkaan ku daashaday
Dubashada dhallaankiyo
Toban toban u duuggaan
Daa camal Ibleyskiyo
Dirirtaan sokeeyoo
Ummadyahay is daahiri
Hala daahin toowbada
Xalna waa dadaal iyo
Isku duubnidaadiyo
Samir iyo dulqaad badan
Dariiqii Rasuulkiyo (SCW)
Diinta xariggeedoon
Marna gowsku sii deyn.
(Dawo: Doodwanaag1:
http://www.somalitalk.com/maanso/1.html)
Waa waajib diini ah oo na wada saaran in aan la daggaalanno wixii xumaan
ah,wanaaggana aan garab siinno.Xadiis laga soo wariyay Nabigeennii suubbanaa
(NNKH) ayuu macnihiisu ahaa: “ Qofkii xumaanta gacan wax uga qaban karaa ha
uga qabto. Kii afkiisa (hadal) wax uga qaban karaa ha uga qabto. Kii aan
intaaba karin oo ah darajada ugu liidataana qalbiga ha ka naco”.
Halkaas waxaan ka baranaynaa in cid walbaa waxqaban karto. Ciddii aan gacan
iyo af midna waxba ku qaban karini waa in ay xumaanta qalbiga ka nacdo.
Sidoo kalena ciddii aan samaan gacanta iyo afkaba ka qaban karin waa in
qalbiga ka jeclaato. Halkan waxa kale oo loogu quus gooyay dadka isku
madadaaliya, xumaanta haddii aadan waxba ka qaban karin waa inaad
taageertaa! Nin in uu waxqabto aan rabin yaa khasbi kara?
Bal u fiirso Naxariista ilaahay iyo sida naloogu dhiirrigelinayo inaan
wanaagga ka shaqeyno oo u istaagno. Xadiis laga soo wariyay Nabigeennii
Muxamed (NNKH) ayaa qaar ka mid ah wuxu macnihoodu ahaa : “ ... Qofkii isku
daya inuu samaan falo balse aan falin, waxaa Alle agtiisa loo qorayaa
samaantii uu damacsanaa oo dhan!. Sidoo kalena qofkii isku daya inuu samaan
sameeyo oo sameeya waxaa loo qorayaa Ilaah agtiisa 10 ajar illaa 700 ajar
wax ka badan. Maxaa haddaba naga hortaagan inaan wanaag sameynta ku
dadaalno? Waxay ila tahay waa un aqoon darro naga haysa darajada uu Alle
agtiisa ka leeyahay wanaagga oo loo istaago iyo nimcooyinka uu Alle na
siiyay ka faa’ideysashadooda oo aan lagu baraarugsanayn.
Waxaan ognahay Samaan badan iyo xumaan badan meel islama galaan. Sida
caadiga ah ama xumaanta ayaa xoog badan ama samaanta. Sammaanta oo lagu
dadaalo oo la xoojiyaa waxay keenaysaa xumaantii oo marka hore la shiiqiyo
ka dibna gebi ahaanteed la tirtiro oo meesha laga saaro.Qof walbow inta aad
wax kharribi karto labanlaabkeed ka badan oo samaan ah ayaad qaban kartaaye
fadlan aan dhamaanteen jihada khayrka u wada dhaqaaqno, xumaantu waa la
hubaa in markaa iyadu iskeed u galban doontee.
Waxaan ugu dambeystii leeyahay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan
Soomaaliyeey: “Berri tay tageyso lama hubo!, Laakiin Maanta weli tabar ayaa
la hayaaye talo ha la yeesho !”.Dadka Muqdisho ku dhaqan waxaan si gaar ah
u leeyahay: “ Waad isla harteen, Soomaalina waad la harteen, ee hadda iyo
dan: Haddaad rabtaan in aad haakayah tiraahdaan halhaleel u dhiga heeryada
Qabqableyaasha, una hoggaansama oo hanuun ka dalba Rabbigii cirka, dhulka
iyo inta u dhaxeysaba isagu abuurtay, maamula, wixii uu doonana ka yeela.”
![](/2004/sawiro/bb3.jpg)
Xamar: 2004 | Sawirka SomaliTalk.com
Daawo Sawiradii 2004:
http://www.somalitalk.com/2004/sawiro/xamar2.html
Anigoo Rabbiga naxariista badan ka baryaya inuu u gargaaro guud ahaan
ummadda Muslimka ah ayaan qoraalkeygii ila farabaxsaday ku soo gunaanadayaa
ducadan oo aan Alle ka baryayo inuu noo aqbalo:
-
Duulkii ku caasiya ciqaab wow diyaar abide
-
Adoo
daaya mooyee darxumo wey la deristaaye
-
Dulqaad
badane adigaa ahoon deeqi kaa gurine
-
Cirkan daah adigaa nooga dhigay derin dhulkoo idile.
-
-
Daruurahan inagu hoorayee doogga soo bixiya
-
Qorraxdaan kuleyl nagu dubeyn diirrimaadkeeda
-
Dayaxaa samada meerayee leylkii noo daarma
-
Hawadaan daldalaneyno een naga dikhoobeynin
-
Darduurashada nimcadaada aan abidkeed doorsoomin
-
Deyn culus adaan nooga dhigin shey dib loo bixine.
-
-
Dildilloonka hirarkiyo berrigu wuxuu daboolaayo
-
Xidigahan dabrane aan sidii dhimbilo soo daadan
-
Waxa belo dahsoon iyo waxaad derbi ku owdeyso
-
Waxad
naga dadbeysaba Rabbiyoow badi dad waa mooge
-
Adigaa
khalqigan kala dabbara awalna soo deystay.
-
-
Duruustaad na siisiyo beryahan waxan digniin aragnay
-
Daldaliig far iyo noogu filan xusid damiineede
-
Buurahan
inagu soo dumayuu duudkii celin waayay
-
Adigaan daqiiqadda waqtiga sakan u daaheyne
-
Waxaad damacdo adigeey ahaan lagana doodeeyne.
-
-
Adaan kaa dalbeynaa Rabbiyoow raxmad na deeqdaaye
-
Daaquudyadood naga waddiyo ducaqabaad keento
-
Dulmigoo galbada iyo xaqoo loo damaashaado
-
dagdag nabad ah waxan kaa rabnaa dib u heshiisiine
-
Dandarradan ogaannaye Allow saan ha nagu deyne
-
Mar uun naga dulqaad dullinimadan dawarsi waa ceebe
-
Aakhirana dabkoodi naga haay dabaqyadii naarta.
AAMIIN
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
( Gabaygii Damaq)
http://www.somaliatalk.com/2005/dec/cibaar4.html
Wicii
falcelis ah waxaad fadlan ku soo hagaaji:
Maxamed Cali Cibaar
Delft, Holland
mohamed_ebar@hotmail.com
Fikradii Inj. M. Cibaar
Faafin: SomaliTalk.com
| May 28, 2006 | Sixid: May 29, 2006
Halkan ka akhri qoraaladii iyo suugaantii
Inj. Maxamed C. Cibaar