SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII:: MAY 27, 2006

. Maleeshiyooyin taageersan C/Shukri iyo C/Rashiid Ilqeyte oo isku uruursanaya..
. Dagaal u dhexeeya Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo ka dhacay..
. Sheekh Shariif “anagu mar kasta diyaar ayaan nahay in xabbadda la joojiyo”
. Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo ka dhacay Muqdisho …
. Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqday Marka..
. Beelaha Xawaadle iyo Ujeejeen oo heshiis ku gaaray Beled weyne..
. Ganacsatadii Ogadenya oo dagaalka loo diray & Bandow lagu soo rogay magaloyinka.
. Baaq: Ardayda Soomaaliyeed ee Maleysiya
. Baaq: uu soosaaray Cabdi M. Saleiman



 

Xafiiska  cabdi M.Saleiman(Mingiste)    
Baaq Nabadeed
abdi_saleiman@hotmail.com

26/05/06 

Ku: Dagaal  Ogayaasha Muqdisho.
Ku:Maxkamadaha Islaamiga muq .                  

  • ka dib markaan arkay dagaalada foosha xun ee ka socda magaalada muqdisho.
  • Ka dib markaan arkay sida dadka shicibka loo leynayo.
  • Ka dib markaan arkay,qaxa,dhimashada,dhaawaca iyo maydadka wadooyinka yaala .
  • Ka dib markaan dhegeystay qaylada hooyooyinka iyo dhalaanka yar yar  ee Madfacyadu ku haleeleen guryahoodii.
  • Kadib markaan  arkay dhibaatada nooc kasta leh ee loo geysanayo dadka masaakiinta  ah .
  • Ka dib markuu  I qasbay Dareenka iyo Damiirka Muslinimo  ayaa waxaan go,aansaday in aan baaqan u diro dadka Somaliyeed ee ku dagaalamaya Muqdisho.

Waxaa si naxiir leh uga codsanayaa dhamaan inta ka Madax ah,inta Qoriga ridaysa,inta lagacta bixisa iyo inta niyada kala jirtaba in si DEG DEG DEG DEG ah loo joojiyo dagaalada iyo dhibaatada loo geysanayo dadka rayidka ah ee waxba galabsan. 

Waxaa si gaar ah uga codsanayaa laba urur ee waraaqdani sida tooska ah ugu socoto in ay ka joojiyaan dadka rayidka ah ee ay ku dul dagaalamayaan,khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal,waxaan la socodsiinayaa labada kooxood in ay xisaabtan dhab ah ku heli doonaan IFKA IYO AAKHIRABA. 

Ummadda Somaaliyeed meelkasta oo ay joogtoba  waxaa si naxariis leh uga codsanayaa in ay u gurmadaan walaalahooda ku nool magaalada Muqdisho haddii ay noqon lahayd Daawo, Gargaar dhaqaaleba. 

Qalabka warbaahintana waxaan si naxariis leh uga codsanayaa in aanay SAWIRA dadka Mayd ah soo daabicin.

ALLAA MAHAD LEH 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
44 7903664063

Maleeshiyooyin taageersan C/Shukri iyo C/Rashiid Ilqeyte oo isku uruursanaya..

Iyadoo maleeshiyooyinkii daacadda u ahaa C/shukri iyo C/rashiid Ilqeyte oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka "Argagixisada" ee laga saaray agagaarka Lambar Afar kaddib markii uu halkaasi ka dhacay dagaal aad u qaraar ayaa haatan maleeshiyooyinkaasi waxay isku uruursanayaan Jaamacaddii Hore ee Gaheyr. Maleeshiyooyinkaasi ayaa waxaa diiday in halkaasi ay wax weerar ah ka qaadaan Maleeshiyooyin daacad u ah Cusmaan Xasan Cali Caato oo ku sugan deegaankasi, iyadoo maalintii shalay ahaydna uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato, waxaana safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur iyo Xildhibaan Cali Calas Qaareey.

Maanta ayaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan dhinacyadii dagaalku dhex maray waxayna marka ugu horeysa la kulmi doonaan xubnaha isbahaysiga uga jira Beesha Habargidir oo ay ka mid yihiin C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi Shukri, Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Nuure Siyaad. Xubnahaan isbahaysiga ayaa habeen hore waxay ku sugnaayeen guriga Wasiirka Arrimaha Diinta Cumar Maxamuud Max’ed (Cumar Finish) oo isagu ilaa iyo haatan ka qayb-qaadan dagaalada balse ku koobnaa afka oo keliya.

Dagaal u dhexeeya Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo ka dhacay..

Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay waxay dagaalo ka socdeen deegaano ka tirsan Gobalada Galguduud iyo Hiiraan oo ay kala degaan Beelaha Xawaadle iyo Murusade, gaar ahaan tuulooyooyin ku dhow dhow Degmada Maxaas.

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr kale.

Warkaan oo aanu ka helnay Xasan Hilowle (Xasan Kacaan) oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobalka ayaa waxay wararka qaar sheegayaan in dagaalkaasi uu ka bilowday dhul daaqsin ah oo ay isku qabsadeen labada dhinac.

Maalintii shalay ahayd ayaa Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan labada beelood ku baxeen halka ay dirirtu ka socotay, haddana ma aysan gaarin hadafkii ay halkaasi u tageen, baaxadda dagaalkaan ayaa waxaa qariyay dagaalada maalmahan ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Maalintii shalay ahayd ayaa la soo gebgabeeyay heshiis dhex maray Beelaha Xawaadle iyo Gaal-Jecel kuwaasoo ku dagaalamay deegaanka Jawiil oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Sheekh Shariif “anagu mar kasta diyaar ayaan nahay in xabbadda la joojiyo”

Guddoomiyaha midowga Maxaakiimta Islaamiga ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dagaaladaasi ay ahaayeen kuwo ay soo qaadeen waxa uu ugu yeeray Isbahaysiga Sheydaanka.

“Anagu waxaan mar kasta nahay kuwo is difaacaya, waxaana ku hogaansameenay waan waanta ay wadaan odoyaashu” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa raaciyay “dagaalkii ka dhacay agagaarka Km4 waxa uu ahaa mid ay si weyn gacan uga gaysteen bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, waayo waxay go’aansadeen in ay iska qabtaan kuwii dhiigooda ku gorgortamayay mudo 16 sano ah.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Sheekh Shariif in kuwa iibsaday diintooda goor ay ahaataba laga adkaan doonto, mar waxa laga weydiiyay khasaarihii ka soo gaaray Midowga Maxakiimta Islaamig ah, waxa uu yiri “Khasaaraha na soo gaaray waa midka gaaray Shacabka, aad baana uga xun nahay dhibkaasi ku dhacay shacabka”.

Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo ka dhacay Muqdisho …

Afhayeenka Isbahaysiga la dagaalanka "Argagixisada" Xuseen Guutaale Raage ayaa mar uu la hadlayay saxaafadda waxa uu ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay isbahaysigooda iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga, waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeen wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah, mar waxa laga weydiiyay qabshadii Lamba Afar iyo Hotel Saxafi waxa uu yiri “Ciidamada Isbahaysiga dib ayay uga gurteen goobahaasi, balse waxa uusan muran ka taagneyn sida ay u joogi doonaan kooxahaasi”.

Xuseen Guutaale waxaa la weydiiyay halka ay ku dambeeyeen xubnihii Isbahaysiga waxa uuna yiri “waxay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, balse ma uusan carabaabin halka ay Muqdisho kaga sugan yihiin”.

Warar ayaa waxay sheegayaan in C/rashiid Ilqeyte, Cabdi Shukr iyo Cabdi Nuure Siyaad ay ku sugan yihiin Degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haatan lama garanayo waxyaabaha ay halkaasi ka sameenayaan balse warar ayaa waxay sheegayaan in ay ku jiraan abaabul

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqday Marka..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobalka Sh/hoose waxay sheegayaan in maalintii shalay ahyad magaaladaasi ay soo gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka, waxayna ku kuurgalayaan xaaladda Gobalka Sh/hoose, gaar ahaan sida ay u socdaan howlaha gargaarka ee Gobalka iyo Baahida ka jirta Gobalka Sh/hoose.

Wafdigaan ayaa markiiba waxay la kulmeen mas’uuliyiin ka socotay gobalka Sh/hoose, waxayna isla soo qaadeen sidii uu Gobalku gacan uga gaysan lahaa howlaha gargaarka.

Wafdigaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili gobalkaan maalmahan ay ka dhaceen qaraxyo aan la garaneyn cidda ka dambeysa, waxaana qarixii ugu dambeeyay uu dhacay maalintii arbacada ahayd, kaddib markii Gaari N3 ah oo raashin ka qaadi lahaa gobalka lala beegsaday qarax, waxaana goobtii uu qaraxu ka dhacay soo gaaray mas’uuliyiin ka socotay gobalka Sh/hoose, oo sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi

Beelaha Xawaadle iyo Ujeejeen oo heshiis ku gaaray Beled weyne..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd xarunta Xaquuqda Aadanaha ee Al-Hilaa ay kulan isugu yimaadeen Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beelaha Xawaadle iyo Ujeejeen, waxaana kulankaasi looga hadlayay sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii gacan ka hadalka ahaa ee dhex maray labadaasi beelood kana dhacay deegaanka Jawiil.

Xubnihii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxa ay sheegeen in labada beelood ay ka dhexeyso xiriir qoto-dheer iyo deris wanaag, waxayna ku tilmaameen dagaaladii dhacay kuwo nasiib daro ah.

Labada beelood ayaa waxay isku raaceen heshiis ka kooban dhowr qodob waxaana ka mid ahaa in aysan dib dambe xabad uga dhicin deegaanka Jawiil, in beeshii ku xadgudubta heshiiska xabad joojinta laga qaado toban Malyan oo Shillin Soomaali ah, waxaa kalloo la isku afgartay in la sameeyo guddi ka kooban 13 xubnood oo labada dhinac ah kuwaasoo la sheegay in ay kormeeri doonaan heshiiskaasi.

Odoyaashii iyo Waxgaradkii ka qaybgalay kulankaasi ayaa si weyn isugu gacan qaaday waxayna ballanqaadeen in ay ka shaqeyn doonaan meel marinta heshiiskaasi oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Afhayeenka u hadlay Urur weynaha ardaydda Soomaaliya ee Dalka malaysia (Mohamed Shido) oo cambaareeyey dagaalada kasoo cusboonaday magaalada Muqdishu waxuuna ku baaqay in la joojiya...

Anigoo ku hadlaa magaca Urur weynaha Ardaydda Soomaaliya ee Dalka Malaysia.
Ardayda Jaamacadaha sare Malaysia.
Ardayda Jaamacaddaha hoose Malaysia.
Ardayda ree somaliland ee ka yimaaday goboladda Waqooyi.
Danwadaag & dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia.

waxaan aad & aad ugu xunahay dagaaladda soo noq noqonaa ee ka bilaawday magaaladda Muqdisho, Dagaaladaasoo sababay khasaaro naf & maalba leh, waxaa halkaan ka cambaareeyneeynaa dagaaladda iminka socda, waxaana codsaneeynaa in si sharuud la'aan ah loo joojiya, sidoo kale waxaan codsaneeynaa ina qofkasta oo soomaali ah uu ka qeybqaato sidii loo joojinlahaa Dagaaladaas, loona taageeri inta Nabad jecel... | La xiriir:
admin@sssmalaysia.org

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2006


TACSI 

Waxaa may, 24 2006, lugu duugay qubuuraha  muslimiita ee magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis  Minnesota  north ameraca . SUCDI  MAXAMED CABDULLE (DAYUURAD) ALLAHA NAXARIISTEE JANNO KAWARAABIYO.

Sucdi waxay ku dhalatay Somalia magaalada GALKACYO sanadkii 1980. waxay timid  USE 1992 iyada oo toban sano jirtay. Waxay dhamaan iskuulkeeda ku dhamaysatay heer sare waxay naqatay gabadhiihii ugu sareeyay ee 1999. waxay hashay deeq waxbarasho waxayna ka dooratay jaamacadda gobolka minneapilis minnesota dabadeed waxay ubadalatay jaamacadd S. THOMAS UNIVERSITY. WAXAYNA KA QALIN JEBISAY 2004. WAXAYNA JAAMACAD U AADAY MAGAALADDA NEW YORK, HOFSRA UNIVERSITY. WAXAY SUDI BARANAYSAY CAAFIMAADKA WAXAYNA AHEED GABDHAHA UGU FIRFIRCOON DHANICA WAXBARASHADDA. HADABA WAXAA LOOGA TACSIYADAYNAYAA EHELADDII IYO KHARAABADDII AY KAGEERIYOOTAY  SUDI MAXAMED CABDULLE OO KALE AH. 

  • HOOYO: ASLI SUGULLE

  • AABBE: MAXAMED CABDULLE (DAYUURAD)

  • CUSMAAN MAXAMED CABDULLE

  • SHAFIC MAXAMED CABDULLE

  • FARXIYO MAXAMED CABDULLE

  • FARNUUN MAXAMED CABDULLE

  • HAMDI MAXAMED CABDULLE

  • SHUKRI NUUR FAARAX

  • AAMINO NUUR FARAX

WAXAA HALKAN TACSI KA DIRAYA

  • ABDIRISAAQ HAJI XUSSEEN

  • ABDIQAFAAR HAJI XUSSEEN

  • Dr  OMAR ARTAN SALAH

  • Dr’s LUUL XASSAN LAARI

  • Dr’s MARYAN ABDISAMAD

  • Dr AXMED ROBLE

  • Dr FUAAD

  • Dr FOOSI

  • D JAMAL ABDI OMAR

  • FURTUN

  • LAYLA ALI DAAHIR

  • HALIMO SACDIYO

  • NUURO JURU JUR

  • XAWO XAJI XASSAN

  • FAADUMO TIMACAD

  • XAWO

  • ARDO

  • WARSAN GAAYACO

  • XAWO AYEEYO

  • ARDO WALIYO

  • HADAN CARUUS

  • IYO DHAMAAN SOMALI MEDIA ZAKARIA ADEN IYO ABDIMALIK ASKER.

  • SOMALIA WOMEN CIVIL WAR SURVIVALS

Waxaa soo tebiyey Zakaria | zakihaji@yahoo.com

Minneapolis: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Tacsi u diray Qoyskii ay ka geeriyootey Sucdi Cabdille Cusmaan

TACSI :  

Cabdirisaaq,  Cabdinaasir, Cabdiwaaxid, Cabdiqafaar iyo Cabdiwahaab Xaaji Xuseen, iyo dhammaan qoyska Reer Xaaji Xuseen waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii ay ka geeriyootay Alla-u-naxariisey Sucdi Cabdille Cusmaan (Dayuurad), siiba waalidkeed  - Cabdille Cusmaan (Dayuurad) iyo Asli Sugulle Cali Dafle iyo walaalaheed iyo ehelada kale ee marxuumadda. 

Geeridu waa xaq, laakiin waxaa jirta mid aan sahal looga samri karin. Sucdi Cabdille waxay ku dhalatay magaalada Galdogob, oo kamida gobalka Mudug (Soomaaliaya). Waxayse ku kortay Caasimadda Muqdisho. Waxay ka kamid ahayd dadkii dibedda u qaxay oo soo galay dalka Mareykanka. Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Minnesota University ee magaalada Minneapolis. Dabadeed waxay isku qortay laantaTakhtarnimada (medicine), taasoo ay dhigatay sannadkii ugu horreeyey. Sucdii mar kasta heer sare ay kaga jirte waxbarashada. Si lama filaan ah ayaa Sucdi u geeriyootay. Dhamaan dadkii, siiba eheladii iyo dhallintii ay si gaar ah u yaqiin, waxay  Sucdi ku sifeeyeen inay ahayd: “mid la’is tusay iyo mid aan la calfanayn”. Iyadoo aan loo firiin Sucdi xaghee ku dhalatay iyo yay u dhalatay toona, dhammaan Soomaalida ku nool magalaada Minneapolis iyo agagaarkeed waxay isku si uga xumaadeen oo uga tiiraanyoodeen geerida lama filaanka ah ee Sucdi Cabdille. Waxaan Ilaah uga baryeynnaa Sucdi in hooygeeda uu ka dhigu Jannatul Firdows, Annagoo dhanna, siiba waalidkeed iyo walaalaheed, in samir iyo iimaan naga siiyo. Aammiin.  

Sucdi Cabdille Cusmaan | hussen100@yahoo.com | Mpls, MN, USA

....
Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 May 2006
 
Ganacsatadii Ogadenya oo dagaalka loo diray & Bandow lagu soo rogay magaloyinka.
 
Shaygoosh oo taageeradii loo diiday.
 
Dad uu cadowgu meelo kala duwan ku laayay iyo kuwa uu xidhxidhay. 
 
 Dagaallada dhex-maray ciidammada xoreynta iyo kuwa cadowga.        
 
 
======================   
 
Maanta oo taariikhdu tahay 25/05/06 waxaa magaalada Jigjiga ka baxay ganacsatadii waawaynayd ee dalka u dhalatay, kuwaasoo lagu qasbay inay deegaannadoodii tagaan, si ay uga qayb qaataan hawlgallada dagaal ee ciidammada gumaysigu ka fulinayo dalka Ogaadeenya.
 
Ganacsatadan waxaa ka sii horreeyay calooshood u-shaqaystayaashii u shaqayn jiray maamul ku-sheegga Kililka, kuwaasoo la geeyay degmooyinkii ay sheegan jireen in laga soo doortay, iyagoo si toos ah u guda-galay hawlihii daba-dhilifnimada ahaa ee cadowgu u asteeyay.
 
Waxaa dadwaynaha magaalooyinka deggan maalin walba lagu shiriyaa qasab, iyadoo ay kooxdan daba-dhilfka ah iyo ciidammadoo iskaashaday ugu hanjabaan inay tallaabo adag ka qaadayaan haddii ayna si daacad ah ugu hagar-bixin ciidammada dawlada oo ayna ka qayb qaadanin dagaalka cidammadu wadaan. Meelo badan oo dalka ka mid ah waxay dadwyanuhu diideen inay yimaadaan shirarka ay ciidammada gumaysiga iyo nimankani qabtaan, sidaas darteed ayaa amar lagu bixiyay in la laayo dadka ka dhaga-adayga ka qayb qaadashada shirarka.
 
Waxaa Bandow lagu soo rogay magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, kuwaasoo laga mamnuucay inay cidi ka baxdo ama cidi soo gasho. Wuxuu Bandowgu ugu sii daran yahay magaalooyinka Qabridaharre iyo Wardheer.
 
Ciidammada cadowgu waxay joojiyeen guud ahaanba gaadiidkii dalka u kala socon jiray, noocuu dooni ha noqdee. Maanta waxaa meelo badan laga joojiyay Gaadhi-dameero dadwaynuhu ku adeegan jiray.
 
Shaygoosh oo taageeradii loo diiday.
 
Sidaan horay u sheegnay waxaa markii ay taariikhdu ahayd 08/05/06 magaalada Shaygoosh ku dhuftay duufaan wayn, oo magaalada dhibaatooyin badan u gaystay. Duufaankaasi wuxuu dumiyay in ka badan 200 oo guri oo dadwaynuhu lahaa, wuxuuna dhaawac soo gaadhsiiyay labo qof.
 
Haddaba waxaa dadwaynaha reer Shaygoosh u soo gurmatay hay’adda WFP, oo fahdigeedu yahay magaalada Qabridaharre, hase yeeshee ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa shaqaalihii hay’adda u diiday inay magaalada galaan, waxayna ka celiyeen duleedka magaalada Shaygoosh.
 
Dad uu cadowgu meelo kala duwan ku laayay iyo kuwa uu xidhxidhay.
 
Ciidammada gumaystada Itoobiya, oo toddobaadyadan denbe sii kordhiyay xasuuqii ay dadwaynaha rayadka ah ku hayeen, ayaa meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ku dilay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin, waxayna kala yihiin dadka ay magacyadoodu na soo gaadheen;
 
Markii ay taariikhdu ahayd 18/05/06 waxay ciidammada cadowgu ku dileen San-xaskulle, oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, labo nin oo shacab ah, waxayna kala yihiin;
 
1-    Deeq Axmed Wali, oo markii ay dileen ay ka qaateen Qori uu watay iyo 3300 oo Bir.
2-    Axmed C/qaadir, ooy isagana ka qaateen Qori uu watay.
 
Waxay isla San-xaskulle ka qaqabteen, oon war laga haynin ilaa iyo hadda meeshay ku sugan yihiin, dadka kala ah;
 
1-    Faarax Macruuf
2-    C/llaahi Mahdi Maxbuub, oo lagu qabtay Qori uu watay.
3-    Jamaal Axmed Cabdi
 
24/05/06 Kabtii-Naag, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxay ciidammada gumaysatada Itoobiya jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1-    C/nasir Geeddi
2-    C/raxmaan Afwayne
3-    Yuusuf-qaad Dubbad
4-    Maxamuud Xirsi Cagoole
 
20/05/06 San-cadde, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxay ciidammada cadowgu ka afduubeen seddex nin oon ilaa iyo hadda la haynin meeshay geeyeen, waxayna kala yihiin;
1-    Badri Muxumed Jalane
2-    Cabdi Muxumed Nuur
3-    Axmed Maxamed Dhiille
 
14/05/06 Qudhac-maydal, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxay ciidammada cadowgu jidhdil ba’an ugu gaysteen dad rayad ah. Waxayna dadkan ku gadoodeen, ka dib markii lagu waxyeelleeyay dagaal meeshaas ka dhacay. Dadka ay dhibaatooyin xunxun soo gaadhsiiyeen waxay kala yihiin;
1-    Maxamuud Ibraahim
2-    Maxamed Xasan Daahir
3-    Xamdi Caaqil Faarax iyo
4-    C/nuur, oo magaciisa buuxa aanaan halin.
 
 
Waxay sidoo kale meeshaas ka afduubteen oo la tageen dadka kala ah;
1-    Wali Bade Salawi
2-    Maxamuud Cabdi Mawsar iyo
3-    Mustafe C/llaahi Aaden.
 
Dagaallada dhex-maray ciidammada xoreynta iyo kuwa cadowga.        
 
15/05/06 dagaal ka dhacay magaalada Dhagaxmadow waxaa ciidammada gumaystada lagaga dilay 8 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
16/05/06 dagaal ka dhacay tuulooyinka Xero-safar iyo Dunbuluq waxaa ciidammada gumaysatada lagaga dilay 6 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
19/05/06 dagaal ka dhacay Laanqayrta, oo u dhaw magaalada Laas-Dhankayrre, waxaa lagu weeraray ciidammo watay baabuur kolonyo ah, waxaana halkaas lagaga dilay 21 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 28 askari.
 
Ciidammadaas ayaa markii weerarkaas lagu qaaday waxay dageen Laanqayrta, hase yeeshee maalintii ka danbaysay ee taariikhdu ahayd 20/05/06 ayaa weerar kale la cuskiyay, waxaana halkaas lagaga dilay 20 askari, 18 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
24/05/06 Kabtii-naag, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
18/05/06 Naasa-hablood, oo Qaridaharre ka tirsan, waxaa lagu qabtay labo askari oo firxan ah, kuwaasoo ka soo fiigay cidammada gumaysatada Itoobiya. Halkaas ayaana lagu dilay, ka dib markii ay diideen inay is-dhiibaan.
 
21/05/06 dagaal mir ah oo lagu qaaday ciidammo fadhiyay Laas-dhankayrre waxaa lagu dilay 20 askari, 10 kalana waa lagu dhaawacay.
 
14/05/06 dagaal ka dhacay Qudhac-maydal, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 10 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
26 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD