SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga Dagaal Qaraar kula wareegay Lambar 4 iyo Hotel Saxafi (War Deg Deg ah)

Muqdisho | May 25, 2006

Dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa saakay subaxnimadii ka bilowday carwadii hore ee Qaranka Km4, kaaddib markii halkaasi ay soo buuxiyeen Maleeshiyooyin daacad u ah Isbahaysiga la dagaallanka "argagixisada", kuwaas oo xitaa la wareegay xaruntii Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan.

Abaabul ay sameeyeen ciidanka Maxkamadaha Islaamig ah ayaa waxay foodda isku dareen ciidammdii Isbahaysiga la dagaallanka argigixisada, taasina waxay keentay in ciidammada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay la wareegaan Isgoyska N.4 iyo Hotel Saxafi, waxayna halkaasi ku qabsadeen saddex gaari oo Tikniko ah, hub iyo rasaaasa oo iyana ay kala wareegeen Hotel Saxafi.

Maleeshiyooyinka Isbahaysiga ayaa markii dambe u dhaqaaqay Dhinaca garoonkii hore ee Diyaaradaha, waxayna isku aruursadeen gurigii uu degganaa Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal) oo ka mid ah Madaxda Isbabahaysiga, iyadoo ciidammadii Maxkamadaha Islaamiga ahna iyana ay u dhaqaaqeen dhinaca Airport-ka, waxaana halkaasi ka dhacay mar kale dagaal aad u qaraar, waxaana ay gacanta ku dhigeen gurigii Cabdi Nuurre siyaad oo la sheegay in ay ka heleen rasaas iyo hub.

Ciidmamadaii daacadda u ahaa Cabdi Nuurre Siyaad ayaa u dhaqaaqay dhinaca Deegaanka Madiina, gaar ahaan halka uu ku sugan yahay Cumar Maxamuud Max’ed Cumar Filish oo ka mid ah isna Isbahaysiga la dagaallanka argagixisada.

Illaa iyo 20-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana isbitaallada Madiina iyo Keysaney la dhigay 50-qof oo dhaawac ah oo u badnaa dad rayid ah.

Ciidammada Maxkamadaha Islaamiga ah gacan ku dhigidda ay ku dhigeen Isgoyska No.4 iyo Hotel Saxafi ayaa u ah guul aad u weyn oo u soo hoyatay Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, waayo halkaasi waa goob Istiraatiiji ah oo laga xukumi karo magaallada Muqdisho. Dagaalkani keliya kuma ekeyn No4. iyo Hotel Saxafi, balse waxaa dagaal qaraar uu ka dhacay Dayniile oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo rasaastii la isku adeegsanayayna ay waxyeello ku soo gaartay dad rayid ah. waxaa kale oo isna dagaal aad u qaraar uu ka dhacay halka lagu magacaabo Galgalato oo ku taalla duleedka Magaallada Muqdisho, waxaana la sheegay in dib loo soo riixay ciidammada Isbahaysiga, lagana qabsaday laba gaari oo Tikniko ah.

Sidoo kale wax yeelo soo gaartey Xafiiskii Telefishinka Al-Jaziira uu ku lahaa magaallada Muqdisho, kuna yaallay halkii xarunta u ahayd madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, waxaana xafiiskaasi soo gaaray xoogaa waxyeello ah, sida laga sii daayay Telefishinka Al-Jaziira.

Haatan xaaladdu way deggan tahay, inkastoo ay dhacayso rasaas goos goos ah, haddana waddada aadda Afgooye, gaar ahaan agagaarka Calammada ayaa waxaa ka jira xiisad colaadeed, waxaana isku hor fadhiya Ciidamo Taageersan Cabdi Qaybdiid iyo kuwo daacad u ah Yuusuf Indho-cadde oo taageera Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, inkastoo odayaal iyo waxgarad haatan ay wadaan waan-waan la doonayo in lagu baajiyo dagaalkaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Agaasimihii Guud ee Range Resources oo is Casiley
iyo Shirkaddaas oo Warqaddii Geeddi ku tilmaantay Wax aan la hubin iyo Guddiga Range Resources oo lagu daray Liibaan Boqor... Akhri..... May 25


WARARKII: MAY 25, 2006

  • Minneapolis: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Tacsi u diray Qoyskii ay ka geeriyootey Sucdi Cabdille Cusmaan....
  • Geeddi oo deg ugu yeeray Wasiirkiisa Maaliyadda.....
  • 500 oo Booliis ah oo maanta tababar uu uga furmayo xerada…
  • Max’ed Dheere oo ganta ku dhigay Gaari siday hub…
  • 120 qof oo ka kala socday Bulshada rayidka ah oo aqoon is weydaarsi uga furmay …
  • Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed oo dagaal culus la gashay...
  • Dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay Muqdisho...
  • Qaar ka mida beelaha Digil iyo Mirifle oo isu celiyay gawaari iyo hub ...

Minneapolis: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Tacsi u diray Qoyskii ay ka geeriyootey Sucdi Cabdille Cusmaan

TACSI :  

Cabdirisaaq,  Cabdinaasir, Cabdiwaaxid, Cabdiqafaar iyo Cabdiwahaab Xaaji Xuseen, iyo dhammaan qoyska Reer Xaaji Xuseen waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii ay ka geeriyootay Alla-u-naxariisey Sucdi Cabdille Cusmaan (Dayuurad), siiba waalidkeed  - Cabdille Cusmaan (Dayuurad) iyo Asli Sugulle Cali Dafle iyo walaalaheed iyo ehelada kale ee marxuumadda. 

Geeridu waa xaq, laakiin waxaa jirta mid aan sahal looga samri karin. Sucdi Cabdille waxay ku dhalatay magaalada Galdogob, oo kamida gobalka Mudug (Soomaaliaya). Waxayse ku kortay Caasimadda Muqdisho. Waxay ka kamid ahayd dadkii dibedda u qaxay oo soo galay dalka Mareykanka. Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Minnesota University ee magaalada Minneapolis. Dabadeed waxay isku qortay laantaTakhtarnimada (medicine), taasoo ay dhigatay sannadkii ugu horreeyey. Sucdii mar kasta heer sare ay kaga jirte waxbarashada. Si lama filaan ah ayaa Sucdi u geeriyootay. Dhamaan dadkii, siiba eheladii iyo dhallintii ay si gaar ah u yaqiin, waxay  Sucdi ku sifeeyeen inay ahayd: “mid la’is tusay iyo mid aan la calfanayn”. Iyadoo aan loo firiin Sucdi xaghee ku dhalatay iyo yay u dhalatay toona, dhammaan Soomaalida ku nool magalaada Minneapolis iyo agagaarkeed waxay isku si uga xumaadeen oo uga tiiraanyoodeen geerida lama filaanka ah ee Sucdi Cabdille. Waxaan Ilaah uga baryeynnaa Sucdi in hooygeeda uu ka dhigu Jannatul Firdows, Annagoo dhanna, siiba waalidkeed iyo walaalaheed, in samir iyo iimaan naga siiyo. Aammiin.  

Sucdi Cabdille Cusmaan | hussen100@yahoo.com | Mpls, MN, USA

Geeddi oo deg ugu yeeray Wasiirkiisa Maaliyadda

Ra’isul Wasaare Geeddi oo shalay u ambabaxay magaalada Nairobi ayaa markii uu gaaray magaalada Nairobi, waxa uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Samafalka oo ay isla soo qaadeen sidii hay’adahaasi gacan u siin lahaayeen Dowladda Federaalka.

Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa waxa uu si dhaqsi leh ugu yeeray ku xigeenka Ra’isul Wasaaraha ahna Wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow, waxaana la filayaa in Saalim uu maanta u ambabaxo Magaalada Nayroobi, sababaha loogu yeeray ayaa lagu sheegay in ay tahay si deeq bixiyayaasha loo hor dhigo Miisaaniyadda Dowladda Federaalka oo gaareysa 34 Milyan oo Doolar oo lixda bilood ee sanadkaan ka dhiman ah, waxaana maalintii doraad ahayd ansixiyay Golaha Wasiirada mar ay kulan ku yeesheen Baydhabo.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha uu gali doono baaritaan caafimaad kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsaday Magaalada Baydhabo, waxaana howshaan ansixinta Miisaaniyada wadi doona Wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow. Tagista Ra’isul Wasaaraha ee Nayroobi waxay ku soo beegan tahay xili uu Golaha Baarlamaanka uga fadhiyay waxa laga yeelayo Wasiirada hubeysan ee ku sugan Muqdisho, kuwasoo dagaal kula jira Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, inkastoo Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta uu sheegay in uu u hogaansamayo amarka Ra’isul Wasaaraha.

500 oo Booliis ah oo maanta tababar uu uga furmayo xerada…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in 500 oo Booliis ah oo laga keenay Gobalada Dalka uu maanta tababar uga furmayo xerada Labaatanjirow oo dhowr Kiilo Mitir u jirta Magaalada Baydhabo.

Ciidankaan ayaa waxaa loo tababarayaa siday u hanan lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida magaalada Baydhaboa, waxaana mudada uu socdo tababarkaan la sheegay in qarashka ay bixin doonto Dowladda Federaalka, waxaana shalay Saraakiisha ciidamadaasi la shiray wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka.

Deegaanka Manaas ayaa iyana waxaa ku xareysan labo kun oo askari kuwaas oo xoogooda laga keenay Maamul Gobaleedka Puntland waxaana la sheegay in ay yihiin ciidamo qaran oo gacan ka gaysan doona Nabadgelyada dalka.

Max’ed Dheere oo ganta ku dhigay Gaari siday hub…

Ciidamo daacad u ah Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa gacanta ku soo dhigay Gaari 110 ah oo la sheegay in uu siday hub saanad, waxaana gaarigaasi uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho iyadoo markii la qabanayayna uu marayay meel dhowr Kiilo Mitir u jirta magaalada Jowhar, gaariga ayaa markii la qabtay waxaa ku yimid cilad, kaddib rasaastii iyo hubkii uu siday ayaa lagu rogay Gaari TM ah oo haatan la sheegay in uu dhex yaalo saldhiga Booliiska Magaalada Jowhar.

Gaarigaan ayaa waxaa hubkii saarnaa u badnaa qoryaha Dhashiika ah, waxaana la sheegay in hubkaani ay lahaayeen dad ganacsato ah oo ka soo iibsaday qaar ka mida Gobalada dalka si ay uga ganacsadaan.

Qabshada hubkaaan waxa uu ku soo beegmay xili ay dagaalo culusi ka socdaan Magaalada Muqdisho oo u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

120 qof oo ka kala socday Bulshada rayidka ah oo aqoon is weydaarsi uga furmay …

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Ambassador ee Magaaladda Muqdisho ka furmay aqoon si-weydaarsi loo qabtay 120 qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana aqoon is- weydaarsigaasi soo qaban-qaabiyay Hay’adaha CRD, COGWO iyo FPENS iyagoo gacan ka helaya Jaamacadda Muqdisho, Banaadir iyo Machadka Simad.

Aqoon is weydaarsigaan ayaa waxaa uu ka mid yahay mashruuca loogu magac daray JNA (Joint Needs Assessment), waxaana shalay looga hadlay Baahida Bulshada ku nool Gobalka Banaadir ay u qabaan dhinaca dib u heshisiinta, nabadgelyada, Tacliinta, Caafimaadka, Nadaafadda iyo deegaanka, Beeraha, HOrumarinta Xoolaha iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Xubnihii ka qaybgalay ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in dadweynaha ku nool Gobalka Banaadir ay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah, taasoo ay sheegeen in ay ku imaan karto Nabadgelyo.

Aqoon is-weydaarsigaan oo socon doona mudo labo maalmood ah, ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo heli lahaa ama qiimeyn loogu sameyn lahaa baahida dadweynaha ee ku nool Gobalka Banaadir, waxaana mashruucaan socon doona mudo aad u fog, iyadoo xitaa la gaarsiin doono sida lagu wado dhamaan gobalada uu wadanku ka kooban yahay, si loo helo baahida jirta.

Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed oo dagaal culus la gashay...

15/5/2006 ayaa waxaa dagaal culusi ka dhacay halka lagu magacaao Bali Sareedo oo ka tirsan Gunagaada ee Gobalka Dhagax-Buur, waxa uuna dagaalkaasi u dhexeeyay midowga Jabhadda Xorreynta Soomaali Galbeed iyo ciidamada Itoobiya.

Dagaalkaas ayaa ciidamada Itoobiya la sheegay in looga dilay 39 Askari, waxaana looga dhawaacay dhowr askari oo kale., dagaalkaan oo mudo dheer socday ayaa waxaa dhinaca Jabhadda uga geeryooday lix nin oo magacyadooda kala yihiin C/xakiim Xuseen Salaad, Muscab Daahir Badal, Shukri Muxumad Kheyr, Mukhtaar Guure, Maxamuud Mujaahid iyo Ismaaciil Jano Doon.

Dagaaladaan ayaa qayb ka ah dagaalada ay jabhaddu kula jirto ciidamada Xabashida, waxaana Warbixintaan wargeyska soo gaarsiiyay C/llaahi Cimsaan Gaashaan oo ka mid ah Saraakiisha Jabhadda.

Dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay Muqdisho...

Maaltinii shalay ahayd ayaa dagaalo aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud waxay ka dhaceen deegaanka Sii-Sii ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, waxana uu dagaalkaasi u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Dagaalkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa iyo lix ruux oo badankoodu ahaa dad rayid ah oo rasaastu ugu tagtay guryahooda, waxa uuna dagaalkaani ku soo beegmay xili Odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Beesha Mudullood ay labada dhinac ka wadeen waan waan.

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waxay iyagu horey u ogolaadeen waan waantaas ay wadeen odoyaasha iyo waxgaradkaasi, balse dhinaca Isbahaysiga waa ay diideen in ay xabad joojin ah sameeyaan.

Dadweyne shalay guryahoodii ku soo laabtay ayaa mar kale waxaa la soo darsay walwal iyo walbahaar kaddib markii uu dagaalkaan uu sabab u noqday, waxaana la arkayay iyadoo dib uga soo laabanaya goobahaasi.

Qaar ka mida beelaha Digil iyo Mirifle oo isu celiyay gawaari iyo hub ...

Maalintii shalay ahayd waxaa beelo ay ka soo kala jeedaan Max’ed IBraahim Xaabsade iyo Shiikh Aadan Madoobe isku celiyeen todobo Baabuur oo ay kala dhaceen, waxaana arrintaani ka shaqeeyeen odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Beelahaasi.

Gawaarida la celiyay waxaa ku jiray Qorey Dhashiika ah oo horey loo dhacay mid ka mid ah beelahaasi, Iyadoo sidoo kale la isku celiyay, waxaana soo dhaweeyay dadweynaha ay ka soo kala jeedaan labadaasi beelood.

Isku celintaan gawaaridaani waxay wax ka tareysa ammaanka Magaalada Baydhabo oo waayadan ahayd mid isa soo tareysay, inkaatoo Magaalada Baydhabo ilaa iyo haatan aan loo sameynin wax ammaan ah iyo ciidamo suga ammaanka Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaara u ah Dowladda Federaalka, waxaana isku khilaafsan Beelaha Dega Magaalada Baydhabo.

Heshiiskaan la isugu celiyay gawaaridaan ayaa waxaa mudo ka soo shaqeynayay Odoyaasha iyo waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
  amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2006

Cabdi Qaybdiid oo shuruud adag hordhigey Guddigii dhex dhexaadinta ee…  
»
Soomaali ku hor banaanbaxday safaaradda US ee London..
»Geeddi oo maanta u ambabaxaya Nairobi..
»Xafladdii Munaasabada Caleemo Saarka Garaadka oo...
»Qabridaharre: Niman gumaysiga u adeega oo dadwyanaha..
»Bosaso: Ururka dhakhaatiirta oo bixiyey mucaawino...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 24
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD