SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sug intuu C/llaahi ka imaanayo..

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Mar aan dhawaan booqday magaalada Baydhabo oo haatan xarun u ah Dowladda Federaalka, waxayna tagisteydu ku beegan tahay xili uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka maqnaa Magaalada Baydhabo, waxaan Magaalada Baydhabo ku arkay dad fara badan oo si aad ah ugu aqiin Magaalada Muqdisho, markii ugu horeysay baan mid wada sheekeysanay, waxaana weydiiyay waxa uu halkaan ka soo dooney, waxa uu igu yiri “mashruuc ayaan watay oo aan doonayay in aan ka dhameysto Dowladda Federaalka’, waxaana weydiiyay waxa mashruucu yahay waxa uuna iigu jawaabay “waxaan doonayaa in aan qandaraas ku qaato Tolista Dharka Ciidamada”, markaas ayaan waxaa ku iri, sow mashruucii kuuma dhamaan, wuxuuse iigu jawaabay “Madaxweynuhu ha yimaado”, waxaana ku iri arrimaha noocaan oo kale ah waa arrimo iska fudud oo waxaa dhameyn kara wasiirka ku shaqada leh, inta qoslay ayuu yiri “war ninyahow waxay igu xireenba imaanshaha Madaxweynaha intii haatan aan joogayna waxaa igu baxay qarash badan”.

Anagoo wada taagan ayaa waxaa noo yimid nin kale oo isna Gal weyn gacanta ku wata, waxa uuna ahaa nin aan si weyn isku naqiinay oo ka yimid Magaalada Muqdisho, waxaana isna weydiiyay war heedhe maxaad ka soo doontay Baydhabo?. “War waxaan u imid arrimo yar oo aan dowladda ka dhameysan lahaa”, waxaana weydiiyay waxa ay yihiin, wuxuuna ii sheegay in Magaalada Baydhabo uu keenay dhowr gaari oo kuwa qurxoon ah oo aan u keenay in aan ka kireeyo Wasiirada, waxaana weydiiyay bal in ay u dhamaadeen iyo in kale, “maya” ayuu la soo booday “oo maxaa dhacay” ayaan weydiiyay, “Ninyahow arrinkeegii waxa uu u xayiran yahay imaanshaha Madaxweynaha” ayuu yiri, waan yaabay oo hoosta ayaan iska iri “Ra’isul Wasaaraha ayaaba ku filane arrimaha noocaan oo kale ah sidee ayay u wax u jiraan”.

Meel Baar ah anigoo fadhiya ayaa waxaa kaloo is aragnay nin kale oo aan aqoono, is nabdeysi kaddib waxa uu igu yiri “war ninyahow Baydhabo maxaad ka soo doontay, ma halkaan ayaad dooneysaa in aad warar ka dirtid?”, “Maya saaxiib balse arrimo kale ayaan u imid” ayaa ku jawaabay, waxaana u daba dhigay waxa uu isagu ka soo doonay Baydhabo, wuxuuna ii sheegay in Baydhabo uu u yimid sidii aan u helin lahayn Xubin Baarlamaan oo horey uu u geeryooday qofkii noo yahay, markaas ayaa waxaa ku iri, sow ma dhameysan oo waxaan nalagu xiray Madaxeynuhu ha yimaado, sidaa ayaana haatan ugu xayiran nahay Baydhabo”.

Intii aan fadhiyay Baarkii ayaa nin kaloo ka tuuraya meeshii noogu yimid, oo waaba nin aan is naqaano, “Baydhabo iyo adigana, maxaa kaa soo galay” ayaan ku gaaday, “war mudooyinkaan waa joogay magaalada Baydhabo, waxaana ka ganacsadaa Qaadka, wuxuuna ii daba dhigay war heedhe adigaa weriye ahe Madaxweynihii goormuu imaanayaa?”. Maxaa kaaga xiran? ayaan weydiiyay, “Dhowr wasiir oo qaad iga deensaday ayaa ii sheegay in lacagteyda ay i siin doonaan marka uu Madaxweynuhu yimaado” ayuu si layaab leh u yiri oo dadkii oo dhan ayaa isagii ku soo jeestay, “oo maxaad iga fiirineysaan run baa sheegayaaye” ayuu dadkii isaga sii jeediyay.

Markiiba Gaari Bas ayaan u raacay Gudaha Magaalada, markii aan ka degay ayaa waxaa iga hor yimid nin aan isna si aada isku naqaan, markaas ayaan ku iri “War ninyahow maxaad ka oo doontay magaalada Baydhabo?”, “War Magaalada Waxaan keenay Kubuutaro, waxaana igu dhaliyay keenistooda wasiir aan isku beel nahay, si looga iibiyo Dowladda” ayuu ii ugu jawaabay, “oo sow kuuma hagaagin arrimahaasi” “war maya, oo baqaar halkaan ah ayay ku booreysteen, oo Ijaar baa igu socda, waxaana la igu xiray imaanshaha Madaxweynaha”, “oo in mudaa ayaad naga soo maqneede, Madaxweynuhu intaa miyuusan marna imaan” ayaa weydiiyay “Waa runtaa, madaxweynaha mar buu yimid, waxaana la igu yiri, dhowr maalmood ayuu joogayaa ee imaanshihiisa labaad ayaa waxaa laguu dhameynayaa” ayuu yiri ninkii.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo aan wada sheekeysanayay ayaan wax ka weydiiyay, maxay sababta Marka Madaxweynuhu maqan yahay Magaaladu la dansan tahay, markii uu yimaadana ay caadaas u mareyso, waxa uuna iigu jawaabay “waa runtaa, oo howshii Dowladnimo waxa noqotay in laga wada sugo Madaxweynaha, oo idinkana ma sidaa baa tihiini oo Madaxweynaha miyaad sugtaan?, “Maya….May…Maya, anagu howsheena waa noo gaar, oo waxaa oo afhayeenkaanaan ku xiran nahay, waxaanse kuu sheegayaa in dhankeena dhaqdhaqaaqa Magaalada qayb weyn ka qaadano”, “oo sidee” ayaan weydiiyay, “Maalinkii aan mushaarka qaadano dad badan baa na fiirsanaya”, “oo mudane Mushaarkiinu waa imasa” ayaan u raaciyay “900 oo Doolar ayaa shan iyo tobankii maalmoodba qaadanaa, sidaa ayay bishii ku noqoneysaa 1800 oo Doolar”. Haddaba Xaalka dowladda ayaa hataan u muuqda in la wada fiisado Madaxweynaha.

Mareykanka: Soomaaliya Khasaaro iyo Faaiido.... Guji..

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
 amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD