SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAY 23, 2006

  • Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish iyo Bootaan oo uu ka sii dhamanayo waqtigii..

  • Xildhibaan Jeylaani Cali Kediya oo lagu eedeeyay in uu ka baaqsday xilkii uu u yahay

  • Xal laga gaaray Colaadii ka jirtay Deegaanka Jawiil

  • Kulankii ugu horeeyay ee uu yeeshay Xiriirka K/cagta Soomaaliya

  • Barre Hiiraale oo u hogaansamay amarkii Geeddi

  • Garaad Jaamac oo lagu caleema saaray Laascaanood…


Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish iyo Bootaan oo uu ka sii dhamanayo waqtigii..

Maalinta Beri ah ayay ku egtahay xiligii uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi u qabtay Wasiirada hubeysan ee dagaalka ka wada magaalada Muqdisho, ilaa iyo haatan amarka Ra’isul Wasaaraha cid dheg u raaricisay ma jirto. Ra’isul Wasaaraha ayaa amarkaan soo rogay markii uu cadaadis kaga yimid Golaha Barlamaanka oo wasiiradaasi ku eedeeyay in ay xasuuq ka wadaan Magaalada Muqdisho isla markaana xilkii loo magacaabay ay ka door bideen burburinta iyo baabi’ina Ummadda Soomaalieed, Muuse Suudi ayaa isagu waxa uu amarka Ra’isul Wasaarah ku tilmaamay mid riyo ah, isagoo sheegay inuusan wax xil ah u haynin Dowladda Federaalka. “Wasiir waa in uu leeyahay xafiis, gaari iyo xushmad intaasi ma hayno” ayuu si kulul u yiri Muuse Suudi Yalaxow oo intaa raaciyay “ 90km iyadoo Dowladdu ku sugan tahay ayaanu diidnay, Maanta oo ay 250Km ku sugan tahay waa gardaro waxaan ku tagnaa, C/llaahi Yuusuf, Geeddi iyo Shariifka waa ay diideen in ay yimadaan Muqdisho”. wuxuu sheegay Muuse Suudi in uusan aqoosaneyn Dowladda Federaalka, Barre Aadan Shire ayaa isagu u hogaansamay amarkii Ra’isul Wasaare Geeddi lana filayo in saacadaha soo socda uu u dhaqaaqo Magaalada Baydhabo. Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa isagu looga fadhiyaa sidii uu xilka uga qaadi lahaa raggaasi, iyadoo Golaha Baralamanka iyana looga fadhiyo inay ka qaadaan Xildhibaanada raggaasi, oo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku tilmaameen dambiilayaal dagaal oo loo baahan yahay in la soo taago maxkamad

Xildhibaan Jeylaani Cali Kediya oo lagu eedeeyay in uu ka baaqsday xilkii uu u yahay

Kulan ay isugu yimaadeen Siyaasiinta, Waxgaradka iyo Culuma’u-diinka Beesha Qubays ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira Xildhibaan Jeylaani Cali Kediye, waxayna xubnihii ka qaybgalay kulankaasi isku raaceen in Jeylaani Cali Kediye uu ka baaqsaday xilkii uu u hayay Beesha Qubays.

“Kaddib markii Beesha Qubays ay ka muuqan weyday masraxa Siyaasadda iyo Dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uusan Beesha wax xiriir ah la soo sameynin, isla markaana uu ka baaqsaday shirarkii Baarlamaanka, sidoo kalana uu diiday in uu la tashi la sameeyo beesha oo kaasi u dooratay ayaan kalsoonidii kala laabanay” ayay yiraahdeen xubnihii ka qaybgalay kulanakasi oo intaa raaciyay “waxay beeshu ogaatay in Jeylaani Cali Kediye uu amarka ka qaato Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana labadoodu uu ka dhexeeyo xiriir dhinaca ganacsiga ah”.

Ugu dambeyntiina beeshu waxay aad uga xumaatay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in Jeylaani Cali Kediye uu ku maqan yahay howlo shaqo oo la xiriira dhinaca Baarlamaanka, hase yeeshee beeshu waxay sheegtay in arrintasi ay tahay mid uu Gudodomiyaha Baarlamaanku ku difaacayo, waxaana qoraal ka soo baxay beesha ku saxiixnaa Afhayeenka Beesha Eng. Axmed Max’ed Daahir (Shiino)

Xal laga gaaray Colaadii ka jirtay Deegaanka Jawiil

Maalintii shalay ahayd ayaa Mowlaca Shiikh Muxiyadiin Cili ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddigii loo xilsaary inay xal ka gaaraan xiisaddii colaadeed ee ka jirtay deegaanka Jawiil oo ka tiran Degmada Baladweyne ee Gobalka.

Guddigii uu Madaxda u ahaa Sheekh Muuse Cagaweyne ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dhameyn lahaa xiisaddaasi oo ay ku dhinteen dhowr qof, dagaalo ku soo noqnbqoday deegaankasi, waxaana aaqiritaankii la isku afgartay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in wixii khilaaf ah labada beelood ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad, in la joojiyo dacaayadaha iyo handadaada ay adeegsanayaan labada beelood.

Waxaa kaloo la isku afgartay in la kala qaado maleeshiyooyinka is hor fadhiya, isla markaana waxaana la magacaabay guddi soo kormeera sidii uu u dhaqan galay heshiiskii ay gaaraan labada beelood.

Dagaaladii soo noq-noqday ee ka dhacay deegaanka Jawiil ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka Gaadiidka gobalada dhexe ee Itoobiya, sidoo kale waxay dagaaladaasi sababeen in dad fara badani ay ka qaxaan deeganadoodii, guddigu waxa uu u mahadceliyay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, iyagoo sheegay in uu gacan ka gaystay sidii loo nabadeyn lahaa deegaanka Jawiil.

Kulankii ugu horeeyay ee uu yeeshay Xiriirka K/cagta Soomaaliya

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Jidda waxaa ka dhacay kulankii ugu horeeyay ee uu isugu yimaado Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta tan iyo markii lagu doortay Magaalada Baydhabo 16-kii Bishan, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Muxiyadiin Xasan Cali (Darbaweyne).

KUlankaasi ayaa waxaa looga hadlay sidii Xiriirku u fulin lahaa howlaha hor yaala, gaar ahaan kuwa la doonayo in la fuliyo bilooyinka ugu soo horeeya oo ay ka mid yihiin tartamo heer gobaleed ah oo ka dhacaya Wadamada Ruwanda iyo Burundi, waxaana la isku afgartay in tartankaasi ka qaybgalkiisu uu muhiim u yahay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Waxaa kaloo kulankaasi looga hadlay sidii looga qaybgali lahaa Shirweynah Xiriirka K/Cagta oo 7-da Bisha Juun ka furmaya Dalka Jarmalka, waxaa kaloo guddoomiyuhu magacabay xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana loo Magacaabay Cabdi Qani Siciid Carab, Kaaliyaal waxaa loo magacaabay, Aadan Cabdule Mahdi, Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Farey), C/raxmaan Xuseen Dhuunte (xisaabiye), Abuukar Islow Max’ed Kaaliye Xisaabiye.

Barre Hiiraale oo u hogaansamay amarkii Geeddi

Barre Adan Shire oo ah Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta ayaa waxa daboolka ka qaaday in uu saacadaha soo socda tagi doono Magaalada Baydhabo si uu uga qaybgalo shirarka Baarlamaanka iyo kan Golaha Wasiirada,

Barre Hiiraale ayaa waxaa uu fulinayaa amar ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo ahaa in shan Wasiir oo uu ku jiro Barre Hiiraale afarna ay ku sugan Magaalada Muqdisho ay si dhaqsi leh u soo galaan Magaalada Baydhabo.

“Anigu waxaan ku maqnaa howlo la xiriira Dowladda Federaalka gaar ahaan sidii aan dib u heshiisiin u dhex dhigi lahaa beelaha ku dagaashan Gobalka Ju/hoose iyo waliba sidii aan isugu keeni lahaa xubnaha Dowladda” ayuu yiri Barre Hiiraale.

Barre oo Maanta ka soo ambabixi doono Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la socda saddex xildhibaan oo iyana ka tirsan golaha Baarlamaanka, waxa uuna mari doonaan degmooyin ka tirsan Gobalada Jubbada Hoose, J/dhexe iyo Sh/hoose.

Wasiirada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa iyagu ilaa iyo haatan ka hadlin hadalka ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi marka laga reebo Muuse Suudi Yalaxow oo sheegay in uusan u socon Baydhabo, isla markaana uusan aqoonsaneyn Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaarahaba.

Garaad Jaamac oo lagu caleema saaray Laascaanood…

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa ka dhacday Magaalada Laascaanood ee Gobalka- Sool, waxayna xafladdaasi ku saabsaneyd Caleema Saarka Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo isagu bedelay Garaar C/qani oo dhawaan geeryooday, waxaana ka qaybgalay xafladdaani Mas’uuliyiin ka kala socotay Dowladda Federaalka, Maamul Gobaleedka Puntland iyo Soomaaliland, waxaa kaloo xafladdaasi ka qaybgalay Ra’isl Wasaarihii hore ee Dowladdii Carata Cali Khaliif Galeyr, iyo Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse. Magaalada Laascaanood ayaa laga dareemayay Astaanta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waayo waxaa halkaasi laga taagay Calanka Jamhuuriyadda, Calanka Somaliland iyo Calanka Puntland, iyadoo halkaasi ay isugu yimaadeen siyaasiyiin ka socotay qaybahaasi, waxana ugu muhiimsanaa xubnihii halkaasi ka hadlay Gen. Cadde Muuse oo sheegay in Maamul Gobaleedka Puntland uu taageersan yahay Dowladda Federaalka, balse ay ka soo hor-jeedaan Geeddi.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2006

Avv. C/llaahi Daahir Barre "Sharciyan Ra’isul Wasaaraha ayaa xaq u leh..."
»Xiisaddii u dhexeysay Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Puntland..
»Odoyaal ka soo jeeda Deegaaka Toor-Toorow oo ka....
»Dagaalo goos goos oo weli ka socda Magaalada Muqdisho..
»Guddiga dhex-dhexaadinta oo soo dhaweeyay Tiknikadii loo..
»Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay inay
»Tartankii Kubadda Cagta ee xagaaga oo bilowday Helsinki..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 22

XAYAYSII