
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Maaddaama la
hadalhayo bannaanbax looga soo horjeedo Maraykanka oo lagu qabanayo magaalada
London ayaan rabaa inaan hal-ku-dhigyo ku soo qoro halkan si dadku usoo qaataan
boorar iyo looxyo ay hadalladaasi ama kuwa la mid ah ku qoranyihiin.
“The law of
the Bush” maxaan ka wadaa? Akhristayaal waxaa la sheegaa in nin reer baaddiye ah
oo dad tujinayey uu akhriyey mar uu akhrinayey Suurat Ar-Ruum: ALIF LAAM MIIM
Θ
QULIBATU ATTURKU! Markaasaa dadkii ku dhaheen war Turki maahee waa Ruum.
Dabadeed ninkii wuxuu yiri maxaa faraq ah oo u dhaxeeya! Hadda waxaan uga
danleeyahay maxaa faraq ah oo u dhaxeeya oraahda Ingiriiska ah ee oraneysa “ the
law of the jungle” iyo taas kor ku xusan. Sidoo kale waxaad mooddaa in Bush
leeyahay: “a warlord in the Mogadisho is worth two in the Baydhabo. Muhiimadda
Xamar leedahay darteed ayuu u doortay kuwa Xamar jooga si ay u damiyaan Nuurka
Ilaahay ee Xamar ka baxaya.
Madaxweyne
Bush magaciisa ayaa laga fahmayaa qofkuu yahay. Waa ninka Soomaali oo intaas oo
sano dowlad la’aan ku soo jirtay ooy sidoo kale haysato mid ka mid ah abaarihii
ugu xumaa ee weligeed soo marta Soomaaliya; meeshuu ka caawinlahaa shacabkaas
Soomaaliyeed ee duunyo iyo dalagba ka martay sidoo kalana intaas oo carruur iyo
waayeel ahiba ka dhinteen; taageero siiyey niman la isku raacay iney yihiin
kuwii ugu xumaa ee taariikhda adduunka soo mara. Xitaa Hitler wey ka liitaan
maxaa yeelay Hitler wuxuu ku doodayey in dadka iyo dalka Jarmalku ka sarreeyaan
dadka iyo dalalka kale. Wuxuu leynayeyna waxaa u badnaa dad aan Jarmalka asal
ahaan ka soo jeedin. Ma waxaad maqasheen cid Hitler ku tiri dadkaaga laa? Halka
dagaaloogayaasheennu leeyihiin Xamar iyo Soomaaliya dan kama lihine waxaan marka
hore caawineynaa Maraykan iyo wadamada dariska ah!
Runtii
ahaantii Soomaaliya waxay taqaaney magacii ahaa USAID ee ku dulqornaanjiray
cawimo kala duwan oo naga soo gaarijirtay Maraykanka. Magacaas wuxuu u taagnaa:
United States Agency for International Development laakiin deeqda Maraykanku
hadda noogu deeqay waxay noqoneysaa sidan:
Uncle
Sam’s
Alliance
for International
Destruction
“USAID” oo ah dagaaloogayaasha Xamar.
War bal
fiirsha caqliga dagaaloogayaasha Xamar! Midkood baa leh: dadkii maxkamadaha ka
dhintay oon dhaqsaha loo duugin waxaa jirkooda galay dixri sidoo kalana waa soo
ureen! Sida caamka ah qofkastoo dhinta ha ahaado muslim ama gaal jirkiisa waxaa
galaya dixri iyo qurun marka laga reebo nabiyaasha iyo ciddii kale ee Ilaahay u
garto laakiin caam ahaan waa sidaas. Qisooyin la sheegsheego waa jiraan laakiin
weligay ma maqal cid tiraahda qofka shahiidka ah ee dhinta jirkiisu ma qurmo ama
dhulku ma cuno. Keliya waxaa axaadiistu sheegtaa in marka qiyaamaha la isa soo
saaro uu shahiidku yimaado isagoo dhaawiciisu cusubyahay sidoo kalana dhiiggiisu
ka udgoonyahay miskiga. Marka goormaa xaafadda sii sii noqotay maxsharkii?Marka
farqi baa u dhaxeeya arwaaxda iyo jirka. Jirka ciid buu ka yimid waana in loo
celiyaa. WALLEE dadkii ay kuwaasi horjooge uu noqdaan waa hoogayaan.
Marka waxaan
sheekada kusoo xirayaa in laga soo qeybgalo bannaanbaxaas laga sameynayo
safaaradda Mareykanka horteeda sida la sheegayo. Qof kasta waxaa loo qabanayaa
waxa niyaddiisa ku jirta. Marka dad baa ka damqanaya waxa Maraykanku ku hayo
diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed; qaarkeenna waxaa dhibaya taageerada uu
Maraykanku siinwaayey dagaaloogayaashooda madaxda ah. Si kastaba ha ahaatee dan
baa noogu jirta ineynu halkaas tagno.