Maxaad ka taqaan
Mudane Maxamed
Cabdi Yuusuf:
Waddaniga aan
Daalin!
Qore: Abshir Axmed Maxamed
Abshir111@yahoo.com
Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf
wuxuu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug bishii Luulyo
1-deedii, sannadkii 1941-kii. Isagoo siddeed jir ah, bishii Oktoobar
5-teedii sannadkii 1949-kii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalkii la
magac-baxay Dhagaxtuur ee dhex maray halgamayaashii SYL ee xornimo-doonka
ahaa iyo gumeysigii Ingiriiska oo dalka haystay xilligaas. Dagaalkaas oo ka
dhacay halka ay Xamar kaga taallo taallada Dhagaxtuur waxaa ku dhintay
Allaha u naxariistee Cabdi Yuusuf Calijaah oo ahaa Maxamed Cabdi aabbihii oo
wax yar ka hor markaas ka yimid Xarardhere, isagoo howlo ganacsi u joogay
Xamar.
Sannadku markuu ahaa 1950-kii
ayaa xubnaha SYL waxay go’aan ku gaareen in curradkii Cabdi Yuusuf oo ahaa
Maxamed Cabdi la keeno Xamar, si wax loogu baro schoolkii hoose ee SYL ee
waagaas ka dhisnaa Xamar. Maxamed Cabdi wuxuu halkaas ka soo dhigtay dugsiga
hoose/dhexe, dugsiga sarena wuxuu ka baxay Scoula Commerciale Reggioneria
Generale oo ku yiillay Xamar Jajab xilligii gumeysiga, isagoo kaddib ka mid
noqday taageerayaashii SYL xilligii gumeysiga maadaama uu ku soo dhex
barbaaray dhaqdhaqaaqii waddaniga ahaa. Xoriyaddii kaddib waxaa la siiyey
billad dahab ah (geesi waddani) maadaama uu aabbihiis Cabdi Yusuf
Calijaah uu u dhintey halgankii xornimo-doonka Soomaaliyeed awgeed.
Markii Soomaaliya ay
xornimadeeda ka qaadatay gumeysiga wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaradda
Boostada qeybteeda garoonka diyaaradaha (airport). Wuxuu Maxamed Cabdi
Yuusuf ku jiray dhallinyaradii ka soo horjeeday dowladdii musuqmaasuqa ku
dhisnayd. Markii gumeysiga dalka laga saaray wuxuu ka mid noqday askartii
ugu horreysay ee loo qaato Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo muddo
yar markuu ku jirayna ka baxay kaddib markii uu la soo gudboonaaday xanuun
gayeysiisay inuusan ka sii mid ahaan karin Xoogga Dalka.
Sannadkii 1969-kii markii
Kacaanku ka dhashay Soomaaliya, waxaa uu ka mid noqday dhalinyaradii sida
weyn u soo dhoweysay, isla markaana sida habsamida leh ula hanaqaaday,
waxaana loo diray dalka Midowga Sofiyeeti, gaar ahaan magaalada Moscow oo uu
kaga soo baxay Kuliyadda Siyaasadda iyo Falsafadda Hantiwadaagga Cilmiga ku
dhisan sannadihii 1972-1974-kii.
Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf
waxa uu markaas kaddib ka soo shaqeeyey goballada waqooyiga Soomaaliya, gaar
ahaan Waqooyi Galbeed iyo Sanaag, wuxuuna ahaan jiray (pro) xafiiskii
siyaasadda kacaanka laga fulinayey qaybta kicinta iyo wacyigalinta bulshada
Soomaaliyeed.
1974-kii xilligii abaarta
Dabadheer ku habsatay gobollada waqooyi Soomaaliya Maxamed Cabdi waxa uu ka
mid noqday raggii dowladdii kacaanka u xilsaartay rarista iyo dib u dejintii
ummaddii danyarta ahayd ee ku barakacday ama ku faqrisay abaartii ugu xumeyd
ee Soomaaliya soo marta, waxaana la dejiyey qaybo ka mid Soomaaliya sida
gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Sannadkii 1975-kii waxa u
noqday Guddoomiyaha degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal ee gobolka
Shabeellada Dhexe, halkaasna wuxuu dejiyey danyartii loo jiheeyey xagga
kalluumeysiga badda. 1-dii Luulyo 1976-kii waxaa uu ka noqday xubin xisbigii
Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee la oran jiray marka la soo gaabiyo
(XHKH), isagoo ka mid ahaa ergadii shirka lagu furey ee ka timid gobolka
Shabeellada Dhexe.
Sannadihii 1977-1979-kii waxa
uu noqday Guddoomiyihii gobolka Shabeellada Dhexe iyo Duqii Magaalada
Jowhar, halkaas oo uu dagaalki 1977-kii ka qayb qaatay, isagoo u diray
dagaalka ciidan lagu qiyaasay 13,000 oo carbisan, kuwaasoo lagu xareeyey
xerada Hiilweyne ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidankaas
oo ka koobnaa rag iyo dumar waxay ka qayb qaateen dagaalkii ugu dheeraa ee
abid dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa xusuus mudan in gobolka
Shabeellada Dhexe ay xilligaas noqotay xarun lagu xareeyo maxaabiistii
ciidammada Itoobiya ee lagu qabtay dagaalkaas oo gaarayey kumannaan askari.
Sannadihii 1980 illaa 1984-kii,
waxaa uu noqday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
iyo xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Sannadihii 1984 illaa
1985-kii wuxuu ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo
Dhulka. Sannadkii 1986 waxa uu noqday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boostada
iyo Isgaarsiinta. Sannadihii 1987 illaa 1989-kii waxa uu ahaa Wasiir
Ku-xigeenka iyo Sii-hayaha Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta. Sannadihii
1989-kii illaa 1991 waxa uu ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo
Isboortiga.
Sannadkii 1991-kii markii ay
burburtay dowladdii Soomaaliya waxa uu Mudanuhu tagay magaalada Nairobi ee
dalka Kenya. Sannadkii 1993-kii wuxuu ka qayb galay shirkii dib u
heshisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka
Ethiopia, wuxuuna ka mid noqday raggii loo soo xulay inay ka mid noqdaan
wejiga labaad ee shirka iyo meesha lagu qabanayo, waxa looga wada hadli
doono iyo ergada ka soo qayb galaysa sida loo qeybsanayo, shirkaasna wuu
burburay kaddib markii la isku af-garan waayey qaabka loo wadi karo iyo
cidda xaq u leh inay shirka ka soo qayb gasho.

Sannadihii 1994 illaa 2000
wuxuu ku noolaa dalka Holland. Sannadkii 2000 wuxuu ka qayb galay shirkii
dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee lagu qabtay Carta, kaddib markii
uu dowladda Jabuuti ka helay casuumaad. Wuxuu ku jiray xildhibaannadii loo
soo xulay inay ka mid noqdaan baarlamaankii ku meel gaarka ahaa, isagoo loo
doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
Sannadkii 2003 waxaa loo magacaabay
inuu Ra’iisal Wasaare ka noqdo dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Carte lagu
soo dhisay. Bishii January 29-keedii sannadkii 2004 shirkii dib u
heshiisiinta Soomaaliya ee Kenya ka socday wuxuu Maxamed Cabdi Yuusuf ahaa
ergaygii u saxiixay dowladda ku meel gaarka ah heshiiskii taariikhiga ahaa
ee ay dowladdu ku oggolaatay in Soomaaliya loo helo dowlad loo dhan yahay.
2004 waxaa uu mar labaad ka mid
noqday xildhibanadii la soo xulay ee ka mid noqday Golaha Baarlamaanka
Federaalka ku meel gaarka ah. Waxaa dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya
ay aaminsan yihiin in Maxamed Cabdi Yuusuf uu yahay muwaadin ka fog
qabyaaladda, eexda iyo kala qoqobka. Waxaa la isku raacsan yahay inuu yahay
nin istaahila inuu noqdo Hoggaamiyaha ummadda Soomaaliyeed, maadaama aysan
jirin wax cuqdad ah oo ay bulshadu ka qabto shaqsi ahaan.
Mudane Maxamed Cabdi ayaa wuxuu
caado u leeyahay in markuu ka hadlayo golayaasha looga wada hadlayo arrinta
Soomaaliya uu u hiiliyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo xaqa la qariyo,
uuna naqdiyo baadilka iyo beenta, wuxuuna soo bandhigaa kelmado kulul oo ay
ka muuqato waddaniyad fogaatay iyo Soomaali jaceyl.
Maxamed Cabdi ma lahan wax
balwad ah, waxaana uu xiiseya cayaaraha, isagoo taageero u ahaa kooxdii
Howlaha Guud ee Jeenyo, mana ahan nin dadka Soomaaliyeed iska weyneysiiya.
Dadka yaqaanna waxay u qaddariyaan sidii oday Soomaliyeed ahaan, waana
hoggamiyaha keliya ee Soomaaliyeed ee aan lahayn jabhad hubeysan, isla
markaana aysan u oolin wax isbaaro ah.
Marka uu ka hadlayo
Baarlamaanka gudihiisa ama fadhiyada kale ee caalamiga ah ayaa dadku waxay u
dhegeystaan si hal-haleel ah, maadaama uu yahay shaqsi ka nadiif ah
is-dabamarin iyo ballan darro iyo mowqif la’aan. Maxamed Cabdi waa nin ku
dheggan oo ku ad-adag mowqifkiisa, waana nin ku dhiirri-geliya ragga
Soomaaliya ay u xayiran tahay inaysan xoog u adeegsan shacabka ee wax walba
lagu dhammeeyo wada-hadal. Wuxuu Maxamed wax ku doonaa Soomaalinimo ku
dhisan nabad iyo caddaalad, halka rag badan oo siyaasiyiin sheegta ay wax ku
raadiyan reer hebel, jufo jufo iwm.
Mudane Maxamed Cabdi wuxuu ahaa maskaxdii ka
dambaysay isku dubaridka iyo ururinta xildhibaannadii ku sugnaa magaalada
Muqdisho, isagoo ahaa xildhibaankii ugu horreysay ee tagay Muqdisho, kana
duulay Kenya. Wuxuu diiddanaa in dhibaatada Soomaaliya lagu shubo baasiin oo
ay dalka soo galaan ciidamo safka hore ka socda, isagoo hoggaaminayey
xildhibaannadii Muqdisho ka baxay ee tagay Baydhabo. Waxaa la yaab leh in
xildhibaannada la socday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xilligaas ay
gaarayeen 30 xildhibaan, Prof Geeddina ay la socdeen 20 xildhibaan, halka
Mudane Maxamed Cabdi uu horkacayey xildhibaanno gaaraya 70 xildhibaan.
Waxaan Mudanaha oo ah nin
dimoqraadi ah oo caddaaladda jecel ku dhiirri-gelinaynaa inuu sii xoojiyo
halganka uu ugu jiro samatabixinta ummaddiisa, waxaana u rajeynayna inuu
ummadda Soomaaliyeed u hoggaamin doono, una horseedi doono waddada nabadda,
barwaaqada iyo baraaraha.
Waxaa diyaarisay warbixintan:
Center for Democracy and Justice
By Abshir Axmed Maxamed
Abshir111@yahoo.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | May 19, 2006
Ayaan Xirsi oo ka
baxday Baarlamaanka Holland Been-abuurkeedii soo shaac baxay awgeed...
waxana ay sheegtay in ay aadeyso....
GUji...
AYAAN XIRSI OO
QARKA U SAARAN IN LAGALA NOQDO DHALASHADA HOLLAND
Warbixintii Ibraahim Saalax...
Guji....
»Ha
isku deyin in aad Allaah la dagaalanto. (Ayaan waa tusaale...)
»Holland: Shaki
iyo muran ka taagan sharciga Ayaan Xirsi
|