Shaki iyo muran ka
taagan sharciga Ayaan Xirsi
'Been la sheegaa
waxay sabab u noqon kartaa in qof laga saaro Nederlaan'
Gabadha xisbiga VVD ee
Nederlaand ugu jirta baarlamaanka Ayaan Xirsi ayaa waxay u egtahay inay si
sharci darro ah ku qaadatay dhalashada Nederlaan. Tan waxa laga soo
dhiraandhiriyay xukun maxkamadda sare ku ridday qoys reer Ciraaq ah
sannadkii 2005.
Maxkamadda sare waxay
diidday dalab ka yimid qoyskan reer Ciraaq sannadkii 2005, kadib markii
maxkamadda gobolka Den Haag ka celisay dhalashadii Nederlaan. Sababtu waxay
ahayd iyadoo reerkaasi ay dalabkii dhalashada magacyo iyo da' been abuur ah
u gudbiyay.
Sida uu ku warramay
khabiirka dalabka dhalashada Professor Rene de Groot waxay ku khasban tahay
wasiirka socdaalka ee Nederland inay sida ugu dhaqsaha badan baaritaan ugu
samayso dhalashada Nederlaanka ee ay Ayaan Xirsi haysato. Waxaan meesha laga
saari karin ayuu yiri Professorku in Ayaan samaysay been abuur aqoonsi
markii ay dalbanaysay dhalashada Nederlaanka.
Barnaamij ka baxay
dhowaan TV-ga Holland ayay ku qiratay Ayaan inay markii ay timid Holland
bilowgii sagaashameeyadii bixisay magac iyo da' been ah. Waraysiyo kale ayay
sidoo kale arrimahan ku qiratay walow aan marna su'aal laga keenin
sharcinimada dhalashadeeda Nederlaanka ah.
Hilbrand Nawijn oo madax
ka ahaan jiray laanta socdaalka ee Holland, haddana ah xubin ka tirsan
baarlamaanka ayaa ka codsaday wasiirka socdaalka inay Ayaan ka saarto
waddanka. “Markaan u kuur galo arrinta, waxa qummanayd inaan ku celino
Keenya. Markii aan ahaa madaxa laanta socdaalka, waanu celin jirnay dadkaas
oo kale” ayuu yiri Nawijn.
Professor De Groot oo
hadalkiisa sii wata wuxuu yiri, wasiirka socdaalku waa inuu si dhaqso ah fal
ula yimaadaa, maadaam ay Ayaan tahay xubin baarlamaanka ah. Haddii ay been
ka sheegtay aqoonsigeeda, xaq uma lahan inay baarlamaanka ka mid ahaato.
Wasiirka socdaalka Verdonk oo ay Ayaan isku xisbi yihiin oo shalay hadlaysa
ayaa tiri Ayaan wax soo gaaraaya ma jiraan mana ahan inay cabsato.
Qareennada u dooda
qaxootiga ayaan iyana arrintan la dhacsanayn. “Dadka isku si loo lama dhaqmo”
ayay tiri Loes Vellinga oo ah madaxa ururka ay leeyihiin qareennada u doodda
qaxootiga. Waxay intaas ku dartay inay ogtahay dad ay qareen u ahayd oo been
ka sheeg magac awgiis waddanka lagaga saaray.
Ayaan ayaa ah shaqsi
inta badan dhalisa muran iyo sawaxan weyn, iyadoo dadka inta badani u
aaneeyaan inayan ku soo biirin siyaasadda gudaha Holland waxyaabo keenaya
isu soo dhowaan ee ay xoogga saarto kala faquuqa bulshooyinka. Arrintan ku
saabsan shaqrcigeeda muranka dhaliyay ayaan dad badani aaminsanayn inay
sababayso in laga saaro waddanka sidii ku dhacday qoyskii reer Ciraaq.
Sababta ugu weyn ee loo aanaynayo ayaa ah iyadoo xisbigeedu ka mid yahay
dawladda oo ay ku leeyihiin wasiirka qaabilsan socdaalka.
Isha warka: trouw.nl
Tifaftirkii Samaddoon.
Halkan ka Daawo Barnaamijkii TV-gu ka diyaariyey:
(Ka hadlaya Luqadda-Holland)
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2006
Madaxweynaha
Soomaaliya oo Galabnimadii Khamiista Ka Dhoofay Liibiya
Waftiga madaxweynuhu waxa uu kusii jeedaa magaalada
Guji..
Jabuuti oo laga
helay Hargabka Shimbiraha
Dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in...
Guji...
May 12
Gabar
Soomaaliyeed oo Laga Raadinayo Webiga Mississipi
USA: Booliska Minneapolis ayaa raadinaya gabar
Soomaali ah oo looga cabsi gabo in ay...
Guji... May 11
»Garoonka Kismaayo
oo ay Ka bilaabatay Indho shareer ka Qaadida hablaha Soomaaliyeed...