
Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Nabigu (SCW)
wuxuu yiri: qofkii Ilaahay kheyr la doono diintuu fahansiiyaa. Sidoo kale diintu
waxay sheegtay in cidda dhaxasha nabiyada (CS) ay yihiin culumada. Nabiyaasha ma
cilmi keliyaa laga dhaxlaa mise cilmi iyo camal? Haddaad dhegeysto
muxaadarooyinka ay bixinayaan culumo iyo ducaad ka mid ah kooxahaas kore
waxaadan marna afkooda ka waayeyn iyagoo ka hadlaya Nabigii iyo Saxaabadii,
Axmed Binu Xambal, Ciz Binu C/Salaam, Ibnu Taymiyah iyo salafkii oo dhan.
Salafkii wanaagsanaa maxay ka yeeli lahaayeen arrinta Xamar iyo guud ahaan tan
Soomaaliya? Ilaahay baa og xaqiiqda. Ma aamminsani in waxa culumadaasi ku
kacayso ay ka tahay fahankooda oo sidaas noqday laakiin waxaan aamminsanahay
iney jiraan dano kale ama tartan kale ooy kula jiraan culumo kale ama xasad iyo
xiqdi ay u qabaan qolyahaas kale oo heysta shacabiyad ballaaran. Markaad
fiirisid sida ay wax u cabbiraan qolyohaas kore waxaad mooddaa iney isku qasaan
seddex marxaladood ama afar:
-
Waxaad
mooddaa iney dadka ku leeyihiin maanta Islaamku wuxuu joogaa waqtigii Makka
oo kale marka looma baahna in far la qaado ee waa in keliya la isku koobaa
in wax la sheego! Arrintaasi waa arrin gef ah maxaa yeelay maanta Ilaahay
Islaamka waa dhammeeyey waana daahiriyey marka dhibka na heysta waa mid aan
isu keennay. Waagii Makka arrintu waxay u dhaxeysay muslimiin faro-ku-tiris
ah iyo mushrikiin marka xaggee isbarbardhigaasi yaallaa? Ileyn kuwa Xamar
isku dilaya ma jirto cid gaalnimo caddeysataye. Hadday dhahaan waa in
xikmad la adeegsadaa oo meel hadal looga baahanyahay aan xabbad la gelin waa
arrin la fahmi karo.
-
Mar mar
waxaad mooddaa iney leeyihiin dagaalada Xamar ka socda iyo gebi ahaanba
Soomaaliya oo dhan waa fidno lamana dhexgelikaro. Marka waxey daliishadaan
axaadiista ka hadasha Aakhirusamaanka. Haddii arrintaasi ka dhabtahay maxay
ummadda uga dhexbixiwaayeen oo sida axaadiistu sheegeyso ay baaddiyahaas iyo
duurka u aadiwaayeen? Waa iyaga intaas heshiisyada iyo dhexdhexaadinka ka
hadlayee?
-
Arrintani
waa middaan isleeyahay waxay khuseysaa Soomaaliya. Waa sida Qur’aanku
sheego haddii labo kooxood oo mu’miniin ahi is dagaaleen waa in la
heshiisiiyaa laakiin haddii kooxi ku gardarooto mid kale waa in inta dhinac
looga soo jeesto lagu khasbaa iney usoo noqoto xaqa iyo amarka Ilaahay.
Hadda sida
muuqata nimankii “argagixiso-la-dirirka” ahaa waa diideen dhexdhexaadintii
waxaana cad sida horay loo sheegay ineysan ahayn dad u madaxbannaan fikirkooda.
Weli waxaa hadafkoodu yahay iney ka hortagaan iskuullada lagu barto Carabiga iyo
diinta; sidoo kalana waxay rabaan iney culumo ka dhigaan kuwo ogol xadidda iyo
masaafada kana hadli karin jihaad iyo wax kale toona! Iskuullada iyo
Jaamacadaha ugu badan waxaa iska leh qolyahaas kore mana rabaan iney arrinta wax
ka qabtaan!
Waxaas oo
dhan waxaa ka daran waxay shacabka u tusaan in maxkamadaha iyo isbaheysigu isku
mid yihiin oo labaduba xukun doon yihiin ama dowlado kale soo dirsadeen! Laakiin
waxaan shacabka ku leeyahay haddii shaki idin ka galay waxaad u baahan tihiin in
aad arrimaha u dhabbogashaan. Tusaale u soo qaata wiilkii yaraa ee xaddiiskii
saxiixa ahaa ee uu Imaam Muslim soo saaray oo ahaa: boqorkii lahaa sixiroolaha
ee markuu da’ gaaray ku yiri boqorkii keenso wiil aan kuu baro sixirka anigu
waan gababoobaye dabadeedna la keenay wiil yar. Wiilkii wuxuu ku arkay jidkii u
marijiray saaxirka nin raahib ah oo Ilaah yaqaan. Wiilku nin caqli badan buu
ahaaye wuxuu is yiri oo ninkaan raahibka ah laftiisa maad fiirisid wuxuu hayo.
Wiilkii waxaa u suurogashay inuu sixirkii bartay sixiroolihii sidoo kalana uu
bartay xaqii iyo diintii uu raahibku yaqaannay. Wiilkii si uu u ogaado in waxa
saaxirku hayo iyo waxa agyaal raahibka midkooda Ilaahay agtiisa raali laga yahay
ayuu goostay inuu imtixaan sameeyo. Maalin baa waddadii dadku marijiray waxaa
soo fariistay bahal weyn oo sababay in dadkii oo dhan ka cararo jidkii. Wiilku
isagoo fursaddaas ka faa’iideysanaya ayuu inta dhagax qaatay yiri: Ilaahoow
haddii waxa raahibku hayo agtaada looga jacayl badanyahay waxa sixirooluhu hayo;
Ilaahoow dhagaxaan ku dil bahalkaas dabadeedna inta dhagaxii tuuray buu bahalkii
sidaas ku dilay. Wuxuu wiilku hadalka ku bilaabay inuu arrinta raahibka
hormariyo maxaa yeelay ma oran: Ilaahoow haddii waxa sixirooluhu hayo agtaada
looga kalgacayl badanyahay waxa raahibku hayo, Ilaahoow bahalkaas dil. Marka
waa nasiibdarro haddii dad culumo sheeganayaa ay simaan dad la soo kireystay iyo
dad culumo ah oo kheyr lagu yaqaan.
Sidaan horay
u soo sheegay, haddaad dhegeysato wadaadadaas kore waxay intaas ku hayaan Axmed
Binu Xambal, Ciz Binu C/Salaam iyo Ibnu Taymiyah. Ilaahay adinka iyo culumadaas
isma tuso! Habaar run ah kama wado! Wadaadada kore ma waxay moodeen in iyadoo
canjeelo la iska cunayo janno la galayo? Teeda kale haddaan inteennii kale iska
gaabinnay maxaa dabodhigay dadka dar Ilaahay wax iskugu dayey?
Arrinta 4-aad
ee ay ahayd inaan kuwii hore raacsho waa culumadaas ooy ka maqantahay iney kala
fahmaan sida wax loogu kala sheego dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta kale ee
dowladaha leh. Ma jiro madaxweyne ama dowlad Xamar ka jirta marka hadday u
isticmaalaan qaabka ay culumada waddamada lihi dadkooda ula hadlaan ee ah in la
maqlo xukaamtooda haddaysan macsi amrin. Soow culumadaasi ma khaldana haddayba
hogaamiye kooxeed la soo kireystay oo laga xoog badan yahay u raadshaan qiil ay
dadku uga dambeeyaan? Haa, waana arrin mudan in ay Ilaahay uga baqaan. WALLAAHI
waxaan aamminsanahay haddii labadaas kooxood kuu biirilahaayeen walaalahoodaas
kale (maxkamadaha) xag kasta in maanta dagaaloogayaasha meel looga soo harilahaa
iyadoon loo baahan shacab kale.
Markaan
dowladi jirin sida Xamar oo kale; culayska ugu badan wuxuu fuulayaa dadkii dhaha
waxaan dhaxalnay nabi Muxamed (SCW). Waa iyaga dadka la rabo iney wax
hogaanshaan. Ka warran haddii nabigu (SCW) uga tagilahaa C/hi
Binu Ubeyi
Binu Salool inuu Madiino xukumo? Sida dagaaloogayaasha Xamar u rabaan iney Xamar
hantiyaan baa munaafaqaas loo rabay inuu noqdo boqorka Ansaar laakiin Ilaahay
baa kheyr la rabay Ansaar. Marka xaggeyga waxaa xaqa ku taagan dadka Xamar ka
horeynaya in dagaaloogayaashu masaajidda, dugsi-Qur’aanka iyo iskuulada xiraan.
Marka “caalimkii” dagaalooge wax u ogol oon maxkamadaha wax u ogoleyn wuxuu la
mid yahay qof munaafaqaas wax u ogol oo nabiga (SCW) wax u diiddan.
Arrinta kale
ee aad caamada iyo qolyahaas kore ka wada maqleyso waa iyagoo dhaha: Islaamka
haddeer lagama hadlikaro oo adduunkoo dhan baan rabin marka waa in si aysan
taasi u dhicin xukunka loo daayaa dagaaloogayaasha! Waana arrinta sababta in la
arko qaar kooxahaas ka mid ah oo intaas la shiraya madaxda “dowladdii” Kenya
lagu soo dhisay. Horta dowladda la sheegayo waxay xaggeyga ka tahay xuubka
caarocaarada/caarada ee aan kor ku soo sheegay. Dowlad waxaa u baas leh midda
aan dadkeeda wax u qabankarin. Abaar kama caawinkarto, oo dad isdagaalaya ma
kala dhexgelikarto, xudduudaheeda cadow kama ilaalinkarto, xitaa ma tagikarto
magaalooyinkii Soomaaliya ugu waaweynaa. Ka warran, muslimiintii Madiina tagtay
imisay boqolkii ka ahaayeen dadka adduunka maalintaas joogay? Shaki ma leh iney
boqolkiiba hal ka yaraayeen. Marka dadkaas xitaa boqolkii bar ka yaraa oo xitaa
kuwii ehel ugu xigay ay dagaal ku hayeen ayaa dhegaha ka fureystey in la
cabsigeliyo oo ay diinta faraha ka qaadaan marka ka warran culumo maalin kasta
leh: muslimiinta waxay rubuc ka yihiin dadka adduunka ku nool?! Haddaan rubuc ka
nahay dadka adduunka ku nool maxaan u leennahay Islaam iskuma xukumi karno? Ama
aad tusaale ugu soo qaadataan waagii Makka iyo Madiino la joogay oo Islaamku
biloow ahaa oo xitaa muslimiintu ka yaraayeen 0.001% dadka maalintaas adduunka
joogay?
Nabiga (SCW) iyo Salafkii Wanaagsanaa oo Geesiyiin ahaa
Nimanka
sheegtay iney nabiga (SCW) dhaxleenoow ileyn qofkii culumo sheegtay wuxuu
dhaxlay nabigee (SCW) soow ma ogin in habeyn iyadoo magaalada Madiina la baqayo
oo la hadalhayey cadow ku soo duullaan ah la maqley shanqar ka baxaysa magaalada
geeskeeda? Saxaabadii (RC) baa inta qaar is uruursaday dhaheen na keena soo
hubinnee waxa jira. Laakiin waxaa ka horyimid nabi Muxamed (SCW) keligiis oo ku
jooga faras uu Ubuu Dhalxa (RC) lahaa kana soo noqday meeshii shanqartu ka
yeeraysay dabadeedna yiri: yeysan cabsi idin gelin meesha col ma joogo ee wuxuu
ahaa faras iska ordayey. Marka ma ninkii ka horyimaada isbaheysiga sheydaanka
baa raacay nabiga (SCW) mise midka carruurtii iyo haweenkii hoosta ka galay
iyadoo raggaas la soo kireystay dhibka wadaan? Dagaalkii Xuneyn isna waa ogeyn
geesinimada uu nabigu (SCW) muujiyey.
Ma Axmed Binu
Xambal (RC) baa saxsanaa markuu caddeeyey inaan Qur’aanku ahayn makhluuq mise
culumadii xeeladeysatay? Hadda ma culumada leh waxaan rabnaa in la isku xukumo
Kitaabka Ilaah baa saxsan sida Shariifka iyo Sheekh Xasan Daahir mise kuwa leh:
waa in xukunka loo daayaa “wasiirrada” dowladda ee la soo doortay?!
Soow Ibnu
Taymiyah (RC) iyadoo xukaamtii Shaam ka cararayaan dhulkey xukumeen iyo
shacabkoodii markay maqleen Tataarkii baa duulaan soo ah ma oran war jooga
annagaa idin difaaceynee? Haddii iyadoo xukaam joogto uu Ibnu Taymiyaa sidaas la
lahaa, ka warran iyadoon xukaam joogin sida Xamar? Soow markaas isagu howshaas
dhabarka uma riteen? Marka haddaad diinta moodeen keliya iney tahay culuum la
akhriyo haddee wataas siiradii Salafka aad sheegataan inaad raacdeen.
Waxaa la
sheegaa waagii ay gaaladu qabsaneysay waddamada muslimiinta in iyadoo mar Shaam
lawada qabsanrabo rag ducaad ahi ay soo mareen sheekh fiqi ka hadlaya oo leh:
haddii haweeney gar usoo baxo ma iney deysaa mise iney xiirto! Haddayse xiirto
ma ku dambaabeysaa?! Waxay ku fiicneyd inuu ka hadlo axkaamta qofkii carara
iyadoo jihaad lagu jiro. Maxaadse intaas Xajaaj Binu Yuusuf u maagtaan
haddeydaan ka hadlikarin kuwaan aan xitaa fartiisa gaarin?
Waxaan
shacabka u sheegayaa iney sidii wiilkii yaraa een ka soo hadalnay ay u fiiriyaan
labada qolo kee la qaataa. Anigu marna ma lihi: maxkamaduhu dambi ma leh ama
khalad ma sameeyaan laakiin waxaan aamminsanahay inaan la isbarbardhigikarin
iyaga iyo isbaheysiga sheydaanka. Marba haddii xaddiis sheegay in mar uu rati u
dacwooday nabiga (SCW) ayaa sidaas si ka daran waxaa noo damqaya qeylada iyo
baroorta ka yeeraysa carruurta iyo dumarka Soomaaliyeed ee uu dagaalku qabsaday.
Marka waxaan leeyahay war meeye raggii haweenkaas qabay oo carruurtaas dhalay?
Meeye raggii la dhashay haweenkaas ama carruurtaas? Marka raggaas la soo
kireystay ma deynayaan dhib iyo shar e’ waa in hal meel looga soo wadajeestaa.
Waxaan shaki lahayn in uu khasaaruhu yaraanayo haddii shacabku hal mar ku kaco
kuwaas la soo kireystay. Haddii raggaasi diidaan iney maxkamadaha caawiyaan
waxaa dhaceysa in maalin kasta intaas oo carruur iyo dumar ah ay dhintaan sidoo
kalana ay boqollaal ka mid ah dhaawac noqdaan dabadeedna raggaasi sidii
haweenkii oo kale hadhow u baroorto.
Maaddaama ay
dagaaloogayaasha na horboodayeen 16 sano, soow ma habboona inaan hal sano ama
labo sano aan kuwa maxaakimta tijaabinno? Hadday la mid noqdaan dagaaloogayaasha
haddee mar dambe ma soo dhoweyneyno. Teeda kale waxaa adduunku markhaati ka ahaa
in mar Luuq ahayd magaalada Soomaaliya ugu nabadgelyada badneyd mar wadaado
joogeen. Hadda bal Luuq ka warrama? Waxay maraysaa in la yiraahdo xitaa
cajaladihii diiniga ahaa lama dhegeysankaro iska daa in uu halkaas wax ka
akhriyo sheekh Ilaahay yaqaane.
Marka waxaan
culumadaas kore iyo shacabka u sheegayaa haddii wax laga qabanwaayo isbaheysiga
sharka iney dhicidoonto wixii Luuq ka dhacay oo ah in la yiraahdo lama maqlikaro
cajalad uu duubay Shariif C/Nuur ama Cumar-Faaruuq ama Boqolsoon (RC) iyo culumo
kale. Haddii taasi dhacdo haddee qolyaha maxkamadu waxay dhibka ka galayaan
meeshaad idinku ka gashaan.
Ogaada in
laga sheego C/hi Binu Cumar Binu Khidaab (RC) inuu dhihijiray: waxaa adduunyo
iga seegay oo keliya inaanan la safan Cali Binu Abii Daalib (RC) markay
Mucaawiye (RC) is dagaaleen. Marka waxaa cad inuu ka shallaayey arrintaas. Marka
waxaa nasiibdarro ah innagoo u jeedna danta gaalada ee ah in la xiro dugsiyada
iyo masaajidda ineynu dhahno labadaas kooxood ma dhexgeleyno ama qolo heblaa
wadda dhulballaarsi.