Dowladdii cidla joog,
maxay curatoo dalka keentay?
A.D.
Elmi
adelmi@hotmail.com
Haddey
in badan dibad joog ahayd, haddey in badan foolanaysay, haddey
curatoo is keentay, waxaa la is weydiinayaa maxay dhashayoo banka keentay,
hooyadu ma caafimaad qabtaa, cunuggu ma nool yahay, ma dhicis baa mise waa
dhamays, mase caaafimaad qabaa, ma dhedigbaa mise waa lab? Waa su’aalaha
caadiga ah ee dadku is weydiiyaan....
Dib u
heshiisiintii ugu waqtiga dheereyd ee abid loo qabto dadka ay dilootay
darxumooyinka ay dagaalada sokeeye sababeen ee ku dhaqan geeska Afrika,
ayaan ilaa iyo hadda u horseedin wixii ay hiyiga iyo laabta ku hayeen, in
badan oo Soomaali ahi waxay ku fekerayeen in uu soo gabagboobay waqtigii
fowdada iyo kala dambeyn la’aanta, loona gudbayo wixii haatan ka dambeeya
horumar iyo hannaan dowladnimo oo ku salaysan hab wanaagsan oo loogu magac
daray Federaal, kaas oo ku cusub guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo dhan.
Waqtiga oo ah
waxa ugu qiimo badan ee shakhsi banii’aadam ah ama wax ka badan soo mara,
ayaa si xun loo isticmaaley, kaddib markii ilaa laba sanadood la fadhiyey
dalka dariska ah ee Keenya oo naf ahaantiisa ay ragaadiyeen maamul xumo iyo
musuq maasuq gaarsiisan heerka ugu sareeya, waxaa la kharash gareeyey lacago
aad u tiro badan oo loo weecin karay dhinaca samafalka ee inta ku
tabaalaysan gudaha dalka Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee waqtigii iyo
kharashkiiba waxaa loo adeegsaday si aan tashiil iyo talaba ku dhisneyn,
inkastoo haddana aan beesha caalamka wax badan lagu eedayn karin.
Waxaa la
yagleeley Baarlamaan la sheegay inuu ku dhisan yahay 4.5 oo loola jeedo
awood qeybsiga beelaha dalka Soomaaliya oo dhammaantood doonaya inay ka soo
muuqdaan nidaamka Soomaaliya yeelanayso, waxaa la doortey madaxweyne, waxaa
la magacaabay ra’iisul wasaare ka dibna waxaa la dhisay gole wasiiro oo
iyaguna habka awood qeybsiga salka ku haya, ugu dambeyntii waxaa laga maarmi
waayay in gudaha dalka Soomaaliya la soo caga dhigto, waa la soo guurey si
habqan ah oo aan nidaamsanayn iyadoo weliba niyad samina aysan jirin.
Haddaba soo
guuridii dowladda ka gadaal waxaa jira su’aalo badan oo shacabka
Soomaaliyeed ay is weydiinayaan: Dawladdani sidee u shaqayn doontaa, iyaga
gudahooda ma ka heshiin karaan, xubnaha galay dawladdaan qeybaheeda kala
gadisan ma yihiin shaqsiyaadkii u qalmay inay wax u qabtaan shacabka
mas’uulka looga dhigay, ma bed qabaan maskax ahaan, nidaamka ay sameeyeense
ma yahay mid saamaxaya in dalka iyo dadka uu horumar ku talaabsado? intaas
oo su’aalo ah waxay ka dhex guuxayaan maskaxda dadka caadiga ah ee dowlad
doonka ah, waana kuwan iyagoo ka jawaabaya:
1-
haddey in badan cidla joog ahayd:
mudadii dheereyd ee ay Kenya joogtay dhib badan ayaa soo gaaray (waxaa la
dilay oo shirqool loo maleegay in badan oo ka qeyb qaadanaysay hannaankii
dib u heshiisiinta, kuwo kale waa la garaacay oo waa la jir dilay, kuwo waa
la xiray, kuwo kale waa la sharaf dilay waxaa ku dhacay wixii dhibaato ahaa
ee uu la kulmi lahaa qof dhulkiisii ka maqan deegaanka uu tegayna aan laga
xurmeyneynin).
2-
Haddey in badan foolanaysay: wey
saxriirtay, majiirashadii iyo docashadii mudada dheereyd, wey daashay oo
diihaal fara badan ayaa ka muuqda, weyna danqanaysaa haatan.(waa dowlad
magac ahaan u taagan oo khatar ugu jirta inay fashilanto)
3-
Haddey curatoo is keentay: halkii
ay gurguurasho iyo socod barad ka noqon lahayd ayaa hal mar lala booday
waana la orodsiiyay ilaa ay iska hortimaaddo iyadu.
4-
Maxay dhashayoo banka keentay:
waxey banka keentay noole aan la aqoon wax lagu suureeyana
aysanba jirin (dastuur aan lagu dhaqmeyen,sharcigoo lagu tunto madax iyo
maamul aan kala dambeyn laheyn oo is wada qaniinsan, is qoonsan oo
qalbigoodu uusan saafi isu ahayn).
5-
hooyadu ma caafimaad qabtaa:
Xaggey caafimaad ku aragtay weligeedba maskax xanuun iyo xanaaq
joogto ah kama aysan buskoone, in ka badan 14 sano ayay colaad iyo rasaas is
qabeen, ma iyadaaba xasishayba .
6-
cunuggu ma nool yahay: cunuggu
waa nool yahay, maxayse noloshiisu kuu tartaa? (hadii dowladdu aysan itaal
laheyen, shacabkii kala tagayna isu keeni karin oo iyadii in leysu keeno u
baahan maxay golayaasheeda iyo habka loo dhisay kuu tarayaan).
7-
ma dhicis baa mise waa dhamays:
waa dhicis maadaama ay meesha ka maqan yihiin maamulka haatan ka jira
Waqooyiga Soomaaliya, isla markaana aysanba jirin meel ay ka taliso).
8-
mase caaafimaad qabaa: xagguu
caafimaad ka keenayaa hooyadii dhashaanba weligeed caafimaad arage (Dawlad
dagaal ooge dhalay uuna soo dhoodhoobtay ma rajaad ka sugaysaa mise fiyoobi
iyo wax qabad).
9-
ma dhedigbaa mise waa lab: Midna
maaha iska dheh, (Waa dawlad aan la garan karin waxa ay tahay ma federaal
baa, ma Jamhuuriyad baa (Rebuplic) ma boqortooyaa, ma dimuqraadibaa, ma
shuuciyad baa, ma ismaamul Koonfureedbaa maxay tahay, maxay ku dhaqmi
doontaa, ma Diin mise Distuur..?).
Sagaalkaan qodob oo laga yaabo in dadka qaar
riwaayad u qaataan, ayaa waxey yihiin su’aalihii iyo jawaabihii dhamaan ka
wada imaanayay dadka Soomaaliyeed qaarkood oo iyagu haatan dhaliilsan sida
wax u socdaan, halka dadka qaarkiisna ay ka cabsi qabaan in dowladdani ay
mar kale dalka u horseeddo dagaal sokeeye, waxaa haatan gobolka Banaadir ka
soo cusboonaadey dagaallo wajiyo cusub leh oo aan horey uga dhicin dalka
Soomaaliya kuwaas oo ay hal abuurkooda iska leeyihiin qabqablayaasha
dagaalka, gaar ahaan kuwa Muqdisha, iyagoo weliba maanta xambaarsan xilal
qaran, dagaalka ku salaysan in lala dagaalamo wax loogu yeero argagixiso aan
la garanayn halka ay joogto oo lagu baadigoobayo madaafiic culculus iyo wax
loogu yeero gaalo raac oo iyagana lala beegsanayo hub culus, ayaa dhexdooda
waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo ruux oo ah shacab aan waxba galabsan,
waxaana daqiiqad kasta la filan karaa inuu dagaal kale qarxo oo dad kale ay
ku le’anayaan, dhaawacmayaan ayna ku barakacayaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa
muuqanaysa in dowladdani ay ku fashilantay wixii loo dhisay, ayna waqtigeeda
ku dhamaysan karto inta ka hartay iyadoo wareegaaleysanaysa tuulooyinka
dalka Soomaaliya, waxaana la oran karaa haddii ay shalay cidla joog ahayd oo
ay iska fadhisay dalka dariska ah ee Kenya, maantana waa tuulo joog aan wax
qabad lahayn.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2006