SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mareykanka: Soomaaliya Khasaaro iyo Faaiido.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


18-kii Beeshii feebaraayo ee Sanadkan ayay ahyd markii Wasiiro iyo Ganacsato ay ku dhawaaqeen Isbahaysi loogu magacdaray la dagaalanka Argagixisada iyo Rajo so celinta, iyadoo maalinkii lagu dhawaaqay maalinkii xiganayna uu dagaal qaraari ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Deyniile, sidoo kale waxaa ku xigay dagaalkii ka dhacay isna Galgalato, iyadoo haatan uu socdo dagaal isna ka socda xaafadda Sii Sii ee kala qaybisa xaafadaha Yaqshiid iyo Kaaraan.

Ku dhawaaqista Isbahaysigaasi ayaa lagu tiriyay mid uu ka dambeeyay sameynsankiisa Dowladda Mareykanka, iyadoo ku bixisay qarash fara badan inkastoo Dowladda Mareykanka ay dhowr jeer inkirtay in ay wax dhaqaale ah siisay Hogaamiyaasha Hubeysan ee Soomaaliya, balse dhawaan afhayeen u hadlay Dowladda Mareykanka waxa uu shaaca ka qaaday in Dowladda Mareykanka ay gacan siisay kooxo ku sugan Magaalada Muqdisho oo dagaal kula jira kooxo asal raac ah, wuxuuna qarashkaani sabab u noqday waxaan ku tilmaami karno labadaba Khasaaro iyo Faa’iido.

Doraad oo aan ka qaybgalay Xaflad lagu furayay Dugsi uu Dayactiray Cabdi Nuure Siyaad ayaa waxaan halkaasi kula kulmay Macallin wax ka dhiga Dugsigaasi waxa uuna yiri “Wallaahi Ilaah baa Mareykan nooga soo qaaday maanta cid noo dayactiri lahayd ma jirto, waayo Dugsigaasi mudo 15 sano ah ayuu dayactir la’aan ahaa”.

Nin odey ah oo insa ku jiray Xero Qaxooti ah oo ku taala agagaarka Garoonka Diyaaradaha oo isna ay wax ka soo gaartay xoogaa raashin ah oo uu bixiyay Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa waxa uu yiri “Lacagta Mareykanku uu ku howlgelinayo Isbahaysiga, waxaan oran karnaa faa’iido ayaan ka helnay dhanka kale haba ku wadato caqabadee”, sidoo kale nin isna dhowr kaariko ciid ah iyo dhagxaan ah geeyay agagaarka Km4 ayaa isna wax ka yiri arrintaan isagoo yiri “Qarashkan Baladka soo galay nin waliba si dadban ayuu uga faa’iideysanayaa, qudheeda waxbaa iga soo gaaray, waayo celcelis ahaan inta I soo igasha maalinkii oo dhan waxaan oran karaa waxaaba ka badneyd inta I soo gashay hal tariib oo aan geeyay Caro, walow ay jid gooyntaasi ay dhibaata ka keentay Isku socodka gaadiidka iyo dadkaba.

Cabdi Qaybdiid: Nambarka 11-aad
Nambarka 11-aad waa nambar ay si aad ah u xiiseeyaan cayaartooyta gaar ahaan kuwa ciyaara kubadda Cagta, waana nambar ay xirtaan weeraryahanada iska soo horjeeda ee wada ciyaaraya, waana nambar marka la fiiriyo ku fadhiya haybad gaar ah, yaanan kugu daaline ka faaleynta nambarka 11-aad aan u guda galo gun dhiga sheekadda, waxaa dhawaan nambarka 11-aad ka noqday Isbahaysiga La Dagaalanka Argagixisada Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Guji....

Labo nin oo Dhallinyaro ah oo ka shaqeysa Suuqa Cir-Toogte ee Bakaaraha ayaa midkood kii kale ku yiri “war ninyahow maanta faa’iido badan ayaan ku dhiftay”, “Wallee oo xaggee kaa soo gashay”, waxa uu ugu jawaabay “war ma ogid miyaa lacagta faraha badan ee uu Mareykanku soo geliyay dalka” “oo maxay tahay taasina” ayuu weydiiyay “waa lacagtii la siiyay Isbahaysiga la dagaalanka” ayuu u daba dhigay “oo sidee ayaad uga faa’iiday”? ayuu su’aalay “Maantaa waxaa ii yimid koox dooneysay Rasaas, gorgortan ka hor ayaa u sheegay qiimo macquul ah oo aan kii saxda ahaa ahayne, balse aan uga faa’iideyso lahaa degdegsiinyada ku jirtay, markiiba midbaa waxa uu yiri war waxaad hayso labadaasi gaari ka buuxi, hoona lacagtaada, sidii ayaana ugu raray gaarigii lacagtiina uga qaatay, waxaana iskula hadlay aryaa kuwaan oo kale mar waliba na soo aadiya” ayuu hadal dheer ku soo gebgabeeyay ninkii, kii kale oo ka xun waxa seegay isaga ayaa yiri ‘war ninyahow haddii mar kale aad aragtid raggaasi wax iga soo gaarsii waa tii aan Suuqa aan isku caawin jirnay’e, Abuu-Bidaarkana laysma dhaafiyo, walow uu kanni ku sii jirinba oo Mareykan baa soo faraqaya inta uu is leeyahay Ummadda Soomaaliyeed ku baabi’I anaga faa’iideeyo ayaa noogu jirtaba” waxa uuna intaa ku sii daray isagoo markaan dhinaca naxariista fiirinaya “Allow ka leexi Rasaasta ay qaateen Bulshada”.

Dhanka khasaaraha ee uu keenay qarashkaan Mareykanku sida xowliga ah ugu taageerayo qabqablayaal aan nixin dagaal dhex mara iyaga Kuwa Maxaakiimta ilsaamiga ah, waxaana kii ugu dambeeyay ay wax ka soo gaareen dad fara badan sida Dhimasho, Dhaawac iyo Barkac, waxaana Isbitaalka Madiina kula kulmay Wiil yar oo todobo jir ah oo labada lugood ay ka go’an yihiin kaasoo Aabihii ak fadhiyay aadna u murugeysnaa waxa uuna yiri “Mareykanku waxa uu dhihi jiray qabqaylayaasha dagaalka Soomaaliya waxaan saarayaa Maxkamad, waxaase yaab leh in maanta uu iyaga dhaqaale nagu sii yay, waxaana ii caddaatay in Mareykanku uu doonayo in dadka Soomaaliyeed ay isku baaba’aan, wiilkeyga Yarka ahna maanta labadaasi lugood kama go’een haduusan Mareykanku dhiiragelin lahayn qabqablayaasha dagaalka iyo cid kasta oo qandaraas ku soo qaadata dhibaateynta bulshada Soomaaliyeed.

Qarashka iyo dhaqaalaha uu bixiyay Mareykanku waxaa la dhihi karaa waxa uu keenay khasaaro iyo Faa’iido, mid waa iyadoo uu hoos u dhac ku yimid Shillinka Soomaaliga, sidoo kale lacagtaasi uu Mareykanku faraqay waxay keentay in ay ka faa’iideystaan Hogaamiyaashii gacanta laga saaray, waxaana la sheegay in intooda badan ay dhisteen guryo Qurux badan ku yaala Magaalada Muqdisho.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
 amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD