Ka: Qabyaalad ku: Qur’aan
Qaybtii
Koowaad

Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Bal aan
fiirinno aayadihii Qur’aanka ugu soo hordegay. Ilaahay wax akhrin buu ku
bilaabay iyo inuu yahay Rabbigii iyo Abuurihii. Ilaahay makhluuqaadkiisa wuxuu
markiiba ka xusay dadka Isagoo wax ka iftiimiyey tadawurka dadku soo maray.
Sidoo kale deeqsinimadiisa aan dhammaadka lahayn iyo cilmi buu ku xusay. Waa
kuwan aayadihii:
اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ
.
خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ عَلَق .
اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَم.
الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَم .
عَلَّمَ
الْإِنْسَانَ مَا لَمْ يَعْلَم
ْ
Aayadahaasi waxay tusinayaan sida binu Aadamka Ilaahay u sharfay oo waan aragnaa
markii Ilaahay sheegtay sifada abuuridda inuu dadkii ka xusay Isagoon xusin
malaa’ig, makhluuqaad kale, cirar iyo dhulal midna toona. Markaad shantaas
aayadood akhriso waxaa kuu soo baxaya labo arrimood oo haddaad u dhabbogasho ood
ku dhaqanto kaa hor istaagaya qabyaaladda. Waa haddaad fiiriso meeshaan ka nimid
iyo tadawurkaan soo marnay oo ay ugu horreyso ciiddii nabi Aadam (CS) laga
abuuray. Tan kale waa aayadaha oo lagu xusay akhrin iyo sida uu Ilaahay dadka u
baray cilmiga. Xaggee laga keenay waxaan afafka qalaad lagu yiraahdo “stick and
carrot approach”? Adduunku maanta waa dooriyeen fikraddaas oo gar iyo gardarraba
waa loo isticmaalaa! Ka warran Maraykanka oo dagaaloogayaasha Xamar karooto
siinaya? Marka qofkii Ilaah isku taaga wuxuu Allaah milicsiiyaa meeshuu ka yimid
sida aayadaha Qur’aanka ugu horreeyaba xuseen:
أَوَلَمْ يَرَ الْإِنسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِن نُّطْفَةٍ
فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ
Ilaahay
wuxuu leeyahay miyuuna qofku arag oo u dhabbogelin inaan ka abuurnay biyo waana
isagooba ah doodbadane cad.
Bal
Xaddiiskani oo Abuu Daa’uud soo saaray hanoo bayaansho meeshaan ka nimid:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم إن الله عز وجل قد أذهب
عنكم عبية الجاهلية وفخرها بالآباء مؤمن تقي وفاجر شقي أنتم بنو آدم
وآدم من تراب ليدعن رجال فخرهم بأقوام إنما هم فحم من فحم جهنم أو ليكونن أهون
على الله من الجعلان التي تدفع بأنفها النتن
Rasuulku
(SCW) wuxuu yiri: ALLAAH CAZA WAJALLA wuxuu idin ka tagsiiyey sheegsheega iyo
isugu faanka jaahiliyadda aabbayaasha (qabiilka); waxaa jira mu’min taqi ah iyo
faajir hoogay; kulligiin ilmo Aadam baad tihiin, Aadamna ciid baa laga abuuray;
wey ka tagayaan niman ku faanka qolo noqotay dhuxushii Jahannamo (mushrikiintii
dhimmatay) ama waxay Ilaahay agtiisa ka ahaanayaan kuwa ka liita xaar-walwaalka/doorshaanka.
Sidoo
kale qofkii Ilaah ka baqa isaga laftiisa waxaa la milicsiiyaa halkaan ka nimid
oo ah aabbaheen Aadan iyo hooyadeen Xawaa laakiin waxaa lagu sheegay inuu yahay
kan dadka ugu sharaf badan. Bal aayaddan cajiibka ahna aan ku darno:
يَا أَيّهَا النَّاس إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَر وَأُنْثَى
وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِل لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمكُمْ عِنْد اللَّه
أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّه عَلِيم خَبِير
}
Aayaddu
waxay leedahay: dadoow waxaan idin ka abuurnay nin iyo haweeney waxaanna idin ka
dhignay shucuub iyo qabaa’illo si aad isugu garataan; qofka idiin ku sharaf
badan Ilaahay agtiis waa kiinna ugu taqisan.
Waa kee
qofka noqon kara taqi? Wey dhici kartaa qof fidrada ku taagan oo fahmay meeshuu
ka yimid inuu noqdo qof wanaagsan hadduu helo culumo fiican laakiin sida
qaalibka ah taqwadu waxay rabtaa cilmi iyo camal. Bal aan fiirinno aayaddii
Ilaah ku lahaa:
إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ
اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ
Waxaa
Ilaahay ka baqa adoomadiisa culumada ah.
Yacni
waa baqdinta saxda ah maxaa yeelay qofka caalimka ah wuu u jeedaa wuxuu
sameynayo iney sax tahay iyo in kale halka qofka caamiga ahi uu cid kale ku
xiranyahay.
Marka
haddaynu xaggii cilmiga ka gaabinnay waa ineynaan hilmaanin halkeynu ka nimid.
Marka qofka caalimka ah ma qabato maahmaahyaha ah: fiqi tolkiis kama janno tago.
Ama: tolkaa iyo kabtaadaba bartankaa looga jiraa. Caalimkaasi ma aha kitaab-gaab
oo sida walaalo badan soo qoreen dhaha: haddii qabiilkeygu saxanyahayna waa
saxnahay hadduu xumaadana waan la xumaan. Laakiin caalimku wuxuu maqlaa Ilaah.
Waxyaalaha caalimku daliishado waxaa ka mid ah aayaddan:
لَا
تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ
حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ
إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ
وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا
الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ
أُوْلَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Aayaddu waxay
leedahay: ma heleysid qolo Ilaahay iyo Aakhiro rumeysan oo kalgacal u haya dad
ka horyimid Ilaahay iyo Rasuulkiisa, dadkaasi haba ahaadeen aabbayaashood,
ilmahooda, walaalahooda iyo xigaaladooda ilaa dhammaadka aayadda.
Sidoo kale
waxay maanka ku hayaan xaddiiskii nabiga (SCW) ee ahaa qofna laguma adeecayo
macsida Abuuraha. Marka duulkaas Ilaah ka baqa cidna xumaan kuma raacaan haba
ahaadeen dadka dad ugu dhow sida waalid, wiilashooda iyo walaalahoodaba.
Sidee
qabyaaladda looga tagaa? Horta aan ku biloowno inaan dadkeenna Soomaaliyeed u
kala qeybinno dhowr qeybood iyo sida ugu fiican ee aan isleeyahay waa inaan
qabyaaladda uga dhexbaxnaa.
-
Dad yar
oo ay diintooda ama fidradu ka celisay iney qabyaalad adeegsadaan laakiin
waaba hadday jiraan. Kuwaasi mar kasta bannaankey ka joogaan wax qabyaalad
ku saabsan waana iney sidooda ku jiraan.
-
Sida
dhallinyarada iyo dadku u badanyahay oo ah: dad qabiilkooda wax kasta ku
raaca. Marka waxaa noo fiican inaan shuruudihii towbadda la nimaadno oon
marka hore joojinno ku dhaqanka qabyaaladda oon ku biirno qolyaha kore.
Kaddiba ka xumaanno waxaan horay u sameynay sidoo kalana goosanno ineynaan
mar dambe wax macsi ah aynaan qabiilkeenna iyo qabqablayaasheenna ku raacin.
Ugu dambeyntana wixii xaq ah oo laga heysto qabiilooyinka kalana loo cesho.
-
Kuwa
seddexaad waa dadka horbooda qabiillada ha ahaadeen hogaamiye dhaqameed,
siyaasadeed ama dagaal. Waxaa fiican in hogaamiyayaashaas la gacanqabto xag
dhaqaale iyo xag wax baridba. Dadkani waa dad ay qabiillooyinkoodu aad uga
dambeeyaan. Marka haddii wax la baro oo loo xoologooyo waxay u dhowdahay
iney ka marmaan sandareerooyinka ay ka helayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed
dabadeedna dadkooda u hogaanshaan sida Ilaah rabo.
-
Qolodan
ugu dambeysa waa kuwa aan muuqan ooy dhicikarto in qaarkood gaalo yihiin
ama munaafiqiin oo iyagu aan qabiilkooda la dooneyn meel kheyr leh. Marka
dhibtoodu waa yaraaneysaa haddii dadku ka tago qabyaaladda.
Halkee
wax laga bilaabaa? Anigu waxaan u arkaa inta Soomaali uu u soo baxayo hogaamiye
caalim ah oo taqiya oo dadka u hogaamiya xagga Ilaahay inaan arrintu fari ka
qodneyn. Marka qeybta labaad waxaan ku fiirindoonnaa haddii Ilaah idmo iyadoo
aan ka baqayo in Xamar iyo Soomaaliya oo dhami isu bedesho goob dagaal oo
cadowgeennu iska horkeenno hogaamiye kooxeedyada dabadeedna dadka badankiisu
halkaas ku dhammaado kaddibna dadku garto in xalku yahay Islaamka. Waa markii
aan cadowgeenna u jabno ooy dhicikarto in dowlado kale na qabsadaan. Marka la
soco qeybta labaad haddii Ilaah idmo.
Ma Maraykan baa Itoobiya naga Hortaagan :
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

|